Sign in to follow this  
Showqi

A list of all the things Al Shabaab banned

Recommended Posts

Shababka Oo Mamnuucay Boorashka & Galeyda Gaduudan

 

Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya dadka degan tuulooyinka u dhaxeeya Muqdisho & Balcad ayaa sheegaya in Horjoogayaasha Shabaabka ee degaanadaasi ay soo saareen awaamiir qalafsan oo saameyn ku yeelatay Xoolo dhaqatada iyo Xoolahaba ee degaanadaasi, kuwaasoo horey ay heystay duruufo adag xagga nolosha ah, waxaana la laga mamnuucay in Xoolahoodu ay siiyaan Boorashka iyo Galeyda Gaduudan oo macaawino ahaan loo keeno dalka Soomaaliya, bacdamaa xilliga jiilaalka ay degaanadaasi lahayn wax baad ah oo ay xoolahoodu quutaan, halka xoolaha ay siiyaan raashinka ay mamnuucday xarakada Alshabaab iyo waliba geedka tiinka loo yaqaan oo marka la gubo la siiyo xoolaha.

 

Horjoogaha Maamulka Gobolka Benaadir ee kooxda Shabaabka ee ka taliya inta u dhaxeysa degaanada hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo G/Banaadir ayaa gebi ahaanba ka mamnuucay dadka reer miyiga ah ee degan halkaasi inay xoolahooda u iibiyaan raashinka sida Boorashka iyo Galley gaduuda oo ah calafka kaliya ee xilligaan jiilaalka ah la siiyo xoolaha, iyadoo ay horay u jireen tacadiyo kale oo loo geystay gawaarida ay isticmaalaan xoolo dhaqatada degan degaanada u dhaxeeya Balcad iyo Banaadir isla markaana ay uga daadiyeen raashin ay xoolahooda u iibsadeen, halka qaar ka mid ah xoolo dhaqatada caanaha keenta Muqdisho ay u geysteen jirdil, caga jugleyn iyo cabsi gelin.

 

Joojinta kooxda Alshabaab ee iibsiga boorashka iyo galleyda ay ku soo rogeen dadka degan inta u dhaxeysa Balcad iyo Banaadir, ayay ku sheegeen Shabaabka inay leedahay Hay'adda QM u qaabilsan cuntada ee WFP, sidaasi darteedna sharcigoodu dhigayo inay ka mamnuucaan degaanada ay ka taliyaan, hase yeeshee arrintaasi ayaa la sheegay inay inay dadka degaanka ka gadoodeen.

 

Jawaabta ay dadka degaanka ka bixiyeen awaamiirta kooxda Al-Shabaab ay ku soo rogeen ayaa noqotay mid si weyn saameyn ugu yeelatay dhaqdhaqaaqa awooda ay ku leeyihiin degaanadaasi kaddib markii ay ciidamadii degaanka ka soo jeeday isaga baxeen kooxda Al-Shabaab, waxayna arrintaasi soo dedejisay inay kulan ka yeeshaan waxgaradka iyo odayaasha degaanka oo dhinac ah iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

 

Qaar ka mid ah odayaasha ka qeyb galay kulamada dhex maray odayaasha degaanka iyo saraakiisha kooxda Al-Shabaab oo diiday magaciisa la faafiyo ayaa sheegay in la isku afgaran waayay waxyaabihii looga hadlayay oo uu sheegay inay ugu muhiimsanaayeen inay Shabaabku dib uga laabtaan awaamiirtii ay dadka degaanka uga mamnuuceen iibsiga Boorashka iyo Galleyda oo xoolaha la siiyo, waxaana aad u cakiran cunaqabateynta faraha badan ee maalin walba lagu soo rogay reer miyiga ku dhaqan Balcad iyo Banaadir.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wararka ka imaanaya degmada Walawein ayaa sheegaya in Maamulka Alshabaab ee degmadaas maanta uu xabsiga u taxaabay 18-ruux isugu jiray dhaqaatiir Caafimaad iyo Kalkaaliyeyaal ka howl galayay degmadaas.

 

Dhaqaatiirtan iyo kalkaaliyeyaashan ayaa loo uruuriyay dhaqtar ka mid ah dhaqaatiirtaas oo howl caafimaad ku guda jiray darteed, isagoo xilligaas daweynayay haweeney ka mid aheyd dadka bukaanada ee Isbitaalka yimid.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Dhaqaatiirtan ay ka howl galayeen Isbitaalka Drs Xaawo Cabdi ee degmada Walawein, waxaana Maamulka Shabaab ee degmadaas ku eedeeyay in ninka dhaqtarka uu taabtay haweeney Ajnabi ka aheyd, sidaas ay ku muteysteen xariga anshax daro ah.

 

Maxkamada degmada ayaa ku xukuntay qaar ka mid ah dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha min 15-maalmood ilaa 18-maalmood oo xabsi ah, iyadoo arrintan ay aad ula yaabeen dadka deegaanka, markii la arkayay dhaqaatiirta oo gaadiid lagu uruuriyay.

 

Eedeynta Shabaabka u cuskadeen dhaqaatiirta oo aheyd in dhaqtarka uu taabtay Haweeney jirkeeda, xilli uu daawanayay ayaa aheyd arrin ugub ah oo ku cusub dadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Shabaab oo deegaanada loo barakacay iyo Afgooye ka mamnuucay ka ganacsiga Sambuuska (Warbixin)

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa deegaanada loo barakacay iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ka soo saaray awaamiir ay ku mamnuuceen ka ganacsiga Sambuuska, iyadoo la faray Ganacsatada Biibitooyinka leh in aanay ka ganacsan karin.

 

Gawaari cod baahiyeyaal ah oo lagu rakibay ayaa lagu farayay dadka in la mamnuucay Sambuuska oo ah raashin fudud ee Soomaalida aad u jecel yihiin, waxaana si dhab ah loo ogeyn sababaha ka dambeeya in la mamnuuco.

 

Wararka ayaa sheegaya in Qeybta faya-dhowrka Shabaabka ay ka soo saareen in Sambuuska uu qeyb ka noqday cuduro maalmahan ku soo laabtay deegaanada qaar, gaar ahaan cudurka xanuun caloolaha loo yaqaano.

 

Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in Shabaabka ay ku mamnuuceen Sambuuska inuu yahay mid leh calaamada Kirishtada, maadaama sambuuska yahay mid saddex geesood ah.

 

Dad fara badan oo dan yar ah ayaa iibinta Sambuuska iyo waxyaabaha kale ee loo yaqaano (Qamshax-qamshaxa) sida Burka, Sambuuska, Bajiyaha iyo mac-macaanka kale waxay ku dabirtaan nolol maalmeedkooda, hase ahaatee waxay tani caqabad ku tahay dadkaas oo wadooyinka ku wareejiya.

 

Mamnuucida ay Shabaabka deegaanadaas ku soo rogeen Sambuuska ayaa ku soo beegmeysa xilli ay fooda nagu soo heyso Bisha Ramadaan, dadkana ay waxyaabaha ku anfuraan ka mid yahay Sambuuska.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

oba hiloowlow;736139 wrote:

Wararka ayaa sheegaya in Qeybta faya-dhowrka Shabaabka ay ka soo saareen in Sambuuska uu qeyb ka noqday cuduro maalmahan ku soo laabtay deegaanada qaar, gaar ahaan cudurka xanuun caloolaha loo yaqaano.

Sambuusuhu calool xanuunka muu keenin, ee nadaafad xummidda ayaa keentay calool xanuunka. Caku Al-Shabaab iyo fikrad xumidooda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al shabaab oo degmada Afgooye ka mamnuucay cunista hilibka Lo'da,Geella iyo Ariga.

 

Maamulka Xarakada Al Shabaab ayaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha hoose ka mamnuucay qalida iyo ka ganacsiga hilibka Xoolaha, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka ku dhaqan degmadaasi.

 

 

 

Qalida iyo ka ganacsiga Hilibka Geele, Ariga iyo Lo’da ayaa waxaa la sheegay in Maamulka Al Shabaab ee gobolka Shabellaha hoose uu ka mamnuucay degmada Afgooye ee gobolkaasi sida Idaacadda Shabelle ay u sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada iibisa Hilbkaasi.

 

 

 

Mid ka mid ah ganacsatada iibisa Hilibka Xoolaha ee degmada Afgooye oo Shabelle la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ciidamo ka tirsan ay ku wargaliyeen saacadihii lasoo dhaafay in dedgmada Afgooye aan lagu arki karin Hilibka Xoolaha taasi oo uu sheegay ganacsadaha inay keentay in maanta Kawaanada degmadaasi aan lagu arkin wax Hilib ah oo la iibinayo, isgoo intaasi ku daray in Shabaab ay u sababeeyeen mamnuucida Hilibka Xoolaha lagu iibiyo degmadaasi oo ay sheegeen inay yihiin kuwa baqtiyay oo dadka lagu siro.

 

 

 

Sidoo kale ganacsadaha ayaa Shabelle u sheegay in mamnuucida Al Shabaab ee Hilibka lagu iibiyo degmada Afgooye inay saameyn ku yeelatay ganacsatada oo uu tibaaxay inay maanta shaqa la’yihiin, sidoo kalana aysan garaneyn wax ay ku maareeyaan nolasha qoysaskooda, madaamada sida uu sheegay laga hor istaagay shaqadooda.

 

 

 

Marka laga soo tago saameynta ay ku yeelatay mamnuucida Hilibka ganacsatada iibisa ayaa hadana waxaa la sheegay inay saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab oo burburinaya tabeelooyinka ku qoran yahay Afka Soomaaliga ee ku yaalla degaanada Ceelasha Biyaha

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ee halkaasi ku sugan ay bilaabeen olole ka dhan ah Afka Soomaaliga, iyagoona burburinaya dhammaanba dhisme kasta iyo tabeelayaasha ku qoran Afka Soomaaliga.

 

Howlgalada lagu burburinayo goobaha afka Soomaaliga lagu qoray waxaa ka mid ah degaanada Ceelasha Biyaha, Carbiska, Lafoole iyo dhammaanba goobaha ku teedsan wadada dheer ee u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho.

 

Mid ka mid ah ganacsatada degaanka Ceelasha Biyaha ayaa shabakadaan u sheegay in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay ka burburiyeen qeyb ka mid ah dukaankiisa iyo tabeelihii u dhegsanaa, isagoona sheegay in falkaasi uu aad uga xun yahay, taasi oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed aanay intooda badan ku hadlin afka Carabiga sababka keentay in lagu khasbo afka Carabiga.

 

"Waxaan aad uga xumahay in goobteyda ganacsiga la burburiyo iyadoo aan wax digniin nala siin" ayuu yiri ganacsadahaan ku sugan degaanka Ceelasha Biyaha oo sababo nabadgelyo awgood magaciisa ka gaabsaday in la baahiyo.

 

Dhinaca kale 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa dadka ku nool iyo kuwa u barakacayba inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye waxaa soo food saaray xaalado cabsi iyo welwel miiran ah, kaddib markii maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab si aan arxan lahayn u burburiyay tabeelayaasha ku dhegan dukaamada iyo wadada hareeraheeda.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia's al Shabaab ban non-Arabic signs on shops

 

MOGADISHU, Sept 6 (Reuters) - Somalia's hardline Islamist group al Shabaab has ordered businesses and shop vendors on the outskirts of the capital to remove English and Somali posters and replace them with billboards in Arabic.

 

The latest edict announced from loudspeakers perched on cars is a sign the militants are intent on stamping their own strict laws on areas they still control, after withdrawing from the heart of Mogadishu early last month.

 

Residents of camp settlements at Kilometre 13, Elasha, Lafole and Afgoy on the outskirts of Mogadishu said the rebels, who have banned musical ringtones, movies and dancing at weddings, have warned residents they could face an Islamic court if they fail to comply within a month.

 

"They already started tearing down the main shop signs last night after they imposed a curfew in the town. They ordered us to change signs into Arabic, which can't be understood by the people, since most understand either Somali or English," Abdi Jamal, a businessman in Kilometre 13 told Reuters.

 

"In fact, it is not logical even according to Islam and will have an impact on the smooth running of our business activity. Even worse, they also ordered us not to go to Bakara Market for business," he said, referring to the capital's main market which was al Shabaab's base before its fighters retreated.

 

Al Shabaab officials declined to comment.

 

Al Shabaab has been waging an insurgency since 2007 against the Western-backed government in a bid to impose its own strict version of Sharia law across the anarchic Horn of Africa nation.

 

Al Shabaab controls large chunks of southern and central Somalia and was camped in the capital until its fighters pulled back in August, saying it was a tactical move.

 

ILLEGAL ZAKAAT

 

Somalia has been going through cycles of violence with no effective central government since the overthrow of dictator Mohamed Siad Barre in 1991.

 

In a sign the al Qaeda-affiliated group may be facing a funding shortage, camp residents said the militants had forced people to pay an annual Islamic donation in advance.

 

"Al Shabaab has taken zakaat (donation) from all business owners this week, but it is the wrong time," shopkeeper Ali Dicisow told Reuters from Elasha.

 

"They have taken 2.5 percent of our cash and of the value of our stock. We had to give the exact amount required because anyone who miscalculated his wealth would risk al Shabaab taking away half of it. This week, we unwillingly paid next year's Zakaat in advance," he said.

 

Residents also described an atmosphere of fear since al Shabaab cemented their rule on the camp towns after they withdrew from Mogadishu.

 

"No two people can talk together in the streets. We mention al Shabaab's name in whispers and only in houses. Women who go out just to pour dirty water are grabbed and jailed if they do not have the heavy veils," resident Osman Qeyley told Reuters from Lafole town.

 

"We have no hope at all. All al Shabaab leaders are here with their fighters and the government has no power to reach us. We know al Shabaab will not allow us to move to Mogadishu if the government approaches here," he said.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;745004 wrote:
Mid ka mid ah ganacsatada degaanka Ceelasha Biyaha ayaa shabakadaan u sheegay in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay ka burburiyeen qeyb ka mid ah dukaankiisa iyo tabeelihii u dhegsanaa, isagoona sheegay in falkaasi uu aad uga xun yahay, taasi oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed aanay intooda badan ku hadlin afka Carabiga sababka keentay in lagu khasbo afka Carabiga.

Sheekaday keenaanba tii kale ka daran. Hadana ma Af Soomaaligii bay mamnuuceen!!!

This 1diots are all in suicide mission, and in the process they will kill a lot of Innocent people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waaba taageeri lahaa haddee burburin lahaayeen kuwa Ingiriiska iyo afafka shisheeye ku qoran (Carabi ku jirto), oo Afsoomaaliga kuwa ku qoran bas dhaafi lahaayeen.

 

Koox wareersan sii wareertay waaye kuwaan maxaa kale laga sugi lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nina Fox   
And then finally ayaga ayaa la MAMNUUCEEY heheheheh Allah SWT is GreaT!!!!!! Good Riddence to the looneeys who let fake power get to their heads:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this