Sign in to follow this  
Kamaavi

Somaliland Authorities Handed Ms. Bisharo Wa’di to Ethiopian Security Services.

Recommended Posts

Hoggaanka Amniga dowladda deegaanka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamud Cumar ayaa qirtay oo caddeeyey in Haweenaydaasi gacanta lagu hayo oo xabsiga Jiggiga la geeyay, balse Cabdi wuxuu sheegay in haweenayda laga qabtay gudaha dalka Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

Dejiye,please please please arinka gabadhan wax danbe ha ka soo post gareeyn. Sidaa uu Abdilatif sheegay weeye xaalku. Dee ha la adkaysto. Muhiimku wuxuu ahaa in dhibaatada maamulka SL la sheego, waana la sheegay. Wixii intaa ka danbeeya waa in la iska aamusaa.

 

Abdilatif,

 

Anigaba dumaashiday baa ku jirta gabdho badan oo ilaa 50 ah oo Jigjiga lagu xidhxidhay. Ilaa hadda waan la' nahay warkeeda.

I think it's only fair that you unleash all your venom on us here, saaxib. Ma PL ba naga fiican? You spent a month haranguing that lot last time. (they'll only end up accusing you of being married to one of ours or something). :D

 

 

On a serious note, may Allah ease it up on all those arrested.

 

P.S.

Jb, adigu don't you have any informants in the SL high ranks? Befriend a jaariyaad in a wasiir's house ninyaho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: Hoggaanka Amniga dowladda deegaanka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamud Cumar ayaa qirtay oo caddeeyey in Haweenaydaasi gacanta lagu hayo oo xabsiga Jiggiga la geeyay, balse Cabdi wuxuu sheegay in haweenayda laga qabtay gudaha dalka Ethiopia.

That is more like it to the truth.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Geed V Guddin

 

Waxaa la yidhi, Geedka la hadhsado ama Geed ayaa Guddinta lagu gooyo ama Masaarta lagu garaaco hadba sidii dadku u garanayo, lahadlayoo wuxuu ku yidhi "Gudineey imaad gooyseen haddaan badhkeey kugu jirin".

 

Reer Miyyigu markay Guddinta soo iibsadaan, waxay u samaystaan "Daab". Daabkaasna waxaa laga jaraa Geedaha ama Dhirta. Marka Guddinta Daabkaas la galiyana, waxaa lagu jaraa ama lagu garaacaa Dhirta ama Geedaha. Halkaasaa waxaa laga soo saaraa agab iyo adduun dhan oo hawlo fara badan lagu qabto.

 

Waxaan sheekkada ku keenay. ONLF hadii Xabashigii Soomaalidii ku garaacayo oo Somali land iyo Puntland ku gooynayo ama ku jarayo. Waxaan anigu ku talin lahaa, bal dib nimankaasi ha u fakkareen oo ha furteen dood la yidhaahdo:

 

Gudineey imaad gooyseen haddaan badhkeey kugu jirin.

 

PS:

 

Ninkii Soomaaliga ahaa, ee caqliga qabay. Wuxuu curiyey ama tiriyey heesta Magool qaado. Waxayna ahayd:

 

Gacantaada hadii ay

Candha kaa mudhxiso

In Masaar aad ku goyso ( Masaar waa Guddin)

Maanka maa aqbalaayee

 

Middood Indhahayga

Haddii wax mudaaneey

Tankalaa u ilmeeysee

Isla markaba u ooydee

 

Anna sidaasaad meel igaga taalloo

Makku illoobi karaayee

---- --------

 

Markaa A&T iyo Dajjiyoow idinka laftigiinu ha cadhoonina oo intaas candhada qabta ama xun oo Puntland iyo Somali land ku jirta, ha u gooynina gacantiina :

 

Gacantaada haddii ay

Candha kaa mudhxisee

In Masaar aad ku goyso

Maanka maa aqbalaayee!

 

Waa mayya!

 

Salaama

Share this post


Link to post
Share on other sites

runtaa laysugu yimid. xammaasadii dhammaatay. It's the nature of the struggle awoowe

 

waagaan soo qaxnay baa oday caan ahaa (allaha u naxariistee) oo waxaa jiray oo aan isku family nahay, oo wixii Kenya ku dhintaba liis ku qora. Kii duumo disho, kii badda ku harqada oo dooni la degto, iyo kii si kale u dhintaba. Liiskii oo boqolaal marayya baa nin wuxu weydiiyey , waxaa u diiwaankan geerida u haysto. wuxuu yiri adeer rag baan kula xisaabtamaynaa :D (qolodii marka xamar joogtay buu sheegayyaa)

 

asagoo diiwaantkii haystaa iigu danbeysay,aakhirkiinna europe buu ku dhintay laftigiisii

 

The moral of the story: Aw Tusbaxle, Dajiyye iyo saaxiibkey Aladhiif iska dhiga diiwaankan dheer eed maalin walba qofkii laydinka xiraba ku qoroysaan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Awoowe isla buugaas(diwaanka dheer) waxaa ku qoran inaan isku tareen saaranahay (laakiin indho aad ku aragto malihid.) :D

 

Hunguri tiisa( macal saxeexa) ayaa murti badani ku jirtaa. Waa suu sheegaye meelo badan isla Jigjiga ayaa laga xukumaa waxaana haysta Tigreyga oo say rabaan ka yeela. Kan xornimada sheeganna uu yahay jaajuus u shaqeeya, oo waliba ku sii xidhan Tigreyga ka sokoow niman Jigjiga fadhiya.

 

Sabab maanta Hargeisa iyo Jigjiga loo kala duwo meesha ma taalo. Waxaa Hargeisa loo haystaa sida Dhagaxbuur, Garoowe iyo Godey loo haysto. Jacaylbariyo waxay yeeli lahaayeenba waa niman la guumaysto, dhulka anagaa wada xoreyne sii fadhiya dumarkana u sii sheekeeya. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

runtaa laysugu yimid. xammaasadii dhammaatay. It's the nature of the struggle awoowe

 

waagaan soo qaxnay baa oday caan ahaa (allaha u naxariistee) oo waxaa jiray oo aan isku family nahay, oo wixii Kenya ku dhintaba liis ku qora. Kii duumo disho, kii badda ku harqada oo dooni la degto, iyo kii si kale u dhintaba. Liiskii oo boqolaal marayya baa nin wuxu weydiiyey , waxaa u diiwaankan geerida u haysto. wuxuu yiri adeer rag baan kula xisaabtamaynaa
:D
(qolodii marka xamar joogtay buu sheegayyaa)

 

asagoo diiwaantkii haystaa iigu danbeysay,aakhirkiinna europe buu ku dhintay laftigiisii

 

The moral of the story: Aw Tusbaxle, Dajiyye iyo saaxiibkey Aladhiif iska dhiga diiwaankan dheer eed maalin walba qofkii laydinka xiraba ku qoroysaan
:D

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dajiyye, miyir aad wax ku garato baadan lahayn ee anigu struggle ka ONLF kama soo horjeedo. waa horaan ku iri ********ka lacagta hay laygasoo doono

 

laakiin, isk qaylintaan aan macnaha badan lahayn baan diidanahay. xasuuso shalay ahayd markii faarax macalin mudaaharaad hargeysa ku tegey oo weliba laascaano isasii taagay to make a point against garoowe :D

 

Aladiif baan ku kalsoonahay adiga iyo Aw Tusbaxle waa sida dabayshii :D

 

ps. heshiiskii sharta ahaa ee Aw Tusbaxle iyo Oodweyne dhex maray tolow arrintani wax ma u dhimaysaa ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^^Si kastoo laguugu baaqo (ama wax laguugu sheego) waxaad ahaan nin meeli bugto.

 

ONLF baad ka soo horjeedaa( shaqsi ka ahaan Xiin) kuma oran laakiin munaafaqnimo iyo war xumo tashiil inaad la yaboosi cid walbaa sheeda ka aragta. Si kale hadaan u dhigo, siyaasada aad cabsantahay ayaa ka soo horjeeda ONLF. Faroolaha aad taageerto ayaa ka soo horjeeda. Ficil kasta ood qaadaan wuu ka soo horjeedaa. Bari waa barriga mooye wanaag kamaba soo baxo. :D

 

Booqashadii Farax Macalin waad khalad fahmamtaye, mudahaarad way ka weyneyd. Islaanta la xidhay, iyo wiilasha Boosaaso lagu laayey waxay daliil u tahay in isla meelaha laga soo dhiibi ay u baahanyihiin in la xoreeyo. Intaas inaad garwaaqsato uun bay ahayd miyir qaboow. :D

 

Heshiiska A&T iyo Odweyne dhexmaray halkiisii waa inuu ka sii socdo loona jiheeyaa sidii Garoowe, Godey iyo Hargaysa loogu xorayn lahaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by xiinfaniin:

runtaa laysugu yimid. xammaasadii dhammaatay. It's the nature of the struggle awoowe

 

waagaan soo qaxnay baa oday caan ahaa (allaha u naxariistee) oo waxaa jiray oo aan isku family nahay, oo wixii Kenya ku dhintaba liis ku qora. Kii duumo disho, kii badda ku harqada oo dooni la degto, iyo kii si kale u dhintaba. Liiskii oo boqolaal marayya baa nin wuxu weydiiyey , waxaa u diiwaankan geerida u haysto. wuxuu yiri adeer rag baan kula xisaabtamaynaa
:D
(qolodii marka xamar joogtay buu sheegayyaa)

 

asagoo diiwaantkii haystaa iigu danbeysay,aakhirkiinna europe buu ku dhintay laftigiisii

 

The moral of the story: Aw Tusbaxle, Dajiyye iyo saaxiibkey Aladhiif iska dhiga diiwaankan dheer eed maalin walba qofkii laydinka xiraba ku qoroysaan
:D

You'll be rubbish as a leader of a struggle, saaxib. Diiwaanka dheer is a prerequisite. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this