Sign in to follow this  
Cowke

Al Shabab Bans Science and English Classes

Recommended Posts

Cowke   

Al-Shabaab oo Mamnuucday Barashada Luuqadda Ingiriiska iyo Sayniska

 

March 5, 2010

 

Xarakadda Al-Shabaab ee ka mid ah Mucaaradka ka dagaalama dalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in la dhigo luuqadda Ingiriiska iyo maadooyinka Sayniska ah.

 

Maamulka Islaamiga ee degmadda Afmadow ee gobolka Jubadda Dhexe ee Xarakadda Al-Shabaab ayaa soo saaray wareegta u ku mamnuucayo in iskuuladda halkaas ku yaalo laga dhigo maadooyinka Sayniska iyo weliba luuqadda Ingiriiska,waxaana talaabadaas loo badinaaya ka dib marki dadka degan halkaas ay diideen amar hore ay soo jeediyeen oo ahaa in ay ku biiran dagaalka ay wado Xarakadda.

 

Dadka degaanka ayaa iyagu Saxaafada u sheegay in saddex ka mid ah iskuuladda halkaas ku yaala loo qabtay hal bil in manhajyada(Syllabus) loo bedelo Carabi iyo maadooyinka diiniga.

 

”Waxaa ayna weydiyeen in Ardayda ay kusoo biiraan Ciidankooda si ay u dagaalamaan,balse arintaas waan diidnay oo aan kasoo horjeesanay”,ayuu yiri mid ka mid ah Macalimiinta halkaas wax ka barta oo ka gaabsaday magaciisa.

 

Waxgaradka ayaa iyaguna sheegay in Ciidanka Xarakadda Al-Shabaab ay maalinimadi axadda ay albaabada isku dhufteen Iskuuladda ku yaala degmooyinka Waamo iyo Dhoobaale ayna ku amreen doonaan joojinta barashada Luuqadda Ingiriiska.

 

”Maamulka Islaamiga waxaa ay xireen goobaha waxbarashada,waxaana ay ku amreen in ay joojiyaan barashada luuqadda Ingiriiska oo ay sheegeen in ay tahay luuqadda ay iska leeyihin Reer Galbeedka”,ayuu yiri Cali Mowliid Maxamuud oo ka mid ah Waxgaradka degmadda Afmadow.

 

Waxaana uu sheegay in arintaas ay ku sababeen in mustaqbalka ardaydaas ay basaasin u noqon doonaan Reer galbeedka.

 

Iskuuladda ayaa dib loo furay maalinimadi talaadada ka dib marki Macaliminta iyo Waxgaradka ay ogolaadeen amarkaas.waxaana ay go’aankaas saamayn ku yeelatay 23-macalimin oo aan aqoon luqadda Carabiga oo ku khasabtay in ay ka tegaan shaqada.

 

Talaabadan iyo go’aankaan ayaa ilo Xog Ogaal sheegaayan in ay daba joogto hadal kasoo yeeray Dowladd Ingiriiska oo ku sabsan in ay Xarakadda Al-Shabaab ku darayso liiska Argagaxiisada Caalamka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Science and English are apparently cilmi gaaleed dee. Wiilasha sida AK47 loo rido ha la baro gabdhahana cuntada sida loo sameeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

as much as they have failed they still manage to pay there civil servants on time. So that probably mean you are more of a failure then they are. piratelander.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

lol they call it "Spy Language " - How would they decipher the intercepted calls , messages etc if they ban English lessons ?

 

I really don't understand the motives of these guys...Don't they know Islam encourages knowledge ? They are getting worse by the day!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

I am seriously afraid in nimankaas nacaybkood aan Johnny A la baxo oo xerada uga baxo! I mean wasaq weeyaan. The amount of jaahilnimo is simply unimaginable.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Been kastoo la sheego dad baa ka daba nacamleeya! oo lax dhukan ka ah!, Waryaarahee, Shabaab sow ma ogidiin inay ku jiraan dad English uun ku hadla? (Abu Mansuur Al-Amriiki & Ajnabiga kale) & Dhallinyarada Soomaalida ee Maraykan & Europe ka tegay?, Bambooyinka macmalka ey sameeyaan sow Science lagama faa'iideysan Siiba Chemistry-ga, sidoo kale Remoteka, Fiilooyinka & Timing-ka Physics maaha?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulmiye   

I guess they want people to be as ignorant as they're. soon they will ban the existence of humanity. savages with a brainwashed ideals, not surprising*

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this