Sign in to follow this  
xiinfaniin

Keynaanka soo caanbaxay

Recommended Posts

Keynaanka soo caanbixiyo calanka uu saaray

Eebahay cizeeyoow markuu caalamka uu dhiibey

Ee loo camiray goobta oow curadnimow heesay

Cuqdad iyo ninkii ciilqabaa cay la gooniyahe

Inta kale tahniyad caama iyo dira codkoodiiye

 

Caqligaa kabiir laga noqdaa oo la citibaaraaye

Waxaan caarid gelin baa jiroo laga cabsoonayne

Ciza sharefle weeyoo ninragi ku camaloodaaye

Cajamigu wakaa caashaqoo loo ciyaartumaye'e

 

Inkastooy cakirantahay dawladnimo oo ciirsantahay jeerkan

Waa calan jamhuuroo, dunida la citirafaaye'e

Caan weeye taariikhda uu caalamkan yimiye

Sayidkii cukaashaha ahaa markuu caabis diriraayey

Timacade codkiisii markuu calanka saaraayey

Ee uu kii kufriga caayey ee ciida gelinaayey

Cawaalihii sameeyeyiyo raggii caalamkan kifaaxay

Ee curiyey oo dhaliyeybaad ciriq wadaagtaane'e

 

Cimrigiis jiryow khaatimaan kuu codsanayaaye

Curudkii Magoolow eebahay ku callimi diinta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adi korkey lee ma taaban kartaa baa hadalka Oodweyne la midyahay, duqa

 

And it is due to the fact he lacks the ability to knit two verses together :D

 

EDIT:

 

Oodweyne,

 

I am not a poet. Never claimed to be one. But when intellectually stimulated, I am known inaan burqado sidii wabiga niil :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Oodweyne:

Haatu
,

 

Adeer
, kaygu waa dahab oo mid isaga la culeys ah marka la soo rido, ayuu jawaab u noqon lahaa. Inta taa ka horeysase, wax loo jawaabo oo nuxur ama naxwe weyn ku fadhiya halkan kuma heyno; yaa,
saaxiib
...
icon_razz.gif

No excuses xaaji. Tu lala dhaco baa lagaa sugaayaa hadii kale iska sii soco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Oodweyne:

Mr. Xiiny
,

 

Waar ma iska hubtaa, halkaa,
yaa xaaji
...
:D:D

^^Yes. Laakiin caawa miyaad qaad u qaadaysaa raggii aan ogaa :D

 

This is my stance. Dadkaaan wiilka heesay ka xun isugu yeer kuligood ninyahow, and I will say in the rhetorical traditions of my forefathers :D :

 

Duqsiguba hadduu ururo oo ururo oda kastuu sheegto

Agaanka kama qaadi karo haan la aaburayeye

Anna iguma aadaan haddey wada afmaalaane’e :D

 

edit: signature kaan aqriyey oo naf ma lihid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this