Sign in to follow this  
Cowke

Las Qoray Fish Factory Exporting Fish Products To Australia. (SAWIRO + AUDIO))

Recommended Posts

Cowke   

Wershadda Kaluunka ee Laasqorey oo Gaartey Horumar Balaaran (Sawiro)

 

April 11, 2010 | FEATURED STORIES, NEWS

0 comments

 

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimey oo ka dhacdey hoolka shirarka ee Rugta Ganacsiga Puntland ayaa maanta lagu soo bandhigey heerka ay gaartey Shirkadda Kaluunka ee Laasqorey, taas oo goobta laga cadeeyey in shirkaddu daruuraha cirka gaartey kadib markii kaluunka shirakaddu soo saarto uu gaarey dalka Australia.

 

Maareeyaha Shirkadda kaluuneka Laasqoray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi

 

Maareeyaha shirkadda Kaluunka ee Laasqorey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in markii hawshaan ay bilaabayeen ay ahayd tijaabo iyo sahan ay qaadeen bal sida kheyraadka dalkeena looga faa’ideysan karo oo loo samayn karo shirkado wax dhoofiya isla markaana shaqaaleeya dadka deegaanka taas waan ku guuleysanay, wixii aan soo saarney waxa uu gaarey oo iib ku tegey dalka Australia, waxa aan helney shahaadada caafimaadka cunada marka waxaan qabaa sahankii in uu guuleystey waxa dhimana uu yahay wixii ay la imaan lahaayeen ganacsatada wadaniyiinta ah ayuu yiru Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

 

Dhegayso Codka Maareeyaha Shirkadda:

 

Shiikh Cali Maxamed Xassan (Cali Ceelaayo) oo kamid ah maamulka shirkadda ayaa ugu baaqey ganacsatada dalku in ay qayb ka noqdaan wax soosaarka dalka isla markaana aysan ku baddalan badeecad banaanka laga keenaayo tan gudaha.

 

Madaxdii kale ee goobta ka hadashey waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Maxamuud Bootaan iyo Gudoomiyaha G/bari Shiikh Cabdixaafid Cali Yusuf.

 

Dhamaantyood waxa ay isku raaceen sida muuqata in haddii la isku kalsoonaado la gaari karo horumar.

 

Shirkadda Laasqoray oo dib u habayn lagu sameeyey maamulkii iyo shaqaalahaba ayaa waxaa dib loo hawlgeliyey muddo hadda laga joogo sadex sano, waxaana kaluunkeedu gaaraa meelo badan oo dalka Soomaaliya iyo Afrikada Bari ah.

 

Horseed Media

 

Audio Can be Listened to Here

Horseed Media

 

Pictures Below

 

Maareeyaha Shirkadda kaluuneka Laasqoray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaah

PA150214-200x112.jpg

 

PA150195.jpg

 

P9180115.jpg

 

P9180111.jpg

 

PA150198.jpg

 

PA150207.jpg

 

PA150204.jpg

 

PA150200.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Boosaaso (RBC Radio) Warshada Kaallunka Laasqoray ayaa bandhig weyn oo ay maanta ku qabatay magaalada Boosaaso ayaa lagu soo bandhigay noocyada kalluunka ee ay warshadu farsameyso.

 

Xaflada bandhiga ah oo ay ka soo qeybgaleen maamulka shirkada, masuuliyiin, ganacsato iyo dadweyne lagu martiqaaday munaasabada oo loogu talogalay in dadweynaha lagu tuso qeybaha uu ka kooban yahay kalluunka ay warshadu farsameyso.

 

Maareeyaha guud ee warshada kalluunka Laasqoray C/raxmaan Maxamed C/laahi oo ka hadlay bandhiga wax soo saarka warshada ayaa sheegay in bandhigay ujeedada laga leeyahay ay tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu wacyigeliyo muhimada wax soo saarka dalka uu leeyahay gaar ahaan kalluunka ay farsameyso warshada Laasqoray, kaasi oo hadda noqday mid qeybaha kala duwan ee dunida loo iibgeeyo.

 

Maareeyaha warshada waxaa uu sidoo kale tilmaamay in nooc cusub oo kalluun ah ay warshadu sanadkan soo kordhisay iyadoo taasi ay ku timid cilmi baaris gaar ah oo lagu sameeyey waxyaabaha laga helo badda oo inta badan Soomaalidu aysan ka wada faa’ideysan. Wuxuuna dhinaca kale muujiyey in dadka Soomaaliyeed ay yihiin wadaniyiin oo had iyo jeer wax soo saarka dalka ay ka jecel yihiin kuwa dibadaha laga keeno.

 

Dr. C/raxmaan oo ka mid ah dhakhaatiirta ka hawlgasha warshada ayaa sheegay in warshada ay sidoo kale soo kordhisay noocyo kalluuna oo aan sonkor iyo mlix aan lagu darin, iyo nooc kale oo fufanku ku yar yahay si ay u isticmaalaan dadka xanuunada kala duwan qaba ee u baahan kalluunka.

 

Gudoomiyaha maamulka ganacsatada ee gacanta ku heysa warshada Cali Maxamuud Xasan (Ceelaayo) oo munaasabada isaguna hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqay maamulka dowlada in la taageero wax soo saarka dalka oo ka sokow faai’dada ay dani ugu jirto dadka Soomaaliyeed oo shaqo abuur ay u noqon karto.

 

Cali Ceelaayo waxaa uu sidoo kale ganacsatada badeecadaha dibada ka keenta ugu baaqay inaysan kalluunka dalka ku bedelan kan gudaha lagu farsameeyo oo tayadiisu sareyso qiime ahaana aad uga jaban midka kale.

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamud Xayir Ibraahim ayaa munaasabada ka sheegay faa’iidooyinka uu kalluunku u leeyahay marka loo eego cuntooyinka kale. Wuxuuna aad ugu dheeraaday heerarka uu soo maro marka kalluunka laga soo saarayo badda.

 

Gudoomiyaha rugta ganacsiga waxaa uu dhinaca kale si weyn u amaanay dadaalka ay sameyeen maamulka warshada kalluunka Laasqoray oo xilliyo adag soo jirtay haatana soo gaartay in wax soo saarkeeda lagu guuleysto.

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Puntland Maxamud Bootaan soo xiray xaflada ayaa isaguna sheegay in wasaaradu ay dhiirigelineyso wax soo saarka dalka, iyadoo canshuur dhaaf loo sameynayo qalabka ay warshadaha dalka ka keensanayaan dibada.

 

Hadalada ka dib ayaa maamulka warshada waxay dadkii ka soo qeybgalay tuseen qaabka loo farsameeyo kalluunk noocyo kala duwan oo halkaasi lagu cunay, waxaana dadkii xaflada joogay ay ka wada dhergeen kalluun kala duwan oo ah mid cusub oo halkaasi lagu qeybiyey.

 

Cabdalle Muumin

RBC Radio

 

k5.jpg

Maareeyaha Warshada Kaallunka Laasqoray

 

k2.jpg

Dhakhtarka oo kawarbixiyey farsameynta kalluunka

 

k3.jpg

Cali Ceelaayo, Guddiga maamulka warshada

 

kr.jpg

 

Gudoomiyaha%20Rugta%20Ganacsiga%20Puntla

 

kc.jpg:D

 

kk.jpg

 

kc2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Good Job To The Las Qoray Factory!!! :D

 

When I open up the salt processing factory in hafun I hope I can export as far as Australia. We will see I Guess :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

i'm not sure what you mean the infamous Cali Ceelaayo JB? but FYI he is the Regional (puntland) Manager of Dahabshiil Bank(xawaalada),CEO of Lasqoray Tuna Factory and former Chairman of Puntland Champer of Commerce and indeed he is young honorable man.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yaa cunaayo? :D

 

Maan, I loooooooooooooooof tuna. I sometimes experiment with it. Marar digir (the soft beans) iyo tuna isku dhex kariyaa. Mar mar ukun iyo tuna la isku karinaa, mar mar kalena sadexdooda la isku daraa and you heat a bit. And finally qudaar isku dhex qasan ayaa tunada lagu dhex karinaa. Wax cajiib kasoo baxaayo. It tastes wonderful. Try garee. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this