Sign in to follow this  
macalimuu

Omar Dhuule: Duufaan - one of the best Somali melodies

Recommended Posts

here is the lyrics and the link.. enjoy it

 

 

http://www.hobyonet.com/audio/duufaan.ram

 

Waxii adiga kuu daran ninka eey damqeeysee

Hadalkoon I deeqsiin kaa duraamanaayaa

Asagoon dareen qabin hadii laydin kala dilo

 

Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye

Ayaan daadku kula tegin

Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye

Ayaan daadku kula tegin

Waan daalayee

Waan daalayee

Waan daalayee

Waan daalayee

Ha ii daraan

 

Nabsi lama daraasado asagoo dibadahaa yaale

Dukaan lagama iibsado sidiii sheey markaa dihane

Waa laga danbeeyaa intaanu daaqad kaa furane

 

Adigaa ku daabacan dubaaqa iyo laabtee

Hadaan diiday ruux kale inuu dabin iigu daro

Oo aniga oo dareen qabin hadba leeygu kaa diro

 

Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye

Ayaan daadku kula tegin

Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye

Ayaan daadku kula tegin

Waan daalayee

Waan daalayee

Waan daalayee

Waan daalayee

Ha ii daraan

 

 

Nabar dooga ahaa baa qoloftii ka diirtoo

Damqadaye xanuunkaba waxaa iga sii daran

Anigoo dareen qabin hadii leeyna kala dilo

 

Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye

Ayaan daadku kula tegin

Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye

Ayaan daadku kula tegin

Waan daalayee

Waan daalayee

Waan daalayee

Waan daalayee

Ha ii daraan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Lacageeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey,

Lurkeedii habeenadan,

hurdo laddiba waayee,

Lacageeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey,

 

Ragga kala labeysaay,

Haween lahashadoodaay,

Liitaha gadhgaadhaay,

Laqan hoos u celisaay,

 

Lacageeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey,

Lurkeedii habeenadan,

hurdo laddiba waayee,

Lacageeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taqwa   

Horta the song "Lacagaay" heesaha uu qaado Faysal Omar hees ka mid ah maha? Its been a few years since I listen to Qaraami. Lakiin I also heard Heesta midhaheeda waxa qoraay Omar Dulleh (Ilahay oo naxaristo eeh).

 

 

P.S. Dufaan wa hees midho macaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ALLAH YARXAMA.

 

Gacma haaga xaada leh!

 

xabadyahay waxaad tahay

xulashada haweenko

xaqiiqdii mid kula midah

 

wali lama xambaarine

xuural cayn la moodyoo

xaragada u dhalataay

 

gacmaahaga xaada leh

markaan soo xasuustaba

xadxantoodayeey

 

Gar eexiyo!

Geesi iyo hanad baa [Cumar Dhuule]

 

Geesi iyo hanad baa

La gaboodsadaa

Rag ninkii wax garadaa

La gar waaqsadaa

Waa nin gala abaaloo

Gudi kara wanaagoo

Samo kugu gargaree

Gar eexiyo

Adoon godob u malayn

Hawsha ila gal

Ama gooni noqoo

Aan kaa go'ee

Aan kaa go'ee

 

 

Galad iyo ayaan baa

Lagu guursadaa

Talo aad gorfaysaa

Geed lala tagaa

Runta laga garaabaa

Layskuma gayaxa oo

Gees lagama eegee

Gar eexiyo

Adoon godob u malayn

Gar eexiyo

Adoon godob u malayn

Hawsaha ila gal

Ama gooni noqoo

Aan ka go'ee

Aan ka go'ee

 

 

Gaban maayo aniguye

Adaan kuu go'ee

Jacaylbaa I gooyee

Adna ii garaw

Haygu noqonin

Geed adag

Aan go'I karaynoo

Gacmaa daalinaayee

Gar eexiyo

Adoon godob u malayn

Hawsaha ila gal

Ama gooni noqoo

Aan ka go'ee

Aan ka go'ee

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Nuunka, kaalay adi ma lagu qah qahsaadayo maxaa waaye...SOL dadka Somaliga qora oo waxaan oo kale qore hoos ee ku daadshaan. Adiga wili general aa leersanoosaye...Waraa maxaa ku sameysay ciyaal faycali...luujitaale waaxid..lol..waaka cabsaday abaa....

 

Wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

rudy wara lollipop gurl has died, I don't know what is wrong with her.

 

 

Tuujiska abbaa waligaa ma maqashey mayiikoole murti miiran maniid magaalo kula maciinto mawd lee sugee, marka waxaa ku keenay meel kale adoon fiirin, macallin muxuyidiin gewertiis minjaha lee ka jarjar waxaa ka heshidna waxba haiga siiniin because barni barideed aa batiiq ii saaran ani

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this