Deeq A.

Xog: Biixi oo Imaaraadka u bandhigay in la taageero mucaaradka Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi, ayaa la xaqiijiyay in Dowlada Imaaraadka Carabta ee Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeya Dowlada Somalia uu ku qanciyay inay taageerto Siyaasiyiinta Mucaaradka Beelaha Mogadishu Clan ee aadka uga soo horjeeda Dowlada Somalia.

Muuse Biixi, ayaa Dowlada Imaaraadka Carabta u sheegay in guusha Dowlada Somalia ay tahay mid hoos u dhigi karta in garab loo muujiyo Siyaasiyiinta Mucaaradka Beelaha Mogadishu Clan.

Sida uu qoray Wargeyska Geeska Africa ee kasoo baxa  magaalada Hargeysa, Hoggaamiye Muuse Biixi, oo ka duulaaya caqabadaha maamulkiisa ka heysta dhanka Dowlada Somalia ayuu dhinacyo badan ka eegay sida looga hortagi lahaa caqabadahaasi iyadoo loo maraayo adeegsiga Siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowlada uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wargeyska Geeska oo xiganaaya Wargeyska caanka ah ee Indian Ocean, ayaa sheegay in Muuse Biixi uu go’aankaasi qaatay ka gadaal markii uu ka warhelay in Dowlada Somalia ay si toosa isku garabtaagtay maamulka Puntland oo dagaal kula jira Somaliland, sida uu qoray Wargeyska.

Waxa uu qoray in Muuse Biixi uu magaalada Nairobi u diray mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa kuwaa oo todobaadkii hore Hoteel ku yaalla magaalada kulamo qarsoodi ah kula qaatay Siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha Mogadishu Clan oo kasoo horjeeda Dowlada Somalia, iyadoo halkaa lagu dajiyay qorshayaal ku aadan is hortaaga DFS.

Muuse Biixi ayuu qoray Wargeeska in Dowlada Imaaraadka carabta uu ku cadaadiyay mar uu gaaray magaalada Abuu Dabai in si dhaba loo taageero Siyaasiyiinta Mogadishu Clan oo uu sheegay in xiligaan ay aad u dhaliilsan yihiin Dowlada Somalia, hase ahaatee ma cadda in Imaaraadka uu aqbalay iyo in kale.

Qorshaha Biixi uu ka leeyahay in Imaaraadka uu dhaqaale ku bixiyo Mucaradka Dowlada ayaa lagu sheegay inuu ka hortago taageero la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu siiyo Maamulka Puntland iyo in Dowlada laga mashquuliyo howlaha ka socda Dekadda Berbera ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka carabta.

Sidoo kale, Wargeesyadu waxa ay qoreen in Dowlada Qadar ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadisay inuu helo taageerada Hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas maadaama ay xuduud wadaagan Somaliland oo loo arko inay caqabad ku tahay Dowlada Somalia iyo Qadar.

Ma cadda waxa ka hirgalay kulamada magaalada Nairobi ku dhexmaray Mucaaradka Dowlada Somalia iyo Mas’uuliyiinta ka socday Somaliland ee uu soo wakiishay Muuse Biixi iyo waxa la gudboon Dowlada Imaaraadka oo loo ifinaayo dhinacyada ay ka jilicsan tahay Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Desperate biixi is willing to do anything. Fiqi and abdishakur will not deliver victory. Leave laascanod or you will pay heavy price.

Share this post


Link to post
Share on other sites
43 minutes ago, Mooge said:

Desperate biixi is willing to do anything. Fiqi and abdishakur will not deliver victory. Leave laascanod or you will pay heavy price.

Mooge,

Hear from fat belly Gaas... Calaacal iyo bacaac laguma qabsan,  dhiig ayaa loo qubay. :D

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waa garaad xumadii snm lagu yaqaanay inay walaalkoodna gubaan ayaguna ictiraaf ku indho beelaan.

Mucaaradka beelaha muqdisho way liin-baxeen sidii hore ma'ahan. 

Faysal waraabe yaa ku dhaarta inuu isticmaali doono quwadaas, markii loo baahdo waana ninka u qaabilsan majaajilada snm.

Share this post


Link to post
Share on other sites

not surprised, UAE will only lose their money: People in Mogadishu witnessed hell and will not entertain this treachery.

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.