Sign in to follow this  
Paragon

According to Qaadisiya: UIC 13 Kilometers from Deynuuney; TFG troops refuse to fight?

Recommended Posts

Paragon   

Ciidamada Golaha Maxaakimta oo Daynuunaay u jirsaday illaa 13km iyadoo wax dagaal ahna aanu weli dhicin.

 

 

Buurhakaba, 24-October-06 ( Qaadisiya.com) Ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa ku sii siqaya magaalada Baydhabo ee xarunta dawladda kmg,waxa ayna haatan ku sugan yihiin goob 13-km oo qura u jirta magaalada Baydhabo gaar ahaan halka loo yaqaano Daynuunaay, xilli dadka reer Baydhabo ay dhararayaan goorta maxkamaduhu ay la wareegayaan gobollada Bay iyo Bakool.

 

Ciidamada Tikreega ayaa isaga cararaya gobollada Bay iyo Bakool kadib markii ay ku adkaatay nidaamka Meles Zenawi mar qura in ciidamadiisa dagaal ay la galaan mujaahidiinta Soomaaliyeed, ciidamada Eritrea oo soo buuxiyay xadka ay la wadaagaan dalkaasi iyo waliba qowmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalkaasi oo ku kacsan nidaamka dictator-ka ee uu majaraha u hayo Tikreega tirade yar.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaq xoogan uu ka socdo magaalada Baydhabo,kaasoo ay wadaan masuuliyiinta dawladda kmg oo taladu ay ka walaacsan tahay.

 

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shuurada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed Dr Cumar Iimaan Abu Bakar ayaa sheegay in aaney ka hari doonin qolyaha ku soo duulay magaalada Buurhakaba,isagoo xusay in haatan wixii ka danbeeya aaney dhici doonin in lagu ciyaaro amniga magaalada Buurhakaba.

 

Ma cadda in ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ay ku duuli doonaan magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah dawladda kmg oo haatan waan waan kula jirta golaha maxkamadaha,laguna ballansan yahay in labada dhinac ay kulmaan 30-ka bishan aanu ku jirno.

 

Ra'iisal wasaaraha xukuumada meel ku gaarka Cali Maxamed Geedi oo shalay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in qal qal weyn uu soo food saaray masuuliyiinta dawladda,waxa uuna eedeyn u jeediyay golaha maxkamadaha islaamiga oo uu sheegay in ay wadaan dhul ballaarsi.

-----

 

 

Ciidamada Dowladda Federaalka oo ka diiday Saraakiishooda in ay ladagaalamaan Kuwa Maxaakimta.

 

 

Baydhabo, 24-October-06 ( Qaadisiya.com) Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Saraakiisha ugu sar sareysa ee Ciidamada Dowladda Federaalka ay isku diyaarinayaan in ay dagaal la galaan Ciidamada Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ee iyagu ku wajahan Magaalada baydhabo.

 

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka oo diyaariyay Ciidamada Dowladda ayaa markii dambe ku wargeliyay in ay u dhaqaaqi doonaan Dhanka daynuunaay oo laga cabsi qabo in Ciidamo katirsan Golaha Maxaakimtu ay halkaasi kasoo galaan.

 

Ciidamadii Dowladda ayaa mar qura ku qeyliyay Saraakiishii ku amreysay in dagaalka ay ka qeyb qaataan iyagoo ka codsaday in Dagaalka aanan la geynin haddii la isku dayo in lagu qasbana ay isku dhiibi doonaan Maxaakimta.

 

Naxdin ayaa durba waxa ay kudhacday Wadnaha Saraakiishii Ciidamadaasi hageysay hayeeshee ku hungowday in ay u soo kaxeeyaan Dhanka daynuunaay, waxaana Ciidamada lasoo marin habaabinayo ay ka naxsan yihiin Ragga kusoo fooleh oo iyagu Meel waliba oo ay aadaan Allaah Idinkii ku guuleysta.

 

Arrintani oo Shabkadda Islaamiga ah ee Qaadisiya uu u cadeeyay Mid kamid ah Shaqaalaha Mas'uuliyiinta ugu sar sareysa ee Dowladda Federaalka oo codsaday in Magaciisu aanan soo bandhigin sababo dhinaca Ammaanka iyo Xogta oo gaaban doonta Awgeed.

 

Mas'uukani ayaa sheegay in markii ay dhacday Arrintaasi ay ku taliyeen Saraakiisha Itoobiyaanka ee kusugan Gudaha Magaalada baydhabo in Ciidamada Itoobiyaanka la horumariyo kuwa Soomaaliduna hadhow ay noqdaan Gurmad, waxaana arrintaasi isla ansixiyay Saraakiishii Dhinaca Ammaanka u qaabilsaneyd Dowladda Federaalka iyo kuwa Tikreega ah ee Baydhabo kusugan.

 

Ciidamada Tikreega ah ayaa lagu wadaa Saacadaha Soo socda in ay u soo dhaqaajiyaan Dhanka Waddo dheer oo u dhaxeysa Magaalada Baydhabo iyo Degmada buurhakaba, halkaasi oo ay ka geli doonaan un Difaac sida Qaadisiya loo xaqiijiyay, wixii kusoo kordha lasoco Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Bu'aale sheekadeedi wey aamustey waayo guusha iney Maxaakimta raacdey ayaa la wada ogaadey, haddee juuq iyo jabaqba laga waa dhankii Barre, imika waa dhankaas iyo Daynuunaay Inshaa Allaah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Nuune, Baydhabo waanwaan bay ku fiican tahay ma is tiri.

 

Let's first get rid off all WARLORDS and negotiate with the good guys in the TFG for Power-sharing purpose.

 

All the warlords (including Barre Hiiraale) become MP's and Ministers not for their knowldege and experiences but thier enclaves in Mogadishu and Kismayo. therefore we must replace them by ICU Ministers and change the 4.5 and many other WARLORDISM principals in the constitutaion in order to form civilised government which puts the interest of its people in the first priority.

 

I think this is the best solution available for Somalia so far. the alternative is more blood shed for something that is preventable in my opinion.

 

Every sincere Somali is now happy how Mogadishu and Kismayo were liberated from infamous and criminal warlords. Have you seen how the ISBAHAYSIGA mosque was celebearted yesterday's EID for the first time in more than decade. MAASHALLAH!

 

however, Baidoa is different not only for preventing more civilian victims but also preventing for foreign intervention excuses which could prolong the crisis in our country.

 

therefore, I tend to choose the less evil rather than the giving chances to our enemies and proplonging the suffereing of our people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Muraad, good point, waan kugu raacsanahay, waayo badbaadinta shacabka ayaa muhiim ah had iyo jeer.

 

Laakin sheekada haddey waanwaan noqoto waxaan ogahay xattaa gudoomiyaha baarlamaanka shariifka inuu ogolyahay waanwaan iyo waliba xildhibaanada TGDa oo dhan, laakin Yeey iyo Geedka ayaa maskaxdoodi maar noqotey, wax galayo ma jiraan, maskax uu Melez maamulo mariid ma ogiyee wax kale haka filanin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

strange TFG gets 5 people killed on both sides and then leaves like nothing ever happend

 

5 sons of Somalia died for nothing

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

As always, I don't think attacking Baydhabo would be productive to anyone. Just like Murad, I've always believed in kuwa Baydhabo jooga wada hadalo lala yeesho. Enough people have died as a result of the last months battle. Moreover, within the TFG there are some useful individuals whom the UIC can make use of.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

But what is to stop the TFG attacking the ICU when ethiopia heavily arm the TFG? It is catch 22 situation for the courts. If the courts wait, they could risk of being attacked by streghtened TFG. But if they take out the TFG now, they could reduce that risk. Lets face it, it is quite inevitable that the courts and TFG will face each other one day. Might as well be sooner.

 

Having said this, i completely agree with Paragon and Muraad. The ICU shouldnt attack Baydhabo, provided they are guaranteed that they wont be attacked.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

Originally posted by Paragon:

As always, I don't think attacking Baydhabo would be productive to anyone. Just like Murad, I've always believed in kuwa Baydhabo jooga wada hadalo lala yeesho. Enough people have died as a result of the last months battle. Moreover, within the TFG there are some useful individuals whom the UIC can make use of.

What a dramatic turnaround from your previous attitude - let's kill them all, let's get the ICU to take over the whole country. Adeer, ma caqliyotay? If so, waa khayr.

 

Originally posted by Paragon:

^^ThePoint, who said the blood of those who stand in opposition to what is good is sacred? If it means shedding blood to achieve what is best for the nation then so be it.

Originally posted by Paragon:

Yes, if you stand in opposition to what is good and state your support for a Warlord, then your blood would be shed.

Originally posted by Paragon:

Again, after sixteen years of cheer-leading for a Warlord, if you are still insistant that I and others should join the cheering, then you are up to no good. And then so be it if your blood is shed.

Originally posted by Paragon:

ThePoint, I tell you one thing; if you or another Muslim or in this case the whole of Somalis, lost their mind and dwell in inhumanity, I will come to knock some sense and humanity into them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^ :D Turn around? Nah. I say lets get the few useful ones on our side and destroy the rest. Does that look like a turn around?

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

^To destroy the rest you must attack. I doubt A/Y or the likes are going quietly into that good night. So same old blood lust eh!?

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

^Straight forward - concentrating on governance not military adventures. The ICU is in control of the largest city in Somalia and its capital. 1 million ppl+ and the entire country would benefit if they focused on the everyday, mundane but vitally important tasks. They have certainly started on this but so much needs to be done. What a showcase it could become for them if they proceed in the right fashion.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Thanks to ALLAH and the UIC after getting rid off the major WARLORDS, I think, more or less, we all agree on dialogue and power sharing ratehr than the bloodshed and hostility, so let's shape the future government. I would perpose as follow;

 

President : keep the old Colonel provided he is fully supported the reconciliation process

 

Prime Minister : it's difficult, I would prefer to come from UIC but given the current circumstances keep him as well provided to change his hard stances against the UIC.

 

Defence : from UIC provided not to be hostile to any neighbour country.

 

 

Foreign Affairs : from UIC or someone that they can trust.

 

Interior Ministry : hardliner from UIC to keep law and order and to punish the criminals and corrupt ministers/authorities.

 

 

 

All other posts are open to negotiation on 50/50 basis.

 

In addition to this, there should be very powerful Majlisu Shuura/Culumaa (from all Islamic Madhabs and/or Schools in Somalia) who controlls the government activities and can resign the government/ministers if guilty (just Like Iran’s Mullahs or Turks Military).

 

after the transition period, Parliament should come from 4 or 5 parties rather than the 4.5 clans, approved by the above Majlis and their ministers should also abe pproved by the Majlisul Culuma.

 

What do you think? let's share the ideas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this