Sign in to follow this  
Abwaan

Waa su'aale maxkamadihii malloo darsaday?

Recommended Posts

Abwaan   

Kooxo maleeshiyo ah oo baasuuke la dhacay gaari TM ah

 

Mogadishu 04, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Kooxo maleeshiyaad ah ayaa xalay gubay gaari TM ah oo siday raashin iyo shidaal oo ku sii jeeday gobolada dhexe ee Somalia.

 

Gaarigaan oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday deegaanka biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa la qabad siiyay baasuuke, ka dib markii ay murmeen darawalkii gaariga waday iyo kooxo maleeshiyo ah oo isbaaro u tiilay deegaanka galgalato, iyadoo uu dhaawac soo gaaray 2 ruux, gaarigiina uu gubtay.

 

kooxaha isbaarada u taalay ayaa sida la sheegay waxa ay weydiisteen lacago baad ah gaariga, iyadoo gaariga ay saarnaayeen ilaalo ku hubeysan qoryaha fudud, waana ay ku gacan seyreen in ay dhiibaan lacago baad ah, sidaasina waxaa ku bilowday israsaaseyn.

 

Shiino Macalin Aadan oo ka mid ah dadkii safarka ahaa ee la socday ayaa waxa uu sheegay in labo ruux ay dhaawacmeen, balse aanu xaqiijin karin qasaaro intaasi ka badan oo soo gaaray.

 

Waa markii ugu horeysay oo kooxo maleeshiyo ah ay rasaas ku furaan gaari safar ah oo ku sii jeeda gobolada dhexe, tan iyo markii maxkamadaha islaamka lagala wareegay gacan ku heynta caasimadda iyo goboladii kale ee ay maamuli jireen.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Wararka laga helayo Deegaano ku dhaw dhaw Cadaado ayaa Sheegaya 5 Ruux lagu Dilay Deegaanka DhagTuur oo ka tirsan Degmada Cadaado Ee Gobolka G/Gaduud

 

Dilka 5 taan Ruux loo Geeystay oo dhacay Habeen hore ayaa waxaa Fuliyay Kooxo Dabley ah ah oo Hubeysan, iyadoo Dadka Geeriyooday ay ku jiraan Nin iyo labo Caruur ah uu Dhalay, Xilli ay ku jireen Guri lala Beegsaday Qori Nuuciisu Yahay Baasuuke, halka labada kalena meel aan ka fogeyn lagu Dilay.

 

Xiisadahaan Dilalka ah ayaan ku Cusbeyn Deegaanka Dhagtuur kuwaa oo ah kuwo soo Noqnoqdey, iyadoo ay salka ku hayaan Arimo Aargoosi ah .

 

Falalkaan ayaa Gabi ahaanba ay Xakameeyeen Xili ay Mar Gacanta Ku hayeen Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliya oo iyagu Hada Guud ahaanba lagala Wareegay

 

Goobaha ay Ka Talinayeen.

 

Arimahaan ayaa waxaa Walaac ka Muujiyay Waxagaradka Iyo Masuuliyiinta G/Galgaduud iyagoo ugu Baaqay Shacabkooda In ay Wixii Qilaafaad ah Ku Xaliyaan Wadahadal iyo Wada Xaajood

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Muranadii dhulalka iyo is qabqabsiyo aad u badan oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib kabixitaankii Golaha Maxaakiimta Islaamiga

January 04- 2007 HornAfrik, Mogadishu

 

Muran iyo is qabqabsi xoogan oo dhinaca dhulka ah ayaa ka taagan agagaarka warshadii hore ee taraqa iyo sigaarka ee Magaalada Muqdisho.

 

Murankaan oo maalinba maalinta kadanbaysa sii siyaada ayaa waxaa si weyn loogu muransanyahay wadada u dhaxaysa warshadii tarakha iyo sigaarka iyo Xerada Agako waxaana dhinaca kamid ah dhinacyadaan uu muranku kadhaxeeyo ay ku kala doodayaa milkiyada dhulka halka dhinaca kalena uu ku doodayo.in meeshani ay tahay meel wada ah oo cidna aysan milkiyadeeda sheegan karin islamarkaana aan la dhisan karin.

 

Murankaan oo keenay in qoryo la isku qaato kaasoo argagax weyn ku riday dadka deegaanka ayaa Raage C/llaahi Nuur oo kamid dadka kudoodaya in dhulkaani uu yahay wada ay isticmaalaan dadweyneha oo aanay cidina milkiyadeeda sheegan karin

 

Cusmaan Cumar Cabdulle oo kamid ah shaqsiyaadka sheeganaya milkiyada dhulkaan ayaa asna ku dooday inuu haysto Sabarloogo cadayneysa in uu dhulkaan leeyahay milkiyadiisana uu yahay isagoo sheegay inaysan meeshaani ahayn wada loogu tala galay inay dadka maraan.

 

Dhulkaan uu muranku kataaganyahay ayaa intii gacanata ay ku hayeen Muqdisho golaha maxakamadaha Islaamka waxaa maxakamaduhu ay sheegeen inay meeshaani tahay tahay meel wada ah oo aanay cidina milkiyadeeda sheegan karin

 

Iyadoo maxakamduhu ay xiligaa baabi'iyeen Goobo ganacsi oo badan oo halkaasi ku yaalay waxaana dhinacyadaan uu muranku kadhaxeeyo mid walbaa uu sheegay in uu qaadan doono Go,aanka Qeybta Garsoorka ee Dowlada KMG ah ee Soomaaliya kasoo baxa in kastoo ilaa iyo iminka dowlada KMG ah ee Soomaaliya aysan Magaalada Muqdisho kadhisin Maxakamad kaaqilsan Muranada dhuinaca dhulka ah .

 

Golaha Maxamadaha islaamka ayaa markii Magaalada Muqdisho ay isga baxeen waxaa dib u biloowday muranadii la xariiray dhinacyada Dhulka iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in gurya badan oo markii maxakamaduhu ay joogeen lagu wareejiyey dadkii lahaa milkiyadooda kadib markii cadaalada la marsiiyey in markii ay meesha ka baxeen Maxakamaduhu in ay dib ola wareegeen shaqsiyaadkii awal ku haystay qaabka sharci darada ah.

 

Waxaana golaha maxakamadaha islaamka oo iyagu sameeyey maxkamad gaar ah oo qaabilsaneed muranada dhulalka ay ku guulaysteen intii ay Muqdisho gacanta ku haayeen.in dad badan oo qaab xoog ah looga haystay guryahooda inay dib ugu celiyaan waxaana dadkaan iminka ay ka codsanayaan dowlada KMG ah ee Soomaaliya inay la timaado qorshe ku wajahan u kala dab qaadka bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

3 ruux oo ku geeriyootay weerar ka dhacay deegaanka Jilib Marko.

 

Mogadishu 05, Jan.07 ( Sh.M.Network) – 3 ruux ayaa ku geeriyootay mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii kooxo maleeshiyo ah ay saakay weerar ku soo qaaday deegaanka Degaanka Gandarshe ee gobolka Sh/hoose.

 

Kooxo hubeysan ayaa saakay weerar ku soo qaaday deegaanka Gandarshe ee gobolka Sh/hoose oo masaafo yar u jira magaalada Marko, halkaasi oo ay isaga horyimaadeen kooxo kale oo deegaanka ah, iyadoo israsaaseyn sababtay dhimashada 4 ruux ay ka dhacday halkaasi.

 

labo ka mid ah dadka geeriyooday ayaa waxaa la tilmaamay in ay ahaayeen maleeshiyadii duulaanka soo qaaday halka labada kalena ay ahaayeen kuwa deegaanka oo iska caabin sameynayay, iyadoo qofka dhaawaca uu soo gaarayna ay aheyd haweeneey goobta iska horimaadku ka dhacay ku sugneyd.

 

Kooxaha maleeshiyada ah ee weerarka ku soo qaaday halkaasi ayaa horey u maamuli jirey sida la sheegay deegaankaasi oo maxkamadihii ay ka eryeen, haatana ay doonayeen in ay dib ugu soo laabtaan deegaanka markii ay maqleen in meesha ay ka baxeen xoogaggii maxaakiimta islaamka.

 

Waxii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Bam Gacmeed xalay lagu weeraray Fariisimo Ciidamada Tikreega ay ka sameysteen Bankigii hore ee Maleysiya ee Magaalada Muqdisho.

 

Muqdisho, 05-January-07 ( Qaadisiya.com) Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa waa ay sheegayaan in Habeennimadii xalay Bam Nuuca Gacanta ah lala beegsaday Goob ay fadhiyeen Ciidamo tikree ah gaar ahaan kuwa Dalka kusoo duulay.

 

Bamkani ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday Xarun kutaalla Dhabarka Dambe ee Hotel Saxafi oo dadka qaar ay u yaqaanaan Hargaha iyo Saamaha halka kuwa kalena ay u yaqaanaan Bankigii hore ee Maleysiya halkaasi oo ay xarun kadhigteen Ciidamada tikreega ah ee dalka kusoo duulay.

Bamka oo aan la garan cidda soo tuurtay ayaa wararku waxa ay sheegayaan in dhalinyaro baabuur wadatay oo halkaasi mareysay ay sidii dhagaxa oo kale ugu tuureen xarunta ay tikreegu degan yihiin ayaa waxaa dhacday markeliya qaraxa kadib in Ciidamada Tikreegu ay rasaas ku furaan waddooyinka soo gala halka ay degan yihiin, waxaana durba xilligaasi wadada baneeyay shacabkii goobahaasi ka dhowaa, mana jirto illaa iyo iminka wax dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray Ciidamada tikreega iyo dadka Shacabka ah.

 

Ciidamada Tikreega ayaa durba la arkayay iyadoo xaruntii lagu bambeeyay ay durba soo gaareen gawaarida gargaarka deg degga ah oo aan la garaneyin waxa ay gudaha kasoo qaadeen maadaama aanu la sheegin wax dhaawac iyo dhimasho intaba, waxaana sidoo kale gudaha si toos ah ugu xarooday wixii ciidamo tikree ahaa ee iyagu kusugnaa Laamiyada iyo albaabka Xaruntaasi ay degan yihiin.

 

Waa Guul kale oo Islaamka u soo hoyatay Maadaama Shacabka Islaamka Soomaaliyeed ay weli wadaan hawlihii ay ku argagax gelinayeen Tikreega wadanka kusuu duullay taasi oo loo baahan yahay isla markaana ah sunno, waxaana laga filan karaa Magaalada Muqdisho in ay ka dhacaan Qaraxyo waaweyn oo lala beegsanayo Ciidamada Tikreega ah ee iyagu sida gardarrada ah Wadanka ugu soo duullay, wuxuuna kusoo beegmayaa qaraxani maalmo kadib markii Dalka Soomaaliya looga dhawaaqay Jabhad Cusub oo la dagaalanta Tikreega Duullaanka soo qaaday.

 

Burhaan Axmed

Qaadisiya.com

Nairobi – Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Maxkamadihii waa loo darsaday. Dadka keliya oo aan u darsanin waa kuwa rajada ka qabo in loo magacaabo Maareye, Agaasime, Safir (kuwa dibada ku nool) iyo kuwo aay qabyaalada guud ka adkaatey.

 

Dadka masaakiinta ah maxkamadaha nabad kama maqneeyd ayaay u keenen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

7 Jan 7, 2007, 19:23

 

MOGADISHU, Somalia Jan 7 (Garowe Online) - A religious Somali man was forcibly taken out of his Mogadishu home Sunday by masked gunmen, according to his wife.

 

The incident happened in Ifka Halane area of Mogadishu, which was a former stronghold of the defeated Islamist movement. The man was later found dead with gunshot wounds.

 

His wife said he was not killed for clan reasons, but that he was "targeted" for his religious beliefs and his support for then-ruling Islamist forces.

 

Its the first time such a murder happened in Mogadishu since allied Somali and Ethiopian troops took over the capital. Residents worry the murder could begin a series of revenge killings aimed at supporters of the Islamists.

 

With their takeover of Mogadishu, Somali and Ethiopian forces have returned the Islamists' arch-enemies, Mogadishu's ex-warlords who are said to be rearming their militias in different parts of town.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Dadka oo ka qaxaya deegaanka Gandarshe ee gobolka Sh/hoose

 

Marko 07, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Dad badan oo dagan deegaanka Gandarshe ee gobolka Sh/hoose ayaa isaga qaxay deegaankooda, ka dib markii ay soo wajahday cabsi ay ka qabaan in dagaalo ay ka dhacaan halkaasi.

 

Qoysas badan ayaa isaga barakacay deegaanka Gandarshe, kuwaasi oo u baqoolay magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose, sida uu ku soo waramayo wariyaha shabelle ee halkaasi jooga.

 

Sababaha Qoysaskaan ay uga soo barakaceen halkaasi ayaa waxaa lagu sheegay ka dib markii ay ka war heleen maleeshiyooyin abaabul ka wada duleedka deegaankaasi, kuwaasi oo doonaya in ay weerar ku qabsadaan halkaasi.

 

Dhowaan ayay aheyd markii kooxahaasi ay weerar ku soo qaadeen halkaasi oo ay ku dileen dad rayid ah, iyadoo kooxahaan ay doonayaan in ay lacago baad ah ka qaataan deegaankaasi.

 

Yuusuf Keynaan

 

Shabelle Media Network Sh/hoose

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rasaas ka fakatay ciidamada DFS

 

Mogadishu 06, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Hal ruux ayaa geeriyoodey 4 kalena dhaawac ayaa soo gaaray, ka dib markii gaari uu saaran yahay qoriga lidka diyaaradaha ay ka fakatay rasaas agagaarka dekedda weyn ee magaalada muqdisho.

 

Qofka geeriyooday ayaa waxa uu ahaa sida la sheegay mid ka mid ah ciidamada dowladda Somalia oo ay ku dhacday rasaas ka fakatay qori lidka diyaaradaha ah ee laga soo bixiyay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

 

Sababta rasaastu ku fakatay ayaa lagu macneeyay in qoriga uu taabtaabtay qof sida la sheegay aan aqoon u laheyn.

 

Meydka askarigaasi ayaa cad cad noqdey sida ay sheegeen wariyeyaal ka tirsan shabelle oo gaaray goobtaasi.

 

Dadka dhaawaca ka soo gaaray ayaa waxaa ku jira qof rayid ah oo ku sugnaa goobtaasi halka 3d kalena ay ahaayeen askarta dowladda Somalia.

 

Gaarigaan qoriga lidka diyaaradaha uu saaran yahay ee ka soo baxay dekedda ayaan la ogeyn halka uu ku sii jeeday.

 

Shabelle Media Network Mogadishu

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

ruux oo ku dhaawacmay banaanbaxyo rabshado wata oo wali ka socda Muqdisho

Daawo Sawirada

Mogadishu 06, Jan.07 ( Sh.M.Network) – 7 ruux ayaa dhaawac uu ka soo gaaray banaanbaxyo rabshado wata oo ilaa iyo wali ka soconaya qeybo ka mid ah caasimadda Somalia ee Muqdisho, iyadoo dibadbaxayadaasi ay dhigeen boqolaal dhalinyaro ah oo ka careysan qaabka dowladda Somalia ay ku sheegtay in ay hubka kaga aruurineyso dadka magaalada Muqdisho.

 

Banaanbaxaan oo ka bilowday saakay waabarigii isgoysyada Tarabuunka, KM4 ayaa ku fiday wadada wadnaha iyo wadada Towfiiq iyo agagaarka garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo taayaro lagu gubay.

 

Dibadbaxaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay kooxo dhalinyaro careysan oo gacmaha ku sita dhagxaan ay ku tuurayeen goobaha ganacsiga iyo gaadiidka Blka ah ee isaga gala goosha magaalada Muqdisho.

 

Dadka dhaawaca uu ka soo gaaray dibadbaxaan ayaa waxa ay isugu jireen kuwo banaanbaxayay iyo kuwo wadada marayay, iyadoo dhaawacoodana uu yimid, ka dib marakii dhagxaan ay kala hortageen ciidamada dowladda oo markii dambe rasaas ku kala eryay dadkii.

 

Ganacsatada qaar ee goobaha ganacsi ku leh meelaha uu dibadbaxa saameeyay ayaa iyaguna qoryo la soo baxay si ay u adkeeyaan amaankooda.

 

Dhalinyaradaan careysan ayaa wado kasta oo ay socod ku marayeen waxa ay ku gubayeen taayaro, iyadoona dhagxaan waaweyn lagu jaray wadooyinka si gaadiid aanu u soo marin.

 

Goobihii ganacsiga iyo Gaadiidka Blka ah ayaa hakad uu ku yimid dibadbaxaan oo wali ka soconaya caasimadda Somalia, iyadoo gaadiidka blka ah mararka qaar ay marayaan xaafadaha dhexdooda, waxaana lagu raacayaa qiimo ka badan intii hore.

 

Banaanbaxyadaan ayaa ku soo beegmay xilli maanta dowladda Somalia ay qorsheyneysay in ay hub uruurin ka bilowdo magaalada Muqdisho si qasab ah, inkastoo arinkaasi dowladda ay dib u dhigtay, ka dib markii codsiyo uu uga yimid qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Dibad baxyo rabshado wata oo hareeyay magaalada Baladweyne

Last Updated::2007-01-07 17:51:54

 

Beledweyne:- Dibad baxyo rabshado wata ayaa maanta hareeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,

 

 

kuwaasoo lagu dalbanayo sii deynta taliyihii ciidamada dawladda kmg ee gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe Mukhtaar Xuseen Afrax oo xalay afduub ay u gaysteen ciidamada Ethiopia kadib markii uu ku gacan seeray dalabkoodii ahaa in lagu soo wareejiyo guddoomiyihii maamulkii MMI ee gobolka Hiiraan.

 

Goobaha ganacsiga ayaa la sheegay in albaabada loo laabay isla markaana la jaray waddooyinka, waxaana la sheegay in boqolaal qof ay isugu soo baxeen saldhiga booliska degmada Baladweyne oo laga qafaashay taliyaha ciidamada dawladda ee gobollada Hiiraan iyo sh/dhexe.

 

Dibad baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro iyo dumar ayaa taayaro ku gubay waddooyinka, ayagoo dhagxan roob kaga dhigay xarumaha maamulka gobolka iyo goobaha fariisinada u ah ciidamada dawladda iyo kuwa Ethiopia,taasoo keentay in ciidamada dawladda ay ku jawaabaan rasaas.

 

Ugu yaraan 1 ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay mid kalena waa uu dhaaawacmay sida ay xaqiijinayaan wariyayaasha ku sugan magaalada Baladweyne, waxaana la sheegay in dibad baxyadu ay ekeeyeen xaafadaha magaalada Baladweyne ay ka kooban tahay.

 

Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan ayaa iska fogeeyay in ay wax lug ah ku leeyihiin rasaasta lagu furay dibad baxayaasha, waxa ayna sheegeen in ciidamada dawladda ay fureen rasaastaasi.

 

Guddoomiyaha cusub ee degmada Baladweyne Axmed Gobey Cawaale qoraal uu soo saaray ayaa lagu sheegay in caawa laga bilaabo 6:00 maqribnimo lagu soo rogayo magaalada bandow socon doona ilaa maa 6:00 subaxnimo, ayadoo lagu sheegay qoraalkaasi in cidii jabisa bandowga tallaabo waafaqsan sharciga laga qaadi doono.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Banaanbxyo rabshada wata ayaa ka dhacay magaaladsa B/weyn ee xarunta Gobolka Hiiraan

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Hiiraan 07/01/07

 

Banaanbaxani ayaa looga soo horjeedaa Xeragii la xiray Taliyihii Ciidamada ee gobolka Hiiraan G/sare Muqtaar Xuseen Afrax.

 

Kumaan Shacab ah aya iminka socod ku maraya wadooyinka waa weyn ee Magalada Muqdisho iyadoo ay soo qaban qaabiyeen.

 

Uruurda Bulshada Rayidka ee Mqagaaladaasi B/weyne .mar aan Qadka Telefoonka kula xiriirray Magaaladaasi B/weyne ayaa waxaa la ii Xaqiijayay in rasaas aad u fara badan ay dhaceyso iyadoo ilaa iminka aysan jirin cid wax ku noqotay ,

 

 

 

Shacabka Banabayay ayaa waxa ay wataan boorar ay ku qoran yihiin Halku ay kaga soo horjeedaan Xariga Gashaanlaha iyagoo qaarkood sheegaya waa in si deg deg ah lagu siidayaa G/sare Cadaalada waan tageersanahay waxan ka soo horjeednaa Rufiyaanada dadka ku dhex jira iyo ereyo kale oo caro ay ku jirto,Banabaxaan ayaa waxaa uu ka danbeyaa ka dib markii Ciidamada Dowlada Itoobiya ay shalayto ay xireen G/sare Muqtar Xuseen Afrax oo lagu edeynayo in uu sii daayay Gudoomiyihii Maxkada Islaamiga ee magaalada B/wene Shiiq Faarax Macalin oo si aad ah loo doonayay.

 

G/sare Muqtaar Xuseen Afrax ayaa maanta la soo marsiiyay Magaalada Jowhar isagoo loo waday Dhinaca Magaalada Muqdidho waxaa uuna dhexda ugu jiray Ilaa sedex Gawaari oo uuraalo ah oo ay lee yihiin Ciidamada Dowlada Itoobiya Waxaana la filaya in su,aalo lagu Weydiin doono Magaalada Muqdisho,l a oga sida ay wax noqon doonaan ilaa iyo iminka iyadoo deysmada G/Maxkadada Islamig Sii deysmadiisa ay lug ku layeen Waxgarad waa weyn oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

 

Abdulahi Mohamed Yarow

amyarow@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looma darsan Illaah ayaa

shartoodii na mootiiyey!

 

Wixii imaan doonase Allaa

og, insha'Allah kheyr ayaan

rajeynaynaa.

 

Reasons for cautious optimism

about things getting better and

better IA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Wadadda isku xirta Afgooye iyo Wanla weyn gawaarida ka shaqeysa waxaa hakad geliyay amaandaro kala soo gudboonaatay Kooxo Burcad ah.waxaana deegaanka muuri ka dhacay shil baabuur oo ay ku dhinteen labo qof , 8 kalana waa ay ku dhaawacmeyn.

 

Hobyonet. Muqdisho. Khamiis, Jan,11, 2007

 

 

 

Wadadaasi ayaa gawaaridii ka shaqeenayay waxaa loogu geestay dhac iyo rakaabkii oo la baaranayo si looga qaato waxii muhiim ah oo ay wataan.

 

Wadadaan ayaa dadka ku safra waxaa kaloo la soo gudboonaday iney joogsadaan gawaarida dadka ay raacaan sababtoo ah amni daro darteed oo la'aanteed macquul aheyn in wadadu ay caadi u shaqeyso.

 

Dadka rakaabka ah ayaa ku cabanayo in wadadu aysan laheyn ciidamo amniga sugo balse ayuu yiri ' waa muhiim arrintaasi in la sugo amniga Amniga wadada Afgooye iyo Wanla weyn isla markaana laga nadiifiyo kooxaha burcadda ah ee dhibaateenaya shacabka Soomaaliyeed.

 

Dhinaca kale , Deegaanka Muuri ayaa waxaa ka dhacay shil baabuur oo ay ku dhinteen labo qof, waxaana ku dhaawacmay 8 qof oo kale.

 

Gawaarida ayaa mid ka mid ah waxuu ahaa Baabuurta Jaadka oo si xad dhaaf ah u socday . dadk ku soo dhaawacmay Shilkaasi baabuur ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada muqdisho.

 

 

 

Maslah Osman

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

Maslaha1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this