Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Gen. Morgan is Back

Recommended Posts

Wararka naga soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in la soo dhoobay ciidamo tiro badan oo Soomaali ah kuwaas oo sida la sheegay daacad u ah DFKM. Ciidamadan ayaa waxaa ay in mudo ah tababar ku qaadanayeen gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalada xeebta ah Mombaza sida ay xaqiijisay dowlada Kenya. Tirada Ciidamada ayaa waxaa lagu qiyaasay ilaa 1500 sidda uu sheegay sarkaal la hadlay saxaafada gudaha dalka Soomaaliya waxaana ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Diif ee dhinaca Kenya.

 

Ciidamadaan ayaa waxaa hogaamin doona sida ay Halgan.net ku heshay ilo xogagaal ah Jen Maxamed Saciid Morgan iyo Jen Cabdi Mahdi oo haatan ku sugan dalka Kenya iyo Saraakiil kale

 

Dowlada dalka Kenya ayaa dhowr mar ku celisay in ay tababa siinayso ciidamo ka tirsan DFKM si loo soo cesho amaankii iyo kala danbeyntii ka jiri jirtay dalka Soomaaliya.

 

Waxaa laga dareemayaa xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan deegaanka Dhoobley dhiilo colaadeed balse waxaa laga war dhowri doonaa goorta ay xabadu qaraxi doonto.

 

 

Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Wararka naga soo gaaray magaalada Nairobi

??

in la soo dhoobay ciidamo tiro badan oo Soomaali ah kuwaas oo sida la sheegay daacad u ah DFKM

xaggee la soo dhoobay?

sida ay
Halgan.net
ku heshay ilo xogagaal ah

Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Shacabka magaalada Kismaayo oo wel wel iyo cabsi la soo deristay

 

 

Wararka ka imaanaya Gobolada Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in shacabka ku nool magaalada Kismaayo ay la soo deristay dareen xambaarsan wel wel iyo cabsi xoogan ka dib markii shalay gelinka dambe lagu arkay hawada magaalada Kismaayo 4-diyaaradood oo jawi hoose ku duulaya.

 

Diyaaradahan lagu arkay hawada magaalada Kismaayo ka sakoow ayaa baryahan waxaa jiray warar aan si rasmi ah loo hubin oo sheegaya in ciidamo farabadan oo Soomaali ah la soo dhoobay deegaanada u dhow xadka kala qeybiya Kenya iyo Somalia kuwaasoo bilihii ugu dambeeyey lagu taba barayey gudaha dalka Kenya.

 

Dhinaca kale gudoomiye ku xiheenka maamulka Al-shabaab ee gobolada Jubooyinka Xuseen Cabdi Geedi oo ka hadlay idaacada ANDALUUS ee xarunteedu tahay magaalada Kismaayo ayaa shacabka reer Kismaayo ku boorieyey inay qoryaha qaataan isla markaana la dagaalamaan ciidamada lagu soo taba baray dalka Kenya ee duulaanka ku soo ah gobolada Jubooyinka.

 

Isku soo duuboo jawiga xaalada Jubooyinka ayaa ah mid aad u kacsan iyadoo aad looga cabsi qabo inay dagaalo duqeeymo wata ay ka dhacaan gobolada Jubooyinka kuwaasoo horseedi doona barakac iyo qax horleh.

 

Wixii ka soo kordha arimahan kala soco warsidaha madax banaan ee Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Ciidamada Itoobiya oo Galay Gobalka Bakool.

 

2isuo38.jpg

 

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Ethiopia oo ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ayaa maanta gudaha u galay Gobolka Bakool, gaar ahaan Degmada Ceel Barde oo ay fariisimo ka sameysteen.

 

Sida ay soo sheegayan dadka deegaanka Ciidamada Ethiopianka ayaa ka soo gudbay xadka, kuwaasoo ay la socdaan saraakiil, waxaana ay durba dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen degmada Ceel Barde.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadan Ethiopianka ay xoojin u yihiin Ciidamada Dowladda ee duulaanka ku ah Gobolada Bay iyo Bakool, hase ahaatee saraakiisha Ciidamada Dowladda ee goboladaas ayaa beeniyay in ay wehliyaan Ciidamo Ethiopian ah.

 

Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay u diyaarsan yihiin sidii ay ula wareegi lahaayeen Goboladaas, waxaana uu beeniyay in taasi ay ku gacan siinayaan Ciidamada Ethiopia.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay howl gal wada jir ah ka sameeyeen, kuwaasoo ay ku qab qabteen dhalinyaro ka mid ah bulshada deegaanka oo ay qaarkood kala baxeen guryahooda.

 

Xaalada degmada Ceel Barde ayaa haatan ah mid degan, inkastoo dadka deegaanka ay wal wal iyo cabsi ka qabaan dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo soo gelitaanka Ciidamada Ethiopianka ee deegaankaas.

 

Lama oga in soo gelitaanka Ciidamada uu qeyb ka yahay qorshaha duulaanka ay wado Dowladda KMG iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee maalmahan ka jira magaalada Muqdisho, hase ahaatee mar jirto ilaa iyo hada mas'uul ka tirsan Dowladda oo ka hadlay soo gelitaankaas

Share this post


Link to post
Share on other sites
B   

^

I know of Nicolae Ceauşescu! and I don't think a song should be made about him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Benson and Hedges:

^

I know of Nicolae Ceauşescu! and I don't think a song should be made about him.

Plenty of songs were made about him in his day, don't worry.

 

I don't think a song should be made about morgan either. Hence the sarcasm bit ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this