Sign in to follow this  
General Duke

Battles rage in Kismayu... Bad news

Recommended Posts

Laba baabuur oo Tiknika ah oo laga qabsaday maanta ciidanka Isbaheysiga Dooxada Jubba iyo dagaal xoogan oo ka socda aaga Xaliimo Caddeey

Kismaanyo

 

 

Sida ay sheegayaa warar goor dhaweyd aynu ka helnay in maanta galinkii danbe uu dagaal qaraar ku dhaxmaray labada isbaheysi oo rabo in ay xukumaan shacabka masaakiinta ah ee ku nool Jubooyinka kuwaa oo ah kuwa jecel nabada .

 

Dagaalka Galabta ayaa ah mid aad u qaraar labada dhinacna ka soo gaaray dhimasho badan iyo dhawac aan la koobikarin kadib markii ay isku heleen melbanaan aan laheyn gabadsi,dagaalka maanta ayaa moodaa in markii hore looga xoogroonaaday kuwa Dooxada Jubba kuwaas oo looga qabsaday laba Baabuur oo ah kuwa dagaalka .

 

Dagaalka ayaa moodaa in uu siixoogeystay sacadahii danbe ee galabta kadib markii uu u yimid gurmad deg deg ah kuwa Dooxada Jubba ayagoona gadaal u soo riixay ciidankii uu hogaaminayey Janaraal Moorgan oo asaga garab ka heysta cadawga Soomaliya oo ah dowlada Itoobiya .

 

 

Mar aan la xariirnay kuwa daga deegamada lagu dagaalaayo ayaa noo sheegay in yihiin labada dhinac kuwa xaqdaro ku diriraayo rabana in ay anaga nagu gorgortamaan .

 

Ma jiraan warar ilaa iyo hadda fahfahsan waxii soo kordha gadaal ayaan idinkala socod siin doonaa haduu alaha idmo.

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah.Dagaal dhexmaray Gen.Moorgan iyo Maleeshiyada Barre Hiiraale goor dhawayd

By Axmed Posted to the web 15-09-2004, 16:14:50

 

kismaayo:-Waxaa dagaal goor dhawayd dhexmaray maleeshiyada taageerta Maamulka Dooxada Jubba ee haatan xooga ku haysata magaalada Kismaayo iyo Ciidanka Gen.Maxamed Siciid Xirsi Moorgan.

 

Dagaalkaan ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel u dhaxaysa Buula Xaaji iyo Biroole,G/sare.Muuse Maxamed Xassan oo ah hogaanka gurmadka deg dega ah ee SPM-ta ayaa sheegay in ay ka qabsadeen laba gaari oo kala ah mid shibil ah iy hal baabuur oo ah nooca loo yaqaan Teknikada iyo waliba Sargaal sare oo ka tirsan Ciidanka uu hogaaminaayo Xildhibaanka dagaal oogaha ah ee dhawaan ka soo fakaday Madasha Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee haatan ka socda dalka Kenya.

 

G/sare Muuse Maxamed waxa uu intaas ku daray in gaariga ay qabsadeen uu yahay gaarigii uu sida gaarka ah u lahaa Col.Barre Hiiraale, Muuse ayaa sheegay in dagaalku uu haatan u socdo ayna kagacan sareeyaan ciidanka uu hogaaminaayo Col.Barre Hiiraale waa siduu Mr.Muuse hadalka u dhagaye.

 

Hogaamiyaha Gurmadka degdega ah ee SPM-ta G/sare Muuse Maxamed,ma sheegin wax khasaara ah oo dhankooda ka soo gaaray dagaalkaas.

 

War iminka Puntlandpost soo gaaraya ayaa sheegaya in maamulka Dooxada Jubba ay amar ku siiyeen shirkadaha Isgaarsiinta ee Taleefoonada ee magaalada Kismaayo in ay ka jaraan khadadka soo gala iyo kuwa ka baxaba.

 

Wixii ka soo kordhana dib ayaan idiin kala socod siinaynaa haddii Alle idmo.

 

Axmed C/salaam

Puntland,Garoowe,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Col. Bare Hiiraale oo ay fooda is dareen ciidamada Gen.Morgan iyo Sarkaal kamid ah dooxada Jubba oo gacanta lagu dhigay

 

Nairobi:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaal kharaar uu maanta ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji goobtaasi oo ay maalmahan ku sugnaayeen ciidamada SPM iyo kuwa kooxda Dooxada Jubba.

 

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu dhacay maanta gelinkii danbe waxaana lagu soo waramayaa in weerarka ay qaadeen ciidamada Col. Bare Hiiraale kuwaas oo ay horsocdeen gawaarida tiknikada loo yaqaan.

 

Wararka aanu ka helnay forinta hore ee ciidamada Dhanka Gen. Morgan ayaa xaqiijiyey in dagaalkan uu dhacay isla markaana lagu jabiyey ciidamadii Col. Bare Hiiraale.

 

Wararkan ayaa intaa ku daraya in khasaaraha dhabta ah ee dagaalkan aan weli si rasmi ah loo heyn balse illaa iyo hada inta la sheegay ayaa lagu soo waramayaa in hal gaari oo tikniko ah laga gubay ciidamada Dooxada Jubba halka mid kale oo isla tikniko ah iyo mid ah nooca Landkuruser ah lagu qabtay dagaalkaasi oo ayna gacanta ku dhigeen ciidamada Morgan.

 

Dhanka kale maxaabiis laga qabtay ciidamada Col. Bare Hiiraale ayaa la sheegay inuu ku jiro Sarkaal sare oo kamid ahaa ciidamada Dooxada Jubba, sarkaalkaas oo warar kasoo baxay ay magaciisa isku khilaafsan yihiin ayaa loo badinayaa in magaciisa la yiraaho Cabdi Cigaal u dhashay beesha ********* .

 

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu dhaliyey dhimasho iyo dhaawac ah ayadoo aan weli la dhameyn tirakookba saxda ah.

 

Hasayeeshee ciidamada Gen. Morgan ayaa la sheegay in ay ka dhinteen tiro gaareysa 3 kamid ah ciidamada halka dhaawacu uu yahay 6 askari.

 

Dhanka ciidamada Dooxada Jubba ayaan wax war ah laga heyn ayadoo ay adag tahay in xiriir khadka isgaarsiinta ah lala sameeyo magaalada Kismaayo gaar ahaan kuwa u gaarka ciidamada Dooxada Jubba oo hada la xiray gebi ahaanba.

 

Wararka ayaa ah kuwo cusub oo isa soo taraya wixii soo kordhana gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa haduu Alle yiraaho.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Mar aan la xariirnay kuwa daga deegamada lagu dagaalaayo ayaa noo sheegay in yihiin labada dhinac kuwa xaqdaro ku diriraayo rabana in ay anaga nagu gorgortamaan .

This is the sad true story of it all

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khasaare aad u weyn oo maanta loo geystay Maleeshiyo uu horkacayey Xildhibaan Bare Hiiraale .

By Axmed Posted to the web 15-09-2004, 22:11:49

 

Garoowe:-Dagaal kharaar oo maanta ka dhex qarxay ciidamo ay kala hogaaminayaan Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale)oo ku dhexmaray agagaarka Buulo Xaaji ayaa in Ciidamada gardarada ku haystay magaalada Kismaayo ay soo gaartay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

Puntlandpost.com oo caawa(15/09/04)khadka telefoonka kula xiriirtay wariye madax banaan oo booqday Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa noo xaqiijiyey in Isbitaalka la keenay 7 ruux oo dhaawac ah, waxaana wariyaha loo sheegay in 27 dhimasho ah ay soo gaartay malayshiyada Dooxada Jubba.

 

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in malayshiyada Dooxada Jubba dagaalkii maanta lagaga qabsaday 13 ciidan ah iyo taliyihii watay oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cigaal, waxaa kale oo laga qabsaday 2 - tekniko ah, lagana gubay 4.

 

Dhinaca kale Ciidamada Deegaanka ee hormuudka u yahay Gen. Morgan ayaa la sheegay inay ka dhinteen 4 nin ayna ka dhaawacmeen 5 nin oo kaliya.

 

Dagaalkii maanta kadib ayaa weli war laga hayn halka uu ku sugan yahay Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo isagu dagaalkii maanta hogaaminayey, waxaana wararka Kismaayo ka imaanaya sheegayaan in Gen. Axmed Warsame iyo ciidamo uu wato oo baadigoob ugu jira Barre Hiiraale ay galabta dib ugu laabteen goobihii ciidamadoodu maanta ku jabeen.

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost, Garoowe, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Warlords clash near Somali port

 

Several people have been killed in fighting between rival militias in southern Somalia.

Militiamen loyal to the Jubba Valley Alliance, which controls the port of Kismayo, clashed with fighters loyal to warlord General Morgan.

 

A BBC correspondent says that businesses in Kismayo have closed in case the fighting spreads.

 

Gen Morgan is the only major warlord outside a peace process which has chosen a new Somali parliament.

 

The area has been tense in recent weeks, as Gen Morgan's forces have advanced on Kismayo.

 

 

He had promised to return to take part in the peace process in neighbouring Kenya, after mediators agreed to pay off the bill he had run up there in a luxury hotel before returning to Somalia.

 

Meanwhile, the new Somali MPs are meeting to elect of a new speaker of parliament.

 

They are due to choose Somalia's first president in 13 years later in the month.

 

bbc-uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal lagu hoobtay ayaa saaka 12.30 duhurnimo ka qarxay meesha lagu magacaabo Xaliimo Caday , kaas oo geystay khasaaro lixaad leh.

 

Dagaalkan oo uu soo qaaday Col.Bare Hiiraale ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad gaadhaya 32 ruux , iyada oo 25 ka mid ahi ay ka soo jeedaan Dooxadda Jubba ,halka 7da kale la sheegay in ay ka soo jeedaan Spm-ta Morgan.

 

Dhaawaca ayaa la sheegay in uu kor u dhaafay 40 qor oo labada dhan ah . waxaana halkaas lagu gubay 3 baabuurta loo yaqaano tiknikadda oo raacsan Dooxadda Jubba. waxaa kale oo gacanta u galay ciidanka Morgan hal gaadhi oo ay isla dooxadu leeyihiin.

 

Warar rasmi ah oo naga soo gaadhay Afmadow ayaa noo sheegay in ay dhaaftay 8 tikniko ah oo laga leeyahay Muqdisho , taas oo ka soo cadhootay qaabka uu Barre Hiiraale dagaalka u maamulay.

 

Dagaalka ayaa wali ilaa iminka oo saacdu tahay 10.00 fiidnimo sii socda iyada oo la sheegay in uu u sii fidayo xagga madaarka Kismaayo.

 

Kaxmed@yahoo.co.uk

somalitribune.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Reer Waamo xuquuqdooda ha lagu kor tunto mashaakil waaye. Labo nin midna ku dhashay meel 800 KM u jirto dhulka dhoobleey eh iyo in intaas ka badanba, kan kalena kaba sii daran ha kugu kor qaraabtaan iyagoo suu iyo hoobiye ridaayo rafaad iyo nus waaye.

 

Reer Waamo, Ilaaheey caadil waaye, asagaa idiin maqan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

FYI waxa diririya ee qoriga ka soo ridaya dhanka Morgan waa reer waamo asal ah. Buulo Xaaji, Xaliimo cadeey, ilaa dhanka Badhaadhe iyo dhankaa iyo Santaara, Hoosingoow iyo barta hadda ay ka dhaceyso dadkii degana ayaa loogu tagay. Markey dhawaaqeen ee ay yiraahdeen war naga qabta ina Hiiraale tolow, korneylka waxa laga hayaa ha iska saareen Morgan hadey doonayaan inay nabad ku ladaan.

 

Waa run oo Morgan shaqsiyan Kismayo shuqul kuma leh. Laakiin beladu waxa uu wataa oo ciidanka u ah waa reer Waamo dulman oo dhulka ka ahaa hebelo la yaqaan oo laga heybeysto.

 

Awoowayaal sidee leedihiin miyeydaan xoogaa yar oo cadaalad ah idinku jidhin. Barre Hiiraale weeye ninka farabaxsiga ah ee shayuukh soo ergootiyo, sheeko mari weydey oo gogol ku ciideeyey.

 

Allaha yasiro waxa le'anayaa waa dad si walbaba isu leh waxa laysku dilayaana waa aabi iyo xarquunka marsada Kismayo laga helo maamulkeeda. Barre nimanka Xamarna ee cududooda uu isku haleynayana waxuu yiri dekada isticmaala kuwii ku dhashayna waa issaga leh dhadhamin meysaan hadaanan annigu amiir eydaan iga dhigan.

 

Waxa leysku dilayaa oo rag isugu go'ayaa waa aabi iyo kii maalin cudud yar is bidaa inuu yiraahda yaa anniga igu qabsan kara talada.

 

Ninbaa waxa laga sheegay:

 

Qeydar wiila oo caasinimo qoorta ula leexshay,

Oo qori bilaashiyo silsilad saa isugu qaaray,

Iyo Oday qasaaraha iyo dhibtio, qaxarka diidaaya,

Qiso kuma heshiiyaanee, waa leys qallacayaaye!

 

Wadeeco Alla! waa ayaan daro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this