Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A/Y TO COME TO HARGEISA FOR NEGOTIATIONS ??

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-04-29 (Hadhwanaagnews) Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Ethiopia Ato Gebide Haile oo khamiistii todobaadkii hore weraysi dheer siiyey Telefishanka maraykanka ah ee FOXNEWS ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopianka ee gacanta militery siinaya Maamulka Embigathi ee Cabdilaahi Yuusuf.

 

Marka ay ka soo faraxashaan hawl-gallada militery ee magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ay markaasi bilaabi doonaan inay Cabdilaahi Yuusuf laftigiisa keenaan magaalada Hargeysa si u ula bilaabo Xukuumadda Somaliland wada hadalo siyaasadeed.

 

Ato Gebide Haile wuxuu sheegay in Dalka Ethiopia uu beesha caalamka ka hellay taageero buuxda oo dhinac siyaasadeed ah in hawl galladdani oo u ku tilmaamay rajo soo celintii Soomaaliya 16 sannadood ka dib ay Ethiopia ka go'antahay in Taliska lagu soo dhisay Embigathi ee Cabdilaahi Yuusuf ay ku fadhiisiso wuxuu ku tilmaamay kursi awood badan oo ka taliya dhammaanba gobolada Soomaaliya.

 

Afhayeenka oo wax laga weydiiyey siduu u arko Somaliland oo sheegtay inaanay aqoonsanayn Maamulka Cabdilaahi Yuusuf maadama aanay iyaguba aqoonsanayn Somaliland wuxuu sheegay in dhibaato badan oo dhinaca diblomaasiyadda ah iyo dhinaca isfahamka ahi ay soomaalida ku dhex jirtay 16 sannadood ee ugu danbeeyey wuxuuna sheegay in ay Ethiopia hadda doonayso inay taasi meesha ka saarto, wuxuu yidhi "Somaliland waxaanu la leenahay xidhiidh wanaagsan oo salka ku haya iskaashi dhinaca ammaanka iyo weliba isku socodka xuduudka ah, waxaa naga dhexeeya ganacsi badan waxaanu isticmaala Dekedda Berbera, madaxdayada labada dhinacna waxay tagaan labada dhinac ee kale, imikana waxaa dantu ku jirta sidii mandaqadda looga ilaalin lahaa argagixisada iyo xasilooni darrada in wax weliba lagu dhameeyo miiska dushiisa" ayuu yidhi Ato Gebide Haile afhayeenkaasi.

 

Mar wax laga weydiiyey sida ay iskugu keenayaan Madaxda Somaliland iyo Maamulka Cabdilaahi Yuusuf iyo halka la iskugu imanaayo ee wada hadaladaasi lagu qabanaayo wuxuu ku jawaabay "Ethiopia waa dal xuduudka ugu dheer afrikada beri la wadaagta Soomaaliya waxaa degen Ethiopia 2 malyuun oo soomaali ah, halkaasi waxaa kaaga cad in dadka Ethiopia iyo soomaalida uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer, aniguna ku odhan maayo xalka soomaalidu gacantayada ayuu ku jira balse haddii loo baahdo waxaanu samayn doona inaanu Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf keeno Hargeysa si markaasi xal siyaasadeed oo waara loo gaadho"

 

Mar wax laga weydiiyey in Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka madax banaantahay Soomaaliya inteeda kale taasi inay Ethiopia la qabto wuxuu sheegay inaanay Ethiopia Somaliland u aqoonsanayn dal madax bannaan balse ay u aqoonsanyahiin gobol degen oo gaadhay xasilooni uu kaga duwanyahay ayuu yidhi soomaaliya ineeda kale laakiin ayuu yidhi annagu waxba kama qabno haddi ay soomaalidu isku af garato madax bannaani ay somaliland hesho.

 

Mar wax laga weydiiyey warbixin ay dhawaan soo saartay Haayadda Xuquuqda Aadamaha Ee Amnesty oo ku tilmaantay in Dawladda Ethiopia ay ka fulisay gudaha dalka Soomaaliya xad gudubyo ka dhan ah bini'aadminimada iyadoo dad rayid ah ku dishay isla markaana goobo rayidku degenyahay magaalada Muqdisho u adeegsatay hub culus wuxuu ku jawaabay "Ciidamada Ethiopia waxay la dagaalamayaan waa argagixiso caalami ah oo khatar ku ah mandaqadda waxaan qabaa waxay adeegsanayaan haayadahaasi waa hadalada aan sal iyo aad toona lahayn ee ay ku sheekeyaan argagixisada laftigeedu, ciidamadayadu waa yaqaaniin cidday la dagaalamayaan, goobaha rayidku joogo ciidamadayadu waa ka fogyahiin markastana waxaanu qaadana tallaabo aanu ku dabar goynayno argagixisada annagoo ka fogaana goobaha dadka rayidka ah, hawl gallada aanu qaadnay waa kuwo loo fuliyey si taxadar leh iyadoo weliba weeraro habeen iyo maalinba ah ay argagixisagu nagu soo qaado" ayuu yidhi afhayeenku.

 

waa markii ugu horaysay ee Xukuumadda Ethiopia ay shaaca ka qaado inay doonayso wada hadal siyaasadeed oo dhex mara Somaliland iyo Maamulka Embigathi waxaana ay weliba shaaca ka qaadeen inay Cadilaahi Yuusuf keeni doonaan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, balse weli wax arrintaasi ku saabsan kama ay soo bixin dhinaca Xukuumadda Somaliland waxaana dhawaan dhex maray Somaliland iyo Maamulka Embigathi kelmado la isku mariyey warbaahinta iyadoo ra'isal wasaaraha Embigathi Cali Geedi uu sheegay in gudaha somaliland lagu tababaro wuxuu ku tilmaamay argagixiso xidhiidh la leh kooxaha la dagaalamaya kuwaasi oo ay tababarka siiso ayuu yidhi Dawladda Eriteria, balse taasi waxaa si weyn u beeniyey Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo ku tilmaamay wax laga yaxyaxo oo laga yakh yakhsiyoodo wuxuuna sheegay in somaliland iyo argagixisadu ay isku yahiin jiir iyo bisad isagoo tusaale usoo qaatay in kooxo argagixiso ah oo hadda falalkaasi loo xukumay oo ay isku hayb ka soo jeedaan Cabdilaahi Yuusuf iyo Cali Geedi ay Somaliland gacanta ku hayso.

 

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Harowo.com, Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is the speaker of the foreing minister of Ethiopia giving an interview to the FOXNEWS stating they will work to mediate between somaliland and somalia. he said they don't recognize somaliland as an independent state but it is for the somalis if they agree so.

 

He said they will work to bring Abdilahi Yusuf to Hargeisa to have the final discussion and decision with Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

^^thanks

 

Dont think it will happen in Hargaisa though (if it happens). Maybe in Addis :D

 

Didnt know FOX News was aware of Somaliland :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Northerner, lol...we do need little publicity lol...

 

I am sure the people of Hargeysa will recieve him in warm fashion.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Che-Guevara:

^^^Iam sure they would with Morgan right beside him

...depends on your defination of welcoming. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Individuals come and go but it takes centuries for a nation to disappear.

Sooner or later secessionists like Axmed Yaasiin will disappear from Somalis clano-political scene and a real nationalist and political figurehead that has the interest of Somali Republic at heart will visit the second capital city of the country without invitation from anyone and without the assistance of a third party. But the question is, will that be Yey??

Share this post


Link to post
Share on other sites

I dont think we need to dwell to much on this issue. Hargaysa is calm and its peace needs not to be violated.

 

As for the usual suspects making humurous comments we do remmeber them making such statements when the President was in his way to Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Lake   

They should dismiss any talks with this coward. His responsible for all the destruction that's going on in Mogadisho today.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this