Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

I want to help Dhagaxtuur's Family: Does anyone know?

Recommended Posts

Nephissa   

^^^

juba, so true walahi. Women willing to marry Somali men are heroes.

 

Alleubaahane, how about Sayid Max'ed C/lle Hassan's descendents? mise in ay qudha kaa jadho baad ka baqan? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bisharo,

 

Thanx abaayo, indeed. I think that is a great offer and an alternative, but let me make sure to settle down my first ambitions, and then come back to that Siyad Maxamed family descedents. I still have the options to marry more than one woman.

 

Waa socotaa sheekada.... aqyaarta!

Share this post


Link to post
Share on other sites

juxa, waan ku salaamay walaashiis. Ameeyba adiga aheyd qoftii aan raadinaayay. Oh My Allah, tanoo kale waxaa la dhahaa fursad ILAAH KU SII.

 

Waxaan ka gartay magaca duqnimadiisa iyo sidaad iigu qalbi dulcoon tahay. :D

 

Dawaco,

 

Abaa adiga wax ila raadi nooh, dhibka iga daaye. Mise waxaad rabtaa inaanan xaajadaada aroos iyo tan shukaansi intaba ka qeyb qaadanin? Ila wad dee halganka aan ku raadinaayo ina dhagaxtuur.

 

Ilaah waxaan ka baryay dhagax ey ina dhagaxtuur soo tuurtay inuu lugta kaaga dhacaaye icon_razz.gif:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Awoowe qof kala xiran oo kaaba ah aa laguu hayaa. Qoftaan ka sheekaanaayo waa qof “rag yaqaan†ah waliba waxaa la wariyey in awoowgeed uu laba talyaani kabaweyna ah uu daqray. Qoftaan qof ku banaan firkii reer Dagaxtuur waaye. Waxaan ku iri nin qatar ah oo Alle u Baahane la yiraahdo oo xurmo badan u haya giddi waxii fir ku leh reer Dhagaxtuur oo baadi doonkii ku habaabey keynta la yiraahdo SOL yaan arkay ee maxaan u sheegaa.

 

Waxay tiri ninka iga hubi oo jeer aad iga ogaato ha i soo tilmaamin. See baan u hubiyaa baan iri. Waxay tiri sideedaba ninku haday ka dhab tahay oo uu doonayo gabar noocaas ah waa inuu addiga ku hagaajiyaa oo ku soo dhaweeyaa oo uusan hadal xun iyo gunuunuc hoose uu ka madhan yahay. Mida xigta ninku waa inuu san ka soo jeedin kuwii awoowgey shookiga ku xidhay oo “fajiistaha†“camiilka†u ahaa qowleysatadii gumeysiga nagu heysey waa inaanu ahayn. Kuwaas isma cuno bey tiri! Doonis, sooryo, yarad, galbin, aqal geyn iyo wanaajin yaa loogu fadhiyaa oo sideedaba hadaan nahay reer Dhagaxtuur xurmada gacanta madhan aflagaada yaanu u qaadanaa.

 

Awoowe dhuubo maxaan u sheegaa intaasey I soo fartay oo ay tiri iga gaarsi wiilka la yiri magacaagu meelaha la wareegayey issaga oo baadi doon ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi,

 

Horta marka koowaad waxaad iga gudoontaa salaan diiran oo walaatinimo. Waxaana aad ugu farxay dhambaalka wanaagsan ee aad iiga soo gudbisay Ina Dhagaxtuur. Shuruudaha meesha ku yaal dhamaan waxaan aamin sanahay inaan buuxin karo, maadaama ey daacad iga tahay ujeedada iga soo tuurtay 'Keynta SOL', waad sidaad u dhagtay hadalkee.

 

Walaal Baashi, arinta isma saarna, gabadha sida aad kasoo warisay kama duwana heybta aan raadinayay ee reer dhagaxtuur, marka ugu horeysana waxaad iiga gudbisaa hambalyada ah inuu awoowgeed 2 Talyaani ah daqaro aad daran ku dhigay mudadii halganka gobonima doonka.

 

Waxaad kaloo iga gudoomeysaa marka hore adiga lacag aan kuugu talo galay oo ah inaan kugu quruxsado xidid ahaan intaan la gaarin munaasabada sooryada, nikaaxa, arooska iyo howlihii aan ku hanan lahaa gabartaas qiimiga iyo qaayaha u saaxiibka ah. Waxaana jeclahay Beri, haduu alle idmo, inaad na iskugu kaaya keentid xarunta fadhi-wanaag si aan u sheekeysano labadeena, oo aan isla meel dhigno qaabkii aan Ina dhagaxtuur u qaabili lahaa.

 

Sababta aan midaan kuu weydiiyay waxay tahay marka hore waxaan ahay nin lafa-hore ah. Waxaana intaas ii wehlisa inaan ka madoobahay shukaansiga casrigan socda oo la yiri shumiska iyo jilaafada ayaa u laf-dhabar ah. Rag waa kii tashada ee ninyahow bal wixii faahfaahin ah aad i siiside na isku kaaya keen sida ugu dhaqso badan.

 

Waa Alle-ubaahne oo farxad darteed laga yaabo inuu dhaanteeyo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^^saxiibo fududida....shabaq aa lagu dhigtey, dalaq aad iska so tiri..xita hodi hodi ma dhihiin. Sidi nimanki 'jnanalayasha' la oran jirey aa lacagta iyo is bandheyska kaso horeysa. Bal hubi horta, waa intaaso Bashi ku wada mid dhalma deysey oo mushari mahiine aan wax kale cunin ilko la'an daradiis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Alle-u-Baahane,

Awoowe xisaabta aad cimaamada iigu laabtay waad ku mahadsantahay. Taasu waa xaal gobeed. Inkastoo aanu rag badan nahay misana shaaha innoogu fillan intan. Gabadheyada Bilan-Haboon la yiraahdaa inkastoo hooyadeed ay ugu yeedho Qorran-Qallanjo luul, asxaabteeda ajnabiga ahna aan ka maqlay carrabi aanan wax badan ka garan sida “Muxtarima†iyo “Muta’adiba†iyo “Mutadayina†heedhe maba karo e, annigu waxaan u aqaan dhuubo, gabadha ceynkaas ah ninyahow la yiraahdaa Alle-u-Baahane gabar la isa siiyo sida xoolihii ma aha ee dee intaa waa iga afeef. Waa inaad addigu iska af-garataa oo jilaafeysayaa iyo dhaanteeysayaa iyo tawjiid akhrisaaba waa hawl ku taala. Awoowe ma ila socotaa.

 

Sideedana reerka Dhagax-wada-heyste hadaanu nahay xeer iyo dhaqan baanu leenahay. Halka aad tiri Dhuubo sida loo xod-xodo iyo sida gabdhaha wax loogu akhriyo ama loo baashaaliyo yaan ragaan la xididi lahaa ka wareysanyaa halkaas awoowe khatif baa ku jira. Bal in aan xaal kuu dhigto iyo inkale yaan isku hayaa.

 

Awoowe waa sidee hadde bal horta inoo sheeg halganka adiga iyo bahdaadu halka iyo qeybta aad ka qaatadeen ama kaga jidheen. Dhuubo innaba afka aan leeyahay kula hadli mayo beey tidhi jeer arrinkaa la iga hubiyo.

 

Awoowe raggu ha kalaamo oo warka bayaan ha isu weydaarsadao. Qosolkana iga ilaali awoowe. ahem!

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Juma-ilka laan daraadis...hehehehehehe. Wale maila aragte mandhow-ninku ileen wuxuu la smile gareyn waaye buu qaba :D

 

Alle_ubaahne

Waxaana intaas ii wehlisa inaan ka madoobahay shukaansiga casrigan socda oo la yiri shumiska iyo jilaafada ayaa u laf-dhabar ah.

:D:D w/c back to 19 sebteen coorcoor daadkii kaso hare-shukansigeenu waa shaah iyo shan iyo tooban jir ;):D

 

Xaafun eh :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Baashi:

Alle-u-Baahane,

Awoowe xisaabta aad cimaamada iigu laabtay waad ku mahadsantahay. Inkastoo aanu rag badan nahay misana shaaha innoogu fillan intan

^^dey in uu wax ku badsadu raba... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^Wiilakan warxuma tashiilka iyo diradiraalaha akhyaarta kula dhex jira ka dhex bax ragga baannu ku niri sidii doc-ka-yeerkii hadba dhinac ha ka soo dhawaaqine. Awoowe xaal rag baa meesha ka socda ee naacda meesha laga yaqaan orodoo la tag. Armaad sidaadii xanaaqdaa oo waxaan raggu ku wada hadlin ku hadaaqdaa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Baashi:

Awoowe xaal rag baa meesha ka socda

Benta mahiin sxb..howlaha mesha ka socda kuwa aan wax ka aqaan mahiin..wayo wa rag dumar kala gadanaya..tasna cilmigeda ima bilowna.

36_2_15.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this