Sign in to follow this  
Cowke

110 SSC And Somaliland Soldiers Defect To Puntland

Recommended Posts

Cowke   

Puntland oo Sheegatay in ay ku soo Biireen Ciidamo Ka kala Tirsanaa Somaliland iyo Jabhada SSC

 

June 18, 2010

 

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland Inj.Max’ed Faarax Cali oo la soo xiriiray Horseed Media ayaa sheegay in ay ku soo biireen maamulka gobolka cayn ee puntland Ciidamo ka kala tirsanaa Maamulka Somaliland iyo Jabhada SSC.

 

Inj.Max’ed Faarax Cali ayaa sheegay in ciidamadaasi gaarayaan 60 askari, kuwaasi oo u heegay in ay qayb ka noqon doonaan dhowaan ciidamada daraawiishta puntland.

 

….”Ciidamada Puntland ee ku biiray Jabhada SSC ee dib ugu soo laabtay Puntland waxay ahaayeen Ciidamadii ka shaqeeynayey Madaxtooyada Magaalada Boosaaso,Dekedda iyo goobo kale….”ayuu yiri.

 

Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan Ciidamo kale oo gaaraya ku dhawaad 50 ay ku biireen Jabhada SSC.

 

Mudane Max’ed Faarax Aadan ayaa xusay in Ciidamada Somaliland ee ka soo goostay ay ahaayeen Ciidamo horay ugu sugna goblka Cayn isagoona shaaca ka qaaday in dhamaantood ay ka soo jeedaan gobolkaas.

 

Waxaan isku daynay hadaan nahay Horseed Media in aan xiriir la samayno Hogaanka jabhada SSC si ay wax uga ogaato wax ka jira hadalkan ka soo yeeray Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland hase yeeshee nooma suura gelin.

 

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo Maamulka Puntland uu si toos ah u sheegto in ay jiraan Ciidamo ka goostay kuwaasi oo ku biiray Jabhada SSC oo qaarkood dib ugu soo noqdeen Puntland.

 

Hoggaanka SSC ayaa horey u sheegay in ciidamo badan oo ka soo tegay maamulka Puntland ay ku soo biireen xoogaga jmhadda cidamadaas aoo ka kala yimid Tukaraq, Bosaso iyo weliba Garoowe.

 

Cismaan Turaabi

Horseed Media

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland “Saleeban Xagla toosiye ayaa Carqaladeeyey Kulan Ka dhacay Gobolka Cayn

June 18, 2010

 

Max’ed Faarax Aadan ayaa sheegay in hogaanka beelaha SSC Saleebaan Ciise Max’ed (Xagla toosiye) uu fashiliyey shir ay degmada Buuhoodle ay ku yeesheen waxgaradka,Isimada,Aqoonyahano,hogaanka SSC iyo xubno kale oo ka mid ah dawdweynaha ku dhaqan degmada Buuhoodle,kaasi oo loga hadlayey amaanka gobolka Cayn.

 

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa intaasi ku daray in kulankooda oo soconayey mudo kooban diirada lagu saaray amaanka gobolka,ka hortaga doorashooyinka Somaliland,in hubka laga saaro gacanta shacabka ku dhaqan gobolka iyo arimo kale oo salka kuhaya amaanka guud ee gobolka Cayn.

 

Waxaa ka soo qaybgashay kulanka xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirka Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland Max’ed Faarax Aadan,Garaad Cabdullaahi Garaar Soofe,Caaqil Xasan Xaaji Haaruun,Max’uud Xaaji Cumar Camey,taliyaha qaybta Ciidanka Booliska gobolka Cayn Max’uud Max’ed iyo mas’uuliyiin kale.

 

….”Inta uu soconayey kulankaasi ayuu hal mar istaagay Saleebaan Ciise Max’ed,wuxuu dalbaday in la siiyo mCiidamo uu ku dagaal galo balse waxaa ka diiday dhalinyaro ka soo qaybgashay shirka,taasi ayaa keentay in Saleebaan Xagla toosiye uu ku dhawaaqo SSC guul,hanoolaato iyo erayo kale gabagabadiina keentay in lagu kala kaco shirkaasi in lagu kala kaco….” ayuu yiri.

 

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa sidoo mkale sheegay in Warbaahinta qaay ay kulankooda ka qoreen warar khaldan kaasi oo ay ku sheegeen in shirkaasi la isku afgartay,sababtoo ah buu yiri Saxaafada looma ogolayn kulankaasi.

 

Caaqil Max’uud Xaaji Cumar wuxuu sheegay Xagla toosiye in Iskuulka degmada Buuhoodle aan laga qodi karin shidaal,si taasi la mid ahna aysan suurtagal ahayn arimaha uu wado ayuu yiri Wasiirku.

 

Maalmaha soo socda ayaa lagu balansan yahay kulan uusan ka soo qayb gali doonin hogaanka beelaha SSC Saleebaan Ciise Max’ed (Xagla toosiye).

 

C/qani C/laahi Cabdi

Horseed Media

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

I wonder, why do these Qashin keep swerving back and forth like a bunch of decapitated cockroaches? Why won't they simply stick to one side? Dare I say, these fools are taking the term "flip-flopper" to a whole new level.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waa Been Cad, wasiirku sheega Puntland iyo Horseed Media ee adeegta Faroole ha joojiyaan faragalinta ee ku hayaan SSC, propaganda beenta ah

 

Puntland ayaadaa bixisay oo diiday inay difaacdo Laascaanood, Hada hadii Puntland rabto inay Laascaanood xoreesana wey uaqaanaan dariiqa iyo jidka ee u maraan Laas Caanood. Markaa Puntland ha joojisu dhibaatada ee ku heyso Hogaanka SSC iyo Magaalada Buhoodle ee ah Xaruunta SSC

 

 

Puntland meesha ee kala dagaalamaso Shacabka SSC iyo Hogaankooda, waxaa ka fiican in ee Puntland SNM/Somalidiidka ka xoreeso dhulka maqan

 

 

Faroole iyo maamulkiisa puntland hadii ayan u hogansamin rabitanka shacabka ssc hadii kale ha ka daayeen dibin daabyada, isku-dirka, lug'gooyada,

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

 

Azizah iyo Liibaan:

 

Daacdaaca raqiiska ah labadiinuba joojiya! Faroole marnaba ma xoreenayo dhul ku dagaalamayaan reer walaalo ah oo dhulka uuka wada dhaxeeyo. Marka raali baad ahaanaysaan walaalayaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Mr. Somalia:

^

 

Azizah iyo Liibaan:

 

Daacdaaca raqiiska ah labadiinuba joojiya! Faroole marnaba ma xoreenayo dhul ku dagaalamayaan reer walaalo ah oo dhulka uuka wada dhaxeeyo. Marka raali baad ahaanaysaan walaalayaal.

When it comes to reer walaalo ah waa aboowe macaan but when it comes to ONLF waa caanaboorayaal miyaa icon_razz.gif:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Posted by Mr Somalia: Daacdaaca raqiiska ah labadiinuba joojiya! Faroole marnaba ma xoreenayo dhul ku dagaalamayaan reer walaalo ah oo dhulka uuka wada dhaxeeyo. Marka raali baad ahaanaysaan walaalayaal.

daacdaaca? horta somali waxay dhahada nin caytamay afkisa ku yaala.

 

Inta hada ka socono Faroole cid maanta wax ka sugasa ma jirto wa sheeko laga socday..

 

Propagandada iyo aflagadada uu marba ku wado reer SSC uun haka joojiyo....inta adeerka iga gaadhsi. Waxkale oo laga rabo ayaa iska yar.

 

I wonder, why do these Qashin keep swerving back and forth like a bunch of decapitated cockroaches? Why won't they simply stick to one side? Dare I say, these fools are taking the term "flip-flopper" to a whole new level.

Also your hatred and qabiil mindset is well noted in the above paragraph. Which I overlooked in my earlier comment since I didn't see the point.

 

Laakin madaama afkaaga ila so raadsatay anoo rabin in aan kula hadlo the only advice I have for you is stay away from ssc issues they do not concern you ..and no one really cares about Faroole or wants anything from him other than that he should leave the ssc ppl alone they will free their regions. No one is asking him for permission...isku dhadhajiska uun ha jojiyo iyo meel lo dirsan in uu dhex ordo..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr.Somalia....I'm afraid no one is asking Faroole for help, guidance or permission. He rendered himself useless.The best he could do now is stay out of people's way and shut up about this jabhad businesses.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Honestly everyone knows Faroole is a looser and the biggest disaster for PL.

but also Xagletoosiye and Co are also loosers, uma malaynayo inay dan dadka degaankaas daga ay wadaan, tafaraaruq iyo qas un bay gasheen, but I hope deegaankaas iyo Somali oo dhan inuu u soo baxo qof daacad u ah shacabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Haatu:

quote:

Originally posted by Mr. Somalia:

^

 

Azizah iyo Liibaan:

 

Daacdaaca raqiiska ah labadiinuba joojiya! Faroole marnaba ma xoreenayo dhul ku dagaalamayaan reer walaalo ah oo dhulka uuka wada dhaxeeyo. Marka raali baad ahaanaysaan walaalayaal.

When it comes to reer walaalo ah waa aboowe macaan but when it comes to ONLF waa caanaboorayaal miyaa
icon_razz.gif:DSee wax kaa yihiin, Haatu? Anigu caanoboore waxaan ugu yeera walaalaha aan aadka u jeclahay, ee adigu caanoboore xumaan ha u qaadanin, waayo anigu waa iga amaan... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

Mr.Somalia....I'm afraid no one is asking Faroole for help, guidance or permission. He rendered himself useless.The best he could do now is stay out of people's way and shut up about this jabhad businesses.

And your opinion matters, right? :D

 

Stick with spurring on foolishly, Shangole and the religious deviants of the south! I tell you, the inner political machinations of the Puntland state and its leader are way beyond the pay grade of a man such as yourself who suffers from mild cognitive impairment caused by supernatural malevolence towards his betters in Puntland. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

How could one man cause so much agony-A verbal diarrhea every time you speak of his name.Bal afka isku qabo, clear your throat and wipe off your face ;):D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this