Sign in to follow this  
Peace Action

SL Militia Runs Away from Laasqoray

Recommended Posts

^Dammit,how soon?

 

Militia's dont run away,they retreat i thought?

 

Anyway, may the curse of the dhabdhlf be with you as well

 

Ohh one last thing, SL doesnt have a militia,they have an ARMY.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

whatever they are, they have one thing in common with islamist: Come to peaceful city, claim they have captured it and run back at very first sign of troops.

So,they actually didnt run away but got chased away by the Puntland troops,correct?

 

Is this true,yaa Xabashi lover?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

whatever they are, they have one thing in common with islamist:

Islamist ku cunyey!

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Friday, July 11, 2008 | Home

FAALLO:- MAANTA IYO LAASQORAY

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Faallo:- Faalladan waxaan maanta ku yara eegaynaan xaalka ay haatan marayso xiisada Xasaradeed ee ka taagan Degmada Laasqoray ee ah xudunta Gobolka Sanaag, ma jecli inaan aan cid si cad farta ugu fiiqo ma doonayo inaan dad si gaar ah farta ugu mudo e, waxa ujeedkaygu yahay inaan sheego waxaan ogahay iyo xaalku meesha uu marayo.

 

Waxaan dhamaanteen wada ogsoonahay in Ciidamada Maamulka Somaliland ay soo galeen laba Isbuuc ka hor gudaha Laasqoray iyaga oo ay hur boodayaan kuwa u dhashay Gobolka, arinkaasi markuu dhacay ayaa Puntland waxa sheegtay dhankeeda inay ciidamo xoogle u soo dirayso Gudaha Laasqoray si looga difaaco Somaliland.

 

 

 

Maxaa wakhtigan kalifay Puntland

 

Maamulka Puntland oo inta badan sheega inuu Gobolka Sanaag hoos yimaado ayaa marka ay maqalaan dhaq dhaqaaq ciidan waxay ciidamo iyana soo dhoobaan jiidaha hore ee Sanaag........ waxaynu wada ogsoonahay in gacnta Puntland ay ka baxday magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool taasi oo ay 10-Oct-2007- la wareegeen ciidamada Somaliland.

 

Akhristaw maxay tahay muhiimada Puntland ay sida aadka ugu tafa xaydanayso difaaca Laasqoray oo ah Degmo iyaga oo meel mar hore iska dhigay soo celinta Laas-caanood oo ah xarunta Gobol.

 

Somalida ayaa ku maah maahda [Meel aan rabay Roob maygu Iryay] Puntland ayaa walba doonaysay inay wax yar uun oo fursad ah ku helaan sidii ay qoobka u galin lahaayeen Gudaha Sanaag, Maxaa keenay in wakhtigan ciidamadii Puntland ee joogay jiidaha Laas-caanood loo soo raro Laasqora?????.

 

 

 

Maxaa la Gudboon dadka Reer Sanaag.

 

Dadka reer Sanaag oo lagu yaqaan inay ka shaqeeyaan Nabad iyo wada noolaanshaha ayaa waxa looga fadhiyaa inay iska difaacaan wax kasta oo u keeni karaya dhibaato inay ka shaqeeyaan xasiloonida inay gacanta ku dhigaan kuwa doonaya inay maja xaabiyaan Hanaanka Nabadeed ee Sanaag ku caan baxaday.

 

 

 

Muxuu Salka ku hayaa Loolanka Puntland iyo Sl ee Sanaag

 

Waxaynu wada ogsoonahay in dhawaanahanba Gobolka Sanaag laga waday xusul duub loogu jiray in Gobolka lagu soo kordhiyo mashaariic hormar ah oo ay ugu wayn tahay dhisida Dekeda Laasqoray,Maamulada hareeraha ka xiga Gobolka Sanaag ayaan inaba raali ka ahayn in la hir galiyo hanaanka lagu doonayo in Boodhka dib looga jafo Dekeda Laasqoray kuwaasi oo doonaya inay qas iyo fooda ka Abuuraan Sanaag si ay u wiiqaan dadaalka ay wadaan Hay"addaha Deeqaha bixiya iyo dadka Deegaanka qaarkood.

 

 

 

Door Intii leg bay Isimada Sanaag ka qaadan karaan Hormarka Gobolka

 

Duqayda Gobolka Sanaag ayaa inta baadan waxay xusul duub ugu jireen sidii loo hormarin lahaa Gobolka Sanaag iyaga oo kulamo goono gooni ah ku yeeshay Magaalada Badhan, waxa wafti ay isla garteen u direen Goobta Afduubku ka dhacay kuwaasi oo la faray inay la xaajoodaan Afduubayaashaasi oo ay ka dhaadhicyaan in si nabad ah ay ku sii dayaan dadkaasi Afduubka ay u haystaan.

 

 

 

Maxaa la Gudboon Qurba Joogta Gobolka Sanaag

 

Somalida ayaa horay ugu maah maahday [ Dhiciska inta birta loo soo siduu dhintaa] qurba joogta waxa looga fadhiyaa wax qabad muuqa oo ay ku soo kordhiyaan Gobolka inay sameeyaan wada tashoyo dheeraad ah oo ay ka taliyaan Ayaaha danbe ee Gobolkooda, inaga oo wada ogsoon in Gobolka Sanaga uu maanta u baahan yahay wax qabad buuxa in lagu soo kordhiyo adeegyada Caafimaadka iyo waxbarshada oo ah Udub dhexaadka nolosha.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaan Idiin Rajaynaynaa Guul iyo Barwaaqo

 

Wixii Talo ah Noogu soo dira

 

Email:- Feyte37@hotmail.com

 

Jaamac Ayaanle Feyte

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Might i remind you and perhaps the writer of that "faallo" that it was not Puntland that amassed troops on sleepy fishing town thats a stone throw from Somaliland's commercial capital. So, if it is anyone that is trying to spoil development efforts in Sanaag, its Somaliland. BTW, Elders of that region negotiated with the hostage takers who listened to the elders and they told Puntland to withdraw state troops because regional militias could deal any threat in which case they did listen but it was sland which refused to listen to any one, ran all the way to Laas Qoray only to run back.

 

Faarax, yes, it was the darwiish that forced them to return where they came from, from the Habeshi lover...

 

Brofessor, adba islamist ku cunyey!! i hope that cancels your habaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warya Faarax Brown habaarka jooji yaa suju waaxid. Arinta Somalia 18 sano bay qasnayd hadda miyaad hurdada ka kacday. Qof Somali oo jecel majidho xabashi taas madax geli boowe. Xabishidu afar bilood kadib way socotaaye bal qolada dil iyo qarax ku waalatay usheeg inay xabadda joojiyaan.

 

The boys from SL got lost, they thought Laasqoray is only few km from Erigavo, suddenly they realised they are only 25 km from Bosaso so I do'nt play they fled before shooting started.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's only one sub clan from Carmaale and DamallaXagare in SL uniform who are causing this mayhem in LaasQorey. There's no Somaliland in Calmadow region.

 

I am Glad Puntland retook the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

TK the fact is there is big number of pro s/land in the region whether they are from Badhan, dhahar or the cities u have mentioned,,,,,,,

 

And I wonder what is into the returning of puntland militias !!!and their presence in Lasqorey. they will run away if the separatist militias comes back!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Noop no one is sure who controls lasqoray at the moment

 

Warar iskhilaafsan oo kasoo baxaya magaalada Laasqoray oo gacan ku hanteeda kala sheeganaya.

Warkii 13-Jul-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

Iyadoo maalmihii u danbeeyay ay gacan ku haynta magaalada Laasqoray ee ku taal xeebta Badda cas ay la wareegeen ciidamada maamulka Somaliland iyadoo uusan halkaasi horay uga jirin maamul adag oo ka tirsan labada maamul ee iskuhaya gacan ku haynta magaaladaasi.

 

 

Magaalada Laasqoray oo ay gudaha ugaleen ciidamada Somaliland ayaa ay masuuliyiinta Somaliland sheegeen inay la wareegeen gacan ku haynta magaalaasi ayaa haddana waxaa soo baxaya warar ka dhan ah wararkaasi kuwaas oo sheegaya in ciidamada Somaliland ay isaga baxeen deegaankaasi.

 

 

 

Ciidamada maamulka Puuntland ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay deegaankaasi soo gadheen meel 15km ujirta magaalada Laasqoray inkastoo iilaa hadda aysan jirin cid rasmi ahaan u cadayn karta xaalada deegaankaasi iyo ciiidamada ku sugan deegaankaasi.

 

 

 

Masuuliyiinta labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay kala sheeganayaan in ay joogaan magaalada Laasqoray iyadoo dhinac kastaaba uu ku adkaysanayo inuu ku sugan yahay gudaha magaalada ayna ka joogaan ciidamo ka socda maamulkiisa.

 

 

 

Hadaba magaalalada Laasqoray oo kub taal Barriga Sanaag ayaa waxa ay muhiimad wayn ulee dahay labada maamul waana magaalo istiraatiji ahaan ay labada maamul si wayn diirada u saarayaan iyadoo sidoo kalena tahay magaalo leh dekad lagan hirgalin karo maamulka sanaag barri.

 

 

 

 

 

Afnugaal News Desk

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this