Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

I want to help Dhagaxtuur's Family: Does anyone know?

Recommended Posts

Paragon   

Sideedana reerka Dhagax-wada-heyste hadaanu nahay xeer iyo dhaqan baanu leenahay. Halka aad tiri Dhuubo sida loo xod-xodo iyo sida gabdhaha wax loogu akhriyo ama loo baashaaliyo yaan ragaan la xididi lahaa ka wareysanyaa halkaas awoowe khatif baa ku jira. Bal in aan xaal kuu dhigto iyo inkale yaan isku hayaa.

Baashi,

 

Mar haduu ninkii Alle-ubaahne ahaa caynkaa u aflagaadeeyey reer-Dhagax-Tuur dumarkooda, Geedku waa uu har-qabow yahay, goobtuna wey xaarantahay, Guurtidana way idishahay, Gartoo la gooyo, iyo xaalkoo la idiin kala qaado ayunbaa inoo harsan hada! :D

 

Alle-Ubaahne,

 

War iyo ilkaba waa la caddeeyaayee, ula jeeddada aad ula lahayd hadalka kaa soo yeerey cadee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi,

 

Horta nin caaqil ah oo alle ma qaade ayuu ilaah kaa dhigay, anigana waad ogtahay inaan oday ahay, kana fogahay waxyaabaha jaa'ifada iyo xumaha abuuri kara. Waxaan rabay inaan hadalkaas idinka daaweeyo hadaa tihiin Reer Dhagaxtuur Soomajeeste. Marka hore gabadha aad ii sheegtay waxay igu noqotay qof la yaqaan, runtiina isma laheyn dhinacaas ayaa Reer Dhagaxtuur Soomajeeste kaaga imaan karaan. Been ilaah baa caayay oo wax la sheego maaha, gabartaas waa inan fiican laakiin qasadkeygu ma aheyn Reer Dhagaxtuur-kii aan raadinayay inaan dhaafsado dad ey iskaga magac egyihiin oo kaliyah balse aan shaqo isku laheyn.

 

Baarintaan qotodheer kadib, waxaa ii soo baxday iniidnaan aheyn dadkaa aan islahaa waad heshay. Si kastaba ha ahaatee, arinta xodxodashada iyo baabkeeda waxaan oran lahaa aniga wali xadgudub ma anaanan sameynin oo gabadha Dhuubo ah waxaan rabay inaad na iskeen barto oo aan halkaas arinteyda kasii wato, adoo waliba dabcan fikrad yar iga siinaya waxyaabaha ay Dhuubo jeceshahay, sida tusaale ahaan, Miraha Yicibta, ama Dhaggashiga dumarku xirtaan oo hadiyad ku haboon.

 

Nin yahow Baashi, arintan kuma haboona gar iyo geed hoostiis inaad rag iskugu yeerto. Waa midee, waxaa suuragal ah inaan gartaas kaa helo, gabadhana ay ceebo kusoo baxaan oo aan hada meesha oolin. Waa marka xigee, waxaa laga yaabaa inaad dhogorta iga qaadid oo aan sumcadeyda ku waayaa gabar aanan arag oo waliba aad lacag iiga cuntay, taasna cadeynteeda waala haayaa oo afkaaga ayaad ku qiratay. Koley xaal rageed waa kii maslaxo iyo isfaham lagu dhameeyo. Hadaba walaaloow eedahaas aad ila beegsateen hadaa tihiin Reer Dhagaxtuur Soomajeeste iga daaya, hadii kale gabadhiina wax xille ayaad la dooneysaan.

 

Jamaal-11,

 

Xaaji horta waan ku salaamay. Waligeey waxaan ku moodi jiray nin igu ehel ah, balse maanta waxaa soo baxday inaad balaayo hoos ka maleegeysid oo aad damacsan tahay in maryaha iyo cimaamadaha iga dhacaan oo aan kusoo baxo Qoor iyo Xero Beele aan rabi iyo rag waxna ka aqoonin. Walaaloow waan ku ogahay inaad Totti iyo gabadhii ay Xaawo Taako dhashay kala eridee, bal aniga ha igu darin oo waxaad rabtid qaadoo halmar iga daji kacdoonkaas igu soo fool leh. Koley Reer Soomajeeste waan ogahay inaadan caqlina ugu filneyn, colna aadan ka celin karin. smile.gif Soo waxaad garatay maaha, ina Caana-ku-kaadiye?

 

Sheekadu waa socotaa.....Gartuna Rabi ayey taqaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Alle-u-Baahane,

Ninyahaow Alle-u-Baahane la yiraahdaa hadaad lacag hibeyso lama sheeg-sheego awoowe oo hade manad sheegashadu ma wacna. Lacagtaa aad ku hadashay horta waa naga celis marba hadaad ka sharqamisey. Markhaati uma baahna oo deeq hadal daba yaalo xaaraan bey naga tahay oo warkayaga dibad iyo guddeba waa laga hayaa oo waxaanu nahay dad si caam ah loo yaqaan. Taasu waa taa.

 

Awoowe xaashaa ceebtaada doonimeyno dharkana kaa dhigi meyno laakiin hadaan tii hore cafin laheyn haatan baad ka dartay oo khatif kale naga gashay. Horta gabadhayada Bilan-Haboon, Qorran-Qallanjo-Luul, Dhuubo-Dhexyar iyadu ku dooni meyn kuna haybin meyn. Annaguna kuma aanu siin gabadha oo hadde gabdhahayaga la isma siiyo. Addigaa heyheybinayay gabadh ku abtirsata reer Dhagax-tuur. Hadde hor Ilaahey baan kuugu hiilanay oo waxaannu is niri haday ka dhab tahay bal ninkan ha la tilmaamo. Hadde mar hadaad xujo ka dhigtay geesinimada iyo heybta gabadhu ka soo jeedo oo aad guurkii ku xidhay, waxay gabadhii la noqotay bal addigana in lagu hubsado inaad reer ceynkaas oo kale ah ka soo jeedo. Sideedana gabadhu waa reer Dhagax-tuur oo waxay ka sii tahay reer Shabeel-lagde oo waliba waxaa ka sii tahay jiffada reer Mas-ku-Cadeyde. Hadde cidi wax kuuma dhimin hadii lagu weydiiyey halganka halka aad addiga iyo bahdaadu kaga jidheen.

 

Oday Jamaalna waad maqleysay xikmada uu ku hadlay. Annigu uma yeedhan ee Issagaa qadafka iyo dhaadhaca sheedaa ka arkay. Jamaal waa nin maslaxo oo waa nin shidada neceb oo waliba waa nin madal ceynkaan oo kale ah gudoomin kara gar eexana ma yaqaan. Ninyahaw iga gar bax hadana Jamaal ha u gefin oo eed dusha ha uga tuurin. Laba danbiba waa laguu heystaa. Waa midee nin oday ah baa ku tiri awoowe gabadhiinaan doonayaaye isu kaaya keen aan kaa wareystee sida gabdhaha loo jilaafeeyo oo loo baashaaliyo aad ii sheegtidee. Waa mida labaade gabadha yaad heybteeda mudaci ku tahay oo marna waxaad leedahay reer Dhagax-tuur baan doonayaa meesha laga helo marna waxaad leedahay gabadhu ma aha reer Dhagax-tuur. Hadde si caam ah baa naloo yaqaan Jamaalna waa ogyahay oo Soomaali hal reer Dhagax-tuur bey leedahay oo taariikhdeeda iyo madashii ay ka dhacday iyo cidii ka qeyb gashay waa la yaqaan. Markii horena waxaa lagaa hayay hadal ah reer Dhagax-tuur inaad baadi goobeysay oo aysan mid gaar ah kuu cayineyn.

 

Hadde nin siduu doona yeela hadaad tahay waxaan ku leeyahay nabad-galyo. Hadaadse tahay nin weyn oo samaha iyo wanaaga yaqaan hadde naga gar bax awoowe.

 

Jamaal, awoowe bal ninkaa dhageyso waxuu ku jawaabo. Haduu ragii la arki jirey yahay oo uu gobonimo u dhashay waa uu gar qaadan doonaa; hadii kalena dood aan laga bixi karin buuna qaniinsiin doonaa ee addigu weydii mar kale haduu ogolyahay in anniga iyo issaga gartayada la galo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tola'ayee Tola'ay war ma ina adeerkay baa goobtaan lagu feerfeertay, oo intii mas ku cadeyde ka soo tarantay oo idil baa isugu tagtay, intaa waan filanaayey laakiin waxaanan filaneyn in xeer ilaaliye(baashi) iyo nabadoon(jamaal)

dhaantada ugu sitaan, taa waa mid aan maleysan kari waayey marnaba, intaa waa iga hore u dhac

 

Su'aal ayaan qabaa alle-u-abaahnoow wallaale, intii aadan raga sooryeyn miyey ku tuseen sawirka dhuubo dhexyer? hadey jawaabtaadu tahay MAYA, waa in sooryadeenu naloo soo ceshaa sida ugu dhaqsaha badan, maxaa yeelay naq aanu roob u di'in baa nalagu sahmiyey, taasi waa mid.hadey jawaabtaadu tahay HAA, firfircoonidii dhagaxtuur maka dhadhansatay, salxanyihii shabeel-lagde ma lahayd, miyeey shilis aheyd ii sheeg.

 

Hadaba siduu ina adeerkey(alle-u-baahne) horey u sheegay, rag waa kuwii maslaxo walaaltimo iyo isfahan wanaag hadalkooda ku dhameysta. waana aan u jeedaa meeshani waa meel aanan hiilo iyo hoo midnaba iiga baahneyn, laakin waxa aan ka saliigey sida aad hadalada qaarkood ula weydaarsateen ina adheerkey, hadey sheekaduna gaarto xiniinyo taabsasho in uu alle-u-abaahne tol iyo tiirba leeyahay idinla socodsiiyo waa ujeedo yar oo aan la meer meeraystay. :D

 

Ragyahoow waxaa waano iga ah, iniidaan "been sheegin, oo run nah sheegin, waxaad sheegtaana iniinaan waayin"

 

hadaba waa idinkaas.

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Checkmate,

 

War magacaa jiryee xageed ku maqneyd intii reer (Masku-cadayde-Soomajeeste-Looma-ooyaan) ay hadba dhinac igala soo galayeen dulmi iyo ujeedooyin aanla garan hadafkooda.

 

Horta ina adeeroow aan war kusiiyo, gabadhaas la leeyahay dhuubo waligeey masawir ay leedahay iyo bildhaanteeda wali ma arag. Waxaana igu maqaal ah in cidda aan raadinayay iyo reer (masku-cadayde) inay kala yihiin laba qoys oo aad u kala duwan. Marka Baashi oo aad ku taqaanay qoryo-lacagnimo iyo wax loo kala garan waayay inay yihiin (Af-miishaarnimo horor ah) ayaa markuu arkay baahideyda ila beegsaday hadal aad iisoo jiida oo ah "fariin ayaan kaaga hayaa qoftii aad raadineysay Ina Dhagaxtuur".

 

Hadalo yar kadib, waxaa dhacday in Jamaal-11 oo aan waligeey moodayay Oday Soomaaliyeed oo ku caan baxay nabadeynta iyo xalinta dhibaatooyinka Deegaanka Reer Warasame-Afey ee magaaladan (Habaas-Geel) ayaa hoosaasin igu sameeyay, isagoo leh geedka garta waa xaaran yahay, goobtana odayaashii waaku dhan yihiin, gartuna waa cadahay in Reer Dhagaxtuur-lamood loo gafay. Cadeyn la iguma hayo ilaa hada inaan gabadhaas dhuubo ah u gafay. Laakiin soo ceeb maaha in Reer (masku-cadayde) ay naf ka raadiyaan libintii Dhagaxtuur usoo hoyiyay Soomaaliweyn? Oo xitaa kaaga daran ay rabaan inay dumarkooda amaan kaga dhigaan guul aysan ragooda keenin!

 

Checkmate, walaal arinta hadeysan reer (Masku-cadayde) ka fiirsan cawaaqib xumada ka imaan karta iyo ceebta waa u joognaa dabcan wixii ka yimaada. Aniga garna diyaar u ahi, dagaalna koley waxaan u nahay cidii Aflibaax dalxiis u aadi jiray. Marka waxaan kala helno ayey leeyihiin Reer Warsama-Afey oo ku magacdheer (reer masku-cadayde).

 

Waa Alle-ubaahne oo soo wata odayaashii Beesha uu ka dhashay (Reer Waran-kama-hakade). Waxaana balan ah hadii aan garta helno inaan Tuulada Habaas-Geel aan sinaba u wada daganaan doonin anaka iyo Cidaas Reer (Masku-cadayde).

 

Sheekadu waa socotaa........ Gartuna Rabi ayay taqaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ Axem axem...lol

 

Akhyaaryahay, sidii hiddaha iyo dhaqanka noo ahaydba, marka laba beellood gafaf dhexmaraan, amba Godob (vendatta) darteed xiisadaha kacaan, waxaa garta loo geysan jirey: Odayaal gabooboo Garweyn; Garaadna Eebe siiyey; Hiillo iyo Eexna ka saliin ah. Soo war cad ma aha. Odayaashu marka ay dacwadi soo gaarto, waxaa caado u ahayd in ay labada beellood Geed-waaban hoostii ku soo xaadiriyaan, kadib la wada dhageysto sideey wax u dheceen, dabadeedna beellahaas si caddaalad ah oo xeereysan loogu kala gar naqo, kuna qanci-jireen. Soo waxaad garateen ma aha.

 

Odeygii sidaa iyada ah xal ku keeno Soomaalidu way sharfi jirtey, hasahaatee, waxaa iiga caddaatey halkan in sulux :D anoo kale ah eex iyo hiillo lagu eedeeyo, waana xaal cusuboo fuuley Odeygaa Alle-ubaahne. War ninka in Caana-ku-kaadshe iigu yeerey ma waxbuu iila haray, Illaahbaan idinku dhaarshee? :D Wallee wax na dhangadeeyo oo mareer dubka looga murxiyo waad istaahishaa Alle-ubaahne Ina Musmaar-calashadoow!

 

Alle-ubaahne

 

Intaas waa iga hor dhac, haatanna aan u daadego qadafkan aad u geysatey gabadha uu Odey Baashi adeerka u yahay. Horta sheeko yar; beri aan samankan ahayn ayaa xiiso tanoo kale ah ka dhexaloosantey laba reer oo kala ah Reer Orgi-ku-guure iyo Reer Cawa-yoon, waxaana la isku heeystey ereyo qadaf ah oo uu odey - la oran jirey Qiil-mawaaye oo u dhashay Orgi-ku-guure - ku habaarey gabar gashaanti ah u dhalatey Reer Cawayoon. Ereyadii Qiilmawaaye kuwii ugu horeeyey waxay ahaayeen markuu inanta ku xodxodiyey: Naa soo dhowoow, Sarmada lagaa salaaxye. Inantuna wey ka dhiidhidey hadalkaa, waaney diidey iney usoo dhowaato (illeen waa gabar sharaf lehe), balse Qiilmawaaye wuxuu hadalkiisa ku daray: Sarmada lagaa malaas hadaba, taasoo kaga oysiisey gashaantida.

 

Markii laga warhelay ereyada gefka ah ee uu gabadha u geystey ayaa reerkii gabadha ay ka dhalatay weerer kadis ah ku qaadeen reer Orgi-ku-guure halkaana dhagta-dhiiga-u-dareen laba kurray oo geel la jira. Dagaalkii ka billowdey ereyadaas wuxuu noqdey mid laga sheekeeyo qarniyo kadib, oo aan dib loogu noqon. Marka Alle-ubaahne, aniga maadaama aan ahay nin Gar iyo Gafuurba leh, waxaan kugu oran lahaa oo iga tala ah Ina-musmaar-Calashadow, inaad gabdhaha reer-dhagax-tuur xaalka kaa fuuley maal ku oofisid. Hadii kale, labada reer hadey is xasuuqaan (illeen dumarka waa sharafta reeraha e'), adigaa ka mas'uul ah wiilyahow!

 

Intaa waxaa ii dheer, waryaa waa adiga dagaal ku goodinaayoo leh waa nala yaqaan e', yaad u caga-jugleyneysaa horta? War soo ma xusuusatid markii magaaladan Habaas-Geel aad fooda isku darteen Reer-Dhagax-tuur sideey idiin geliyeen BAQA-KU-MAAL, ee aadba, cabsi daraadeed cag u qaadi weydeen? Yaanan hadalka kusii dheeraanine, ninyahow col sokeeye ninkii ku adkaado iyo kii laga adkaadoba midba waxba kama calfadaane, dabka aad horineyso jooji, oo yuusan isku-gubin reeraha wiilyahaw. Intaasna waa iga guubaabo ee dhego-nugloow :D .

 

Baashi

 

Alle-ubaahne waa nin inkiraad ku jira oo aanan damacsaneyn in garta la idiin kala qaado ee Odey waxba wiiilasha ha hubeynin inta aan arrinku ka xallineyno. Haduuse is waalo, horeybaa loo yiri : "wiil iswaalaba waabiyaa hela" :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^lool

 

War bal hee dhahaya ma anaa waalan mise buurtinle baa laga heesayaa taloow? bal marka horey aanu is heybsano ilmo adeerayaal ragu isma yaqaanee, warma ogoow alloow waranka kaa qabo. wax yar idinkoo raali iga ah aan idiin sheego, sheeko munaasab ku ah sheekadan ina dhextaala.

 

Bari baa nin cawaran(weershe) ah, magaalo kale safar ku yimi, markaas ayuu meel aad hudheel oo kale moodo ijaartey, oo mise nah dadkii heybsaday siduu u helo haweeney uu iskaga dhiciyo qabowga iyo cildlada uu gabal dhaca(habeenka) lee yahay, markaas ayaa loo sheegay in ay jidho islaan la yiraahdo "iskushuban", saacado kadib wey is heleen wada xaajoodeen, kadibna kuna balameen hoyguu kirada ugu jiray.Waxay xaajadooda socotaba dhowr maalmood kadib, Iskushuban baa hunguri galey, maxaa yeelay waxay habeenkasta aragtaa ninkan oo marba duqush lacag badan kasoo saaraya,waxay istiri lacagtaan wax ka dheef, markaas bey maalin tii denbe tiri

Iskushuban: Xajiyoow magaaladan magaalo ka xun weligey waa taan arag

odeyga: Oo maxaa?

Iskushuban: Maya waxaa weeye, suuqay waxay ii marsheen, islaantaan wey wareegtaa

Odeyga: Walee been maadan sheegin, anigoo mar dhow imiba waxay i yiraahdaan, wuu cawaran yahay

Iskushuban: Sootan adiga cawaran? :confused:

Odeyga: Sootan adiga wareega.. :D

 

Waxaan filanayaaa in aad sheekadeyda nuxurkeea fahamteen, sidaan u ogahay in aysan calaacasheydu timo ugu soo baxayn, ayaan u hubaa in iidnaan naga heleyn waxaa aad naga dooneysiin.

 

Jamaaloow, ma ragiina iska dhicin waayey ilmo "JEEG DUUB" baa hada anaga na tuhminaaya, dagaalkii CAR TUKO ma xasuusataa, hadaba CAR TUKO II isku tabaabusheeya taariikh baanu idiin dhigi doona. ragi run kama nixiso, Aar laga careysiiyey baan ahay Xummada jirkeyga ka dhex qarxeysa sidii korontadii waxaan filanayaa in ay nugaal oo dhan iftiimin laheyd laanta.

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bari ayaa waxaa la sheegay qolo aad u nabad jecleed in lagu saladay qolo kale oo aan daris wanaaga waxna ka aqoon. Markaas baa loo adkeysan waayay qoladii dulmiga iyo dhibka badneed. Waxaa dhowr jeer la weydiistay in waxyaabaha ay tabanayaan lagu dhameeyo xaal-mastuur iyo maslaxo. Nasiib daro, waa garan waayeen in wanaag ay qaataan, waxaana la tuhunsanaa kibir inuu ugu wacnaa dhibka haystay.

 

Waagii danbe ayaa fooda lays daray, ilaaheey wuxuu kalifay in qoladii kibirka badneyd halmar dabada looga dhaco, oo meeshaas ay ku guuleystaan kooxdii nabada jecleed wanaagana ka talin jirtay marwalba. Nin hadaba caaqil ahaa oo howsha dhinac kala socday ayaa wuxuu ku tiriyay tixdan gaaban, isagoo eegaya taariikhda kibirka iyo nasiib darada ka dhalata, wuxuuna yiri sidatan:

 

Duulkii hawo iyo xoog is bida ama ku haasaawa

Ee hayb kastaba la tahay inay ka hoosayso

Cashuun buu naftooda halliggaa ceebuna ka raacda'e

Hitler baw badnaa wiil arlada geliya hawl weyne

Isagabase meel haad ku cunay hubanti loo waaye

Baashi baase haatan isku deyey himiladiisiiye

hadba kii heddi buuxsantaa huriya baaruude.

 

Koley waad garan kartiin macnaha iyo xogta culus ee ka danbeysa tixdaas, laakiin aniga waxaan talo siin lahaa reer Warsama-afey (Masku-cadayde) inaysan Magaaladan HABAAS-GEEL taariikh xun kaga tagin oo dadkooda dhinac ka raacaan. Nabada cid naga jecel lama arko oo maanta HABAAS-GEEL ku sugan, laakiin anagu ma celin karno qof malagiis galay oo raba in Xanfaley-iyo-Xeeladubato ka raacdo balaayada ay goobahayaan.

 

Sheekadu waa socotaa........Gartuna Rabi ayay leedahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

walaahi sheekadan wa ka helay, laakiin afsoomaligeysa maanan hormarin. waa inaan dhulkii aadaa

 

keep it going guys, Alle_ubaahne, Jamaal-11, Baashi and others. You guys can write stories. I applaud you verily.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

***Baashi haduu dhuuxay warka Check iyo Alle-u-Baahane iyo goodiga iyo gacan-ka-hadalka iyo fara-baxsigooda yuu gaar kaligii is la faqay: Belaayaa dhacday oo niman birta calashaday oo wada tuulo joog ah markoodii horena miyiga ku soo daahay baan faraha la galay! See uga lug baxaa tolow oo lafaheyga yar-yar u badbaadsadaa. Alleylehe inta yara amaantid oo Libaaxyo ku sheegtid deeto aayar u maslax. Xataa haday moqoto inaad laaluushto oo libin aysan lahayn siiso, yeel sidaa haday ku harayaan! Jamaalna yeelkadii assagaa yaqaan nimankaan dadqaadka ah sidii uu isaga maslixi lahaa, kolay annigu tashaday. Libaax nimaan aqoon baa neef ka rita baan maqli jirey. Bal Alle-u-Baahane dhanka diinta ka soo mar; Checkmatena si kale ku day!***

 

Alle-u-baahane iyo Checkmate,

War bal ii warama awoowayaal. See xaal yahay? Annaga ladnaan iyo galad Eebe. Waa caadaas e nimanyahow maxaad isu sheegiweydeen inaad nimankii belada ahaa ee ilmo-Tuulo-joog aad tihiin. Kah kah kaha awooweyaal annigu adeerkiin baan ahay waxna isla waayi meyno marba hadaad Libaax-dabre iyo Dhurwaa-rarte aad isku eyni tihiin. Waxaan garanyaa ragaas annagoo berri "seerjito-undice" kuufiyo dhuubta jidgooyo inta ku sameyna huf-haf iyo mid baxsada iyo mid is dhiiba ka dhigna. Allow maxaan Talyaani ku dhigney.

 

Raggu waa is yaqiin oo waliba ninkaan Alle-u-Baahane la yiraahdo aabihii ragga kumaba jidhin oo waxuu ahaa wax belaayo la tagtay oo sheydaan dhashiisa ah oo soo ma jeeste aan libiqsan ah. Meesha uu ninkaasi ku beegmo guuto iyo gaas is wataa fooda ay leeyihiin kulama dhicin. Ileyn rag waa kii is dhala! Awoowe Alle-u-Baahane addiga iyo Checkmate waxaad tihiin dhal awliyo aan hadalkaba lagu qaban. Jamaalna taariikhdiina haduu hayo gar iyo geed fariisi idinkumaba dayeen. Hadaba waxaad yeeshaan odeygii wiil hooga ahaa igu salaama hadaad aragtaan kolay u maleyn mayo inuu i xasuusan karo e. Taasi waa taa!

 

Ninkeygaan aad arkeysaan waa nin meel lagu jabay waligii taagna oo shido iyo colaad kax ka taagan. Haatana dood iyo is qabqabsi awoowayaal kama bixi karo. Annigaa Ilaah ku haraya! Waxa alla waxii ina dhex maray xalay-dhalay halaga dhigo hana la is cafiyo. Waliba waan hubaa Alle-u-Baahane inuu diinta wax badan ka garanayo sida dulqaadka, samirka, iyo same-jaceylka mu'miniinta loogu gubaabiyey oo looga dalbay.

 

Arrintii Dhuubo, hadde war kugu ma seegana oo gabdhahayaga la is ma siiyo, ninkey calmadaana looma diido. Dhuubana ninkaleyba hadal heysay oo ay laheyd waanu is wadanaa. warkaasu war sugan ma aha oo anniguba waa mid igu cusub oo barqadii baan maqlay. Calaa kuli xaal, Dhuubo ku dhaaftey annaguna dacwo kuuma qabno waana kuu duceyneynaa gidigayo.

 

Awoowe waxaad yeeshaa...ma u jeedaa daartaas, labada daaradood ee bidixda kaga aadan, gadaal kala wareeg dhanka midig dhabaha ku yaal sii qaad, gurriga ugu danbeeya ee ganjeelada cagaaran leh gabar jalqsan oo lixaad iyo horjoog Eebe u dhameeyey oo luquntu dhereka istacajab aad la yaabeyso, oo qaar danbe, qaar hore, kub, iyo horaado iney gantaalo yihiin iyo inkale loo kala garan waayey oo waxaan la maqal oo la arag ah baa degan. Shiidida iyo dhagax-tuurka ilaa yoomul haadaa waa ay taqaan. Geesinimada sadex eray hadaad isla dhaaftaan dhabanaaneey kaaga soo qaadeysaa wac!! Awoowe hadde waa annigaa ku tilmaamey ee nabadgelyo oo isma dhaafno.

 

**Odey Baashi markuu intaa yiri issagoon sugin oo leh Allahow ma najeyna, hadaan kaa lag baxa maanta...buu jeego-jeego u dhaqaaqay dibna uma sii dhugan...Waxa uu hoos ka lahaa Allow wadankaan yaa Police iyo cid amniga sugta u keena. Waa meel aan waxba la is weydiin karin, oo aan saani loo garrami karin, shido iyo wareer badan bey leedahay fawdadu...***.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallee iyo waa iga wallee, odey baashi waa rag yaqaan, waa odey yarroo xifaalo miiran ah.adey baashiyoow rag waa kuwii is yaqaana, sideenu horey ugu ogeyn nah "waayeel hadalkiisu kaftan buu ku dhameystaa" ha ha ha, war ninyahoow waxaad tahay nin xasilooni jecel taa saana wax qura la siisan karine kow dheh, maadaama aad anaga nagu sheegtay "geel jireyaal reer miyi ah" been ma aadan sheegin.

 

Waxaan xasuustaa goor aan dhaweyn baa aniga iyo aabahey isku raacnay XAMAR in aanu soo aragno walaalkii ama adeerkey (alle-u-abaahne aabihii) uusan mudo badan arag, goor aan dhowr casho joogno oo cagaha dhulka nalookaga qaadey soo dhaweyn darteed, baa maalin iyadoo aanu qadeyneyno oo rag kale oo badan nagu jiraan oo kaftan la isla dhacaayo, baa adeerkay (alle-u-baahne) aabihii oo nin xifaalo miran ah asna i way diiyey, war Xaaji Fardaxoow, war geedka yaanyada la yiraahdo ma idiinkaga baxdaa arligiina?, markaas baan u jawaabayoo oon iri, ma geedkaan barqadii qoraxda ka harsano baad noo sheegi. kolkaasuu aad u qosalayoo yiri waa kuwaa ragii la yaqaaney. Marka odey baashoow sidii nadigii oo kale baad ula habeeshey "reer miyi" waanu nahay.

 

Laakiin ilma adeeri waa kuwa isyaqaane, goormaad idinkuse noqoteen "reer magaalo" taloow?, ha ha taloow tani na miyeey dhimaneyd, odey cad ah baa hada kahor ka maqlay "Dadna waa dhal magaalo, Dadna dhar magaalo ay xidhaanoo, xarago ay san qiimo iyo qaayo midnaba u heyn, raga kale ugu faanaan". hadaba baashoow ma qoladii dharka magoolo xidhaad aheydeen? haha war bal ragii maxaa qaaday? haha hadaba naga daaya,ha ha nimaad taqaanid yaa tahay lama yiraahdo, bay oran jireen.ha ha

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

"nimaa taqaan yaatahay lama yiraahdo"

 

kakakakakkakakaakkaakakakkaakkakakakaa

ala manooli! my Q is how many of yous can place faces to sheekooyinkaan? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

War illeen anagaa yaab aragnay, sheekadaan maba dhammaato aniga waanba ku daalay sida aan u aqrinayay, bal dee inoo wada xiiso bayba sii yeelanaysaaye. Tolow anna maka Qeybgalaa waabna ka helaye, :D sii wada ;)

 

 

Go figure:.....................

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this