Sign in to follow this  
Jacaylbaro

QURUXEEY MAXAAD TAHAY ????

Recommended Posts

Hello All,,,

 

Marka qurux la macnaynayo qofba si bay ula muuqataa.... quruxdu waa waxa keliya ee dadku aanuu isku raacsanayn.... marka gabar laga sheekaynayo quruxdeeda qofba si bay ula muuqataa.

 

Nin baa waxa uu la sheekaysanayay saaxiibkiis dhabta ah , waxa uu uga sheekeeyay gabadha uu guursan rabo iyo quruxdeeda,,, wuxuu u sheegay inay tahay gabar aad u qurxoon oo aan laga jeesan karin , cabbaar ka dib waxa ay isla fahmeen in ay is raacaan oo uu soo tuso gabartan quruxda badan ka hor inta aanuu guursan... markii gabartii loo yimid ayay wiilkii saaxiibkiis ugu muuqatay in gabartu aanay ahayn siduu moodayay aadna ay u foolxuntahay, waxa uu la yaabay sida ay saaxiibkiis ugu muuqatay. Saaxiibkiis ayaa waydiiyay oo ku yiri ka warran saaxiib sow ma qurux badna ???? , ninkii isaga oo saaxiibkii tix gelinaya rabana inuu runta u sheego ayuu yiri "dee malaa saaxiibow meesha aan iska taagay ayaanad iska taagin" isaga oo tilmaamaya in aanay isku dhinac ka eegin.

 

Marka, quruxeey maxaad tahay,,, sidee buu nin u sifayn karaa gabar quruxdeed ama nin u sifayn kartaa nin quruxdiis ????

 

Ragga qaar aan la kulmay waxa ay ii sheegeen in gabarta quruxdeedu ay tahay inay qoor dheer leedahay,,, qaarna waxay ay sheegeen inay tahay casaanka oo gabartu cas tahay,,,, halka ay qaarna ka sheegeen in ay dheertahay qaarna door bideen midda gaaban,,,,,,buuran......ilkaha cas,,,,,,iwm.

 

Dumarka qaar markii aan waraystay waxa ay tilmaameen inay quruxda raggu tahay inuu garbo waaweyn yahay,,,, qaarna waxay ii sheegeen inay tahay inuu ninku madow yahay isla markaana indho waawayn yahay,,,,, qaarna waxa ay door bidaan inuu timo xaad ah leeyahay,,, and so on.

 

Sidaas darteed waxa aan asxaabtayda waydiinayaa bal QURUXEEEY MAXAAAD TAHAY ????? sidee bay tahay in loo eego marka gabar quruxdeeda laga sheekaynayo???? Ninkuse ma ka duwan yahay ??

 

TOPIC FOR DISCUSSION ........

 

Thanks ll . . . . :confused: :confused: :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

waxay yiraahdaan quruxda ma ahan waxa muuqda ee waa waxa qarsoon,quruxda waxay ka imaataa qalbiga wadnaha laabta ruuxda dabeecada, dadka qaar baa ka qurux badan dusha qaarna ka qurux badan gudaha, qaarna dushii iyo gudihiiba isku darsaday, marka dadka maba arkaan taasi!

 

ee anaga hadaan somali nahay quruxda aan naqano ma ahan mid qalbiga iyo wadnaha dabeecada la xiriirta, quruxda aan naqaano waa mid wajiga iyo waaxyaha jirka qofkiisa la xiriirta sida gacmaha indhaha bishimaha iyo qoorta ama luqunta......

 

hadaba qof kasta quruxda si buu u tilmaantaa, anoon hadalka badin ayaan soo koobayaa gabar tilmaaamaha quruxda leh ee aan ku doorbidi lahaa ama aan u yeeli lahaa, waana tanaa:

 

horta waa iney:

 

dheertahay

maariin yahay midabkeedu

luqun dheertahay

gacma balaarantahay

indha waaweentahay

bishima madoowdahay waa madoow dabiici ah

cukurra buurantahay

daaman kuusantahay

xirriba madoowdahay

timo dhaadheer leedahay

misgo, boodyo ama siman waaweentahay

san dheertahay

af weyn leedahay

baryo kuus kuusan leedahay

isbaalo dhexdhexaad ah leedahay

 

 

kolley ninba si naag u sifee, anigu wa ikkaa, halkaas ban kaga baxay

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOOOOOL Quruxeey xaa ka walaxtahay! Quruxdu hadaba waxay ku xiran tahay, indhaha qofkaas iyo DOOKHA uu raadinaayo....Laakiin raga anoo kale ah oo dadkii horay ka haray qurux waxaan ka eegnaa gabadha reerkeeda, haday gabadha ka dhalatay reer fiican oo la yaqaano, oo ilmahayga ABTI YAAL fiican helayaan...Iyo waxaan kale oo raga aan uga duwanahay aan is oran lahaa waxaa weeye "waxaan aad iyo aad uga helaa dumarka madmadoow oo ilkaha dabarka leh"

 

Dumarka qaar markii aan waraystay waxa ay tilmaameen inay quruxda raggu tahay inuu garbo waaweyn yahay,,,, qaarna waxay ii sheegeen inay tahay inuu ninku madow yahay isla markaana indho waawayn yahay,,,,, qaarna waxa ay door bidaan inuu timo xaad ah leeyahay,,, and so on.

 

jacaylbaro walaalkiis dumarka aad waraysatay dookh xumaa...waxay ila tahay in ka wada heleen ninkii la oran jiray WESTLEY SNIPES...balo idin dektay :D:D

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites

ahahahaa,,,,,,,that is so coooool ,,, also like to hear from da others .....

 

laakiin aniga waxaan ka helaa sidan :'

 

waa in ay dhexdhexaad tahay xagga dhererka

waa in ay dhexdhexaad tahay xaga buurnaanta,,,, laakiin ay xaga dhuubnida yara xigto,,, (waa inaa qaadi kartaa nooh)loooool.

doesn't matter xagga midabka (casaan, madow, maariin) laakiin waa inay weji qurxoon leedahay oo la fiirin karo.

waa inaanay NAASO waaweyn lahayn isla markaana aanay aad u yaryarayn,,,, just dhexdhexaad.

waa inay dabeecad fiican tahay,, ragannimo leedahay oo wax qabsan kartaa,,,geesiyad tahay,,,magacna ku leedahay reerkooda.

Reerkoodu waa inay dad fiican yihiin xaga dhaqanka, diinta iyo dabeecaddaba.

heeeeeeeeey maxaad sugaysaa deeee,,,ahahaha,, waa inay raashinka si fiican u karin taqaan.

Ugu dambayn waa inay xagga furaashka ku fiican tahay ,,,,ahahaha ,,, :D:D:D

 

Maxaan ka tegey,???? please ii sheeg .....

 

Thank you All

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

quruxda gabadha waa in ay noqotaa midii oo Bodhari ku tilmaamay Hodon,, wuxuu na yiri sidan........

 

Qaar buu gabdhaha hilibku iyo

hugu cusleeyaye adna inaanad

haybtaa ahayn hubiyey dhawr jeere,

naasaha sidii hooto waran hore usoo tagan,

dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyane,

gudub halacsi daymada indhaha hibada loo siiyey,

qosol hanaqa soo tabayoo caashaq hurinaaya,

ilka aan hogoodi ka lumin kalana hoosaynin,

sankaaga hanaankiyo qorshaha hadiyad loo siiyey,

dhabanada hareeraha wajiga halalac nuuraya ,

suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn wayay,

luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiiyey,

timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab haabtay,

heega iyo laafyaha gacmahan hibada loo siiyey ,

dhexdan aan hareeraha u fidin horena usoo tagmin,

hanaan quruxsan wataa luguhu ka haqab beeleene!.

 

jacaylbaro markaa la soco!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

Qac's list

 

1. Diinta dhinaceeda 100%

2. Nasab fiican leedahay.

3. maal ishaya way in ay leedahay

4. Quxudeeda

 

now aan kala dhigno QURUXDA

 

1. way in ay leedahay Karti ( NAAG RAG AH)

2. edeb lee dahay

3. af dheer ay laheen. ( no qumayo)

4. naxariis badantahay

5. way in ay leedahay, i need no man can of attitude

6. buurni no

7. caato no

8. beautiful smile

9. indho qurxoon

10. bushimo waa ween.

11. tin dheer oo jilicsan oo madoow.

12. midib, madoow, cadaan, mixed what ever

13. flat stomach...

14. last but not least. love ur culture.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

lee qurux ani waaye nooh.....

 

waree jacelbaro see dadkale u weydiinee waxaas..

 

qurux maxee ahaan a haan laheed...

Qurux horta xagee i maatay weydii nooh..

 

Quruxda waxey ka imaadaa inside..Qofku haduu qof fiican yahay oo aad iyo aad u dabeecad fiican yahay, wiligiis wuu kula qurxanayaa..

 

thats why you see ugly person with a good looking person. the good looking person wuxuu arkaa quruxda qofkaas..lol...

 

Laakiin like juxa says in her signature only and ugly person would say such a thing..lol..

 

 

wareer badanaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Asc

 

bro jacaylbaro, Quruxda laguu sheegaayo waa Diinta uun, Qofka haduu yahay qof diin leh waxa kale doesn`t matter to my oppinion.

 

Jamaalka qofka waxaa laga fiiriyaa akhlaaqdiisa iyo dabeecadiisa see tahay, hadii lafoolxun yahay maanta modern tecknology aa lagaaray oo wixii waalan waa is badali karaaan!!!

 

 

Macsalaama

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Goldn girl, u r 100% right, waa akhlaaqda dabeecada asluubta iyo diinta.

 

marka modern technologiga wey isticmaalaan wixii waalan laakin wey ku khasaaraan inta badan oo ma 24 hours buu qof banii aadam ah is xoqi karaa diirkii baa ka dhacaya sidii hore muu dareemayo qofkaasi.

wax unbaa ka si ah xataa kuwa jirkooda badala si ay u helaan qurux dabiici ama nature ah taasoon aheyn tii uu Rabbi ku abuurey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saaxiibayaal waad salaaman tihiin dhamaan..

 

Horta laba arrin ha la kala saaro,,,, diinta iyo dabeecadda qofka,,,,,

 

waxa jira qof ay diintiisu aad u fiican tahay laakiin dabeecadda uu u dhashay ay tahay mid taas ka duwan,,,,,, ka warran hadii ay gabartu tahay mid diinteeda wanaagsan tahay laakiin BASARI ah oon wax karti ah lahayn ????

 

Marka arrinka diintu mar kasta waa No:1 laakiin dabeecadaha dadku ay leeyihiin ee ay u dhasheena should be also considered as another major point.

 

Thanks to all of you,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Waa su'aal wanaagsan. Quruxeey maxaa tahay? Culimada cilmiga aadan-baradka ku xeel dhaar ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in aan la isku raacsaneyn jawaabta su'aashan. Sidaa daraadeed ayaa waxa looga haray in qaabka qofka cajab galiya oo maanka iyo indhahaba deeqa ay qurux qofkaas taa u tahay.

 

Waagaan yaraa ayaan waxaan maalin ka maqlay hablo sheekasanaya oo midi tan kale ku leedahay "hebel maxaad ku jamatay qurux lagu raaco ma leh e?" Tii kale yaa waxay tidhi "waa runtaa laakiin 'jin' isoo jiitey buu leeyahay" Yaab iyo amakaag annoo dhabanada heysta yaan Aabahey waxaan weydiiyey waxa 'jinnka' hebla ku jeceshay? Waxuu igu yiri waa naag waalan haday "jinni" jeceshahay! :D Walaashay iga weyn ayaan weydiiyey isla su'aashaas; waxay iigu jawaabtay nabi khadar bey u maleysey :D Caruur waa cudur laga koro maansha la yiri.

 

Waxaan sheekadaa u soo qaatey waxay habluhu isu sheegayeen xikmad weyn baa ku jidha. Hebel "jinni" buu leeyahay ama hebla "jinni" isoo jiita bey leedahay waa qaabka iyo hor-joogsigiisa waxaa dheer oo weheliya wax kale oo si ay u cabirto ay malaha garan weydey. Malaha dabeecad wanaag, maaweelo dabacsan, is-faham hoose, garasho, kalsooni, dad-la-dhaqan haboon, aqoon, xishood, dhoolo-cadeyn, dhowrsanaan, iyo wax kale yey gabadhu markii ku aragtay ninka ay saaxiibteed hor-joogsigiisa iyo qaabkiisa ay u boggi weydey.

 

Ugu danbeyn, waa run in dadku ku kala duwanaan karo quruxda qof leeyahay. Laakiin waxa jira qurux aadanuhu isku raacsan yahay: Qofkii dhameys tiran ee leh xubno is le'eg (symmery) oo dhex-dhexaad (dherer/gaabni siyaado ah aan laheyn) ah waxaa la yiraahdaa waa qurux-badan yahay. Dookhu halkiisa ha joogo balse intaa waa laga siman yahay.

 

Soomaalida aad bey gabdhaha miisaan gaar ah u saaraan. Gabadha dheer, ee maariinka ah, dhexda yar oo dhuuban, kubabka weyn, ciridka madow oo ilko yar-yar oo siman leh, sunniyaha bisha ah leh, indhaha waaweyn, garaaryaha leh, timo madow, jilicsan, oo hadanna dhabarka gaara leh...ayay waxay yidhaahdaan waa gabar qurux badan oo Eebaa dhameys tirey.

 

Waa sida ay ila tahay smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Quruxeey maxaad tahay?

 

Qofba mida edboon ee

Qalbigiisa saaqduu

Qumaneey yiraahdaa

Afka ka qaadi waayaa!

 

Inkastoo khilaafka jira

Ku qotoma qurxontiyo

Tan u qalanta qalanjoo

Qurulcayn la oran karo!

 

Quruxeey maxaad tahay?

 

Qirashona waxaa mudan

Iney quruxi mool tahay

Dhoolkiyo dhafoorkiyo

Jalaqsanida qaarkiyo

Ka hooseeyso laafyada

Ku sugnaatey maankoo

Wadna-iyo ku hoyotaa,

Laabta inanta qowl sani

 

Quruxeey Maxaad tahay?

 

Aniguse kumaan garan!

 

-Waa sidaay anigu ila tahay!

 

Timaheedan Dhuxusha ah, waa cigaal oo ka faalleynaya qurux-gabareed!

 

 

FGA (Fiiro Gaar Ah): Waan dhameystiri lahaa heesta balse waqtigaa igu gababsi ah!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Jamal I think is my turn in aan gabay waalan soo tuuro.. lol....I will wait laakiin..

Aniga ayaa si fiican uuga jawabi doono su'aashaan..

 

 

wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waad ku mahadsantihiin in qof waliba uu soo bandhigo sida uu arko ama ay ula muuqato quruxdu,,,,,,,

 

Waxaan ilaa hadda la haynin qaybtii gabdhaha ,,,,, waxa fiicnaan lahayd sida ay iyaguna quruxda ragga u arkaan inay meesha ku soo ban dhigaan si la isu barbar dhigo labada dookh,,,,,

 

Mahadsanidin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

sa wr wb,

 

quruxey maxaaa tahay? good Q

J11, waa sidaaaaaaa, u say it the best. nabi alow, nuur alow, ninba afkii kugu amaan. qurux=dooq

 

so basically different pple have different dooq, bt the common similarity should be

- diin

- dhaqan

- waalidkoo baar looyahay.

 

kaalay cilmi boodhari, was ahead of his time yaah!

he was promoting aneroxia nervosa :confused:

 

why do women have to be divided in catogories. now lets see what to me is beautiful MAN.

 

- nin aa war badneen.

- dantiisa yaqaan

- nin dheer. kor u fiirinaayo

- no calool, dalbadana ka daran

- nin iska shaqeeya, nadiif ah

- not a loser, someone with potential

- mid aan hariifo aheen, isku kalsoon

- can-do-attitude

- no maseerlow, lil attitude is nice lakin

- nin aan qaboobeen, able inuu yac iska kaa dhaho

- respectful

- dadka aan yasin, down to earth

 

talow maxaan ilaabay :confused: oh yeah, men who always talk of naag-quruxdeed, waxba iskuma haayaan, mostly ayagaa foolxun. hence they put much emphasis to getting a trophy wife.

 

feebaro, as u said,,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this