Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Suldaan Cismaan oo ka Tanaasushay Baaqoodii Shareecada ee ay kaga dhawaaqeen magaalad

Recommended Posts

NASSIR   

A well-written opinion from a "Somali-lander"

 

 

Waa xaq darro xadhigga Suldaan Cismaan iyo Xoghayntiisu

Posted to the Web Dec 05, 12:29

 

aayaha.com

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaannu dhisnay Distoor Calmaani ah”- British Broadcasting Corporation World, The World Today, 19th Aug. 2006

 

Madaxweynaha Somaliland: “Waxaannu hirgelinney Dimoqraaddiyad calmaani ah”, The Daily Telegraph, Friday 27th Oct. 2006.

 

01/12/06 ayaa suldaanka laga afduubay gurigiisa magaalada Burco oo loo taxaabay xabsi ku yaalla Mandheera. Suldaan Cismaan Suldaan Cali waxa lala qabtay oo isna xidhan Maxamed Faarax Aadan oo ka mid ahaa shir guddoonkii kulan Burco ka dhacay 30/11/06, shirkaas oo lagu guddoomiyey in Habar Yoonis ku maaraynayso arrimaha gudaheeda degaan ahaan ku dhaqanka shareecada islaamka, waxana shirku dawladda Somaliland iyo tolalka kale ee ay walaalaha yihiinba ugu baaqay ku dhaqanka shareecada islaamka.

 

Aan idhaahdo Somaliland halis bay daaqaysaa. Waxa cagta lagu hayaa waddaddii burburka. Jarkii hoogga ayaa maalinba maalinta ka dambaysa lagu sii durkayaa. Kelitalisnimadu waa hooyada halaagga. Car juuq dheh iyo ku tumashada xuquuqda, milgaha iyo haybadda waddanigu waa astaantii ifafaalayaasha baaba’a qanuunka iyo kala dambaynta. Haddii distoorka iyo xeerarkiisu ay ka dul kici waayaan oo ku dul abaarsadaan waraaqaha ay ku qoran yihiin, haddii madaxda qaranka iyo hay’adaha dawladdu u dhaqamaan sidii ay doonaan oo lagu gabbood falo xilkasnimo oo dhan iyo mas’uuliyaddiiba, waxa lunta kalsooni oo dhan, waxana si fudud u suula sifooyinkii dawladnimo oo dhan.

 

Dawladda maantu waxqabad la’aanteeda, curyaannimadeeda, indha la’aanteeda iyo musuqeeda, waxa ay ku darsatay dad cunnimadan ay la soo baxday iyo foolxumooyinkan ku xidhiidhsan caqiidada iyo diinta ummadda ee si kasta cagta hoosteeda loo gelinayo ee loogu tumanayo.

 

Sannad in ka badan ayaa laga joogaa markii lixda culimada ah ee argagixisada lagu eedeeyey loo taxaabay xabsiga Hargeysa, culimadaas oo aan ilaa haddeerto wax xukun ahi aanu ku dhicin oo lagu soo caddayn kari waayey wax dembi ah oo ay ka galeen dalka iyo dadka Somaliland. Sida laga warqabana culimadaas waxa lagula kacay jidh dil fool xun oo qaarkood la caddaynayo in dhaawacyo ka soo gaadheen. Culimadaas Hargeysa ku xidhan waxa ka mid Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Sh. Xasan oo beri dhoweyd la faafiyey muuqaallo fool xun (Jidh dil ah) oo lagaga duubay sheekha cajalad video ah, arrintaas oo dawladda Somaliland ku guuldarraysatay iska dulqaadkeeda, ka dib markii ay u saari kari waydey guddi madax bannaan oo ammuurtaas meel cayiman ku tiirisa! Culimada xidh xidhani waxa ay kala yihiin:

 

Sheekh Maxamed Sheekh ismaaciil

Sheekh Axmed-kayse Cali Xuseen

Sheekh Maxamed Maxamuud Nuur

Sheekh Muuse Cali yuusuf

Sheekh C/laahi Maxamed Axmed

Sheekh Maxamed Ibraahim Axmed

 

 

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo Maxamed Faarax Aadan ayaa iyana maanta u godobaysan diinta islaamka. Dembiga lagu haystaa ee xabsiga loogu garbaduubayaa wax kale ma aha ee waa keliya in ay ku baaqeen in lagu dhaqmo shareecada islaamka, ka dib markii ay go’aansadeen in ay degaanka qoyskooda ka hirgelinayaan shareecada islaamka iyo ku dhaqankeeda.

 

Waa ayaan darro in arrintaas oo kale cidba loo xidhaa, waana ayaan darro kale in madax dhaqameed, weliba suldaan beel dhan lagaga xayuubiyaa sharaftii iyo haybaddii uu lahaa. Runtii waa gef iyo xumo xurmo la’aaneed oo loo gaystey Somaliland oo dhan madax dhaqameedyadeeda, salaadiinteeda, ehlul sharafkeeda iyo shacabkeeda. Waa xaq darro ay tahay in laga wada oogsado oo la diido fulinteeda iyo sii socoshadeeda, waana mash-qac la ruubay dadnimadeenna oo haddii aynu haddeer ka diiri wayno, hadhowto inagu noqon doona waran afdhuuban oo fallaadho sumaysan jiidanaya!

 

In dawladdeennu diinta iyo damiirkeenna islaamiga ah la dagaallantaa la yaab ma leh, ha yeeshee waxa yaab leh in aynu hoos u hoganno oo ugu dul qaadanno qorshayaasha lagu fogaynayo soo dhowaynta hirgelinta iyo ku shaqanka shareecada islaamka oo dastuurkeennu oggol yahay. Dawladdeennu ma aha xilkas, mas’uuliyiinteeduna waxa ay la ambadeen xilkaas. Sinaba macquul uma aha in arrintan Suldaan Cismaan Suldaan Cali loo xidhaa. Haddii ay dawladda Somaliland xilkas tahay waxa loo yeedhi lahaa suldaanka oo lagu qancin lahaa ilaalinta iyo kala xadaynta awoodda fulinta ama xukunka dawladda iyo maamulka hoose ee tolalku gudahooda kaga dhaqmaan. Ha yeeshee xadhiggu waa xilkasnimo darro iyo meel-ka-dhac weyn.

 

Dawladdeenna iyo ku dhaqanka shareecada islaamku waxa ay kala fadhiyaan “cirka iyo dhulka”, taas baana keenaysa in ay ka didaan sidii adhi weere arkay dareen kasta oo dhadhan diimeed leh. Shareecada islaamku ma burburinayso Somaliland ee waxa duminaysa siyaasadda dawladda maanta ee xaalad abuurka ah, dawladdan ku faanta diin laawennimada; diin la’aanta ama calmaannimada.

 

Madaxweynaha iyo wasiirkeenna arrimaha dibaddu waxay labaduba dunida u caddeeyeen in ay ku naalloonayaan hirgelinta dawlad calmaani ah; dawlad aan diin wax shuqul ah ku lahayn; dawlad diinlaawennimo ku dhaqanta! 19/08/2006 ayaa wasiirka arrimaha dibaddu arrintaas u xaqiijiyey barnaamijka afka ingriiska ku baxa ee British Broadcasting Corporation ee loo yaqaan The World Today. Madaxweynaheennuna waxa uu arrintaas mid la mid ah ku sheegay wargeyska The Daily Telegraph cadadkiisii soo baxay Jimcihii, 27-kii bisha Okt. 2006.

 

Xadhiga Suldaan Cismaan Suldaan Cali iyo xoghayntiisu waa baaddil xaq darro ah, waana in xukuumadda cadaadis lagu wada saaraa sii dayntooda, waana in dawladdeenna la baraa in xadhigga xaq darrada ahi ka mid yahay waxyaalihii ummaddani ka dagaallantay ee kumannaanku ku naf waayeen, kumannaanka kale ku naafoobeen, kumannaankuna ku maal beeleen ee ku burbureen. Somaliland ma aha quraarad daleel saaran oo dhagaxna hoos yaallo oo iska soo dhacaysa, iskana burburaysa. Suldaan Cismaan Suldaan Cali iyo beeshiisuba waxa ay ka mid yihiin hormuudkii u halgan iyo hawlba galay Somaliland iyo dib u yagleelkeeda, maantana ma ay samayn wax hagardaamo ah iyo waxyeellayn ku qumman qarannimada Somaliland wax sii hagaajinaya mooyaane.

 

Waa in la sii daayaa Suldaanka iyo inta xaq darrada ugu hoyata ee ku xidhan jeelasha waddankeenna dhammaantood, iyada oo maskaxkamad deg deg ahna la horkeenayo dadka dembiyada lagu eedaynayo, gaar ahaan culimada lagu silic dilyeynayo xabsiyadeenna.

 

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Khilaafkii udhaxeeyay xukuumada iyo Suldaan Cismaan Cali Madar oo Maanta lagu soo afjaray magaalada Burco

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

(muuqalka dadweynahi maanta)

hadhwanaag 2006-12-11 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN) Magaalada Burco waxa shalay lagu soo gabagabeeyay khilaaf udhaxeeyay xukuumada Somaliland iyo suldaan Cismaan Suldaan Cali madar oo ka mid ahaa madax dhaqameedyada Beesha galbeedka Burco oo xukuumada Somaliland Xabsiga u taxaabtay, todobaadkii hore markii uu isaga iyo rag kale oo dhamantood ka soo wada jeeda Beesha galbeedka ay soo saareen Bayaan ay sheegeen in beesha galbeedka Burco ay go,aan satay in ay isku xukunto shareeda Diinta islaamka.

 

Shirar in mudaaba u socday xubno ka kala socday sadex aqal ee dawlada oo isku jiray wasiir iyo xildhibaano dhamaantood ka soo wada jeeda Beesha galbeedka Burco ayaa manta waxay Meel fagaaraa ka cadeeyeen in ay soo afjareen Khilaafki mudada udhaxeeyay Beesha dhexdeeda iyado ay go,aamana halkaas ka soo saareen ,

 

Shirkii manta ka dhacay xarunta gobolka Burco oo ay goob jog ka ahaayeen dhamaan xubnihi shirarka ku lahaa magaalada ayaa ugu horayn halkaasi waxa ka akhriyay qodobadii heshiiska ee ay wada saxeexeen labadi

gudidii loo saaray khilaafadka aya halkaasi waxa ka akhriyay Gudoomiyaha Beesha Galbeedka Burco Cawil yuusuf Dhiif .

 

waxaanu ku bilaabay hadalkiisa “ Waanu shirnay waxaana noo qabsoomay shir waanan ku heshiinay shirkaas waxaanu soo saarnay afar qodob oo kala ah

 

1. In suldaanka shuruud la,aan lagu sii daayo

2. In shurucda iyo qawaaniinta u dhigan Somaliland ay tahay Beesha habar yoonis mid ku dhaqmaysa oo ixtiraamaysa

3. Shareecada Islaanku aynu ku dhalanay in Badana ku dhaqmaynmay inta inaga dhimana aynu ku dhaqmaynaa , Sida dasturku dhigaayo Madaxweynahu ku dhawaqay in shareecad Islaanka dhakhso loo fuliyo

4. In aan Beesha Habaryoonis Baaqyo aaanay udhamayn ama cidi u igman soo saari Karin

 

Hadaba intaa ka dib waxa hadalki la wareegay xildhibaan Golaha guurtidaa oo la yidhahdo Cumar Nuur Waaye waxaanu hadalkisa ku bilaabay ‘ Sababtii aanu unimi hore ayaanu usheegnay shirna u qabanay arinta buuqa keentay waa arinti suldaanka lagu xidhay , marka hadii aanu nahay cida shareecada islaamka ku dhaqankeeda dad islaana ayaynu nahay dhamaystirkeeda wax badan ayaa laga hadlay waxa ka hadlay madaxweynaha dalka maalinti ciida in uu dhamaystiraayo shareecada , waxa soo raaca culimo Reer Hargeysa oo ka kooban lix iyo labaatan oo kuwa ugu waaweyn ah, waxanay taageero siyeen xukuumada jawaabtoodu waxay ahayd magac reer ma sheegin dalka ayay u hadleen in la dhamaystiro ku dhaqanka shareecada islaamka.

 

Waxa isna hadalkii la wareegay Xildhibaan Xuseen Ismaacil Cawad oo ka tirsan golaha wakiilada Somalailand oo ahaa qurba jooga Somaliland degenana wadanka sucuudiga mudo sodon sanadood ah , Xuseen waxa uu yidhi sucuudigu waa wadanka ugu dhaw ku dhaqanka shareecada islaamka in la dabakho , waxayse daryeelaan baqdintu guriga ha ka soo bilaabanto halagu dhasho halagu dhaqmo halagu dhinto guri walba halaga soo bilaabo.

 

Dhawaaqa kudhaqanka diinta ha noqdo dhawaaq caam ah dawladuna waxii loo igmaday waa in lagala xisaabtamaa , dhawaaqa Suldaanku ku dhawaaqay maahayn dhawaaq sii fog marka si loo eegana dhawaaq aaan waafaqsanayn Somaliland waana dhawaaq baas , danta guud waa in la eegaa calanbaynu la cararnay meel baasbaynu gaynay markaad eegto dhaqaalii somalilyadi hore 80% Berbera ayuu ka so bixi jiray qiimo weyn ayay somaliand inogu fadhidaa maaha in kalsoonida umada lagu ciyaaro .

 

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Dhulka Siciid Sulub Axmed ayaa isaguna ka mid ahaa ragii sida muga leh uga hadlay halkaa waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ marka laga hadlaayo shareecada qaar diidan iyo qaar ogol ayanu nahay waxaa weeye sharecada layskuma hayo shareeecada cid diidani ma jirto dawlada golayaal iyo shiciba , waxa la yidhi arinta raagta ama adkaata waxaan ku jirin aya la soo galinayaa ama wax kujira ayaa laga saarayaa , markaad eegto Afrikanka waxad moodaa in cida kuraasida ku fadhidaa liidato cida dabada ka joogtaa ay ka fakir wacantahay arintani waxay u muuqataa in gacan dibadeed inagu jirto iyo in mid fakir ah rag maamulka dabada ka joogaa ay ka danbeeyan .

 

Shareecada islaamku qolada koonfur joogtaa way u qumi la yihin in calankii Somalia ay Badelaan oo calan kalimatu tawxiid ku qorantahay samaystaan laakin inagawaa inaga dhab wax jira culimo badan oo dadka isku ururinaysa , diinteenu waa diinu muxubo , nasteexo waxa la yidhi “ xaga masaajidka u carara qaylaa yeedhee oo hadii xaga masaajidka qaylo ka soo yeedhay ka warama” hadii masaajidada culimadu khilaafka ka bilabmo umad jabaysa ayanu noqonaynaa khilaafka halkan yimi dawlad ahaan waanu ku qanacnay guurtidi labada geesood ahayd qoladii baaqa hore soo saartay iyo qoladii baaqa danbe soo saartay khilaafkodii sida ay u xaliyeen ayaanu xukuumada ahaan iyo dawlada ahaanba ku qanacnay waxa nalaga codsaday hore khilafka cidi ku jirtay Suldaanka iy inanki mooyee in aan cid danbe aan la xidhin ,

Hadaanu nahay sadexdii gole ee wada socday in cidna wax loo raacin waxii dhacay , waxaanu go,aansanay In Suldaanka la soo daayo dadweynaha Reer Burco daankasta ahaadeene khilaafadka qabiligaa midna yaan la galin Burcana waxaan uga digayaa cida ina qaybinaysa Reer Burcaw waa in aanay kooxina Burco wareerin taa hala ogaado.

 

 

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cali Warancade aya isagu hadal kooban ka jeediya shiraasi waxaanu yidhi” Wakhtigii dhibaatad xumi dhacday Reer Somalia waxay ahaayeen kuwii dhangeda kulul inagal dhacaayay , dhinaca galbeed waxa inaga xiga qolo kale oo aan walalo nahay waxan ku aamo garanmaayo waa yeelkood iyaga laftoodu may xumayn .

Xagana waxa inaga xigay dalka Ethiopia oo muslin iyo gaalo kuwada nool yihin hadii aynu dib taariikhda u eegno walaalaheena Somalia eel eh muslin baanu nahay ee muslinka qaata waakuwii debeda inoo daadiyay ee dumarka inaga fara xumeeyay , akhyaarta inaga laayay qolada gogosha inoo dhigtay waxay ahaayeen dalka Ethiopia markii aynu jabnay waa kuwii gogosha inoo dhigay Reer somalilanaw yaynaan ilaabin abaalkoodii, ta labaad waxa wanaagsan dariska qolo waliba waxay inoo gashay waa in la ogaadaa oo yaanay caadifadi ina qaadin .

Reer Burco waxay naceb yihin xadhiga waxan maqlaa Suldaan Hebel waxa layidhi marka bilayku u yeedho ciidanbuu isku wareejiyay , sheekhbaa khudbad akhriyay ciidanbuu isku wareejiyay , anagu hadaanu nahay reer hargeysa ma lihin hadaba Reer Burcaw hadad xadhiga neceb tihin Waxad nacdaan waxa xadhiga keenaaya,

 

Hadaan usoo noqdo xaga horumarinta idaacadii waa laynoo keenay gobolado dhan waa laga dhaqaysanayaa laakin bool yar ayaa naga dhiman

Tv waa soo dhawyahay sidoo kale Briijkii Burco waxa lagu daray miisaaniyada sanadkan oo Waakan wasiirki maaliyadu waa la dhamaystirayaa miisaaniyadan sanadkan ayaa lagu darayaa.

 

 

Gabagabadii waxa shiraas soo xidhay Suldaanka Maxamed Xirsi Qani oo kamid madax dhaqameedyada Beesha Galbeedka Burco suldaanka oo hadal gaaban ka jediay halkaasi ayaa hadalkisi waxa kamid ahaa “ waxa uu ku bilaabay ducadii rasuulka CWS ilaahay waxaan ka baryaynaa amni iyo iiman mar hadii la waayo amniga iimanka wax waliba waa imanayaan Reer togdheer waxan leeyahay hoos waxa looga soo dhacay waxan soo dhaafay cid gaara wax kaliya ma qaadan karto talada togdheer waa in ay midaysnataa imika waxii dhacay waanu raaligalaynaa Beelaha kale ee Reer Somaliland waxii ka danbeeya waxaynu isku mid ka nahay oo isku racaynaa shareecada islaamka waa xaq sharecadu maaha , laakin maaha in kooxi ay tidhahdo anaga Amirul muumin ah loma baahna in sharecadu ay tahay xaga sare o qudha waa in gadbada lagu iibiyaa dhuxushu lagu iiibiyaa bacadlaha lagu iibiya kuy dhaqanaa si dhaba ugu dhaqanaa ka dibna dalada sare iskugu nimadnaa .

 

Anigu waa lay xidhay mana jecli in saladinta la xidho waxay ahayd ins suldaanka markii la qabanayay laysoo sheego , dawlada waxan leeyahay yaanay ku degdegin xahdiga salaadinta.

 

Wariye cabdisalan ilkacase

Hadhwanaag/Burco

ILKACASE1@HOTMAIL.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khilaafkii udhaxeeyay xukuumada iyo Suldaan Cismaan Cali Madar oo Maanta lagu soo afjaray magaalada Burco

Posative news, we dont need Clan struggle to break out in Somaliland. Its peace should be respected.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Posative news, we dont need Clan struggle to break out in Somaliland. Its peace should be respected.

Thanks also General Duke

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by General Duke:

[Posative news, we dont need Clan struggle to break out in Somaliland. Its peace should be respected. [/QB]

Sounds good but I don't trust you.

 

During Cigaal's administration, Cabdilahi Yusuf suggested Puntland and Somaliland to be united front against warlordism and terrorism in the Southern Somalia. Cigaal’s respond was very honest yet true in which cabdilahi Yusuf didn't expect it.

 

He said "you "guys' are the reason we went to war in the first place" Classic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Posative news, we dont need Clan struggle to break out in Somaliland. Its peace should be respected.

Thanks also General Duke

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by General Duke:

Jaylani, you can trust what you want, my position towards Somaliland is clear, no war at any cost. What feeling you have inside you matter not.

I respect that.

 

I’m against war in any place where Somalis dwell. We lost so many innocent people for what? Greed….

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

KD,

 

Please don't put me in the same context with Duke. He is advocating blooded all out war in Somalia with the participation of XABASHI.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jaylaani:

He is advocating blooded all out war in Somalia with the participation of XABASHI.

I counting only the minute he avoided the war at any cost. I know in the bast, but if he comes with good heart then I would well come him.

We need a lot of "meeting of the minds" here SOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^ KD many thanks for the kind comments.

G. Duke when people start throw stones to each other, then the solution is.

1) stop throwing stones to each other.

2) take a rest.

3) make an outline what do you believe about other party.

4) Make an outline what you think other believes about you.

5) Try to find a solutions by yourself using reasons, and any other wisdom you got such as Diin.

6) You will get suprising results after you sorted out your and their believes with reason and other wisdoms.

7) Ask the other parties to sit, discuss and work out the differences, while informing them to be prepared just as you are.

8) if the parties are honest about themselves, honest about solving their problems, honest the issues they brought forward, and honest setting good methodology of solving upcoming, or the problem that are not in their minds (forgoten).

then they could easly reach an agreement.

 

We need to keep in mind following.

 

One disputing parties are more then one person is hard to sort out who start the throwing stones. in that case no one could be found guilty.

 

If the parties in dispute are not honest about any of above points, and they couldn't find a third party or authority to help solve their issues.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I disagree with this heshiis ,,,,,, let's debate but not fight ,,,,,, no bloody war in all somali continent at any cost ,, this is the common agreement ,,,,,,,,,,,,,,

 

Fadhi ku dirir is always allowed but no killings ,,,,,,

 

The suldaan was wrong and now he realized his mistake inside the jail ,,, he is free to fly to Mogadishu like others but we shouldn't allow him to start a clan based war in somaliland for his own interest ,,,,,,,,,

 

 

GOOD JOB SOMALILAND GOVERNMENT ,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this