Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Red Crescent Center Opened in Badhan

Recommended Posts

Waxaa magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ka dhacdey maalintii shaleyto aheyd xaflad lagu maamuusayey wax loogu yeerey xafiis cusub oo ay bisha Casi ka furatey Degmada Badhan isla markaana ay kasoo qeyb galeen hor boodayaasha maamulka Somaliland oo asal ahaan kasoo jeeda Gobolka Sanaag.

 

Xafladan oo aheyd mid siyaasadeysan ayaa waxaa abaanduule ka ahaa waxa ay Somaliland ugu yeerto Gobolka Badhan, Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Reer Sanaag ee UK .

 

Gudoomiyaha waxa loogu yeero Gobolka Badhan Mudane C/kariim Wahaabi ayaa goobtaas hadalo ka jeediyey waxay uu sheegey in Maamulkiisa Somaliland ay dhisi doonto 24 iskool iyo ceelal badan inkastoo uusan xusin sida u awoodi karto Somaliland iyadoo aysanba gobolada ay ka taliso wax iskool ah u dhisin ka maamul ahaan.

 

Sidoo kale goobta xaflada waxaa ka muuqdey Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Reer Sanaag ee UK oo sanadkii 2008d dhamaadkiisii soo raacay Ilkajiir isla markaana hayad uu ka aas aasey Puntland la aadey Hargeysa isla markaana balan qaad Hargeysa ka heley oo ah iney Hargeyso u qodi doonto HAL CEEL OO RIIG AH!

 

Maamulka Somaliland oo la ildaran dhaqaale xumo iyo degenaansho xaga siyaasada ah ayaa waxaa xisbiga hada talada haya ee UDUB iyo weliba kiisa Mucaaradka ahi waxay loolan iskula jiraan sidii ay u hana lahaayeen codadka doorashooyinka ka dhici doonta Somaliland.

 

LaasqorayNET oo la xiriirtey xafiiska Laanqeyrta Cas ee Magaalada Nairobi ayaa noo sheegtey ineysan ka warqabin furitaanka Xafiis metelaya iyaga oo loga furey Degmada Badhan ee Sanaag, waxayse intaa noogu dareen in Laanqeyrta casi iyo Red cross-ba ay yihiin ururo mudawiciin ah oo ku midoobey magacaasi oo degmo ama gobol ama dalkasta uu furan karo[Franchise].

 

Lama garan doono waxay ay soo kordhin doonto xafiiskan la sheegey iney Laanqeyrta casi furatey iyadoo ay Somaliland taageerayaasheedu horboodayaan oo ah mid siyaasadeysan.

 

 

LaasqorayNET

Share this post


Link to post
Share on other sites

Apart from the anger article from a Bugland site, it shows the real & slow transformation of the situation in the Eastern Sanaag.

 

Waxaa magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ka dhacdey maalintii shaleyto aheyd xaflad lagu maamuusayey wax loogu yeerey xafiis cusub oo ay bisha Casi ka furatey Degmada Badhan isla markaana ay kasoo qeyb galeen hor boodayaasha maamulka Somaliland oo asal ahaan kasoo jeeda Gobolka Sanaag.

 

Xafladan oo aheyd mid siyaasadeysan ayaa waxaa abaanduule ka ahaa waxa ay Somaliland ugu yeerto Gobolka Badhan, Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Reer Sanaag ee UK .

 

Gudoomiyaha waxa loogu yeero Gobolka Badhan Mudane C/kariim Wahaabi ayaa goobtaas hadalo ka jeediyey waxay uu sheegey in Maamulkiisa Somaliland ay dhisi doonto 24 iskool iyo ceelal badan inkastoo uusan xusin sida u awoodi karto Somaliland iyadoo aysanba gobolada ay ka taliso wax iskool ah u dhisin ka maamul ahaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka naga soo gaadhaya sxb-da Safka-hore JSL ee ku sugan degmada Badhan Gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay halkaas shalay ka dhacday xaflad heer sare ah oo si fiican loo soo agaasimay. Xafladdaas oo ahayd munaasabadda furitaanka ( Open day ) Xafiisyada Jimciyadda Bisha Cas Somaliland ay ka furtay Degmada Badhan Gobolka Sanaag.

 

Guddoomiyaga Degmada Badhan Md. Mj. Cabdikariim Wahaabi ayaa xafladdaas ka jeediyay hadalo edadiilo iyo hor-u-marin u leh bulshada dhiiran ee wadaniga ah Degmada Badhan JSL. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dugsiyo tiro badan iyo ceelal biyood loo samayn doono degaamada kala duwan ee degmada.

 

Xafiiska Bisha Cas ayaa isaguna ahaan doono tallaabo hore loo qaaday oo bulshada gaadhsiin doona daryeelka noocyadiisa kala duwan iyo waxyaalaha uu u xilsaaran yahay oo uu ka fuliyo degmada Badhan.

 

Gobolada Sool iyo Sanaag Bari ayaa weligood ahaa kuwo ka qatan hor-u-mar kasta dawladihii kala danbeeyay ee Somali Republic iyo Somaliland. Waxa se ay sheegayaan Sxb-da Safka-hore in Guddoomiyuhu sheegay in ay haatan xukuumadda JSL si fiican ugu soo jeesatay wixii itaalkeeda ah in ay degaamadaasu helaan wixii xuquuqdooda ah, islamarkaasna ay iyaduna bulshadu ka soo baxdo wixii waajib loogu leeyahay oo ay ka mid yihiin difaaca Qaranimada JSL meelna looga soo wada jeesto cadowga. Halkaas oo ay ka soo qayb-galayaasha xafladdu kaga jawaabeen sacab hadalka Guddoomiyaha Degmada Odayaasha.

 

 

Safka-hore.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

There are no "Somaliland" agents in much of the Sanag region. It's well known to the international agencies that the clan entity from Hargeisa hampers relief efforts. For instance, the said entity was antoganized by the cash relief effort jointly led by a Norweigian agency and Horn Relief and, without the least concern, threatened to apply underhanded tactics and to forestall its implementation though the attempt was unsuccessuful in the end.

Besides, Red Crescent or any other international agency can open up offices in the region but the address will always be Sanaag, Somalia.

 

JB, Doesn't this political game of squeezing yourself where you are extremely unpopular ever get its updates or briefings?? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xafiiska bisha cas oo laga furay degmada Badhan,iyo riigii biyaha oo isna gacanta lagu hayo.Warbixin

Warkii 14-Feb-2010 iyo Qormadii: NEWS

Waxaa albaabada loo furay xafiiska laanqayrta bisha cas ee degmada Badhan ee gobolka Sanaag,iyadoo halkaas ay ka socdaan mashruucyo badan oo la xidhiidha xaga horumarinta gobolka,iyadoo ay hawlahaas fulinayaan si wadajir ah odayaasha dhaqanka iyo maamulka Somaliland oo beryahan wada shaqayntoodu aad u fiican tahay.

 

Xafiiska bisha cas ee degmada Badhan ayaa la hirgeliyey kadib markii odayaal uu horkacayo suldaanka guud ee beesha bariga sanaag Suldaan Siciid ay booqasho ku tageen magaalada Hargeysa halkaas oo ay kula soo kulmeen madaxda maamulka Somaliland,iyagoo kala hadlay sidii maamulku gacan uga geysan lahaa horumarinta deegaadana Sanaag bari.

Odayaasha Suldaanka ku weheliyey safarkiisa ayaa waxaa ka mid ahaa Xassan Soomaali,Md. C/Kariin Wahaabi,iyo cuqaal badan,waxayna bulshada deegaankaas u soo bandhigeen mashaariic badan oo laga fulin doono deegaamada Sanaag bari,kuwaasoo ay ka mid yihiin 24 iskuul oo laga hirgelin doono deegaamadaas,iyo weliba iyadoo la samayn doono biyo gelin baaxad leh.

Dhanka kale waxaa magaalada Badhan laga bilaabay qodida riiga biyaha macaan,iyadoo hada la dhameeyey sarfaygii hore,waxaana mashruucaas oo ay maalgeilanyso dawlada Somaliland qandaraas loo siiyey Eng Maxamuud Xaaji siciid,oo madax ka ah hay'daha Manhal,oo ah hay'ad ka shaqaysa xaga horumarinta bulshada.

Xafladii xafiiska bisha cas albaabada loogu furay ayaa waxa ka hadlay Suldaan Siciid,isagoo ka warbixiyey safiirkii ay ku tageen Hargeysa iyo wixii uga soo qabsoomay,isagoo ku booriyey dadka deegaankaas u dhashay inay ka shaqeeyaan xaga nabadgelyada,iyo horumarinta arimaha buslahda ee deegaankaas.

Waxaa isna xafladaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay’ada Bisha Cas ee Degmada Badhan Xasan Maxamed Saalax,isagoo sheegay in xafiiskani uu wax weyn ka qaban doono xaga caawimada dadka danyarta ah,ayna qaban doonaan hawlao badan oo muhiim ah,ayna soo socdaan hay'ado kale oo ka qayb qaadan doona xaga horumarinta arimaha bulshada.

 

 

Afnugaal News Desk.

Contact:xassand2000@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by NASSIR:

There are no "Somaliland" agents in much of the Sanag region. It's well known to the international agencies that the clan entity from Hargeisa hampers relief efforts.

Then they oughta re-think distributing sanaag's donations through Hargeisa me thinks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Makhiris and for that Matter Darwish should simply gather their isimo go to the u.n and sign a declaration that any masharic destined for sanaag should not go through hargeisa but go through whatever chanell their elders choose. It's very simply sorted out!!! The U.N respects ppl voice, so you its game over and no masharic intended for sanaag or sool will be going to hargeisa!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^They think it's theirs, nooh. Caku wareer. Waa mar ay tahay Israel baa na aqoonsatey iyo mar ay tahay Red Cross-ta (iyo red crescent society-gaba) inagaa leh. Tii cirkaan geeddi u nahay ahayd dhawr billood ka hor ayeey la soo shir tageenee taloow maxaa xigi doona? :D

 

Originally posted by Cowke:

Makhiris and for that Matter Darwish should simply gather their isimo go to the u.n and sign a declaration that any masharic destined for sanaag should not go through hargeisa but go through whatever chanell their elders choose. It's very simply sorted out!!! The U.N respects ppl voice, so you its game over and no masharic intended for sanaag or sool will be going to hargeisa!!!!

That plan is in the pipelines, Cowke. Good point.

Share this post


Link to post
Share on other sites
B   

Originally posted by NASSIR:

There are no "Somaliland" agents in much of the Sanag region. It's well known to the international agencies that the clan entity from Hargeisa hampers relief efforts.

If you forever see Somaliland as a clan entity, their positive action and deeds will not be recognised. Do you see Americans as the white man only even if he trades with you and gives assistance to victims of natural disasters. It seems there are sinister motives behind your words.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Secessionists in this thread are excited over an international non-profit that established an office in Sanaag’s largest city. If that is where you think the “fairy tale” of recognition lies, then Kudo’s to Riyaale’s regime.

 

The Red Crescent is in this term like Horn-Relief, Horn Relief has a base in Boorame, does that mean that Boorame is seeking to be part of Puntland?

 

Nassir iyo Paragon, Secessionist are humiliated themselves with their lack of comprehension.

 

ee nimanku Riyaale ayaa aqoonsi u helaayo ee iska daaya.

 

Aqoonsi marna Maryan Mursal laga raadiyo, hadana waa Badhan. (Cajiib)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this