Sign in to follow this  
Somalina

The 67th Anniversary of SYL!

Recommended Posts

Cabdow   

NNC (aka deeqa icon_razz.gif ) Jb ha u bixin, he is just a confused seccessionist who has been bombarded with riyoole's propoganda. But deep down, he is more wadani than most of us, confused but WADANI smile.gif

 

SYL were indeed great men of our history, and as such, they will forever be remembered!

 

PS. We must accept as Somalis, the fact that Somalia wax u maqan or wax usoo socdo inaysan jirin, except YOU and I!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

If wadani is synonymous with qashin, then you have a point.

He needs to grow up and show respect, or he will learn it Supernanny style.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

^^^ NNC who are you? I ment to ask which script are you? Nac nac daada aaba naga badatee! seecamal? waraa qashiin yahoo horta bajaq maa tahay mise xaaji? horta adiga malugu baaray horta oo wili SOL sharci malugu siiyey?

 

NNC bajaq yaashii waqtiga kacaanka dhashay camal ayaad maal mahaan dhib wadaa sidii gulwadihii! shiiidh waraa waabsiga naga dhaaf nooh! SYL wax aad ka taqaanid malahee....

 

JB, calankaan ciraaqiga ah aad wadatid rabshada uu qabo hada soo ma aragtid waraa! kuli fitna cinda geel adiga waaye...xitaa Script aa lugu soo daba dhigay lool...

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

munaasabada%20Syl.JPG

 

munaasabada.jpg

 

munaasabadasyl.jpg

 

munaasabadasyl1.jpg

 

Munaasabado lagu xusayo Sannadguuradii Aasaaska Ururka Dhallinyarada SYL oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho

 

Sabti, May 15, 2010 (HOL) − Xaflad ay soo qabanqaabiyeen Ururka SYL II iyo Dowladda Soomaaliya laguna maamuusayay sannadguuradii 67-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii dhallinhyarada Soomaaliyeed SYL ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

 

Dhismaha Ururka SYL ayaa lagu soo bandhgay Sawirrada 13-kii dhallinyaro ee aasaasay SYL oo ahaa halgamayaashii xornimada dalka, waxaana halkaas la dhigay Ubax lagu maamuusayay.

 

Guddoomiyaha SYL II Faarax Xaaji Cali oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta ay xusaan 67-sano kaddib aasaaskii SYL, isagoo sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku dhisayaan Dhallinyaro la mid ah 13-kii SYL.

 

"Ururka SYL II iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxay wadaan qorshayaal ay dib boorka uga jafayaan Ururka SYL, si dhexda ugu xirtaan badbaada dalka oo 19-sano kusoo jiray dagaallo iyo fowdo" ayuu yiri Faarax Xaaji Cali.

 

Boorarka lagu soo bandhigay Xafladda ayaa waxaa ku xardhanaayeen SYL II iyo erayo kale oo lagu muujinayo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay weli u heelan yihiin sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen dhibaatooyinka daba-dheeraaday ee dalka ka jira.

 

Wasiiradda Horumarinta Reer Miyiga Qadiijo Maxamed Diiriye oo iyaduna hadal ka jeedisay xafladda ayaa waxay sheegtay in loo baahan yahay in lagu daydo 13-kii dhallinyaro ee SYL oo dadaal u galay inay dalkooda ka xoreeyaan gumeysigii xilligaas xoogga ku haystay.

 

"Dadka intii waa ka badan yahay, dhallinyaraduna intii waa ka badan yihiin, waa in la helo dad la mid ah 13-kii wiil ee SYL aasaasay" ayay tiri wasiirradda oo xustay in dalka uu u baahan yahay in dadkiisu ay dhibka ka saaraan.

Guddooomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/risaaq Maxamed Nuur (Nuunne) oo isaguna hadal ka jeediyay xaflad lagu maamuusayay SYL oo ka dhacday xarunga Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhallinyaradii SYL ay ahaayeen geesiyaal Taariikh uga tagay dadkooda iyo dalkooda.

 

"Dheere Xaaji Dheere oo ka mid ahaa dhallinyaradii SYL ayaa ii sheegay maalin inay hadafkooda ku meel-mariyeen ismaqal iyo istixgelin, iyadoo aanay jirin qabiil" ayuu yiri Eng. C/risaaq Nuunne, oo dhallinyarada maanta ka dalbaday inay dalkooda ugu shaqeeyaan sidii dhallinyaradii SYL.

 

Ruwaayado ka tarjumayay in dalka uu u baahan yahay dhallinyaradii SYL ee dhexda u xirtay inay ka jibbo-keenaan hadafkooda ayaa lagu soo bandhigay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

abwaanka.jpg

 

haween.jpg

 

dadkii2.jpg

 

Munaasabad lagu Xusayay Sanadguuradii 67aad ee SYL oo lagu qabtay Magaalada Söderhamn ee Dalka Sweden

 

Axad, May 16, 2010(HOL): Sunday, May 16, 2010Munaasabaday soo qabanqaabisay Jaaliyadaha Gobalka Gävleborg ee Soomaaliyeed laguna maamuusayay sannadguuradii 67-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed SYL ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Söderhamn ee wadanka Sweden

 

Xuska oo aay soo qaban qaabisay Jaaliyadda Gobalka Gävle Gaar ahaan haweenka Söderhamn iyo Kuwa Gävle ayaa waxaa ka soo qebgalay dadweyne aad u fara badan oo ka kala socday Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo weliba Mas’uuliyiin ka socotay Dowlda Gobalka.

 

Furitaanka Munaasabadda kadib waxaa Qudbad dheer ka so jeedisay Marwa Faadumo Cabdulaahi Cabdi oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada haweenka ee Söderhamn. marwa Faaduma waxeey aad ogu dheeraatay Taariikhda Ururkii dhalinyarada SYL iyo guushii aay ka soo hoyeen halgankii xornimo-doonka.

 

Faadumo Cabdulaahi Cabdi sido kale waxay aad ugu dheeratay Isku duubnida iyo wanaaga aay laheyd Soomaalidii hore iyo mida maanta joogto waa sida ay hadalka u dhigtaye. dhanka kale waxay gubaabin u soo jeedisay dhamaan dhalinyarada joogta dalka iyo dibadba waxayna tiri waxaan idin kula dardaarmayaa dhalinyaroy inaad gacmaha is qabsataan meel walba oo aad joogtaan kuna dayayaan sidii Uruurkii gobanimo-doonka ahaa ee SYL.

 

Sido kale waxaa munaasabada Hadal Wanaagsan ka soo jediyaay Xubin Sare ee ka socday Ururka Wadaniga Soomaaliyed Mudane Cabdulaahi Yalaxow Maalin kana mid ah Odayaasha deegaanka Söderhamn waxuuna sheegay in ay muhiim tahay in la xasuusto Xornimadii Soomaaliya iyo dhibkii loo soo maray. waxuu sheegay Cabdulaahi in maanta aysan jirin Dhalinyaro la mid ah kuwii SYL oo kale hase ahatee waa suura gal ayuu yiri in la helo dad u taagan Badbaadintii Umada Soomaaliyeed. Cabdulaahi waxuu aad ugu dheeraaday dadka neceb wanaaga Soomaalida oo ku tilmaamay Cidkasta oo caqabad ku ah Nabadda Soomaaliya.

 

Sido kale waxaa munaasada ka soo qeyb galay Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi ahne Abwaan si weeyn looga yaqaano dhamaan Gayiga Soomaaliya Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi ayaa isagane halkaasi ka sameyaay Ruwaayad ka Turjumeysa Doorka ay dhalinyarada ku leeyihiin Nabadda iyo Xasiloonida wadan walba.

 

Dhanka kale waxaa munaasabadda ka hadlay Mudane ka socday Xisbiga ABF waxuuna hadalkiisa ku bilaabay sida tan “dhamaan ka soo qeyb galayaasha Munaasada waan u mahad celinayaa dhamaan ka soo qeyb galayaasha munaasabada waxaan u mahad celinayaa Maamulka iyo jaaliyadaha sameyaay kulankan, anigana waxaan aad ugu faraxsanahay dhalinyaro Xasuusan Gobanimadoodii iyo sidii ay xoriyadda ku qaateen ama xusaya sanad walba annaga haddii aanu nahay Xisbiga ABF dadka Soomaalida ee degan dhamaan Sweden aad baan u jecelnahay waana soo dhaweyna markastana waxaan Cod badan ka helnaa Soomaalida wadanka ee heysata dhalashada Sweden”.

 

Gabagabadii Gudoomiyaha Jaaliyada Gävle Mudane Saciid Maxamed ayaa isagane hadal qiimo u leh dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ka soo jediayaay Xaflada Saciid waxuu yiri “anaga haddii aan nahay Soomaali innaga ayaa duminay dalkeena sow haddana ma dhisan karno, jawaabtu waa haa.” Siciid wuxuu caddeeyay in loo baahan yahay in la helo dhalinyaro la mid ah SYL, kuwaasi oo xor ka ah qabiil, jahli, isla markaana u istaaga qadiyaddii Soomaaliweyn.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Horta Ina baqti lagde, what gives? I thought you were going back to your old "Tuujiye ways"!...I guess a leopard cannot change its spots.

 

I don't think you can say sorry again (remember your teary apology), it will be so shameful to see that.

 

Ninkaa u calaacalyesidna qaladkiisa intaad u sheegi leheed, you are worried about my identity. Fair game iga dheh?

shaqo yeelo ciyal fay. Ha i cunin, ee YUR!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

May15_1.jpg

 

010_JPG.jpg

 

005_JPG.jpg

 

Munaasab lagu maamuusayey Maalinta Dhalinyarada oo ka dhacday magaalada Nairobi

 

Xaflad ay soo abaabuleen dhallinyarada Waayaha Cusub laguna maamuusayey maalinta dhallinyada Soomaaliyeed oo ku beegneyd 15 May ayaa lagu qabtay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. Xafladdaaan oo ka dhacday Hotelka AL-BARAKAT ayaa waxaa lagu soo bandhiga heeso iyo suugaan ka hadlayaa dhallinyada Soomaaliyeed oo ku beegneyd aadaaskii ururkii SYL.

 

Dhallinyaradii halkaas ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa Abwaan Axmed Maxamed Xasan (Aflibaax) oo halkaas ka soo jeediyey tix gabay ah oo isugu jirtay guubaabo iyo dhiirigalin ka hadlaysay dowrka dhallinyarada ay ku leedahay dhismaha wadanka Soomaaliyeed. Abwaan Aflibaax ayaa sidoo kale wuxuu halkaas ka qaaday hees wadani oo ay aad u jecleysteen dadweynihii ka soo qaybgalay xafladda.

 

Waxaa xusid mudan khudbad uu halkaas ka soo jeediyry Cabdirashid Cumar Axmed ee ku cannaantay in dhallinyarada maanta joogta aysan ka soo bixin kaalintii loogu baahnaa in ay buuxiyaan. "Dhibaatada maanta ka taagan Soomaaliya , ilaaheey ka sokow, waxaa ka saari kara dhallinyarada Soomaaliyeed" ayuu yiri Cabdirashid.

 

Dhallinyaradii fannaaniita ahayd ayaa waxay halkaas ka qaadeen heestii caanka ahayd ee "SOOMAALIYEEY TOOSOO - TOOSO ISKU TIIRSADA'. Heestaas oo ay dadweynihii halka joogay si weyn ay ugu qashuuceen.

 

Ugu dambeyntii waxaa halkaas khubad aad u wanaagsan ka soo jeediyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Amerika. Wuxuuna uga mahadceliyey sida wanaagsan ee loo soo qabanqaabiyey xafladdan gaar ahaan Shino Akhyaar oo ka mid ahaa dhallinyaradii soo qabanqaabsay xafladdan. Danjire Maxamed Cali Ameerika ayaa isaga oo ka hadlaayo dowrka dhallinyarada ay ka qaadan karto halgan dalkooda ayuu wuxuu mitaal u soo qaatay dalka Rwanda. Wuxuuna sheegay in dhallinyarada dalka Rwanda iyo hogaanka u taliyaba ay waddankaasi gaarsiiyeen heer ay ku iloobaan dhibaatadii ka dhacday dalkaas muddo hadda laga joogo 16 sanno. Xafladdaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaybaha kala duwan ee warbaahinta sida TV Universal, Idaacadah VOA, Bar-Kulan iyo qaar kale.

 

67 sanno ayaa ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
FatB   

"well educated and articulated Somali sister " lols

spilted my coffee all over my keyboard...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Waraa MMA, next year mid ma ila diyaarinee?

Dadka wax ka yaqaano SYL, saad u jeedaan wee sii duqoobayaan.. Dhalinyarada in historiga la baro waaye....

 

NNC, aniga iyo adiga fair game waaye marka.."ga" lee iga siiso ma iska dhahdidoo? bajaq dhaheyso "ha i cunin", bajaq xushmad leh waaye oo baari eh..Kool Kat oo iskoobo wadato aa kusoo parking dhigatay marka qasabatul ee igu tahay in aan fareejo kaa shito... "aboo ha i cunin" aaa?? maya maya..hadihii baari aa tahay adiga.....

 

 

Dhalinyarada maanta jirta hoosha u taalo waa mid ka weyn tii SYL... Ilaahey hanoo fududeeyo.. waa easy marka aad la dagaalameysid shisheeye iyo cadow ajanabi eh..maxaa yeelay, gumeesigii waqtigaas wuxuu sabab u noqday isku duubashadii bulshada soomalida.... laakiin maanta tan anaga na sugeysa waa mid aad iyo aad u foolxun... umad sumeysan oo hope laheyn.. waxaa na sugaya dad aan educated aheyn oo ku barbaaray dagaal iyo xaqdaro, waxaa na sugaya dad diintii ka baxay iyo kuwa diintii si qalad ah u qaatay oo talada la heysta shisheeye, waxaa na sugaya dhul duruf iyo gaajo ka jirta..ext.... On May 15 2004, I was one of lucky people who was present at Daahir dhagaweyne's speech in Ottawa Canada..Ilaahoo u naxariiso..siduu u hadlayay ayuu ilmeeyay because qalbi jabka heystay ayuu dadka u sheegaye....nimankii SYL waxii ee soo tabceen maanta sida loo galay bal fiiriya..

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

"Nac nac daada aaba naga badatee! seecamal? waraa qashiin yahoo horta bajaq maa tahay mise xaaji? horta adiga malugu baaray horta oo wili SOL sharci malugu siiyey? "

----------------------------------------

Tuujiye, wax isku fal oo quraan isa saar. Maalmahaan waxaa caado ku noqote inaad ppl you don't know ku caysid gaal or in my case QASHIN.

 

You think you own SOL? What gives you the right to disrespect me?

 

As I always say "QASHIN IS WHAT QASHIN DOES"...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this