Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Only Sheherazade Can Read, Please!

Recommended Posts

Originally posted by xiinfaniin:

What is this? A trolling phenomenon, may be?

 

War gabadha ka har!

Abtiyow maad iga xishootid gabadhaan iyo aniga wax naga dhexeeyo ma ogide!

 

Waxaan ka baqayaa ceebtaada adoo sidaas iila hadlay inaad hadana bariis usoo raadsatid munaasabada aan ku guursan doono gabadha!

 

Xiinow, laba arrin midkoodna wax kama taqaanid, waa mida horee, rag wax kama taqaanid oo waakaas gabar aad adeer u tahay oo aad u jeclaatay Alle-ubaahne baad u diidan tahay; tan kale, jaceel wax kama taqaanid oo arin soo dhamaatay baad rabtaa inaad isku daydid inaan baajisid dhameystirkeeda.

 

Waxaad igu kalifeysaa hadaba inaan kuu Gabyo oo aan kadib noqdo ninkii Gabayga ku riday caruurtiisa awoowgood, laakiin waxaan oran lahaa kuu gabyi maayo, adaase hortaada ka helaya kuwa kuu gabya hadaad sidaan ku socotid!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Xaal baa ku qabtay adeer. Dhan walba ka fiiriyey oo garawsha kuu waayey. Waa midda koowaade haddaad ogtahay inaan gabadha awowgeed ahay asay ku yeeshay (saad sheegaysid) maad i weydiisatid maxaad bannaanka uga ceyrsanaysaa?

 

Waa tan labaade, nin rag ahi sow kii jecaylka u dhabar adaygi jirey maaha! Goorma jeceylku ragga miyirka ka qaadi jirey mise sheekadii qays iyo laylaad run mooday adeer?

 

Inaad ii gabaydaa la qaataa saaxiib. Anigu gabayada waa ka baqaa sidaydaba laakiin waa haddii aan nin yaqaan arko :D !

 

Reerkaad soomaali ka tahay ma aqaan laakiin ciddayadu ninkii sidaad yeesha yeela xoolahay ka qashaan, beertana waa ka goostaan! Wallee waan kuu baqay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

War xiinoow maxaa kaa helay signatureka? Ma ICU ayaa kaala wareertay?

 

War ninkii Alle Ubaahne waayadaanba ma fiyoobeen. Dabeel baa ag martayoo inantan ayuu ku khafiifay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jimcaale:

War ninkii Alle Ubaahne waayadaanba ma fiyoobeen. Dabeel baa ag martayoo inantan ayuu ku khafiifay.

War ninyahow waa runtaa, oo waa jirtaa inaan jeclahay Sheherazede inanta la yiraahdo, laakiin iyadana waa i jeceshahay, oo si ay iigu sheegato jaceelkeeda ayey la'dahay.

 

Waxaan maqlay bishii soonqaad oo dhan iney igu duceysan jirtay si aan ninkeeda u noqdo, anigana waxaan leeyahay ilaahow ducadeeda aqbal, waa gabar runtii aad u wanaagsan.

 

Xiinfaniin ayaa adeer u ah gabarta, waana nin oday ah, marka waa inaan wax la qabtaa gabartaas, insha-Allah. smile.gif

 

Adinkana noosoo duceeya bal, hadiidnaan xaasidiin aheyn!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

^^Xaal baa ku qabtay adeer. Dhan walba ka fiiriyey oo garawsha kuu waayey. Waa midda koowaade haddaad ogtahay inaan gabadha awowgeed ahay asay ku yeeshay (saad sheegaysid)
maad i weydiisatid maxaad bannaanka uga ceyrsanaysaa?

 

War ninyahow waxaan ku moodi jiray inaad caqli la tiiceyso, laakiin waa nasiib darro inaad aaminsan tahay sheeko runtii waqtigeedu uusoo dhamaaday. Ma waxaad u fadhidaa in gabarta iyadoo aan shukaansan kaa soo doonto?

 

Middeeda kale, hadaanba banaankii kaaga baxsan waayey, maxaad moodaa hadaan gurigaaga imaado anoo gabartaas ku raad joogo? Walee ul iyo bakoorad baa ila dhici laheyd ugu yaraan! :D

 

Ninyahow waxaa iga talo ah inaad weydiisid gabartaas aad adeerka u tahay iney aaminsan tahay waxaad sheegeysid iyo inkale. Koley aniga waxaan qabaa iney tahay qof jecel in la xaq-dhowro anshaxa shirta iyo 'privicy-ga' oo aan cidna lala wadaagin inta ay howsha shukaansiga socoto.

 

Waxaan ku jiifay inaad farxad darteed cirka xabado u ridi laheyd markaad maqashay inaan gabartaada la socdo, maadaama aad ogtahay sharafteyda iyo wanaaga aan bulshada ku dhex leeyahay, laakiin waxaad noqotay dameerkii malabka xambaarsanaa ee aan ogeyn wuxuu sito macaankeeda! :D

 

Adeerow dhibka iyo fowdada jooji, hadii kale laba gabdhood ayaan si darandoori ah kaaga wadan doonaa adoo indhahaagu shan yihiin!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by M.M.:

^Adeer waad xujowdey oo waa inaa luggu karbaasho. War ninyahow wax isku fal oo gabadha dhareerka dhinac kalamar!

Waad i amaantay runtii, waxaadna qirtay in gabarta aan jeclahay ay u qalanto in darteed la ii karbaasho. Waa gabar fiican runtii. Mahadsanid saaxiib.

 

Laakiin adigaa mudan runtii in geed lagaa soo laalaadsho maadaama aad kala dhex gashay dad is jecel oo guurkooduna dhowyahay.

 

Sheherazede , please come out of your Ausie Cave and make sure Alle-ubaahne is defended against his jealous enemy! I give you a permission to kill on my behalf to wage a Jihaad for protecting our love for making a good Islamic Family and children who will help Islam in the future.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rose   

Originally posted by Alle-ubaahne:

quote:Originally posted by sheherazade:

Wrong diagnosis, though they would die indeed if I quote unquote won thee.
smile.gif

I really appreciate your too-late love for me, but I am sorry that you will never be a priority for my real love!

 

May you faint with my love million times, Aameen!
lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this