Sign in to follow this  
Cowke

110 SSC And Somaliland Soldiers Defect To Puntland

Recommended Posts

Taleexi   
Mr. Somalia: Adeer, your blind support of president Farole has no limits and been noticed. Anigu ma Faroole waxaan mooday mise wuxuu noqday, horta midna sheegi maayo balse waxay u muuqataa inuu ku sifoobay maahmaahdii Soomaaliyeed ee odhanaysay "Doqontu xadhkaha lagu xidhayo xusuladay ku sidataa".... Faroole hoosaasinta reer SSC ha ka daayo ma dhib bay noqotay? Fikir ahaantay, ma iin la'a hogaanka SSC balse Faroole wax tar mooyee waxyeelo loogama fadhiyin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Hogaanka SSC Oo Ka Hadlay Hadal Ka Soo Yeeray Wasiir Ka Tirsan Puntland Iyo Ciidamo Ka Soo Goostay Somaliland (Dhageyso)

June 18, 2010

 

Hogamiyaha Ururka Badbaadada iyo Minimada SSC Saleebaan Ciise Axmed “Xagla Toosiye” oo u waramayay Horseed Media isagoo ku sugan Degmada Buuhoodle ayaa war aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Maxamed Faarax Aadan oo u waramay Horseed Media, kaasi oo ahaa in Hogaanka SSC Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye uu carqaladeeyay shir ay yeesheen Beelaha SSC iyo Ciidamo ka soo goostay Ururka SSC oo uu sheegay wasiirku in ay ku soo biireen Maamulka Gobolka Cayn lana filayo in qayb ka noqdaan Ciidamada Daraawiishta Puntland.

 

Saleebaan Ciise Axmed ayaa ku sheegay hadaladaasi kuwo si isaba jooga ah uga soo yerayay Puntland, wuxuuna sheegay in arrimahaasi ay salka ku hayaan marin habaabin la doonayo in loo gaysto hadafka SSC.

 

Waxaa uu intaasi ku daray in Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland Maxamed Faarax Aadan iyo xubno kale ay ku sugnaayeen muddo badan Gobolka Cayn ayna doonayaan in ay dhibaateeyaan hadafka SSC hasa yeeshee waxaa uu xusay in taariikhdu ay qori doonto arimahaasi.

 

Dhageyso Saleebaan Xagala Toosiye oo u waramaya Horseed Media

 

 

“..Ciidamo ka goostay Puntland oo dib ugu biiray Puntland ma jiraan waa warar aan waxba ka jirin, Ciidamadii Puntland ee nasoo garaay kana yimi Boossaaso iyo garoowe oo gaaraya ilaa 100 askari iyo Ciidamo kale oo iyana gaaraya 80 hada jiida hore ee Dagaalka ayay ku jiraan, waana ku xisaab tamaynaa, maadaama ay yihiin kuwo si gaar u tababaran…”ayuu yiri.

 

Hogaamiayaha Beelalaha SSC ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Puntland ee ku soo biiray SSC ay yihiin niman wata mab-da, isla markaana aan lagu marin habaabin karin wax uu ugu yeeray mashruuc uu nin wato.

 

Ciidamo Ka Tirsanaa Somaliland oo Ku Biiray S S C

 

Hogaamiayaha Beelaha SSC Saleebaan Ciise axmed “Xagala Toosiye” ayaa sheegay in SSC ay maanta ku soo biireen Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Somaliland, kuwaasi oo uu sheegay in uu hogaaminayay Taliayahii aaga Bari ninka lagu magacaabo Mustafe Galaal.

 

Mudane Saleebaan ayaa ka gaabsaday in uu carabaabo tirada Ciidamadaasi, wuxuuse xusay in ciidamadaasi ay wateen 6 Baabuur oo isugu jira kuwa xamuul iyo Tibnikada.

 

“….Sabbata ka dambaysay in Ciidamadu ay nagu soo biiran waxa ay ku jaan go’an tahay muuqaal u sawirmay, kaasi oo ah kacdoonka shacabka SSC, waxaana aan kuu sheegayaa in SSC ay ku tiirsan tahay shacabkooda gudo iyo Dibada….”

 

Arintaan ayaa imanaysa Xili uu maanta sheegay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland in Ciidamo ka tirsanaa Somaliland iyo SSC ay ku soo biireen maamulka gobolka Cayn ee Puntland.

 

C/qani C/laahi Cabdi

Horseed Media

 

AUDIO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Howke

Xaglatoosiye is telling the true. You need to watch taleex demostration to uderstand what really is going on. Faroole is overreacting and if he continue what he is doing, Garoow itself will became a frontline.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

:D

Alla yaa boolaxoofteeyey: Hada ma Garowe ayaad u dhaaranaysaan, idinkoo dhulkiini habro iyo kuwa u shaqeeyo ka kacsan la'. :D

 

hahaha *still laughing* @ "Garowe itself will became a frontline".

 

Duufaan, ever thought of becoming a stand up comedian-- for you have a lot of talent in that department, you joker you... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Faroole xaalkiisu waa nin daad qaaday Xumbo Cuskay, markaa waa inuu joojiyaa kana waantoobaa dagaalka uu kula jiro SSC,

 

Shacabka SSC uma dulqaadanayaan, in maamul ee wax ka dhiseen inuu maanta ka qeyb qaato burburinta SSC

 

Shacabka Bari Nugaal iyo Mudug, waa inay Faroole xakameeyaan ama casilaan si Dadka SSC uga badbaadaan sharka Faroole

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Mr. Pirate

 

 

Kolay waxba na tarimeesaane Pirateland, amaan uun nasiiya

 

Hadii uu Faroole joojin waayo dagaalka uu kula jiro SSC, waa jirasa maalin dhow uu laga shanlayn doona,

 

 

Ordoo sidiinii badihiina iska aada maraakiibtaa bada iska ceyd sada, Cade muuse iyo Faroole waxa ee aaminsanyihiin in bada red sea iyo Indian ocean baaba ka faa'ido badantahay Las anod iyo SSC

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

 

Horta Faroole dhul aad leedahay kaama qaadanin oo habraha Marfashland uma gacangelin; waxa dhulka iibsaday, walina u haya Riyaale, waa isla idinka. Marka oohintaan orgiga ka weyn ee waxba hanagu soo xoqxoqanina, ceeb aanu lahayn dusha hanaga saarinina, ee wiilka SSC labaxayow hadaad Las Caano xoraynaysid, cid kaa horjoogto ama dhexda kuu fadhida oo kuleh ha dagaalamin ma jirto. Marka inta nacnacda iska deysid, nin intaad noqotid, dhulkaaga habrihii kaa dhacay kasoo dhacso: Waxba Puntland iyo Faroole ha ku marmarsoonee.

 

Tan labaad, pirate-nimada aad ceyda ka dhigatay, bad la'aan baa ku heesee, hunguri xumadaada cid kaaga hormari lahayd majire...hadana waa hunguri xumadiina waxa dhulkiini habar xabuush aad uga iibisayn.

 

Liibaan, idinkoo Puntland iyo Faroole iyo ganaaxyada maraakiibta badweynta loojaro ku mashquulin( :D ), ma waxaad garan weydayn intaad midowdaan inaad Las Caano ka dhacsataan habar xabuushka?

 

Boqol jeer baan ku iri, marmarsiyooyinka raqiiska ah joojiyo-- waa hadaad dad caqli leh tihiin! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this