Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A Y Admits --- SNM Wanted Secession

Recommended Posts

Cabdillaahi Yuusuf oo Markii u Horreysay ka Hadlay Wakhtigii la Go’aamiyey in Somaliland Gooni u Go’do

 

 

“Axmed Siilaanyo waxa uu igu yidhi arrintii lixdankii khaldantay ilaa aannu saxno idinla midoobi mayno”

 

 

Waraysi – Col. Cabdillaahi Yuusuf

 

 

London (Jam/Golisnews)- Madaxweynihii dawladdii Mbeghati ee Soomaaliya Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ayaa markii ugu horreysay tafaasiil ka bixiyey sababaha keenay go’aanka goonni-isu-taagga iyo madaxbannaanida Somaliland.

 

 

Col. Cabdillaahi Yuusuf oo hadda socdaal caafimaad ku jooga magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa waraysi aad u dheer oo uu siiyey telefishanka UNIVERSAL, waxa uu ku sheegay in ururkii SNM qorshaha goonni-isu-taagga Somaliland go'aan ku gaadheen ka hor 1991-kii shirkii magaalada Burco sida taariikhda hore loogu hayey, isaga oo xusay in boqorkii Itoobiya ee Mingiste Xayla Maryam uu taageernasaa in uruka SNM dawlad gaar ah oo Somaliya ka madaxbannaan samaytaan marka ay xukunka ka tuuraan Siyaad Bare.

 

 

Waraysigan oo uu la yeeshay weriyaha caanka ah ee Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka tirsan telefishanka Universal, waxa uu si faahfaahsan ugaga warramay dhacdooyinkii taliskii millateri ee Soomaaliya, waayahii afgambigii millatari ee uu hoggaaminaayey Maxamed Siyaad Barre, dagaalkii Ethiopia iyo Soomaaliya 1977-kii, afgembigii dhicisoobay ee 1978-kii iyo weliba fakadkii uu ka fakaday maamulkii Siyaad Barre 1978-kii dabayaqadiisii, isla markaana ku galay dalka Kenya oo uu uga sii gudbay Ethiopia, cahdigii aasaaska jabhaddii SSDF iyo weliba wakhtigii ay SNM tagtay Ethiopia.

 

 

Ugu horreyn, Cabdillaahi Yuusuf oo ka jawaabayey su'aal ku saabsanayd sababta keentay inay kala aragti duwanaadaan jabhahaddii uu hoggaanka u ahaa ee SSDF iyo ururkii Somaliland xoreeyey ee SNM waxa uu yidhi; "Horta markii hore annagu waannu ka sii horreynay SNM oo annagoo afar sannadood dagaallamayna ayey yimaaddeen. Waa jireen niman ka horreeyey, balse Axmed Siilaanyo oo haddana ah siyaasi ayaa markaa yimi oo guddoomiye u ahaa; waa la isu kaayo keenay maalin oo meel miis ahayd ayaanmu soo wada fadhiisanay. Aniga [Cabdillaahi Yuusuf] ayaa hadlay oo waxaan idhi, waar haddii aynu dagaallamayn oo waxaynu ka dagaallamayna tahay sidii taliskaasi iyo ninka haysta meesha looga saari lahaa, isla markaana Soomaali dalnimadeedii la isugu keeni lahaa aynu midowno oo wax isku darsano, markaan intaa idhi waxa ii jawaabay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaa isaguna SNM guddoomiye u ahaa, waxaannu igu yidhi; “Siilaanyo waxa uu igu yidhi arrintii lixdankii khaldantay ilaa aannu saxno idinla midoobi mayno, markaa goosashada Somaliland intay taa uun daba socoto ayey u muuqataa."

 

 

Cabdillaahi Yuusuf oo sharraxaad ka bixinayey hadalkii Axmed Siilaanyo, waxa uu intaa ku daray, "Markii uu Siilaanyo hadalka i yidhi dad badan oo meesha fadhiyey oo saraakiishii annaga dhinacayga ka tirsanayd SSDF may fahmin, laakiin anigu waan fahmay wuxuu u jeeday. 1961-kii inqilaabkii fashilmay ee nimankii saraakiisha ahaa ku doonayeen inay woqooyi [somaliland] ku qabsadaan oo ay intayada saraakiisha ah ee reer koonfureedkana xidh xidhaan oo woqooyi goonni u gooyaan oo dal madaxbannaan laga dhigo, taas ayuu Siilaanyo u jeeday oo uu daba socday," ayuu yidhi Cabdillaahi Yuusuf

 

 

Weriyaha ayaa ku celiyey su'aal ahayd, markaa ma waxaad u jeeda goonni-isu-taagga Somaliland kuma u iman sida la sheego markii Burco ay isugu yimaaddeen 1991-kii ee wuxuu ahaa wax hore u jiray oo Siilaanyo ogaa? Waxa uu ku jawaabay; "Haa Wallaahi, anigu taasi ayaan qabaa nimankaasi go'aanka iyo qorshaha goonni-isu-taagga mar hore ayey gaadheen, wuxuuna ahaa wax hore ugu qorshaysnaa ee yaan been la isu sheegin oo aan imminka la odhan Burco ayaa 1991-kii lagu gaadhaye."

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

you remember those old people who after no one, cares about them start talking to get some attention, this is exactly what this old fool is like. No one gives a dame, so die a horrible death, and go to hell, because like those before you, you are now only history.

 

furthermore, when it comes to the SNM they original intention from the top leadership was to change the government but not the country, once they saw how retarded somalia was, they decided to split and this was under cali mahdi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

snm always wanted independence. umar carte qalib was the prime minister of somalia ama kooxdii manifesto. When somaliland declared independence from somalia in 1991

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Silaany, then the Chairman of the movement said the objective of the SNM is to rid the oppressive Siad Barre(AUN) regime and replaced it with a better one. This whole independence thing was decided (in my opinion) in 1991 Burco conference.

Share this post


Link to post
Share on other sites

how can you have opinions on things which you are not privy to? Someone needs to ask Silaanyo if the intention of the rebels he lead or his intention was the same as those solders in the sixties. Its disheartening how Somalis of every stripe waste precious time and resources to historical revisionism rather then to ascertain the truth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this