Sign in to follow this  
Cowke

Buhoodle Citizens Fight Ethiopian Soldiers

Recommended Posts

Cowke   

War deg-deg ah: Dagaal Ka Dhacay Buuhoodle

May 21, 2010

 

 

Waxaa maanta abaarihii 12:00 duhurnimo dagaal ka qarxay magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn, dagaalka ayaa u dhexeeyey ciidamo Itoobiyaan ah oo muddo todobaad ah halkaas ku sugnaa, iyo shacabka reer Buuhoodle.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa xanibaad ku soo rogey dhamaan gawaarida halkaas ku sugneyd kuwaas oo safarkoodu ku wajahnaa qaybaha kale ee Soomaaliya, waxayna fasaxayeen kuwa u baxaayey dhanka Burco.

 

Wararka hadda ka soo baxaya halkaas ayaa sheegaya in dagaalka ay bilaabeen ciidamada Itoobiyaanka, waxaana ka hortegay shacab hubeysan kuwaas oo diidanaa in ciidooda dawladda Itoobiya ku maamusho.

 

Ma cadda weli khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhashey, waxaa warar hordhac ah sheegayaan in ciidamada Itoobiyaanku halkaas ay ka geysteen xasuuq ayna ku garaaceen hub culus xaafadaha shacabka, waxaana goobjooge ku sugan Buuhoodle warbaahinta u sheegay in uu arkey ilaa sadex qof oo meyd ah.

 

Xirriro aan la samaynay degmada ayaa inoo surtagali weyday sababo Isgaarsiinta oo go’aan,waxaana aan la aqoon sababaha keentay in Isgaarsiinta la jaro.

 

Xarunta gobolka Cayn ee Buuhoodle ayaa ahayd mid ka nabad gashey dagaalada, waxaana shacabka Buuhoodle ay ahaayeen kuwo samaystey nabad isla markaana cod dheer ku sheegay in ay yihiin Puntland.

 

Maamulka Puntland ayaa diidey in ay ka hadlaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaas ku sugnaa muddooyinkii la soo dhaafey, shirkii u danbeeyey ee Golaha Xukuumadda ayaanba lagu soo qaadin sida uu wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiqani Salaad Gurey Horseed Media u sheegay.

 

Guddoomiyihii Buuhoodle oo maalintii shalay si kedis ah u dhintey Xuseen Ducaale ayaa arintan aad uga digey waxaana uu ugu baaqey ciidamada Itoobiyaanku in ay halkaas isaga baxaan, waxaa uu ka digey in dagaal dhici karo, shacabkuna aysan u adkeysan karin in lagu maamulo guryahooda isla markaana la xanibo dhamaan gawaarida halökaas ku sugneyd.

 

Dhegayso Waraysigii u danbeeyey ee Horseed media la yeelato Marxuumka oo ka hadlaaya ciidamada itoobiyaanka dhegayso:

 

Dagaalka ayaa ah mid weli socda wixii ka soo kordha wararkayaga danbe ayaan ku soo gudbineynaa

 

Horseed Media

News Desk

 

Listen to the wareysi here

HM

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Dagaal iyo xasuuq baa dhacay id^ot waxaan qorayna wuxuu ka hadlayaa they are puntland iyo qashin..

 

Alle ha unaxariisto shacabka ay xasuuqday cadowga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Boohoodle oo lagu dagaalamay

 

Saddex ciidamada Itoobiya ah iyo toban Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaal saaka ka dhacay magaalada Buuhoodle, kaas oo dhexmaray ciidamo Itoobiya iyo dad ka tirsan deegaanka.

Dadka ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa tiradoodu ka badan tahay labaatan qof.

 

Rasaas xoog leh ayaa ka socotay magaalada dhexdeeda.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa mudo todobaad ah dhinac ka joogay magaalada waxayna gacanta ku hayeen baabuur dadweynuhu leeyaay, ka hor intaan dagaalku bilaaban kaas oo markii dambe magaalada ku fiday.

 

Lama hubo sida rasaastu ku biilaabantay, laakiin waxa jirey dad arrinta baabuurta ugu tegay ciidamada Itoobiya, intaan dagaalku bilaaban.

 

 

http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2010/05/100521_boohoodle1.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

^ Shame on you Xunduf.

 

Shacabka Buhoodle ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibtaa wada dagaalka,ilaa Xabashida aad ka xoreysiin Buhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah:Ciidanka Itoobiya oo xasuuq ka geystay Magaalada Buuhoodle.

Warkii 21-May-2010 iyo Qormadii: NEWS

Buuhoodle:-Warka ka imaanaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in gudaha Magaalada Buuhoodle ka bilaabatay rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayaan sida la sheegayo dadka degaanka iyo ciidamoa Itoobiya oo dhawaan soo galay Magaalada,kuwaasoo beryahanba deganaa dehinaca xadka Itoobiya ee magaalada

 

Sid aan wararka had ku helayno rasaas xooggan o ka dhacaysa gawaadhida gaashaaman ayaa waxaa laga maqlayaa magaalada oo dhan, ciidanka Itoobiya ayaa waxay maalmihi ugu danbeysey halkaa ka wadeen arimo ka yaabiyey dadka deegaanka,kuwaas oo kala xidhay magaaladii,isla markaana qabsaday gawaadhi kor u dheefaysa 40 gaadhi,waxaana sida aan wararka ku helayno dhintay ugu yaraan 3 qof oo shacbka magaalada ah,kuwo kaloo badana ay ku dhaawacmeen.

 

Ilaa hadda lama yaqaan sababaha dhaliyey in ciidanka Itoovbiya ayaa weerar cad ku qaado shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Buuhoodle,gudoomiyihii hore ee Buuhoodle Xuseen Dacawi ayaa ala ha u naxariistee ka digay in dagaal uu dhici karo haddii ciidanka Itoobiya aysan ka bixin magaalada Buuhoodle,gawaadhida ay haystaana aanay sii dayn.

 

Arintan ay Itoobiyaanku sameeyeen ayaa ku soo beegantay,iyada oo ciidanka Somaliland ay saaka soo galeen meelo ka mid ah gobolka Buuhoodle,iyaga oo galay magaalooyinka Widhwidh iyo balicad.

 

Wixii faahfaahin ah ha ka fogaan Afnugaal.com.

 

Afnugaal.com

 

Contact:info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

wararka qaar waxayba shegayaan in cidama etopiyana meshaba joogin oo ay yihiin cidama somaliland ah. Allahu yaclam. Kolay wixi dhacay way so baxyaan. Somalidu waxay ku maahmaahda war jira cakaaru imaan. Yacni wixi la qariyaba waa so baxayaa..

 

In either case, may allah swt have mercy on the dead.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Safa warkaa aad sheegaysid oo kalaan la'ii sheegay. War jiraaba cakaaruu iman. Laakiin Dadka reer buuhoodle way guulaysteen cidii doontaba ha soo weerartee.. Dabaal dega Xaaji Xunduf baroor baa xigi doonta..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Latest news from Widhwidh

 

Maleeshiyada Maamulka Labaxay Somaliland Oo Qabsaday Widh-Widh-(Maqal warbixin)-

Lasanod Online. Friday, May 21, 2010

 

 

 

 

 

 

 

Widhwidh,(Lasanod Online)- Wararka ka imanaya degmada Widh-Widh ee gobolka Cayn ayaa sheegaya in halkaas ay soo gaadheen Maleeshiyada maamulka Labaxay Somaliland.

 

 

waxaana ay wataan gaadiidka dagaalka.

 

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqqijiyey n Ciidankaas ay saaka magaalda soo galeen,waxaana ay bilaabeen in ay fariisimo ka samaystaan qaybo ka mid ah degmadaas.

 

Shacabka ayaa iyagu si aad ah uga soo horjeestay soo gelida Maleeshiyadan Maamulkaas,waxaana socda qaban qaabo lagu doonaayo in lagaga saaro magaalada.

 

Maamulka labaxay Somaliland ayaa dhaq dhaqaaq ka waday maalmahan gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn, iyagoo degaamadaas raba inay geeyaan Kaadhadhka Codbixinta ee doorashooyinka.

 

Dhanka kale waxaa soo baxaya inuu jiro xidhiidh iyo wada shaqayn ka dhexeeyay ciidamada Itoobiya oo maanta dagaal ku qaaday Magaalada Buhoodle iyo maleeshiyadan maamulka hargeysa ee saaka qabasatay WidhWidh.

 

Halkan Ka Dhegayso Warbixin Xaalada Widh-Widh iyo Buhoodle

 

 

 

Wariye: Fadumo M. Hassan

Admin@lasanod.com

Xafiiska Wararka Lasanod Online. Garoowe, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Slaying innocent civilians just to uphold a false notion of nationhood is what I call a tricky situation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sacad *Ducaale:

Mujahiid Xaji Xandjuf keep up the updates.

Well the rebels are being crushed as we speak, Somaliland took over widhwidh district and Both buhoodle and widhwidh are with out electricity right now . The rebels lost over 7 people , Somaliland Army might move towards Horurfadhi , The people of Buhoodle shall not be used as human shield By these Clan fanatics

 

Somaliland shall prevail

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this