Sign in to follow this  
Kamaavi

Gudoomiyaha Gobolada Bariga Soomaaliya Faroole oo u hanjabay Somali Galbeed NFD

Recommended Posts

Kamaavi   

Oct 31, 2009

 

Wariye nooga soo waramay Gobalada Bari ee Soomaaliya ayaa sheegay salaadi Jimce in uu khudbad ay caadidi ku jirto ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolada Bari Soomaaliya Faroole ayada aad u kulul oo isugu jira hanjabaad & handadaad uu kuwada dadka ka soo jeeda Somali Galbeed & NFD, wuxuuna Faroole khudbada ka jeediyay masajidka weyn ee Jaamica ah ee loo yaqaano Al-huda Khudbadii Salaada Jamaca ee masaajidka ayaa gabi ayaaba waxaa ka hadlay Faroole waxaana hadaladisii ka mid ahaa. "Dadka Af-Soomaliga ku wada hadlaa in ayna wada ahayn Soomaali" waxa uu tusaale u soo qaatay Faroole dadka u dhashay Somali Galbeed inaysan ahayn muwaadniin Somaali ah ayna yiiin Itoobiyaan waa sida uu hadalka u dhigay Faroole. Dhanka kale wuxuu u sheegay Faroole dadka Somali Galbeed ee jooga gobalada uu maamulo inay ay guuraan hadii ayna guurinna ay iyagu ku celin doonaan meeshii ay ka yimaadeen oo uu ula jeedo Somali Galbeed.

 

Waxaa kale oo kamid ahaa hadaladii Faroole "Ma ogolin in ay ONLF hub kala soo dagto Puntland" arintaas oo ay dadku u arkaan fariin ay gaadhsiinayaan xukuumadda Tigreega oo ay u muujinayaan in ay san ogalayn dadka Soomaali Galbeed.

 

Waxaa kale oo uu Faroole khudbadisii kamid ahayd "Inuu saxaafada ka maqlay dad isku sheegay inay yihiin beesha A'bsame dadkaas oo ku shiray Gaarisa sheegayna inay reer Puntland kaga aargoosan doonanan Jubooyinka" waxa uu sheegay in nin ka soo gudbay xadka Kenya uusan dadka reer Puntland waxaba yeeli karin iyagana waxaan usheegaynaa ayuu yidhi Faroole inaysan waxba la hadhin hadii ay wax nayeeli karaan. Arintan oo ah arin keeni karta colaad bilaabata oo labada belood ka dhaxaysa.

 

Waxaa todobaadkii hore magaalada Boosaaso laga qabtay 5 wiil oo u dhashay Somali Galbeed waxaa mid kamid ah loo gacan galiyay sirdoonka Itoobiya ee jooga Boosaaso, halka 4 tii kale lagu hayo xabsi ku yaala magaalada Boosaaso waxayna warar ku dhow-dhow wiilasha sheegayaan in ay aad u xanuunsan yihiin wiilasha xabsiga Boosaaso lagu hayo ayaga oo qaarkood lagu jidh dilay xabsiga gudihiisa mana aynan helin wax daryeel caafilaad ah.

 

Wuxuu Faroole horeen sheegay dadka u dhashay Somali Galbeed lagu sheegi karin in ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed arintaas oo dadbadan u dhashay Somali Galbeed ka cadhaysiisay waxayna ku soo beegantay xili Boosaaso laga qab-qabanyo dadka ka soo jeeda Somali Galbeed kadibna loogacan galinayo Itoobiya.

 

Waxay dhamaan Jaaliyadaha Somali Galbeed ee caalamka gudbiyeen Baaqaq ay ku baaqayaan in la joojiyo colaada uu Faroole kudhawaaqay ee hayb sooca ah arintaas oo keeni karta colaad xun oo aan dhamaanin waxayna hadalada maanta ka soo yeedhaya Faroole sii hurinaysaa hadaladii hore oo aad moodo in aynan Gobolada Bari Soomaaliya kali ah ku ekaan doonin.

 

Maax Ibrahim

E-mail: qorahay99@yahoo.com

Garowe, Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Che -Guevara:

Very unfortunate but hopefully the good will stand up but if there was any doubt who run northern Somalia, let this be the truth.

And who runs southern Somalia? Who is supplying them with endless amounts of guns and ammo. The random assasinations and bombings, who is convincing them to keep killing. Who would benefit from seeing us in constant turmoil. The people in the south are more destructive then anyone in one in the north.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Faroole hadii uu saas yiri, oo uu inoo hanjabey, asaga ayeey dhibeysaa waayo asagaa iska fogeeynaayaa walaalahiis.

 

We have no need for him. And his clannish, hateful words cannot harm us.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Maxaa ka dhawaajinaya Faroole

 

Sirdoonka Itobiya ayaa wuxuu adeegsadaa marka ay doonayaan inay hawl-galiyaan madaxda maamul-gobolayada Somaaliyeed tab xirfeedka loo yaqaano –Qaado ama u Dhimo- Tabtan ay adeegsadaan sirdoonka ayaa waxaa si fiican u faahfaahiyay camiil ka tirsanaan jiray CIA-da oo kitaab ka qoray hawlihii uu ka fuliyay Latiin Ameerika iyo habkuu u fuliyay. Marka si kooban loo sheego tabtan ah –Qaado ama u Dhimo – waa in masuulka la doonayo inuu fuliyo awaamirta la siinayo lakala dooransiiyo – Arintan inuu fuli oo waxaana qaato, ama uu diido oo loo sheego inuu u dhiman doono.

 

Sida muuqata maamulaha gobolka Puntland Cabdiraxmaan Faroole arintaa ayaa miiska loo saaray, marka la qiimeeyo dhawaaqyada ka soo yeeraya maalmahan ee muujinaya inuu u hogaansmay fulinta hadafka Itobiya ee ah in shacabka Somaliyeed la'iska horkeeno, oo la inkiro jiritaanka wax la yidhaahdo umad Somaliyeed oo ka baxsan Puntland, maadaama ay Itobiya sidaa doonayso.

 

Xogta sugan een ka helayno ila-wareedyo lugu kalsoonyahay oo ku kala sugan Adisababa iyo Boosaaso ayaa warinaya in Itobiya markay ku guuldareysatay inay ciidan ahaan ku muquuniso JWXO (ONLF) ay xooga saartay arimaha sirdoonka iyo dacaayadda. Waxaa la badalay madaxii sirdoonka Itobiya u joogay Puntland isagoo lagu eedeeyey inuusan gudan xilkii saarnaa uuna ka gaabiyey inuu si dhab ah u gaarsiiyo maamulka Faroole fariimaha sirdoonka Itobiya. Waxaa si dhab ah loogu sheegay C/raxmaan Faroole in haduusan si fiican u gudan waajibaadka saaran ee ah la dagaalanka ONLF laga qaadi doono talaabada ku haboon isaga iyo maamulkiisa. Wuuna u hogaansamay fariintaa. Waxaana fadeexada haysata ****olka ka qaadey qaar ka mid culimada iyo waxgaradka Puntland oo diiday inay ka aamusaan shirqoolka ay Itobiya u maleegayso umadda Somaliyeed ee Faroole loo soo dhiibay ee ah in dadweynaha Somaliyeed gaar ahaan shucuubta dagan xadka u dhexeeya Somaliya iyo ******ya la'iska horkeeno. Itobiya oo ku taamaysay tan iyo qarnigii 18aad inay tirtirto jiritaanka wax la yidhaahdo shacab Somali ah oo leh dareen umadnimo iyo mid wada dhalasho, ayaa u riyaaqday hadalada Faroole maalmahan uu ku hadaaqayo isagoo qiiq isku qarinaya.

 

Waxaa la ogsoonyahay inay Qarankii Somali uu tirtirmay markii la burburiyay Dawladii Somaliyeed, waxayna taariikhda sugtay in burburinta Qaranimadii Somaliyeed ay isu kaashadeen Itobiya iyo wax magarad la caqli ah, ehelna la ahaa Faroole kuwaasoo madaxtinima darteed gacanta ugu galiyay masiirkii umada Somaliyeed Mingisto iyo Zinawi.

 

Maanta Somaliya oo caalamka looga yaqaano inay tahay Dawlad Hagaastay –A Failed State- waxaa ka nool oo sharaf iyo meeqaamba ka leh aakhira iyo aduunba kuwa ka soo horjeeda gumaysiga Itobiya ee Faroole iyo inta u adeegta gumaysiga Itobiya ay doonayaan inay u garba duubaan. Waxaase hubaal ah, oo taariikhda shucuubtii soo halgantayna ku xusan inay guusha waligeedba raacdo Gobanimadoonka.

 

ONA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

 

Hmmm, is this a joke or ONLF propaganda?

 

Evidence is inconclusive at this stage, but history dictates that this is most likely ONLF propaganda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

"Dadka Af-Soomaliga ku wada hadlaa in ayna wada ahayn Soomaali" waxa uu tusaale u soo qaatay Faroole dadka u dhashay Somali Galbeed inaysan ahayn muwaadniin Somaali ah ayna yiiin Itoobiyaan
waa sida uu hadalka u dhigay Faroole. Dhanka kale wuxuu u sheegay Faroole dadka Somali Galbeed ee jooga gobalada uu maamulo inay ay guuraan hadii ayna guurinna ay iyagu ku celin doonaan meeshii ay ka yimaadeen oo uu ula jeedo Somali Galbeed.

 

Waxaa kale oo kamid ahaa hadaladii Faroole "Ma ogolin in ay ONLF hub kala soo dagto Puntland" arintaas oo ay dadku u arkaan fariin ay gaadhsiinayaan xukuumadda Tigreega oo ay u muujinayaan in ay san ogalayn dadka Soomaali Galbeed.

 

Waxaa kale oo uu Faroole khudbadisii kamid ahayd "Inuu saxaafada ka maqlay dad isku sheegay inay yihiin beesha A'bsame dadkaas oo ku shiray Gaarisa sheegayna inay reer Puntland kaga aargoosan doonanan Jubooyinka" waxa uu sheegay in nin ka soo gudbay xadka Kenya uusan dadka reer Puntland waxaba yeeli karin iyagana waxaan usheegaynaa ayuu yidhi Faroole inaysan waxba la hadhin hadii ay wax nayeeli karaan. Arintan oo ah arin keeni karta colaad bilaabata oo labada belood ka dhaxaysa.

This is truly saddening. I have actually heard the audio version of this report and he indeed said what he said about the non-Somaliness of reer Somali Galbeed.

 

Sad thing Faroole has thus far uttered..but even sadder is the fact that none in Puntland has spoken against this.

 

Who gave Faroole that right to alienate Somalis and turn them into Woyaane? Who?

 

I ponder.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Waxaa jira sifooyin badan oo dadka mideeya ama ay isku kala xigsadaan, waxaana ugu caansan diinta, dhalashada, afka, dalka, midabka, taariikhda iyo danaha.Dadka arrimahaas ka faallooda way isku khilaafsanyihiin kan ugu muhiimsan oo saldhigga u ah inta kale, waxayse isku raacsanyihiin in mar kasta oo ay bataan tilmaamaha laga midaysanyahay ay sii xoogaysanayso midnimada iyo xiriirku

 

Xarigga ugu adag ee ummadda muslimiinta isu haya waa diinta, xariggaas la’aantiisna inta kale qiime weyn ma laha, haddii isaga laga midaysanyahayna inta kale waxay u sii kordhinaysaa xoog iyo midnimo.

 

Midnimada Soomaaliyeed

 

Haddaba Shacabka Soomaaliyeed waa bulsho ka midaysan diin, dal, af, dhalasho iyo taariikhba, nolosheeda iyo masaalixdeeduna isku xirantahay. Ma jiraan wax teed ah oo bulshada Soomaaliyeed dhexyaalla noocuu doono ha ahaadee. Qofka Soomaaliga ah wuxuu awood u leeyahay in uu soo daaqo Laasgardafuuy, ka dibna uu ku arooro Hawaash, nurka xigana uu u hayaamo Cali-sabiix, kan ka dambeeyana Laamo, iyada oo aysan jirin cid socodkiisa carqaladaynaysa ama uu turjumaan uga baahanyahay inta uu dhulka intaa isu jira isaga gooshayo.

 

Sidaas oo ay tahay gumaystayaashii waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen sidii ay dadkaas walaalaha ah u kalagayn lahaayeen, wayna ku guuldaraysteen ujeeddadaas si kasta oo ay dalkii u kala googooyeen, magacyo kala duwana ugu baxsheen, waxaana ka qeybqaatay fashilinta shirqooladaas dadweynaha oo ku qanacsanaa walaalnimadooda, isla markaasna dareensanaa khatarta kalafogaynta shacabka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo xoojinayey walaalnimadooda iyo isku duubnidooda Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed oo ay ku caddayd midnimada Shacabka Soomaaliyeed, qodobka arrintaa caddaynayana wuxuu u qornaa sidaan:

 

(Qod. 4aad )

 

(Midnimada Shacbiga Soomaaliyeed)

 

1. Shacbiga Soomaaliyeed waa shacbi mid ah, Jinsiyadda Soomaaliyeedna waa mid qura.

 

Ma garbaa in aynu is kala soocno, yaase ina kala sooci kara?

 

Haddaba in loo qaybiyo shacabka Soomaaliyeed jinsiyado kala duwan oo qaar muwaadiniin yihiin, kuwana ay yihiin ajnabi dhalasho kaliya naga dhexayso ama loo qaybiyo shisheeye dhulku naga dhexeeyo iyo sokeeye aan dhulka nala wadaagin waa xaajo khilaafsan dastuurkii soo jireenka ahaa ee dalka, isla markaasna burinaysa mawaaqiftii taariikhiga ahayd ee rasmiga iyo shacbigaba ahayd, waxayna albaabka u furaysaa in si sharciyaysan bulshoweynta Soomaaliyeed loogu kala furfuro jees jees iyo magaalo magaalo, faraq baana u dhexeeya in shacabka xoog lagu kala faquuqo iyaga oo diidan sida haddaba dhacday iyo in arrintaas noqoto wax qaanuuni ah oo bulshadu ku qanacsantahay.

 

Waxaa kale oo xusid mudan in aan cidna awood qaanuuni ah u lahayn inay si gaar ah u buriso mabaadi’dii asaasiga ahayd ee ummaddu ku taagnayd, ayna ku heshiisay iyada oo midaysan, ciddaasi ha ahaato beelo ama maamulo ama shakhsiyaade, waxaana jira arrimo iska daa maamul’e uusan baarlaamnka guud ee qaranku go’aan kama dambays ah ka gaari karin ilaa shacabku u codeeyo.

 

Kala qoqobista shacabka Soomaaliyeed yay u darantahay?

 

Cidda qur ah ee ka faa’iidaysanaysa kala goynta iyo is-nacsiinta bulshada Soomaaliyeed waa quruumaha ay is hayaan, mana jirto wax maslaxad ah oo Soomaaliweyn ama qayb ka mid ah ugu jirta arrintaas haba yaraatee. Ciddii ku andacoota in kala faquuqiddu dhibayso beelo ama deegaano kale ee ay iyaga qabiilooyinkooda iyo maamuladooda dan u tahayna iyadaa caddayn laga rabaa.

 

Si kastaba ha ahaatee haddii aan waxba laga soo qaadin masaalixda istiraatiijiga ah ee ummadda Soomaaliyeed, ee kaliya loo fakaro masaalixda gaar ahaaneed ee gobolada ama beelaha ama dadka markaas maamulka haya cidda ugu horreysa ee in shacabka Soomaaliyeed loo kala qoqobo muwaadin iyo ajnabi ku khasaaraysa dhinac walba waa maamulada hadda sida gaarka ah u takooraya dadweynaha reer S/galbeed iyo reer koonfureed; waayo tillaabadaani waxay saamaynaysaa qeyb weyn oo ka mid ah dadka la haybta ah qabaa’ilka dega P/land iyo S/land oo iyagana la oran karo waxaa ina ka dhexeeya dhalasho ee isku dal ma ahin!.

 

Qodobkii aynu cuskanay soo la inagu qaadi maayo?

 

Sharciga aynu u cuskanay fongorista qayb ka mid ah dadkeena waa xariiqihii gumaystayaashu dhexmariyeen dadweynaha iyo dalweynaha Soomaaliyeed oo kala qaybqaybinayey hal magaalo, hal beer iyo oday labadiisa bohood. Shacabka Soomaaliyeed waxay ku hortaagnaayeen kala jaristaan caqiido adag, qaanuun qoran iyo ficil ay ku buriyeen. Haddaba maamulada Soomaaliyeed haddii beelaha ay wadaninimada u diideen qiil uga dhigtaan in aynu wadamo kala duwan nahay soow beelo aan la fogayn Karin xeerku qaban maayo?.

 

Puntland iyo raadka xeerka cusub?

 

 

Ingiriisku isagaa mar isku haystay dalweynaha Soomaaliyeed marka laga reebo Jibuuti, mararna wuxuu gaar u haystay dhulka hadda lagu kala magacaabo S/galbeed, S/land iyo NFD, ka dibna isagaa xarriiqo kala dhexmariyey oo seddex qaybood ka dhigay. Qayb wuu ka baxay, labo qayboodna wuxuu kala siiyay Itoobiya iyo Kenya. Haddaba markii aynu raacno sida Ingiriisku wax u kala xarxariiqay ******** kaliya shisheeye ma noqonayaan ee dadka degan dhulka u dhexeeya xuduud beenaadka iyo Wardheer ee ay beelaha P/land hayb wadaaga yihiin waxay noqonaynaan dad aan isir wadaagnahay, dalkuna aanu naga dhexayn, Itoobiyana waxay xaq u yeelanaysaa in iyaga iyo ******** isku si loogu dhiibo, wasiiraba ha inoo ahaadeene; waayo labaduba xarriiqda way ka shisheeyaan, isir wadaagna waa wada nahay.

 

Haddii beelaha haybta soke la wadaaga reer P/land ay dhalashada jamhuuriyadda ku heleen eheladooda degan jamhuuriyadda sow ********ka S/galbeed iyana kuma heli karaan eheladooda degan jamhuuriyadda?.

 

Dhinaca kale xarriiqda Ingiriisku waxay martaa meelo waxyar u wada jira magaalooyinka waaweyn ee P/land, sida Boosaaso, Qardho iyo Garoowe. Haddaba marka la raaco xarriiqihii Ingiriiska waa in dadka woqooyi ka xiga xarriiqdaas loo wada aqoonsado ajnabi, ciddii soo dalbatana loo wada dhiibo, illeyn walxa isku mid ahna labo xugun lama kala siiyo, walxo kala duwana isku xugun lama siiyee. Taa macneheedu waxaa weeye in aysan gar ahayn in xariiqaha Ingiriiska midna sharci laga dhigo, midna sharci daro ama dadka ka shisheeya qaarna muwaadin noqdaan, kuwana ajnabi.

 

Talyaanigu ma ina midayn karaa?

 

Sidii aynu soo xusnay xarigga ugu adag ee isu haya bulshadeena waa diinta, ka dibna ehelnimada, dalka, afka, taariikhda iyo danaha. Mugga dadkii reer S/galbeed iyo reer S/land ee intaasiba inaga dhaxaysay haddii ajnabi lagu kala noqday xarriiqihii Ingiriiska ma laga yaabaa in reer P/land iyo reer koonfur ku walaaloobaan Talyaanigii wada gumaystay darti iyada oo wixii kale oo dhan wax tari waayeen?. Haddii Talyaanigu ina midayn waayase sow in Gaalkacyo bartankeeda Customs la dhigo ma aha?.

 

Gabogabo

 

Soomaali wax kasta oo dad mideeya ayaa ka dhexeeya, dhab ahaana way ka midaysantahay wax kasta oo aan maamulada u kala taliya ahayn. In la kala soocana gar ma aha, wixii Soomaali oo isku duuban ay wada go’aansatayna ma jirto cid gaara oo kaligeed burin karta. Sidaas oo kale ma jirto cid Soomaali ah oo dani ugu jirto kala goynta shacabka Soomaaliyeed ee beel kasta iyo deegaan walba way dhibaysaa. Haddii kala sooca qiil looga dhigo xarriiqihii gumaysigana dadka loo dan leeyahay kaliya ma saamaynaysee dad in laga soo reebo la jecelyahay baa soo galaya. Haddii la isku dayo in ehelada qaar ku fakadaana qolo walba jamhuuriyadda ehelo ay ku gabbadaan waa u dagantahay. Mar haddii xarriiqihii Ingiriisku Soomaalida woqooyi iyo tan galbeed ina kala sooceen xarriiqdii Talyaaniguna ina midayn mayso.

 

Haddaba waxaa ina la gudboon waqtiga xun ee la marayo iyo cadawga ina ka taagroonaaday dartood in aynaan uga tagin mabaadi’dii aasaasiga ahayd ee Soomaaliyeed iyo masaalixdeedii istiraatiijiga ahayd. Haddii maamuladu xammili waayaan cadaadiska Itoobiyana ma aha inay ummadda majara-habaabiyaan ama ay jiirta markaas kaga gudbaan tanaasulaad khatar ah ee waa inay la yimaadaan xeelado iyo farsamooyin ay xeegana ku xagtaan ilkana ku nabadgalaan, dadkoodana ay la kaashadaan sidii ay dabinada uga bixi lahaayeen. Ninkii u bareera inuu meel ka dhac sameeyana waa in aanu khaladkiisa falsafadayn ee uu ku gaabsado gafka kaliya. Ugu dambayn nin walba, reer walba iyo deegaan kasta iyagaa qoraya taariikhdooda, aakhirana waa dambaysaa, waana la doogine yaan la dacaroon.

 

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mr.Paragon:

quote:

"Dadka Af-Soomaliga ku wada hadlaa in ayna wada ahayn Soomaali" waxa uu tusaale u soo qaatay Faroole dadka u dhashay Somali Galbeed inaysan ahayn muwaadniin Somaali ah ayna yiiin Itoobiyaan
waa sida uu hadalka u dhigay Faroole. Dhanka kale wuxuu u sheegay Faroole dadka Somali Galbeed ee jooga gobalada uu maamulo inay ay guuraan hadii ayna guurinna ay iyagu ku celin doonaan meeshii ay ka yimaadeen oo uu ula jeedo Somali Galbeed.

 

Waxaa kale oo kamid ahaa hadaladii Faroole "Ma ogolin in ay ONLF hub kala soo dagto Puntland" arintaas oo ay dadku u arkaan fariin ay gaadhsiinayaan xukuumadda Tigreega oo ay u muujinayaan in ay san ogalayn dadka Soomaali Galbeed.

 

Waxaa kale oo uu Faroole khudbadisii kamid ahayd "Inuu saxaafada ka maqlay dad isku sheegay inay yihiin beesha A'bsame dadkaas oo ku shiray Gaarisa sheegayna inay reer Puntland kaga aargoosan doonanan Jubooyinka" waxa uu sheegay in nin ka soo gudbay xadka Kenya uusan dadka reer Puntland waxaba yeeli karin iyagana waxaan usheegaynaa ayuu yidhi Faroole inaysan waxba la hadhin hadii ay wax nayeeli karaan. Arintan oo ah arin keeni karta colaad bilaabata oo labada belood ka dhaxaysa.

This is truly saddening. I have actually heard the audio version of this report and he indeed said what he said about the non-Somaliness of reer Somali Galbeed.

 

Sad thing Faroole has thus far uttered..but even sadder is the fact that none in Puntland has spoken against this.

 

Who gave Faroole that right to alienate Somalis and turn them into Woyaane? Who?

 

I ponder.
Ponder all you like saaxiib, but if -- a big IF-- the President said that aforementioned quote, then he has spoken the truth. I have said the same many times over... let not their knowledge of our Somali language fool you. The ONLF are a Xabasha entity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Maxaa arrintan kala gudboon waxgaradka S/galbeed?

 

Dhab ahaan falalkan lagu dhiibay qaar ka mid ah shacabka reer S/galbeed waa falal xatooyo ah oo aan waafaqsaneyn nidaamyada u yaalla maamulada dadka dhiibay laftooda, lana mararinin golayaasha maamulka, iska daa in wax laga weydiiyo salaadiinta, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo waxgaradka oo ah hoggaanka dhabta ah ee bulshada; sidaas darteed is-hortaagga iyo wax ka qabadka xadgudubyadaasi way sahlantahay haddii la adeegsado tabo xikmadeysan oo wax ku ool ah, waxaana isleeyahay waxaa habboon in la qaado tallaabooyinkan soo socda.

 

1. In la fahmo dagaalka socda nooca uu yahay, yoolka uu hiigsanayo, cidda ka dambaysa, cidda fulinaysa iyo hababka loo fulinayo, ka dibna la darso waxyaabaha iyo hababka ugu munaasabsan ee looga hortagi karo. Intaa ka dib ayay tahay in la qaado tillaabooyin ku dhisan diraasad, aadna looga baaraandagey.

 

2. In dadweynaha lagu wacyigaliyo ololaha socda iyo sida loo waajahayo, lagana hortago falal aargoosi ah oo aan u danaynayn guud ahaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaddiyadda dadka lagu tacadiyey, isla markaana laga feejignaado in cadawgu isu adeegsado shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

 

3. In laga digtoonaado inay magaca bulshada S/galbeed ku hadlaan dad aan xilkas ahayn ama u fulinaya ajandayaashii Itoobiya si kamma’ ah ama ula kac ah.

 

4. In ay arrintan salaadiinta, culumada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada iyo waxgaradka kale ee reer S/galbeed kaga hadlaan qalabka warbaahinta, ayna ka garnaqsadaan tacadiga loo gaystay.

 

5. In waxgaradka reer S/galbeed qolo walba si gaar ah ula xidhiidho dhiggeeda ku sugan ama u dhashay deegaanka maamulkiisu dhibaatada gaystay, ayna ergo rasmi ah u gudbiyaan, kana dalbadaan in ay xadgudubkaas wax ka qabtaan illeen ninkii waalan walaalkiis baa u miyir-qabee.

 

6. In ay si toos ah ula xidhiidhaan maamulka markaas tacadiga gaystay, ayna kala garnaqsadaan dhibkaan uu gaystay, kana dalbadaan in uu dhibka hadda taagan joojiyo, mid dambena aanu kula kicin

 

waa maqaal aad u xiiso badan ee halkaan ka khar dhamaan tiss

 

http://somalitalk.com/web/2009/10/26/go’doominta-lala-rabo-reer-sgalbeed-sidee-looga-gaashaant aa-xasan/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

The ONLF are a Xabasha entity.

It's OK mr.somalia. You are expected (actually) to say that.

 

But however much I oppose Somalilanders (and I support Puntland), I still would never expect most of them to say anything close to what is expected of you. I respect them for that.

 

Isn't that strange? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

Bah! Clearly you guys haven't yet grasped the differences between the riffraff organization(ONLF xabashas) and the occupied people of SomaliGalbeed(who are genuine Somalis)... ;)

 

Originally posted by Mr.Paragon:

... I support Puntland)

^^

Really? If you would back up your post with proof, it would be refreshing. :D

 

Many naysayers have, in the past, claimed to suport Puntland, only to distract me and delay my wrath. I hope Paragon, that you are not one them. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

ONLF are also Somalis and they are hugely popular in their community so to say they are Hashas is not making any sense.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this