Sign in to follow this  
Saalax

Faroole: Haddii Dr: C/Kariim Ra’iisal Wasaare Loo Magacaabo Annagu Waanu Goosanaynaa

Recommended Posts

Saalax   

Faroole: Haddii Dr: C/Kariim Ra’iisal Wasaare Loo Magacaabo Annagu Waanu Goosanaynaa Iyo Warbixin Dheeraad Ah.

 

dza5it.jpg

 

 

Tuesday, 05 October 2010 14:21

 

Nairobi(Jidbaale.com):-Tan iyo intii uu iscasiley Ra’iisal Wasarihii dawaladda Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke, waxaa soo baxayey warar kala gedisan oo ku aadan cida loo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha beddeli doona Cumar C/Rashiid.

 

Waxaana dadka ugu cadcad loona filayo in qalinku ku dhaco ka mid ah Dr: C/Kariim Xassan Jaamac, oo ah agaasimaha guud ee Madaxtooyada ahna lataliyaha madaxweynaha ee dhanka Siyaasada.

 

Ilaa iyo intii uu saxaafada soo galay Dr: Jaamac, ayaa waxaa dhanka kale soo xoogaysanayey dedaalka ka imaanaya dhanka maamulka waqooyi barri ee uu hogaamiyo C/Raxmaan Faroole. Waxaana la sheegay in Mr Faroole oo suxul duub ugu jiro sidii aanu xilkaas marnaba u qabteen Dr: C/Kariim oo ka soo jeeda deeganada SSC, Wuxuna isku dayey in uu arintan ka hor istaago madaxweyne Shariif mar ay ku kulmeen maagaalada Adis Ababa oo fadhi u noqotay Faroole beryihii u danbeeyey.

 

Madaxweyne Faroole ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in uusan dooneyn in la magacaabo nin aan ka soo jeedin gobolada waqooyi barri asagoo weliba afka ku dhuftay Nugaal, Mudug iyo degmada Qardho. Wuxuuna ku hanjabey Mr: Faroole in ay gooni goosad ku dhawaaqi doonaan hadii la magacaabo shakhsi ka soo jeeda SSC.

 

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Madaxeyne Shariif ayaa arintan si weyn uga horyimid, una sheegay Faroole in arintani ay tahay Awood dastuuri ah Madaxweynuhu xaq u lee yahay in uu soo magacaabo shakhsigii uu u arko in uu dalkan Hogaamin karo. Waxaa la sheegay in Faroole uu shaagay hadii goboladaasi ay waayaan Ra’iisal wasaaraha ay taas micnaheedu tahay in maamulkiisu uusan ka mid noqon doonin Federaalka. Waxaana la sheegay in Madaxweyne Shariif uu arintan aad uga la yaabay, isla markaana uu u sheegay in ay ka turjumayso in waxii Puntland la dhihi jirey lagu kala baxay.

 

Faroole oo adeegsanaya xubnaha beeshiisa ee ku jira Barlamaanka Federaalka ah ayaa waxay wadaan dhaq dhaqaaq xoogan oo ay uga soo horjeedaan Dr: C/Kariim Xassan Gabaydhe oo ay ku Eedeeyeen in uu yahay nin SSC ah isla amrkaana taageersan in dadka deegaanadaasi ay taladooda u madax banaanaadaan, wuxuuna sheegay Faroole in arinta ay uga soo horjeedaan C/Kariim ay tahay qadiyada uu aamisan yahay ee SSCnimada ah.

 

 

 

Dr: C/Kariim waa kuma?

 

Dr: C/Kariim Xassan Jaamac, waa Aqoonyahan wax ku soo brtay dalka Maraykanka, wuxuu tagay dalkaasi wakhtigii ay jirtay dawladda Soomaaliya wuxuuna halkaas u aaday waxbarasho, Dr: C/Kariim wuxuu sitaa shahaadada u danbaysa aqoonta maadiga ee PHD-da loo yaqaana, wuxuuna ku qaatay Maamulka iyo maareynta oo ay ku la dhan tahay siyaasadu, wuxuu sidoo kale yahay nin aad uga dhisan dhanka Aqoonda diinta Islaamka, wuxuu madax ka noqday Ururka Islaamka ee dalkaasi Maraykanka.

 

Kaasoo maamula maasaajidada ugu waa weyn ee dalkaasi, iyo kuwa ku yaala Washingtond DC, Wuxuu sidoo kale mudo badan ka shaqeeynayey Safaarada Sucuudiga ee dalka Maraykanka, Dr: C/Kariim dadka yaqaana waxay ku tilmaamaan nin degan, Shaqo badan isla amrkaana Kartidiisu ay tahay mid aad u saraysa, Waxaa kaloo lagu sheegay nin xishood badan, isla markaana meesha ama xafiiska uu ka shaqeenayo ka soo Dhalaala, Wuxuu sidoo kale hada yahay Dr: C/Kariim La taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ahna Agaasimaha guud ee madaxtooyada.

 

Dr: C/Kariim waa nin ka keliya ee sida daacadnimada ah ula shaqeeyey Madaxweyne Shariif intii u xilka hayey, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin aan xaasidnimo ka muujin shaqada iyo la talinta Madaxweynahaba. Wuxuu sidoo kale ku caanbaxay in uu ka dhigay aqalka Madaxtooyada mid hakayl dawladeed iyo kala danbeyn leh, Aqalka oo wakhtigii Dawladii C/Laahi Yuusuf ahaa mid isku dhex yaacsan, shaqaaluhuna ay ahaayeen kuwa xataa ku dhex qayila Villa Soomaaliya, ayaa hada uu yahay mid ka mid ah Madaxtooyooyinka Afrika ugu nadaamka fiican.

 

Dr: C/Kariim waxaa sidoo kale lagu sheegaa nin aad u qaddiyad wacan, wadinayadiisuna ay tahay mid aad u weyn, wuxuu sidoo kale ka dhex muuqdaa dhamaan kulamada madaxweynuhu la yeelanayo Beesha caalamka iyo dalalka deriska ahba, sidoo kale wuxuu aqoon dheeraad ah u lee yahay beesha caalamka oo uu madaxweynaha Markastaba ku weheliyey safaraduisa debeda oo dhan.

 

 

 

Wararkii ugu dabeeyey?

 

Wararkii ugu danbeeyey ee magacaabista Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaysa in weli DR: C/Kariim yahay magaca liiska Madaxweynaha horyaala ugu sareeya. Wuxuuna Dr: C/Kariim yahay nin aad ugu xidhan xubnaha Barlamaanka Federaalka, wuxuu sidoo kale kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale ee daneenaya jagadan asagoo xildhibaaada barlamaaka qolo kastaba cid ka wata. Halka kuwa ka soo horjeedaa ay wataan,xubno beelahooda keliya ka soo jeeda. Waxana la sheegay in madaxweyne Shariif weli uu qalinka dabadiisa hayo, walow siyaasadu daqiiqadkasta is bedeli karto.

 

Isku soo wada duubo, dhaq dhaqaaqa ka socda Villa Soomaaliya caawa oo madaxweyne Shariif dib ugu laabtay, ayaa ah mid aad u sareeya, waxaana arintan ka soo yeedhay Faroole ay dib dad badan u xasuusinaysaa weedhihiisii uu jeediyey sanadkii 2009kii markii uu si cad u yidhi.” Hadii Sh Shariif magacaabo mas’uul ka soo jeeda deeganada SSC, Caabudwaaq ama Galdogob, aqoonsan mayno dawladda Jabuuti lagu soo dhiso, Waxaana Faroole lagu tilmaamay ninka keliya ee aan qabyaalada iyo dhinac u xaglinta qarsan weligiis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i remember a day before Sharif announced his prime minister Cumar Abdirashid in 2009 faroole said the same,,, mark my words Sharif will anounce a prime minister from The pirate state.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Indeed Faroole has always been a anti SSC since he came into power & his so determined in stopping their advances.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Libaahe*:

Indeed Faroole has always been a anti SSC since he came into power & his so determined in stopping their advances.

If he is so anti-SSC, then why is the SSC more angry with your enclave and always targeting your militia?

 

It looks to me that the fact they are only attacking your militia is that they see you as determined to stop their advances!

 

They have left Puntland alone!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

^Adeer simply because your militias are weak and the only threat they pose is hypocracy thus SSC strategy is to face the real source of occupation (SNM).

 

SSC would worry about Puntland if it posed any military threat, since the clan enclave in Garowe is weak, no need for SSC to target Garowe clan militias.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Bal muxuu goosanaa uu haystaa? lol

Fuley faataa dhug badan! pirates-ka ha iska qabto hadduu wax isku haayo, oh I forgot he is their leader.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Libaahe*:

Indeed Faroole has always been a anti SSC since he came into power & his so determined in stopping their advances.

Well you said this and I am saying that if he is trying to stop their advances I am sure they would do somethign about it.

 

The policy Faroole seems to have is that the SSC issue is an internal one, that needs to be addressed by the local community. He is basically staying out of it, from what I observe. So I have no idea where you are coming from when you say he is trying to stop their advances or he is anti-SSC. It is your government that calls them terrorists and called on Ethiopians to aid you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xudeedi:

^Adeer simply because your militias are weak and the only threat they pose is hypocracy thus SSC strategy is to face the real source of occupation (SNM).

 

SSC would worry about Puntland if it posed any military threat, since the clan enclave in Garowe is weak, no need for SSC to target Garowe clan militias.

wa wiilkaani oohin badanaa. :D

If they are so weak why they are still occupying your beloved GALGALA and hunting your idolized ATTAM?

Adeer stand aloof from the people when the free stocks share their concerns.

Your cheap argument usually reminds me the dispute once happened between the he-dig dig and the elephant.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

If they are so weak why they are still occupying your beloved GALGALA and hunting your idolized ATTAM?

:D

 

Never satisfy a barking dog by barking back. He's just venting against the great state that has fed and clothed his people for a generation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

Fret not for our resident part-time Puntlander of SOL. After-all, he will come around to being his usual proud and patriotic Puntlander self, once Ilka Jiir wins the Puntland presidency in 3 years time. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this