Sign in to follow this  
Sky

MP gen maxamed jibriil muuse passed away

Recommended Posts

Sky   

ALLE HAA UU NAXARIISTO MARXUUMKA

 

 

PMJibriil.jpg

 

Jibriil1.jpg

Sawirku waa 19-kii Abriil 2004 iyo kaydka Sawirada AllPuntland;

 

Bidix waa ALLE ha u naxariistee Gen. Maxamed Jibriil Muuse (dont mind the bidix part, the general is the man with the black baseballcap and XXL sunglasses) oo wax ka furaya suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo oo markaas dayactir lagu sameeyay, midig waa gudoomiyihii xiligaas ee gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi, midig gadaal waa Duqa degmada Gaalkacyo Xuseen Jaamac Yabaq iyo masuuliyiin kale

 

All contents copyright 1999-2005 AllPuntland Web Services Inc

 

 

 

TAARIIKH NOLOLEEDKII GEN.MOHAMED JIBRIIL MUUSE

 

Allaha u Naxariistee Gen.Mohamed Jibriil Muuse Wuxuu ku dhashay Buurcad iyo buurmadow oo ku Taal Gobolka Mudug Galkacyo Sannadku markuu ahaa 1928dii, Aabihiis Jibriil Muuse Wuxuu ahaa nin Sheekh ah oo Diinta islaamka si weyn loogu qadarin jirey,Hooyadiis waxaa la oran jirey Cawrala Khayre Ayaansame (Caddeey).

 

Allaha u naaxariistee Gen.Maxamed Jibriil Muuse waxaa la dhashay 7 wiil iyo 3dex gabdhood,dadkaas oo farcankoodu gaarayo ilaa dhowr boqol oo qof ,Allaha u naxariistee waxa uu shaqada askarinimo qortay 1943 dii,wuxuuna tababarkiisii askarinimo ku soo qaatay markii ugu horraysey dugsiga tababarka ee magaalada Baydhabo,isagoo askerinimadiisa ka bilaabay magaalada Gaalkacyo.

 

1946dii waxaa loo bedelay magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan,isla sannadkaasna waxa uu si qarsoodi ah uga mid noqday ururkii S.Y.L.

 

1948dii wuxu noqday Taliyaha Saldhigga degmada Xudur,isla sannadkaasna waxaa loo magacaabay xisaabiyaha ciidanka Booliiska ,1950kii waxa uu ka mid noqday xafiiska Booliiska ee gaarka ah (Special Service),isagoo ka soo qayb qaatay qorshihii Soomaaliya loogu diyaarinayey madaxbannaanida.

 

1954tii markii uu Talyaanigu ciidammadii Booliiska ku wareejinayey xukunkii degmooyinka waxaa loo magacaabay isagoo Saajin ah Taliyaha Saldhigga Degmada Qardho,isla sannadkaas ayaa laga soo qabtay oo la xiray degmadaas ka dib markii la ogaadey inuu ka tirsan yahay ururkii S.Y.L.

 

,1957dii waxaa loo bedelay magaalada Muqdisho halkaasoo uu ka sii watay waxbarashadiisii isagoo ilaa heerkii dugsiga Sare halkaas ku dhammaystay,dabadeedna waxa uu galay machadka tababarka ciidammada oo u dhigma heer jaamacadeed .

 

Sannadkii 1960kiina waxa loo magacaabay Madax xafiiseed taliye xigeen ciidan ,kaaliye amni ee Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan,dabadeedna waxa uu kulliyadda ciidammada ka galay dalka Talyaaniga ,isagoo markaas gaarey jagada xidigle,waxana uu 1961dii tababar u aadey dalka Kenya,isagoo dalalkii kale ee uu tababarka ku soo qaatayna ay ka mid ahaayeen dalalka Talyaaniga ,Ingiriiska , Jarmalka , Masar,Ruushka ,Shiinaha ,Sucuudiga ,Ciraaaq ,Imaaraadka ,Tansaaniya , Kuwait, Suuriya iyo Maraykanka oo uu kasoo qaatay cilmi laxiriira tababarka Booliska.

 

Sannadkii 1962dii wuxuu u dallacay labo xidigle,1964tiina wuxuu qaatay darajada Dhamme ,isagoo sannadkii 1967diina noqday Gaashaanle,1970kiina Gaashaanle Dhexe ,1973diina waxa uu noqday Gaashaanle Sare ,1978diina waxa u noqday Sarreeye Guuto.

 

1980kii waxaa loo magacaabay wakiilka golaha dhexe ee X.H.K.S ee gobollada Galgaduud iyo Mudug ,halkaasoo uu nabadayn ka sameeyey,1981dii waxa uu noqday Taliyihii ciidankii Nabad Sugida Soomaaliyeed(NSS) ,isagoo in badana ka shaqeeyey inuu isu soo jiido dawladdii waqtigaas iyo mucaaradkii ka soo horjeedey.

 

Ka sokow xilalka kala duwan ee uu soo qabtay Allaha u Naxariistee Gen.Maxamed Jibriil waxa uu laga soo bilaabo 1950kii ilaa 1990kii ka tirsanaa ciidammadii Booliiska ee gaarka ahaa ee loo yaqaaney (Special Service)

 

Bilowgii 1990kii wuxuu noqday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ,isagoo tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliyana ku dhex noolaa dalka gudihiisa gaar ahaan gobollada Puntland oo uu markii dhidibada loo taagey 1998diina ka mid ahaa asaasayaasheedii, isagoona ka mid noqday baarlamaankii ugu horeeyay Puntland isagoo xildhibaan ka ahna ayuu xalay geeriyooday.

 

Allaha u naxariistee Gen.Maxamed Jibriil waxa uu ahaa nin wadani ah ,dabeecad wanaagsan oo furfuran dadkana aan kala xigsan ,wuxuuna ahaa shaqsi nabadda jecel oo iska ilaaliya qabyaaladda ,Marxuumkuna waxa uu ifka kaga tegey 25 qof oo isugu jira wax uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen.

 

Waxaa soo aruuriyey Xasan Yuusuf Jibriil oo ku sugan Nairobi.

 

 

 

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this