Sign in to follow this  
Abwaan

Waa su'aale maxkamadihii malloo darsaday?

Recommended Posts

Abwaan   

Kooxo burcad ah oo ku soo badanaya qeybo ka mid ah Jubbooyinka

 

Kismaayo 21, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Maleeshiyooyin oo dhac u geeysta dadka iyo gaadiidka ayaa ku soo batay wadada u dhaxeysa deegaanada Jilib iyo Xaramka.

 

K/Simaha Gudoomiyaha degmada Jilib Max'uud Daahir Faarax qooleey ayaa waxa uu shabelle u sheegay in xaaladda amaan ee wadada isku xirta Jilib ilaa Kunyo Barow ay tahay mid ka sii dareysa, iyadoo wadadaasi ay soo dhoobteen burcad badan oo dhac iyo dil ba u geeystay dad safar ah.

 

Qooleey waxa uu sheegay in maamulka degmada Jilib uu qorsheynayo in talaabo uu ka qaado kooxaha maleeshiyada ah ee halkaasi ka wada amaan darida iyo qalqalka, isagoo sheegay in wada hadalo arinkaasi ku aadan ay la leeyihiin odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

 

Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee gobolka j/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in wadada xeebta ah ay go'day, ka dib markii halkaasi ay isbaarooyin dhigteen halkaasi si ay u baartaan gaadiidka, iyadoo maalmihii la soo dhaafay aanu wax gaadiid ah halkaasi marin.

 

Dhinaca kale magaalada Kismaayo ayaa shalay galinkii dambe waxaa laga sii daayay 4 maxbuus oo ah kuwii Maxkamadaha islaamka laga qabtey, iyadoo goobjoog ka ahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan maxkamadaha islaamka, waxaana maxaabiistaasi ay balan qaadeen in aysan ku laabaneyn howlihii hore.

 

 

 

Farxaan lafoole

 

Shabelle Media Network J/hoose

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

4 ruux oo ku geeriyootay tacshiirad ka dhacday saakay Suuqa xoolaha

 

Mogadishu 20, Jan.07 ( Sh.M.Network) – 4 ruux ayaa ku geeriyootay 9 kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii tacshiirad ay fureen ciidamada Ethiopoia ay ka dhacday wadada isku xirta Suuqa xoolaha iyo isbitalka Sos ee magaalada Muqdisho.

 

Tacshiiraddaan ay fireen ciidamada Ethiopia ayaa sida ay sheegeen goobjoogayaal waxa ay jawaab u aheyd nin ku hubeysan Bustoolad oo rasaas ku riday kolonyada ciidamada Ethiopia oo halkaasi marayay, iyadoo ninkaasi oo aan la garaneyn uu ku dhex cararay xaafadaha dhexdooda.

 

4ta ruux ee ku geeriyootay tacshiiraddaan ayaa waxa ay ahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa halkaasi, iyadoo ciidamada Ethiopia ay fureen rasaasta ka dhacda qoryaha lidka diyaaradaha oo si weyn looga maqlayay magaalada Muqdisho.

 

C/kariim Max'ed Cali oo ah milkiliyaha gaari Xaajiyo ah oo ay dulmareen taankiyadii ay wateen ciidamada ethiopia ayaa shabelle uga waramay dhibka dhacay, isagoo ku waayay gaarigiisii uu ka biilan jrey sida uu sheegay 3 xaas iyo caruur badan.

 

Ciidamada Ethiopia ayaa tacshiirada ay fureen waxaa sabab u ahaa nin ku hubeysan Bustoolad oo si ula kac ah ula beegsaday rasaas kolonyada ciidamada Ethiopia.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada ethiopia si ula kac ah rasaas loola beegsado, iyadoo dhibka xoogana uu inta badan gaaro shacabka, waxaana jira kooxo hubeysan oo aan u tureyn shacabka oo rasaas ku fura ciidamada Ethiopia, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanaya shacabka dhexdooda.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Isasaaseyn xoogan oo ka dhacday Suuqa xoolaha ee Muqdisho

 

Mogadishu 20, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Israsaaseyn xoogan oo socotey daqiiqado ayaa ku dhex martay ciidamo Ethiopian ah iyo kooxo kale oo aan la garaneyn inta u dhaxeysa Suuqa Xoolaha iyo Soos ee magaalada Muqdisho.

 

Ilaa iyo wali lama yaqaano qasaaraha iska horimaadkaasi, laakiin waxaa la sheegay in kooxo maleeshiyo ah oo hubeysan ay rasaas la beegsatay ciidamo Ethiopian ah oo marayay wadadaasi kana yimid dhinaca degmada Balcad sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

 

Rasaasta ka dhacda qoryaha lidka diyaaradaha ayaa laga maqlayay xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo iska horimaadkaan uu dhacay 8 dii subaxnimo ee saakay.

 

Wariyeyaal ka tirsan Shabelle ayaa u dhaqaaqay goobta iska horimaadka uu ka dhacay si ay u soo tabiyaan qasaaraha iska horimaadkaasi.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Qarxyo iyo Israsaaseyn xalay ka dhacday Villa Somalia

 

Mogadishu 20, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Qaraxyo iyo Israsaaseyn xoogan ayaa xalay waxa ay ka dhaceen xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

 

 

Xarunta Villa Somalia

 

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa mar qura ku baraarugay dhawaqa rasaasta culus iyo madaafiic lala beegsaday xarunta Madfaxtooyada Villa Somalia, halkaasi oo fariisin u ah Madaxweynaha dowladda Somalia Col. C/laahi Yuusuf, iyadoo ilaa iyo wali aan la garaneyn qasaaraha halkaasi ka dhashay.

 

Kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ayaa Villa Somalia ka soo weeraray dhinaca bari ee Madaxtooyada ee agagaarka Iskuulkii hore ee 15 Meey iyagoo ku soo tuuray dhowr madfac oo laga soo riday qirga B10 ka iyo hoobiyeyaal, mana cadda qasaarooyin ay geysteen madaafiicdaasi marka laga reebo guryo ku burburey iyo Masjid ku yaala W/dhiigleey oo Madfac uu ku habsaday.

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ee fariisinka u ah Xarunta Madaxtooyada ayaa durbadiiba bilaabay in ay dabagalaan goobihii rasaastu ay ka dhaceysay.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa shabelle u sheegay in qaraxyadaasi aanu geysan wax qasaaro ah.

 

Xiriir aanu la sameynay Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa waxa ay inoo sheegeen in ilaa iyo hadda aanu jirin dhaawacyo ka soo gaaray weeraradii xalay lala beegsaday Villa Somalia.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo weeraro ceenkaan oo kale ah lala beegsado ciidamada ethiopia iyo kuwa dowladda inta la og yahay.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

waxaad ilowdey dagalada beledyada ka wada socda somalia.

 

laga bilowdo galgudud ila sh/hoose/bay/bakool waa la is cunaya.

 

waxa dadka isku dirayana waa tigrega oo raba somalidu in eey is leyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inta hubka gacanta shacabka aay ku jirto, dowladana uruurin karin natiijadu waxay noqoneysaa in markii habeenkii la gaaro aay raggii tuugada ahaa aay habeenkii shaqeystaan (dhac, boob & dil).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho oo sii kordhay, dad badan oo joojiyay in ay salaadda subax iyo cishaha ku dukadaan masaajidyada iyo garoonka ciidamada jooga garoonka dayuuradaha Muqdisho oo u muuqda qaar aar goosi wada. Ruunkinet 26/01/07

 

http://www.ruunkinet.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this