Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Originally posted by Paragon: Stop this! Here's United Somalia http://www.youtube.c om/watch?v=Y82tzNdeF Pc Probably i'm one of those students ....... i agree with you that WAS the united Somalia ..
  2. Maya, it is just a simple question. 20 sanadood uun baan maqlayay ,,,,,,,,,
  3. Taliyaha Booliska oo Ka Hadlay Hawlgalo lagu Adkaynayo Amaanka & Rag loo Xidhay Falal Argagaxiso oo Hargeysa(Qarannews)- Taliyaha Ciidamadda Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubadd ayaa Markii u Horeysay ka hadlay Hawlgalo ay Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Boolisku ku sugayeen Nabadgelyadda iyo Rag Dhalinyaro ah oo ay bolisku xidhxidheen kuwaas oo taliyuhu sheegay inay ku tuhmeen inay wadeen Falal argagaxiso oo laga fulinayo dalka. Taliyaha oo Galabta u waramay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay suxufi ay Ciidamadda Sirdoonku dhawaan Xabsiga u taxaabeen, kaasoo uu sheegay in uu si qarsoodi ah Sawir uga qaaday Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda isla markiibana uu Baxsaday, kaasoo uu sheegay inay ku tuhmeen ujeedo gaar ah oo ka baxsan Mihnadiisa Suxufinimo, inkastoo aanu faahfaahin sababta waxyaabaha ay uga shakiyeen. Waxa Taliyuhu sheegay in markuu Baxsaday Tifaftiraha Shabakadda Wararka ee Baadiyenews.com Xadiis Maxamed Xadiis ay Ciidamadda Nabadgelyadda Wadooyinku qoreen Sumadda iyo Lambarka Baabuurka uu watay kadibna dorraad galabnimadii la sooqabtay, balse markii baadhis ay ku sameeyeen lagu waayay wax dambi ah oo uu galay iyo ujeedo gaaar ah oo uu ka lahaa sawirada uu qaaday, sidaa darteed la sii daayay xorriyadiisiina loo soo celiyay. Taliyaha Booliska Somaliland Col. Maxamed Saqadhi Dubad waxa uu sheegay in Hawl gallada ay ciidamadiisu malmahan danbe ku adkaynayaan amaanka ay ka dambaysay kadib markii ay soo shaac baxeen tuhuno lagu waxyeelaynayo xasiloonida dalka ka jirta, sidaasi darteed ay labanlaabeen hawlaha nabad sugida isla markana ay tuhunadan u qabteen laba nin oo dhalinyaro ah oo uu sheegay in laga soo diray Muqdisho si ay Somaliland uga fuliyaan Falal Argagaxiso oo lamida kuwii kal hore bishii October ka dhacay Hargeysa isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi Jananka Boolisku "Marlayba waajibka ciidanku waa adkaynta Nabadgelyadda iyo ka hortagida wixii khalkhal galinaya. Waxaanu si adag uga hawl galnaa oo gaadiidka ku baadhnaa Kaantaroolada iyo Meelaha is goysyada ah. Taasina waa mid caadiyan kamid ah Waajibaadka Booliska". Col. Saqadhi mar uu ka hadlayay in Hawl galladaasi ay ku adkaynayaan nabadgelyadda ku qabqabteen dad ay tuhmayaan waxa uu sheegay in ay qabteen rag "waxaa Boolisku gacanta ku dhigeen laba nin oo dhalinyar ah oo aanu uga shakinaya falal Argagaxiso inay wadaan inkastoo aanan Magacyadooda ka hordhacayn baadhis ku socota darteed, waxa kale oo jira Nin wariye ah oo sirdoonku u xidhay sawir uu ka qaaday Wasaaradda Dib u dejinta taasoo aanu garanweynay ujeedada uu kalahaa. Imikana Baadhis ayaa ku socota ragaasi dhakhsana Maxakamad baanu u soo taagi doonaa". Taliyuhu waxa kale oo uu difaacay ujeedada ay Ciidamada Amaanku mar kasta u xidhaan wadada halbowlaha ah ee Madaxtooyada Hormarta mar kasta ooh awl galo ay wadaan "Sababta Madaxtooyada loo xidhay waxa ay tahay adkaynta xarumaha muhiimka ah ee dawladda sida wasaaradaha, Hay’adaha Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah. Waana mid aanu kaga taxadirayno waxyaabaha la filan karo inay ka dhacaan dalka. Waa (Pre-coition) ama heegan waana tallaabo haboon in la qaado wakhtigan oo kale."ayuu yidhi Col. Saqadhi. Taliyuhu waxa kale oo uu ka hadlay isu bedelaad uu ku sameeyay taliye-qaybeedyadda gobollada dalka qaarkood oo uu difaacay in ay kamid tahay hawl qarameedka Booliska isla markaana aanay ku jabnayn wax ujeedo ah in la bedelo, wareejiyo ama xilka laga qaado Taliye qaybeed.
  4. will be back soon does the word have a limit horta ,, or some sort of timeline ??,,, mise waa dabadaa furan oo it will be said for the coming 30 years ??
  5. TEA TEA TEA TEA TEA TEA TEA TEA TEA TEA TEA TEA TEA TEA TEA TEA
  6. As long as she did not ask you about your race then you are not guilty sxb. Why is she just assuming without asking the person ??? Man, your Mom is great ,,,,,,
  7. Waa haday cidiba dheg u dhigayso ........ way cod fiican tahay lakin ,,
  8. ,, You beat the Somalis here ,,, hehehe
  9. Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay in waqtigan aysan ku haboonayan in ciidamo ka socda QM loo soo diro Soomaaliya. Midawga Africa ayaa muddo dheer ku boorinayay QM in ay soo dirto ciidamada koofiya buluugta nabad ilaalinta QM wadanka Soomaaliya laakiin golaha amnigu wuxuu balanqaaday in ammuurahasi uu ka shiri doono 1-da bisha June. Safiirka dawladda ingiriiska u fadhuya QM John Sawers ayaa sheegay in wali xaaladaha ka jira Soomaaliya ay isaga la tahay in aysan haboonayn in ciidamo ka socda QM oo la keeno Soomaaliya. Sawers waxaa uu warfidiyeenka u sheegay in arrintaas uu golaha amaanku kaga doodi doono bisha June magaalada New york ee xarunta QM waxa uuna sidoo kale sheegay in teegeero loo fidin doono ciidamada African-ka ee loo yaqaano AMISOM waqti sided bil ahna loo kordhin doono. Soomaaliya hadda waxaa ku sugan ciidamo ka badan 4,000 oo askari kana socda dalalka Burundi iyo Uganda. Xubno ka socda golaha Amaanka iyo midawga Africa ayaa kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo Sudan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
  10. “Sidaa uu idiin sheegay Mujaahid Ibraahim Meygaag Samatar galabta oo Burco la Joogo waxa uu golaha dhexe ee SNM go’aansaday in waqooyigu gooni isu taago oo uu samaysto dawlad madax banaan. Taasina ma aha wax ku kooban golaha dhexe ee waxa uu ka turjumayaa dareenka dadka ku nool Waqooyiga, waanad la socoteen shirarkii u socday dadka waqooyiga.Ummaddii way shirtay waxaanay gaadheen tallooyin waaweyn, Golaha dhexe ee SNM wuxuu isku raacay in waqooyigu gooni isu taago taas macnaheedu maaha in colaad cadaawe iyo calool xumo ay jirayso koonfur iyo waqooyi, waxaanu annagu diyaar u nahay maamulka Golaha Dhexe iyo ummadda waqooyiga ku nool in walaalahayaga koonfureed la yeelano cilaaqaad wanaagsan oo walaaltinimo ah oo wax tar leh oo danahooda guud ahaaneed ka wada hadli kara. Annaga oo ah laba dal oo labaduba madaxbanaanyihiin iyada oo ay dantu ku kalifayso inay wax badan iska kaashadaan iyaga iyo dawladaha kale ee aanu jaarka nahayba. Sidaas ayaanu annagu jecelnahay waxaanuna ka rajaynaynaa walaalahayaga koonfurta inay iyaguna sidaa u arki doonaan taas oo aan iyagana waxa dhibaato ah u lahayn, waxaan Eebe ka rajaynayaa in uu go’aankani noqdo mid waara.”
  11. He was part of the admin ... that is all i know. If there is a particular incident against him ,, he should also face the justice.
  12. Every criminal will be dealt with ,, sooner or later.
  13. I'm just trying to get info ... you don't need to go all the way to Awdal.
  14. Jacaylbaro

    condolences

    Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood ............ Ehelkoodiina samir iyo iimaan Ilaahay ha ka siiyo
  15. Hargeysa(HWN):-Dayuu radii ugu horeysay ee nooceedu yahay Boeing 737 oo ah diyuuradaha loo-yaqaano Jet-ka oo ah nooca Rakaabka,oo ay ku bahoobeen mulkiilayaal reer Somaliland ah oo magaceeda la yidhaahdo Shirkada Diyaaradaha ee XORRIYA AIR-WEYS ayaa markii ugu horeysay duulimaadyo rasmi ah oo isku xidhi doona dalka gudihiisa iyo dibadiisa bilowday soona caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera 12-kii bishan May 2009. Diyaaradan oo ah dayuurad Casri ah waxay isaga kala gooshi doonta Magaalooyinka badan oo ay ka mid yihiin Abu-bay,Hargeysa,wax aanay Shirkadu wakiillo ku leedahay wadamada USA, Canada,UK,Sweden,Den mark Iyo Dubia, iyada oo raali-gelinaysa macaamiisheeda dhinackasta. In dadka ka imanaya USA iyo Yurub ay toos u tagi-karaan Abu-Dabia, oo loo sameyn doono [Conection] diyaaraduna ay toos uga soo qaadi doonto Dubia oo ay keeni doonto Madaarka Berbera. Dayuuradan Cusub oo isku xidhi doonta Africa,Bariga Dhexe,Yurub iyo USA, waxay leedahay adeegyo casriyeysan [service] oo raali-gelin doona passenggers-ka,isla markaana ka duwan oo ka heer sareeya adeegyadii ay bixin jireen shirkadihii dayuuradaha ee wakhtigan dalka ka shaqeeya. Shirkadan Cusub ee Xorriya Airweys ayaa waxay ka danbeysay, kadib markii la ogaaday baahida ay dadka reer Somaliland u qabaan in helo Dayuurad Casri ah oo duulimaadyadooda la isku haleyn karo, iyo buuxinta tabashada rakaabka ee dhinaca adeegyada iyo waliba qiimaha lagu raaco dayuuradaha oo qaali ku noqday dadkii raacayey. Sida awgeed si ay shirkadu ugu daneyso dadka iyada oo ka faa'iideysanaysa dhibaatooyinka dadka ka heysta duulimaadyada, waxay garatay inay ka haqab-tirto sidii ay meesha uga saari lahayd dhibaatooyinka jira, isla markaana u ****oli lahayd baahiyahooga. Waxaanay si xidhiidh ah oo rasmiya ay u joogteyn doonta duulimaadyadeeda. Dayuuradan oo ah mid-weyn Casri ah waxay soo fadhiisan karta oo kaliya Garoonka diyaaraha ee Magaalada Berbera, oo ah garoon caalami ah oo ay fadhiisan karaan dayuuradaha noocan oo kale ah.inkasta oo aanay soo fadhiisan karin Madaarka Magaalada Hargeysa isaga oo yar aawadeed.
  16. Hargeysa(HWN):-Dayuu radii ugu horeysay ee nooceedu yahay Boeing 737 oo ah diyuuradaha loo-yaqaano Jet-ka oo ah nooca Rakaabka,oo ay ku bahoobeen mulkiilayaal reer Somaliland ah oo magaceeda la yidhaahdo Shirkada Diyaaradaha ee XORRIYA AIR-WEYS ayaa markii ugu horeysay duulimaadyo rasmi ah oo isku xidhi doona dalka gudihiisa iyo dibadiisa bilowday soona caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera 12-kii bishan May 2009. Diyaaradan oo ah dayuurad Casri ah waxay isaga kala gooshi doonta Magaalooyinka badan oo ay ka mid yihiin Abu-bay,Hargeysa,wax aanay Shirkadu wakiillo ku leedahay wadamada USA, Canada,UK,Sweden,Den mark Iyo Dubia, iyada oo raali-gelinaysa macaamiisheeda dhinackasta. In dadka ka imanaya USA iyo Yurub ay toos u tagi-karaan Abu-Dabia, oo loo sameyn doono [Conection] diyaaraduna ay toos uga soo qaadi doonto Dubia oo ay keeni doonto Madaarka Berbera. Dayuuradan Cusub oo isku xidhi doonta Africa,Bariga Dhexe,Yurub iyo USA, waxay leedahay adeegyo casriyeysan [service] oo raali-gelin doona passenggers-ka,isla markaana ka duwan oo ka heer sareeya adeegyadii ay bixin jireen shirkadihii dayuuradaha ee wakhtigan dalka ka shaqeeya. Shirkadan Cusub ee Xorriya Airweys ayaa waxay ka danbeysay, kadib markii la ogaaday baahida ay dadka reer Somaliland u qabaan in helo Dayuurad Casri ah oo duulimaadyadooda la isku haleyn karo, iyo buuxinta tabashada rakaabka ee dhinaca adeegyada iyo waliba qiimaha lagu raaco dayuuradaha oo qaali ku noqday dadkii raacayey. Sida awgeed si ay shirkadu ugu daneyso dadka iyada oo ka faa'iideysanaysa dhibaatooyinka dadka ka heysta duulimaadyada, waxay garatay inay ka haqab-tirto sidii ay meesha uga saari lahayd dhibaatooyinka jira, isla markaana u ****oli lahayd baahiyahooga. Waxaanay si xidhiidh ah oo rasmiya ay u joogteyn doonta duulimaadyadeeda. Dayuuradan oo ah mid-weyn Casri ah waxay soo fadhiisan karta oo kaliya Garoonka diyaaraha ee Magaalada Berbera, oo ah garoon caalami ah oo ay fadhiisan karaan dayuuradaha noocan oo kale ah.inkasta oo aanay soo fadhiisan karin Madaarka Magaalada Hargeysa isaga oo yar aawadeed.
  17. THE OWNER Who is from Tronto, Canada