Sign in to follow this  
Maaddeey

Your Guide to Hargaysa Restaurants

Recommended Posts

Maaddeey   

Haddaad MOOS rabto, ha filanin inaad maqaayadda ka hesho (with exception of the bigger ones)ee horay uga sii iibso gaari gacanka maqaayadda horteeda ah.

 

Haddaad cabitaan rabto, JUICE ha dalban, haddii kale 'suugo' ama 'dhacaanka' hilibka ama beerka ayaa laguu keenayaa.

 

Suqaar ma yaallo Hargeysa, haddey Suqaar baa yaalla ku yiraahdaan, they mean 'mince meat'

 

Haafeeyn waa 'haaf baasto & haaf hilib shiidan ah' :D

 

Haddaad Qaxwo Soomaali rabto, ask for 'QASHAR'

 

Muufo waxa laga helaa 'Restaurant Cawaale' oo u dhow Khayriyadda.

 

Orange juice waa 'liin macaan'

 

White Peas waa 'HARAKOOW'

 

Suuqa Khuradda, lagama helo: Qajaar, bocor katiitoow, bocor hindi, batiiq IWM, waxaase yaalla Tufaax, Rummaan, Orange & Cabbage.

Share this post


Link to post
Share on other sites
5   

I miss maqahiyoyinka dumarka dina cooda. Funny thing memory. Whilst I was there, I hated the place. The minute I left, I started missing it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Maaddeey, kutaabta maa kumbiitarka oo furan waxaan soo qortay. icon_razz.gif

 

Somaliland ka leexo inboow.

 

Haddaad rabtaa in aad Somaliland Cyber Army nagu soo kicisid. I hear helicopter blades overhead already. Must be the colonel.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^ :D Cawaaloow reer koonfurka ayaan ugu talagalay, si aysan ugu dhibtoon sidaan ugu dhibtooday, paragaraph-ka ugu dambeeyana waxaan ugu daray inaan qalad la ii fahmin, illeyn 'suuq qudaar' kamaan hadleyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ I knew you were giving instructions. :D More lesson from this satirist below..

Dubbe:
Berigii aynu reer Somlia (Wallaweynta) isku darsannay dawladnimada ayaa la soo beddelay nin macallin ahaa oo dugsiga hoose Ingriisi u dhiga. Sabuuraddii buu ku qoray:

 

 

House, baby, cat, hen,tomato IWM. Markaasuu arday farta taagay oo yidhi. “macallin noo macnee.” Wuxuu yidhi:

 

 

House = minan waaye

 

Baby = muluq waaye

 

Cat = mukulaal waaye

 

Hen = dooro waaye

 

Tomato = yaanyo waaye

 

Ardaygii intuu haddana farta taagay ayuu yidhi.” Macallin dee Ingriisi ayuumbaad Talyaani noogu macnaysey ee af Somali noogu macnee.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^ :D Ayoub, waad iga qoslisay! sxb, markaan tegayba 'qolamaad tahay' ayaa la igu waabsaday, markii dambese waxay noqotay: 'lagaa baray oo lagaa badi' oo intaan la i warsan ayaan dadka ku billaabi jiray :D dadkiina waan kala bartay, nin wax badan joogayna waan u ekaaday, intaan 'qolamaad tahayda' waday, ayaan la kulmay qof reer 'Ayuub' ah, adigaana maskaxdeyda ku soo dhacay :D

 

Waxaa iigu darreyd markaan 'lalabbo'=nausea fasiri waayey ee Oday Askartii 'Somaliwayn' ka mid ahaa intuu qoslay yiri: 'DEE WAA YALAALUGO' :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Originally posted by Maaddeey:

Haddaad MOOS rabto, ha filanin inaad maqaayadda ka hesho (with exception of the bigger ones)ee horay uga sii iibso gaari gacanka maqaayadda horteeda ah.

Ma maqlin miyaa waageey Soomaaliya dheheen waan ka goosanay bey mooskana ka go'een! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is afgaranwaagii Waqooyi iyo koonfur (Waiter-kii)

 

Nin reer Xamar aha ayaa Makhaayad Burco ku taalla u soo qado doontay.

Markii uu fadhiistay waxaa u yimid inankii raashinka bixinayay (mudalabkii ama kabadhyeerigii) una sheeg@y waxa yaalla

waxaanu haynaa, Bariis, Baasto, hilib, suqaar, salaatooni, jiinge, Qalaabi, IWM

Ninkii reer xamar ahaa baa waydiiyay mudalbkii '' YAAKHII LIINGUE MA YAALLAA NOO! Inankii makhaayada ka shaqay-naayay ayaa intuu garan waayay ugu jawaabay. '' oo waa maxay liigu? Ninkii reer Xamarka ahaa ayaa odhanaaya '' Carrab waaye noo! intuu gacanta carrabka saaray yidhi Liingue Carrab ma haysaa Noo! .... Inankii makhaayada ayaa intuu iska dhaqaaqay yidhi '' jaw ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban''

Inankii makhaayada ayaa iska shaqaystay oo hawshiisii sii watay. In mudda ah markii uu fadhiyay oo ninkii reer Xamarka ahaana filayo in wax loo soo wado , ayaa waxaa dareemay ninkii Makhaayadda lahaa oo Maqalka fadhiya in ninkan waageeniga u muuqdaa in doora meesha ku sug@yey in wax loo keeno.

 

Inankii makhaayadda ka shaqaynaayay ayuu u yeedhay oo ku yidhi '' waar hebelow maxaad ninkaa martida ah ee inta badan fadhiyey u siin wayday dalabkiisii?''''Kee'' ayaa yarkii mudalabka ahaa odhanayaa, saa waa kii reer xamarka ahaa oo Carrabkii doonaayay oo weli sidii u fadhiya! Inankii baa intuu cirkaa ka qayliyay ku yidhi ninkii maqalka fadhiyay ee lahaa makhaayadda '' Jaw, Waar yaanu carrabka kaa goosan, Wallaahi bal car oo agtiisa tag, bal inaad billaa Carrab ku soo noqon weydid!''

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaday sxb.

 

waxaad ii sheegtaa sideen ku dalban karaa.

 

- kostaato

- kalaankal

- busteeko

- warya-warya (I dont eat this .. im asking for a freind)

- furlaato

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaas oo dhan shan-karoon A.K.A naag-ka-roon ayaa laga helaa.

 

horta wadankoo dhan baa laga cunaa lakin xamar magacyadaas baa looga yaqaan .. waxaan radinyaa waqooyiga waxa la yidhaa

 

iskaabulo markaad tahay .. menu sida quraanka ayaad u xafidisaa from your favourite restaurant.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Suuqa Khuradda, lagama helo: Qajaar, bocor katiitoow, bocor hindi, batiiq IWM, waxaase yaalla Tufaax, Rummaan, Orange & Cabbage.

looool waraa Maadeey ina Itaaliya caadi ma tihid......Bocor katiito nin reer waqooyi weydii lol in aad ceeneysid uu umaleydonaa...

Maqaayad reer waqooyi ayaan hada kohor cunto u tagay..markaas ayaan rabsho ahaan u yeeray kabayeeriga.. "maxaan kuu keenaa" buu i dhahay markaas aan ku dhahay "abti I don't care ee wax igu tar taraaraxo lee ii keen" ninkii naxdin! dagaal ee ka noqotay lool markaas ayaan dhahay "duqa wax jilic oo iska tar taraaraxo lee nooh!" lol markaas buu i dhahay "wadh dee anagu waxa aan hada heyno waa baasto iyo muqmad" lool walaahi in uu dhahay baasto iyo luqad aan u qabay...lol..

 

Is fun to go around and see different maqaayado..

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this