Sign in to follow this  
General Duke

Battles rage in Kismayu... Bad news

Recommended Posts

Gabbal   

In all honesty all Morgan and his combined "militia" did was capture a scout and the few men he was leading to go take a look at the camp of Morgan.

 

That scout being my own mother's abti Cabdi Cigaal who happened to be driving Barre Hiiraale's car.

 

Let's not parade around here acting as if the war has been won.

 

This war will be won when ALL Somalis have the chance and the right to settle in the Jubba Region and Kismayo itself.

 

FYI waxa diririya ee qoriga ka soo ridaya dhanka Morgan waa reer waamo asal ah. Buulo Xaaji, Xaliimo cadeey, ilaa dhanka Badhaadhe iyo dhankaa iyo Santaara, Hoosingoow iyo barta hadda ay ka dhaceyso dadkii degana ayaa loogu tagay. Markey dhawaaqeen ee ay yiraahdeen war naga qabta ina Hiiraale tolow

Besides Baashi don't insult our intelligence. The only people Morgan is leading are minor sub-clans from "Puntland".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Besides Baashi don't insult our intelligence. The only people Morgan is leading are minor sub-clans from "Puntland".

 

LOL, maybe but they are from Kismayu, born in Kismayu raised in Kismayu. While Bare Hiraale and JVA are from where??????????

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi: Cabdalla Biroole "Dagaallo isdaba joog ah oo saaka dhexmaray xoogagga SPM/SRRC iyo maleeshiyada Dooxadda Jubba"

- Thursday, September 16, 2004 at 12:46

 

Nairobi (Allpuntland)-Wararka ka imaanaya tuulada Cabdalla Biroole ee galbeedka kaga aaddan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka ay dagaallo cusubi mar kale ku dhexmareen ciidammada deegaanka ee SPM/SRRC iyo kuwa xoogga ku haysta magaalada Kismaayo ee la baxay Isbahaysiga Dooxada Jubba.

 

Sida wararka ilaa haatan soo baxayaa sheegayaan ayaa dagaaladaasi waxay saaka aroornimadii ka bilawdeen meel u dhexaysa tuulada Cabdalle Biroole iyo Kismaayo,halkaasoo saddex dagaal oo kala danbeeyey ay ka dheceen,kuwaasoo ay weerarka lahaayeen maleeshiyada Isbahaysiga dooxada Jubba.

 

Warar laga helayo ilo ku dhowdhow SPM/SRRCda ayaa sheegaya in khasaaro ballaaran loo geystey saddexdaas dagaalba maleeshiyada ka amar qaadata xildhibaanka baxsadka ah Col.Barre Hiiraale ,waxayna wararku intaa ku darayaan in dagaalladii saaka ay qolada Isbahaysiga kaga dhinteen 10naan maleeshiyo ah iyadoo dhaawac gaaraya ilaa 32 maleeshiyo ah oo uu ku jiro nin magaciisa lagu sheegay Yaasiin Indhataag oo sarkaal ah saaka la geeyey magaalada Kismaayo,iyadoo dhaawaca ay tiradaasi ilaa shalay ka dhigayso in ka badan 65 maleeshiyo ah ,iyadoo wararka qaarkoodna sheegayaan in 4 baabuur oo kuwa dagaalka ah maanta laga qabsaday maleeshiyada dooxadda Jubba,mar aan damacnay inaan la xiriirno magaaladana waa noo suuroobi weydey isgaarsiinta iyo khadka fooneeyaha loo yaqaan oo ka go'an darteed.

 

Ilaa iminka ayaa la sheegayaa in dagaaladaasi ay ku sii siqayaan magaalada Kismaayo ,isagoo sarkaal ka tirsan taliska ciidanka SPM/SRRC oo la yiraahdo Col.Muuse uu sheegay in dagaalkaan ay ku soo qaadeen Isbahaysigu iyagoo ka shaqaynaya nabad lagu soo dabaallo deegaanka Jubbooyinka ,balse maadaama weeraro lagu soo qaaday hadda waxaa la gaarey xilligii dadka deegaanku ay ka xoroobi lahaayeen kooxaha burcadda ah ee dalkooda iyo deegaankooda mudada 6da sano ah ku hayey dilka ,dhaca iyo dhibaatada deegaanka.

 

Sarkaalkaasi waxa uu beeneeyey warar la isla dhex xulayey oo sheegayay in la diley sarkaalkii shalay lagu qabtay dagaalka oo watey maleeshiyada dooxadda Jubba ee la yiraahdo Col. Cabdi Cigaal ,waxana uu sheegay inay taasi tahay dacaayad ,mana ahan mabda'a SPM/SRRC in la dilo maxaabiis dagaal.

 

Dagaalladaan ayaa waxaa lagu wadaa inay sii socdaan oo aanay jirin wax waan waan nabadeed ah oo u dhexaysa labada dhinac,iyagoo marba marka ka danbaysa ku sii siqaya magaalada dekedda ah ee Kismaayo.

 

Wixii warar ah oo ka soo kordha waxaan idiinku soo bandhigi doonnaa wararkayaga soo socda haddii ALLE idmo.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Deegaanka ee Jubooyinka oo usii siqay Dhanka Magaalada Kismaayo.

By pp Posted to the web 16-09-2004, 13:01:56

 

Kismaayo:-waxaa saakey agagaarka magaalada kismaayo lagu waaberistey dagaal xoogan oo ay isaga hor yimaadeen maleyshiyada la magac baxdey dooxada jubba iyo ciidanka SPM oo uu hogaamiyo Gen. maxamed saciid Xirsi(moorgan).

 

waxaan warkan goor dhow nasoo gaarsiiyey wariyaha u jooga Puntlandpost.com magaalada isagoo noo sheegey in ciidamada Deegaanka ee uu horkacayo Gen morgan, ay magaalada u jiraan 40.km, dhanka buulo xaaji.

 

ilaa hadana lama sheegin wax dhimasho iyo dhaawac soo gaarey labada dhinac.

laakiin wariyaheena wuxuu inoo sheegey in laga awood roon yahay maleyshiyada

xooga ku heysta jubbooyinka, oo la soo riixey dhanka Magaalada Kismaayo.

 

Wixii kaloo khabaara la soco puntlandpost.com saacadaha soo socda

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka socda Buulo Xaaji , iyo ganaal Cabdalla oo ay kala hogaaminayaan Barre Hiiraale Iyo Xassan Ciid 16/9/04

 

 

Dagaal ayaa saaka 6.00 subaxnimo ee wakhtiga Soomaaliya ka qarxay Buulo Xaaji oo markii danbe u fiday xaga Janaal Cabdalla.

 

Ciidaanka dooxadda Jubba ayaa la sheegay in uu hogaaminayo Barre Hiiraale , halka la sheegay in ciidamadda SPM uu hoggaaminayo Xassan Ciid.

 

Dagaalkan oo wali socda ayaa wararka ka imanaya ay sheegayaan in dhimashadu iyo dhaawucuba aad u badanyahay , isla markaana ay tikniko badan olalayso.

 

wararkan ayaa intaas ku daraya in uu wali dagaalku socdo.

 

wixii faahfaahin ah dhawaan ayaan soo dayn doonaa.

 

somalitribune.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaallada ka socda Jubbooyinka

 

ku dhowaad 20 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal kharaar oo ku dhex maray malleeshiyooyin kala raacsan isbahaysiga dooxada Jubba iyo kuwa Morgan, dagaalkaas oo si sahlan ku billowday ayaa waxa uu ku fiday tuulooyinka Xaliimo Caddey iyo Buulo Xaaji oo 100 km u jira dhinaca konfur galbeed ee Kismaayo.

 

Waxaa sida ay wararku sheegayaan waxaa dhinaca isbahaysiga laga qabsaday gaari tikniko ah, in kastoo markii dambe dib loo soo ceshaday, dhinaca Morganna waxaa laga gubay laba gaari oo tikniko ah, dhimashadana xagga gen Morgan ayey u badan tahay in kastoo aan la kala caddeynin tirada ay kala leeyihiin ee dhimasho

Dhinaca isbahaysiga, Kismaayo waxaa caawa la keenay 7 dhaawac ah, waxana magaalada Kismaayo ka baxay 16 gaari oo tikniko ah iyo ciidan fara badan oo ku sii qulqulaya jiidda dagaal, iminkana weli dagaalku wuu socdaa

 

Axmed Maxamed Aadan (Timajilic)

allgedo online

ahmedtimajilic@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Originally posted by HornAfrique:

Besides Baashi don't insult our intelligence. The only people Morgan is leading are minor sub-clans from "Puntland".

Adduunyo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo waaweyn oo maanta ka socda Jubbada Hoose iyo maleeshiyada Dooxada Juuba oo ku guuleysan waayey in ay jiraan ciidamada Gen. Morgan

Muqdisho:-

 

Waxaa saaka markale uu dagaal aad u culus ka qarxay deegaanka u dhaxeeya Buulo Xaaji iyo Kismaayo ayadoo marakan la sheegay in dagaalka uu usoo durkay dhanka magaalada Kismaayo.

 

Dagaaladan ayaa bilodwday shalay duhurnimadii waxayna joogsadeen xalay, balse dagaaladan ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Jubbada Hoose ayadoo ay tobaneeyo gawaarida Gaashaaman ah oo ay leeyihiin maleeshiyada haysata magaalada Kismaayo kooxda Dooxada Jubba weeraro isdaba joog ah ku qaadeen goobaha ay difaaca uga jireen ciidamada Gen. Morgan.

 

Dagaaladan ayaa dhaliyey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayadoo wararka kasoo baxaya magaalada Kismaayo ay sheegayaan in Isbitaalka magaalada loo diyaariyey dhaawac faro badan oo la sheegay in loo soo wado magaalada.

 

Maleeshiyada Dooxada Jubba ayaa weerarkoodii maanta waxaa ku wehliyey tikniko todobaadkan ka tagtay magaaladan Muqdisho ayadoo la sheegay in ay maleeshiyooyinka u suurtoobi weyday in ay jiiraan ciidamada Gen. Morgan oo sadex aag difaac uga jiray.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyada Dooxada Jubba laga furtay 4 gaari oo nooca tiknikada ah kadib markii ay dhabar jabin ku sameeyeen ciidamada uu hogaamiyo Gen. Morgan.

 

Dagaalkan ayaa markale looga qabtay maleeshiyada Dooxada Jubba tiro kamid ah ciidamadooda.

 

Ciidamada Gen. Morgan ayaa la sheegay in ay maanta kasoo dhaqaaqeen sadexda aag oo ay horey ugu sug naayeen ayagoo markaa ku wajahan dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose.

 

Dhanka kale Abaabul dagaal ayaa laga soo sheegayaa in uu hada ka socda deegaanka Jilib goobtaasoo la isugu geeyey ciidamo horey halkaa difaac ugu jiray ciidamadaasi oo hada la sheegay in ay ku biiri doonaan forinta dagaalka uu ka socdo ee Koonfurta iyo Galbeedka magaalada Kismaayo.

 

Qaar kamid ah saraakiisha Gen. Morgan oo aan maanta khadka taleefonka guur guura kula xariirnay ayaa ka gaabsaday in wax faah faahin ah uu ka bixiyo asagoo markaa sheegay in aysan jirin wakhtigan wax hadal ah oo ay socdaan dagaalo.

 

Gen. Morgan ayaa horey u sheegay in uusan wax dagaal ah qaadi doonin uuna iska difaaci doono wixii duulaan ah oo lagu soo qaado.

 

Col. Musse afhayeenka ciidamada Gen. Morgan oo la hadlay HorseedNet ayaa sheegay in ay ciidamada hada ku jiraan hawgal ay ku sugayaan nabad gelyada asagoo markaa intaa ku daray in ay gacan weyn ka heystaan shacabka degan deegaankaas oo uu sheegay in ay hada hubka u qaateen in ay iska xoreeyaan isbaheysiga ku dul habsaday ee la magac baxay Dooxada Jubba.

 

Col. Muuse ayaa beeniyey in ay jiraan wararka sheegaya maxaabiis laga qabtay Dooxada Jubba oo ay dileen garabkooda, wuxuuna yiri Col. Muuse

".....waxna kama jiraan warkaas, waa ku tiri kuteen, waxaa lala socdaa in dagaaladan aysan ahayn kuwii ugu horeeyey ee na dhexmara anaga iyo burcada kismaayo xooga ku heysata ...

 

waxaana u sheegayaa in sidii hore ee tixgalinta iyo xaqdhawrka ahaa ee aanu ulla dhaqmi jirnay maxaabiista aanu qabano sidii oo kale baan ulla dhaqmi doonaa ...... waana og yihiin maleeshiyadaa dooxada Galgaduud in aan hada ka hor qabqabnay in badan oo ayaga kamid ah oo aanuna sii deynay, waa nasiib daro in ay mar kale dagaal isu abaabuleen...."ayuu yiri Col. Muuse oo sheegay in sarkaalkii ay shalay ku qabteen dagaalka aysan dilin.

 

Dagaalada maanta ayaa ah kuwo weli socda waxaana la filayaa in ay sii balaartaan marka ay kusoo durkaan magaalada Kismaayo oo hada ay ka wadaan maleeshiyada haysatada abaabul ciidan.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixintii ugu dambeysay ee Dagaalada ka socda agagaarka Kismaayo.

Warbixin dhameystiran oo ku aadan dagaaladii shaley iyo Maanta.

 

 

SBC News Monitoring-16.Sep.2004 Dagaaladii shaley ka dhex bilowdey Ciidamada Jen.Morgan iyo Kuwa Col. Barre Hiiraale ayaa lagu soo waramayaa inay keeneen khasaaro baaxad leh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac Dagaaladii shalay ayaa waxaa inta badan khasaaruhu u badnaa Kooxda uu hogaaminayey Col.Barre Hiiraale oo iyagu dagaalka qaadey, waxaa dagaaladaasi kaga dhigtey sida illo madaxbanaan ay inoo shegeen ilaa 20 ka mida Ciidamadiisa halka dhaawacuna uu gaarey ilaa 34 oo laba ka mid ah ay u dhinteen dhaawacii, sidoo kale waxaa dagaalka looga qabsadey Ciidamada Col.Barre Hiiraale sarkaal sare oo lagu magacaabo Cabdi Cigaal iyo waliba laba gaari oo ah noocda dagaalka.

 

Dhanka Ciidamada Jen.Morgan ayaa la sheegay in dagaalkii shalay ay kaga dhinteen 7 askari iyadoo dhaawacuna uu gaarayo 11, waxaase wararku xaqiijiyeen in dagaaladaasi si xun dharbaaxo loogu dhuftey Ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo iyagu duulaan ahaa.

 

Dhinaca kale dagaal aad u culus ayaa saaka 7-dii Subaxnimo waxa uu mar kale ka dhex qarxay Ciidamada Jen.Morgan iyo kuwa Col.Barre Hiiraale, waxaana la sheegaya in dagaalku uu ka dhacay dhawr jiho oo kala duwan oo kala ah Deeganada Buula Xaaji iyo Janaay Cadalle.

 

Warar madaxbanaan oo aan ka helnay ilo ku sugan magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey ayaa inoo sheegay in dagaalkii maanta ay mar kale qaadeen Ciidamada uu hogaaminayo Col.Barre Hiiraale.

 

Sidoo kale dadkan oo ka gaabsadey in magacooda la xuso ayaa u sheegay SBC in dagaaladii maanta ay socdeen kuwaad 10 saacadood oo xiriir ah, iyadoo ay jiraan khasaare xoog leh oo labada dhinac soo gaarey.

 

Magaalada Dhoobley oo aan la xiriirnay ayaa noola sheegay in dagaaladu ay galabta ku hakadeen abaare 5-tii Galabnimo deegaanka Buula Xaaji oo Magaalada Kismaayo u jira qiyaastii 65 ilaa 70 Km, waxaana naloo sheegay in badi dagaalku khasaarihiisu uu u badan yahay Ciidamada Col.Barre Hiiraale oo iyagu duulan ahaa.

 

Sidoo kale Magaalada Kismaayo wariyaha Idaacada SBC ayaa soo sheegaya in Isbitaalada Magaaladasi la keenay ugu yaran 20 qof oo dhaawac ah, kuwaasi oo 6 ka mida ay u dhinteen dhaawacooda oo halis ahaa.

 

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa u muuqata mid aad u kacsan iyadoo gabi ahaanba albaabad loo laabey goobihii Ganacsiga, iyadoo si wayn dadka looga dareemayo dhiilo colaadeed iyo aragagax ay ka qabaan dagaaladu ay u soo gudbaan Magaalada gudaheeda.

 

Sarkaal ka tirsan Ciidamada uu hogaaminayo Jen.Morgan oo lagu magacaabo Col.Muuse ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay ka qabsadey Ciidamada Col.Barre Hiiraale 4 gaari oo ah nuucda dagaalka, isla markaana ay khasaaro u geysteen.

 

Col.Muuse ayaa wax kama jiraan ku tilmaamey warar sheegayay in Ciidamada Jen.Morgan ay diley sarkaalkii ay shaley ka qabsadeen Ciidamada Col.Barre Hiiraale, wuxuuna sheegay Col.Muuse in uu bad qabo Cabdi Cigaal oo ay u hayaan maxbuus dagaal isla markaana aysan waxba gaarsiin doonin.

 

Col.Muuse ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamadoodu ay iminka ku sii siqayaan Magaalada Kismaayo oo uu sheegay inay ka xoreyn doonaan wax uu ku tilmaamey Isbahaysiga Galguduud ka soo duuley ee dadka deegaanka dhibka ku haya.

 

SBC News Monitoring.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin la dhashay Col. Bare Hiiraale oo la sheegay inuu ku dhintay dagaalada ka socda J/Hoose iyo Saraakiil kale oo dhaawac ah

 

Muqdisho:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada galabta la keenay in kabadan 30 dhaawac ah ayadoo wararku ay intaa ku darayaan in uu xalay ku geeriyooday magaalada nin la dhashay Col. Bare Hiiraale hogaamiyaha ururka Dooxda Jubba.

 

Col. Bare Hiiraale walaalkiis ayaa ku dhaawacmay dagaalkii shalay wuxuuna u geeriyooday dhaawacii soo gaaray xalay.

 

12 kamid ah dhaawacii la keenay Isbitaalka Kismaayo ayaa maanta u geeriyooday dhaawacooda, sida ay noo xaqiijiyeen dad soo booqday Isbitaalka.

 

Wararka aanu ka helayno illo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa intaa ku daray in dadka dhinac Dooxada Jubba ka dhintay in ay ku jiraan Sarkaalka lagu sheegay Col. Saacid iyo Sarkaal kale oo lagu sheegay KORONTO.

 

Wararkan ayaa sidoo kale sheegay in mid kamid ah abaanduulayaasha dhinaca Col. Bare Hiiraale oo lagu magacaabo INDHO RAADAAR uu hada asagoo dhaawac ah la keenay Isbitaalka magaalada Kismaayo.

 

Dhanka kale maleeshiyada kamid ah kuwa Col. Bare Hiiraale balse kasoo jeeda beesha Cayr oo uu abaanduule u yahay Mr. Seeraar ayaa maanta mid kamid ah gawaarida Tiknikadooda ahi ay miino kula qaraxday meel Kismaayo u jidha 6km.

 

Qaraxaan miino ayey ku dhinteen sadex kamid ahaa maleeshiyadii gaarigaa saarnaa halka ay ku dhaawacmeen 2 kale.

 

Maleeshiyooyinka hoostaga Gudoomiye kuxigeenka kooxda Dooxada Jubba Mr. Seeraar ayaa ayagu maanta diiday in ay ka qeyb qaataan weerarkii lagu qaaday goobaha uu degen yahay Gen. Morgan, isla markaana difaac ka galay intooda badan meel magaalada Kismaayo u jidha 10km dhinaca waqooyi ee jidka aada magaalada Jilib.

 

Col. Bare Hiiraale ayaan asaguna weli dib ugu soo noqon magaalada Kismaayo illaa iyo shalay waxayna wararku qaar sheegayaan in khasaaro balaaran ay soo gaareen maleeshiyada illaalada u ahayd.

 

Gen. Morgan ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sugan yahay deegaanka Buulo Xaaji illaa iyo maanta waxayna wararka ugu danbeeyey ay sheegayaan in cutubyo kamid ah ciidamadiisa ay ka dagaalamayaan goobo ka baxsan Buulo Xaaji ee dhanka jidka soo aada magaalada Kismaayo waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada Dooxada Jubba ay difaac uga jiraan caawa goob 60km ka xigta dhinaca koonfureed magaalada Kismaayo.

 

Dagaalkii maanta ayaa joogsaday galabnimadii saacadu markay ahayd 5:30 waxaana lagu wadaa in dagaaladan ay sii socon doonaan ayadoo ay gurmad baaxad leh ay diyaarinayaan dhinaca dooxada Jubba oo dhaq dhaqaaqa ka wada Kismaayo iyo magaalada Jilib.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this