Sign in to follow this  
Somalina

Banaanbax lagu taageerayo Goonjeex oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Recommended Posts

Somalina   

taageerayaasha_goonjeex.jpg

Muqdisho: (Sh. M. Network) Banaanbax lagu taageerayo siihayaha Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya iyo dagaalada ciidamada dowladda KMG ay kula jiraan xoogaga hubaysan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Banaanbaxa oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen dad la sheegay inay si iskood isku abaabuleen kana tirsan shaqaalaha dowladda KMG Soomaaliya islamarkaana ay ka soo qeyb galeen haween iyo caruur ayaa lagu taageeerayay siihayaha Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG C/waaxid Cilmi Goonjeex , waxaana banaanbaxayaasha qaarkood gacmaha ay ku siteen boorar uu ku sawiranyahay C/waaxid Cilmi Goonjeex.

 

Banaanbaxa oo ka dhacay nawaaxiga guriga hooyooyinka ayaa banaanbaxayaashu waxaa ay si aad ah u soo dhaweeyeen hormaro banaanbaxayaashu ay sheegeen in dowladi ay gaartay inta xilka uu hayo C/waaxid Cilmi Goonjeex iyagoona ka dalbaday madaxweyne Sheekh shariif Sheekh Axmed in Ra’iisul wasaaraha uu u magacaabo C/waaxid Cilmi Goonjeex.

 

Qaar ka mid haweenkii ka qeyb galayay banaanbaxa ayaa ugu baaqay Siihayaha Ra’iisul wasaaraha dowladda kMG Soomaaliya in 24 saac gudahood uu ku dhiso muraalka iyo niyadda ciidanka islamarkaana dalka uu ka saaro 48 saac gudahood xarakada AL Shabaab iyo Xisbul Islaam. :D

 

Inkastoo banaanbaxayaashaani maanta ay dalbadeen in Ra’iisul wasaare loo magacaabo C/waaxid Cilmi goonjeex ayaa hadana waxaa jira xubno kale oo isku soo sharaxay xilka Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya iyadoo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu wado la tashiyo uu la leeyahay beesha caalamka oo ku aadan soo magacaabida Ra’iisul wasaare wax ka qabta Xaalada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by xiinfaniin:

It's as though these folks read brother Sophists thread on SOL
:D

 

Ahaha, u never know..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Gonjeex and counterparts from southern Somalia should be given a chance. The man has support and a community that can contribute much effectivelly in southern Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

For peace sake let us breach the unholly 4.5 formula, and give this Goonjeex a chance... Let the leader and premier of the land hail from the same clan if that brings sanity in that part of the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's not the 4.5 that's derailing this entity. It's bad of leadership and lack of vision, corruption at the highest level of its members,Pressure from the IC and the meddling/influence of neighboring countries, NGOs in Nairobi, and most important lack of support from masses. Bal car qof ka madaxbannaan downladahan dariska ha la magacaabo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

^^ indeed but that's not how the 4.5 unfortunately works. This Goonjeex has no army that will fight under his name. And the TFG now needs an army.

lol...oo Ma C/Kareem Jama baa army Muqdisho dagaal ka gala keenaya? Mase ogtahay in Wiilashii C/llaahi soo raacay ee 3000 gaarayey ay iska laabteen tiro aad u yar maahane iyadoo weliba wixii tababar iyo kharash ku baxayna aad ogtahay? Marba beel ha jidbootee maxaad ku diidi in markaan Gedo iyo Galgaduud ciidan laga soo abaabulo?

 

[/qb]

No man i have nothing against Goonjeex it's not something personal or anything like that I am just being realistic man when was the last time we saw some one from gedo in the TFG (somali) political arena? [/QB]

I think waa dad Soomaaliyeed oo xaq u leh inay ka mid noqdaan dowlad Soomaaliyeed wax u diidayana ma jiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Abwaan, Abdikareem Buuhoodle iyo Marqaanweyne ayuu willal qoor dhaadheer ka keeni ;) .

 

About the post: Nice pics!

 

Xiinnow: They are not allies matey; i tell you that. He has been a thorn and part of Sakiin's clique of late!

 

S

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Remember shortly before Ali Ghedi lost his last job. He did more within a week (the week before he resigned) than he did for the whole time that he was a PM. He was running around repeating the words "Dib-u-heshiisiin, dadka shacabka ah ee tabaalaysan ee soomaaliyeed, blah blah blah; words that he never used before. I remember isagoo ku jeesjeesaya dadka dagaallada ka cararay markaas ka hor kuna dhahaya "anigu dad guryahooda ka maqan ma arkin, malaha dalxiis bay jiraan iyagaa afgooye carro-geddis u aadey". Therefore arrintaan waa laguu yaqaan ee iska dhaaf...Although Goonjeex is way better than Ghedi and his likes, he was a Deptuy PM and he wasn't seen working like this when he should have why? because hadda jagadaan baa damac ka galay, awalse waxay ahayd maxaa iga galay dad bay u wada taalle...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this