Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Latest news clash between Somaliland Troops and insurgents In widhwidh

Recommended Posts

Xajni Xayraan wuxuu sheegay SOL ka sheegay inuu yahay dhiigyacab marka maxaad ka filaysaa.

 

Wrong move, if this Silaanyo first move, then belaa soo socota.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay dagaal ka dhacay deegaanka Widh Widh

July 19th, 2010 Comments Off

 

Hargaysa, (Somaliland.org)-Wasiirka Gaashaandhiga Saleebaan Warsame Guuleed ayaa ka hadlay weerar ay xalay ku soo qaadeen kooxda Somaliland-diidka ah ee isku magacawday SSC ciidamada qaranka Somaliland waxaanu wasiirku sheegay in kooxdaasi ay xalay goor dambe weerarkaa soo qaadeen isagoo tilmaamay inay ciidamada Somaliland iska caabiyeen ”Xalay kowdii ilaa labadii ayaa kooxdaas nabadiid ahi waxa ay weerar ku soo qaadeen Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda Widhwidh, hase ahaatee Ciidanku wuu ka war helay oo wuu iska caabiyey isla saaka todobadii markii ay saacadu ahayd ayay haddana weerar kale soo qaadeen, halkaas dagaal ayaa ka dhacay oo Ciidanka Qaranka halka Askarina wuu ka dhintay mid kalena wuu kaga dhaawacmay” ayuu yidhi wasiirku waxaanu intaa raaciyey “Waxa weeye Ciidanku shacabkiisii ayuu la degan yahay, waxaa waajib ah inuu shacabkiisa u tudho.” waxa ay Saraakiisha Ciidanku na soo gaadhsiiyeen inay qabteen tiro ka mid ah Maleeshiyadii soo duushay, oo ay si nabad gelyo ah u hayaan.” Wasiirku waxa sheegay in khasaaraha dagaalka ay gadaal ka soo gudbin doonaa, isla markaana waxa uu tilmaamay inay dagaalkii istaagay oo hadda aanu wax dagaal ahi socon.

 

Somaliland.org

 

Wararka Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

this SII CARAR SOO CARAR CALAACAL (SSC) is a joke.

 

they fire one bullet then they run 70 miles withough stopping. they are a joke.

 

today half of them were captured and are taken to caynaba city, peacefully :D

 

they have become two factions one is led by xaglatoosiye the other by an individual named keyse.

 

i think the JNM was better than these lot :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col Aadan Maxamed Cali Bulay oo ka waramay dagaal ka dhacay degmada Widhwidh.

Warkii 19-Jul-2010 iyo Qormadii: News.

Waxaa saaka dagaalo culusi ka dhacay degmada Widhwidh ee ka tirsan gobolka cayn,waxaana dagaalku halkaas ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Oo in dhwaydba isku horfadhyaay deegaanka Widhwdh. Waxaana wararka hor u dhac ah ee degaankaasi laga helayaa sheegayaan in dagaaladaasi saaka bilowdey ay sababeen qasaare isugu jira dhimasho & dhaawac.sidaasina waxaa shabakada wararka holholnews u xaqiijiyay Corneal Aadan Maxamed Cali Bulay oo Saaka u Kicitimay Dhanka Degmada widhwidh

 

 

.

 

 

Cornelku waxuu intaasi ku daray in ciidamada Somaliland ay xalay abaari 2:00 Habeenimo ay Soo qaadeen Ciidamada SSC weerar Culus soo qaadeen, Iyadoo ciidamada miltrriga somaliland ay u jawaabeen in mudo ahna uu halkaasi dagaal ka soconayay.

 

 

Wararkale oo aanu ka helayno goobjoogayaal muxali ah ayaa waxaay sheegayaan in dagaalkaasi uu hada joogsaday ciidamada somalilandna ay hada gacanta ku hayaan rag maxaabiis ah dagaalaasina uu joogsaday.

 

Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed Ayaa sheegay in dagaal lagu soo qaaday ciidankooda laba jeer oo midna xalay ahaa,midna saaka ahaa,ayna iska caabiyeen qolyihii sooo weeraray,aynahayaan maxaabiis tobaneeyo ah.

 

Wasiirka gaashaandhiga ayaa qirey in xagooda ay ka geeriyoodeen hal askari,iyo dhor dhaawac ah,wuxuuna sheegay inay kala didiyeen kooxdii soo weerartay,waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Afnugaal News Desk.

 

Contact:info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaawaca Qaar Ka Tirsana Ciidamada Qaranka Somaliland ee Ku Dhaawacmay Dagaaladii ka Dhacay Widh-Widh oo Goor Dhaweyd Soo Gaadhay Magaalada Burco

 

Burco(Oodweynenews)- Waxaa Goor dhaweyd soo gaadhay magaalada Burco dhaawaca 2askari oo ka tirsan ciidamada qaranka jamhuuriayada somaliland ee ku soo dhaawacmay dagaaladii xalay ilaa saaka ka dhacay Widhwidh.

 

waxa kale iyana jira warar hor dhaca oo sheegaya in haatan ay iyana soo gaadheen Magaalada Burco in ku dhaw 8maxbuus oo ka tirsan maleeshiyada la magacbaxaday SSC ee iayaga uu dagaalku ku dhexmaray ciidanka qaranka jamhuuriayada Somaliland Degaanka widh-widh oo ka tirsan Gobolkaasi Sool.

 

Dagaaladan ka dhacay Widh-widh ayaa la sheegayaa in dhanka Ciidamada qaranka Jamhuuriatada Somaliland uu kaga dhintay mid ka mid cidaamadaasi halka laba kalena ay ku dhaawacmeen waxaan ilaa hatan la sheegayaa in Deegaamadaasi ay Nabdoonyihiin oo dhinacyadii ku dagaalamay ay kal fadhiyaan Fadhiisimadoodii hore halka gacan ku haynta magaalada Widh-Widhna ay haatan gacanta ugu jirto ciidamada qaranka Somaliland oo iyagu nabadgalyda haatan si weyn u adkaynaya.

 

Dhanka Jabhada La magacbaxday SSC ayaa iyada wax wara aan laga helayn dhanka isgaadhsiinta oo adg awgeed balse ila xogogaala oo goobaha ay ka taliyaan Kooxda SSC ayaa u sheegay shabakadan wararka ee Oodweyne inay ku suganyihiin Fadhiisamadoodii hore.

 

Geesta kale waxaa iyana maanta laga Dareemayay Deegaamadaasi ay dagaalado ka dhaceen sansaan colaadeed Taas oo lagu arkaayay in dad badani ay isla maantaba ka qaxeen Goobaha y isku horfadhiyeen dhinacyadii dagaalamay kuwaasi oo ka cabsi qaba in mar kale dagaal ka dhex qarxo.

 

Maxamed Cawad Maxamed

Oodweyne News/Burco Office

E-mail.cawad05@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaawaca Qaar Ka Tirsana Ciidamada Qaranka Somaliland ee Ku Dhaawacmay Dagaaladii ka Dhacay Widh-Widh oo Goor Dhaweyd Soo Gaadhay Magaalada Burco

 

Burco(Oodweynenews)- Waxaa Goor dhaweyd soo gaadhay magaalada Burco dhaawaca 2askari oo ka tirsan ciidamada qaranka jamhuuriayada somaliland ee ku soo dhaawacmay dagaaladii xalay ilaa saaka ka dhacay Widhwidh.

 

waxa kale iyana jira warar hor dhaca oo sheegaya in haatan ay iyana soo gaadheen Magaalada Burco in ku dhaw 8maxbuus oo ka tirsan maleeshiyada la magacbaxaday SSC ee iayaga uu dagaalku ku dhexmaray ciidanka qaranka jamhuuriayada Somaliland Degaanka widh-widh oo ka tirsan Gobolkaasi Sool.

 

Dagaaladan ka dhacay Widh-widh ayaa la sheegayaa in dhanka Ciidamada qaranka Jamhuuriatada Somaliland uu kaga dhintay mid ka mid cidaamadaasi halka laba kalena ay ku dhaawacmeen waxaan ilaa hatan la sheegayaa in Deegaamadaasi ay Nabdoonyihiin oo dhinacyadii ku dagaalamay ay kal fadhiyaan Fadhiisimadoodii hore halka gacan ku haynta magaalada Widh-Widhna ay haatan gacanta ugu jirto ciidamada qaranka Somaliland oo iyagu nabadgalyda haatan si weyn u adkaynaya.

 

Dhanka Jabhada La magacbaxday SSC ayaa iyada wax wara aan laga helayn dhanka isgaadhsiinta oo adg awgeed balse ila xogogaala oo goobaha ay ka taliyaan Kooxda SSC ayaa u sheegay shabakadan wararka ee Oodweyne inay ku suganyihiin Fadhiisamadoodii hore.

 

Geesta kale waxaa iyana maanta laga Dareemayay Deegaamadaasi ay dagaalado ka dhaceen sansaan colaadeed Taas oo lagu arkaayay in dad badani ay isla maantaba ka qaxeen Goobaha y isku horfadhiyeen dhinacyadii dagaalamay kuwaasi oo ka cabsi qaba in mar kale dagaal ka dhex qarxo.

 

Maxamed Cawad Maxamed

Oodweyne News/Burco Office

E-mail.cawad05@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaalada Degmada Widhwidh Oo Caawa Xasiloon & Ciidamo Ku Soo Biiray SSC

Written by Jidbaale.com

Monday, 19 July 2010 14:38

 

Widhwidh(Jidbaale.com):-Waxaa caawa degan xaalada magaalada Widhwidh ka dib markii maanta halkaas dagaal culus ka dhacay. Ciidamada SSC ee Xaq u dirirka ah iyo maleeshiyaadka SNM ayaa isku horfadhiya agagaarka magaalada Widhwidh.

 

 

Ciidamada SSC oo markii hore si rasmi ah ula wareegay gebi ahaan magaalada Widhwidh ayaa dhinaca Koonfur barri ee magalada ka samaystay saldhig. Halka maleeshiyaadka soo duulay ee SNMtuna joogaan dhanka baraahaga ku beegan Qorax ka soo baxa.

 

Khasaaraha dhabta ah ayaan ilaa hada si rasmi ah loo xaqiijin, waxaase warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in maleeshiyaadka SNMta laga diley 6 askari oo midi yahay sarkaal ka soo jeeda Oodweyne. Dhanka SSC ayaa la sheegay in uu hal askari ka shahiidey inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijisey.

 

Waxaana adag in la helo Khasaaraha dhabata ah ee dagaalkaasi gaystey ka dib markii Shirkada telesom jartay gebi ahaan isgaadhsiin deegaankaasi. Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom wax warbixin ah kama aysan soo saarin sababta ay u demisey isgaadhsiinteeda. Aayadoo aalaaba marka xaalad noocan oo kale ah ay timaado hawada ka saarta isgaadhsiinta deeganada SSC.

 

Dhanka kale waxaa ku soo biiray ciidama Jiida hore ee Widhwidh ciidamo ka tirsan Guutada Ismaaciil Mirre ee uu hogaamin jirey Kayse Cabdi Yuusuf. Ciidankan ayaa waxay maanta si rasmi ah uga qayb qaateen dagaalada Widhwidh ka soconaya, ilaa hada ma cada in uu taliyahoodii Kayse weheliyo ciidamada iyo inkale.

 

Isku soo wada duubo xaalada deeganada SSC ayaa gashay jawi colaadeed ayadoo ay muuqato talaabooyin muujinaya Hogaanka SSC uu dar dargelinayo hawlaha. Walow ay jiraan caqabado kale sidii arintii ka dhacday jiida hore ee ciidamo ka tirsan Xoogaga SSC ay uga baxeen furumaha ayagoo salka dhigay Tuulada Dan dan, ilaa hadana aan si rasmi ah loo ogeyn waxa sababay. Waxaana jira dedaalo kala gedisan oo ay wadaan Qurba joogta iyo waxgaradka SSC ee ciidamadaasi ka soo jeedaan kuwaasoo loogu soo celinayo jiidii ay kaga jireen difaaca dalkooda.

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I present you the prisoners of war

 

Magacyaddii iyo Sawiraddii Maxaabiisti lagu soo Qabtay Dagaalkii Widh-Widh

 

d_1.jpg

 

d_1.jpg

 

 

d_8.jpg

 

 

d_15.jpg

 

 

d_6.jpg

 

 

1 Cabdi Ismaaciil Maxamed

 

2 Cariif Maxamed Axmed

 

3 Xiis C/laahi Jaamac

 

4 Axmed Cabdi Jaamac

 

5 C/laahi Cismaan Cabdi

 

6 Cabdi Cismaan Yuusuf

 

 

7 Nuur Xasan Siciid

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco-(TogdhNews)-Xabsiga dhexe ee magaaladd Burco, ayaa Caawa la soo gaadhsiiyay Qaar ka mid ah Maxaabista ay Ciidanka Qaranka Soomaaliland

ka qabteen maleeshiyaad Beeleedkii, dagaalku ku dhexmaray Degaanka Widh-Widh.

 

Sidoo kale, Masuuliyinta Cisbitaalka guud ee magaaladda Burco, ayaa Togdheernews u sheegay in la keenay laba Askari oo dhaawaca, kuwaaso ka tirsan, Ciidanka Qaranka Soomaaliland, laguna Daweynaayo halkaasi.

 

 

2ef10ty.jpg

 

122p9as.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

when did i say i was dhiigyo cab lol

 

And rayaale is still in power for the next coming week

You already forgot. Right here in SOL and as SNM foot soldier and you said. Here:

 

----------------------------------

Posted by Xaaji_xundjuf (Member: 9634) on October 28, 2009 01:55 PM:

 

Maya anigu kaadii ma cabiin , anigu dhiig baan cabbay Ciidamadii xooga somaliyeeed baan liqay lol. laffahoodii na dooxa hargeisa ku shubay

Halyey Xunjuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ dee taasi wa berigaan snmta aha aan dalka u so halgamayey , hada dhiig ma cabo lol, dalki waan xoreyey, waliba contextka laga saaray mid ba yidhi kaadi ba la cabay , marka wa caynkaas sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

They don't look like soldiers to me!!! Look like ordinary citizens. At least dhar ciidan ayaa loo xidhay markas ayaa la dhaha "look at prisoner of war". Nice try toghdheer news but no somali media is picking up this story clearly fabricated!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this