Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Well, this happened this morning and no human casualties happened. This car accidentally flew in the air few meters and went into that place where they sell/rent Cars ,,,, we call it "Macrad" ...
  2. Can't sleep the whole day ..... maybe until 10 or 11am ,,, then u're idle sitting there doing nothing.
  3. I enjoy working during Ramadan ,,,,,, makes them time move faster.
  4. Xalay baan qaar is waydiinaynay ,,,,, Eritrea baa dadka ugu dambaysay ,,
  5. Ha dhaafin xudduuda noloshu leedahay Nolosha adduunka waxay caan ku tahay isbedbeddel iyo in lagu arko kolba wejinooc ah. Haddii aad u fiirsato arki maysid qof ku faraxsan noloshiisaoo dhan, saaxiibkaa, xaaskaaga, inankaaga, aabbahaa iyo hooyadaa haddayyihiin dad farxad badan mar uun ayaad arki kartaa iyaga oo ay dhacday wax niyadooda xumeeya. Haddaba marka aad aragto arrimaha noocaas ah hala yaabin hana dabagelin ee ku ilow wanaagyadii badnaa ee aad kutaqaanay. Illaahay S.W ayaa adduunka ugu talogalay iinuu u qaybsanaado laba arrimood oo iska soo horjeeda, kuwaas oo kala ah; khayr iyo shar,wanaag iyo xumaan, farxad iyo murugo. Si aynu tafaasiil dheeraad ah nolosha adduunka uga helno Nabigeenii N.N.K.H.A wuxuu yidhi; ''Adduunkaiyo waxa ku jiraaba way nacdalan yihiin marka laga reebo xuska Eebbeiyo wixii la xidhiidha iyo aqoonyahan iyo mid waxbaranaya. ''Xadiiskani wuxuu inoo iftiiminayaa in adduunka uu ku sifeysan yahay mid aan dhamaystirnayn, haddii qofka u nooli yahay mid isku dayaya inuu dhamaystiro qaybaha kala duwan ee noloshiisa waxa uu noqonayaa qof doorbidaya inuu ka gudbo xadkii Eebbe u dhigay nolosha adduunka. Haddaba waxa innala gudboon inaynu adduunka ugu noolaano si raaligelinaysa Eebbe oo ka kooban is cafin,isku soo dhawaansho, is ixtiraamid iyo isku dulqaaddasho.
  6. No u not ............... but everyone else disappeared ...
  7. Ciidamada oo ka baxay aagagii Madarshoon oo uu dagaalka ka dhacay waxaa saaka aroortoo ka soo baxay deegaanka madarshoon ciidamada dawlada puntland waxaana la sheegayaa in ay dhamaan ciidanka isugu soo urureen galgala gudaheeda lama garanayo sababta ka danbeesay in ay ka soo baxaan ,waxana lala xidhiidhinayaa xaalad dagaal , qaar kalena xaalad amaan ayey ku tirinayaan yadoo halkaa uu dhowaan qasaara baahsan ka soo gaadhay dawlada. bixitaanka ciidanka dawlada madarshoon ayaa imanaya xili ay dawlada puntland sheegaty aysan joojin doonin dagaalak ilaa ay soo afjaraan attam iyo ragiisa, sikastaba arimahaan oo dhan ayaa imnaya yadoo dhowaan dagaala cul culus ka dhaceen deeganadaa kuwaas oo dhexmarayey dawlada puntland iyo wadadka maxamed siciid attam,isla markaana ay yagu galgala isaga bxeen isagoo ku macneeyey xeelad dagaal, Dagaalkaana ayaa isna noqday mid ay hadal hayaan dhamaan warbaahinta caalamak iyo tan gudaa xili ay dawlaad puntland cabudhisay saxaafada xortaa yadoo ku eedaysay in aanay dhinaca yada ka soo horjeeda aanay war kaqaadi karin Dhahar online
  8. Bosaaso Mayd Lagu Muransanyahay ayaa Wali Yaal Magaalada Bosaaso ayaa xiisadi ka Ogan tahay ka Gadaal markii Saaka ay Nin Toogteen Ciimada PL Gaar ahaan kuwa la sheegay inay Ilaalo Gaar ah u Yihiin Wasiirka Amniga Yuusuf Axmed Khayr Ninkaasi la dilay ayaa la sheegay inay Boolisku sheegeen inuu ahaa Qas wadi Hase ahaatee waxa Arinkaasi Beeniyay oo iska Fogeeyay ehelkiisa. Laba Xabadood oo lagu Dhuftay Ninkaasi ayuu u Geeriyooday wax Yar uun Markii Nolol lagu Geeyay Rug Caafimaad oo Bosaaso ku Taala,Warar hada na soo gaadhaya ayaa sheegaya in aan wali la Aasin Ninkaais oo uu Yaalo Dhagax Maydka la dhigo ee Cisbitaalka Guud ee Bosaaso. Abshir Qodax Ducaale ayay diideen Odayaasha Sanaag, Galbeedka Bari iyo Hayland in la Aaso, Halka Dawlada PL sheegtay inay hayaan Ninkii Falkaasi Dilka Ah Fuliyay, Hase yeeshee Odayaasha ayaa Warkaasi Puntland ka soo Yeedhay Ku Tilmaamay mid aan iyaga u Cuntamin. War Hada soo dhacayna waxa uu sheegayaa in Odayaasha Beesha Sadexda Gobola ee aan Sheegnay ay Shir deg deg ah Hada Galeen kaasi oo aan wali War Cad Laga Soo Saarin
  9. Originally posted by Sayid*Somal: shalay lama soomaneyn miyaa? mise markii jihaad lagu jiro lama soomo? mise sawiradaan shalay lama qaadin? meel uun bay wax iska qaban la yihiin!
  10. Ilaahay ha u naxariisto .......... I can see it is getting ugly by the day ...
  11. Imika ma waxaad i leedahay bac madow ha ku qaadan Boosaaso .... ?
  12. Is it Haram to troll during Ramadan ?? ,,,, why this thread is dead then ??
  13. and Jidbaale Confirms this : Wararka aanu ka helayno buuhoodle waxay noo xaqiijiyeen dhamaan ciidamadii SSC ee ku sugnaa gobolka Cayn, waxay haatan u soo guureen degmada Dharkayn- geenyo, halkaasi ayeyna ku sugnaan doonaan, ilaa inta ay isu diyaarinayaan sidii ay gacan bir ah ugu qaban lahaayeen dhamaan deegamada gacanta ugu jira maamulka jabhada SNM. Sidoo kale waxay wararku intaasi ku darayaan madaxdii sare ee hogaanka SSC oo ay ka mid yihiin Dr Saleebaan Xaglotoosiye, ku xigeenkiisa, Baashe Cali Jaamac iyo Tamaad oo ay weheliyaan qaar ka mid ah madax dhaqameedyada sida Garaad Jaamac Garaad Cali iyo isimo. Waxaana la soo sheegay inay dhamaan madax dhaqameedyadan iyo hogaankuba ay uga sii gudbeen dhinaca degmada Saaxdheer, oo lagu wado maalmaha soo socda inay kulan wada xaajood ku yeeshaan.
  14. Agaasimihii Idaacada Horseed Media oo lugu Xukumay 6Sano oo Xariga ka dib Waraysi uu la yeeshay Shiikh Atam. Bosaso:-Habeenimadii xalay ayaa xabsiga loo taxaabay C/fataax Mire oo Agaasimaha Idaacada Horseed Mida ee Magaalada Bosaso Waxaana Saaka Aroornimadii ay ku xuntay Maxkamada Magaalada Bosaso Ciqaab 6Sano ah iyadoo aaney Jirin Cid u doodaysey Sufigan oo Xarigiisu ahaa Mid degdega. Maamulka Idaacadaasi ayaa siwayn u canbareyey Xariga Agaasimaha guud ee Idaacada Horseed waxaana Xusud mudan inaan Waraysiga idaacadu ahayn mid dhinac keliya ah ee ay Waraysiyo kala duwan lakala yeelatay Dhinaca Maamulka oo ay ka waraystay Wasiirka Amaanka Puntland Yusuf Axmed Khayr halka dhanka kooxda kalena ay waraysi kala yeelatay Shiikh Maxamed Siciid Atam. Cabdifutax Jamac Mire wax cod ah kama helin Dhinaca Warbaahinta iyo Maqraantiyo cad oo ku eedaynaya inuu samayey Fal u qalma xariga lugu xukumay ee gaarsiisan 6Sano iyo Weliba lacago madaxfurasho ah oo gaaraya $500 oo Dollerka Mareekanka ah ,Waxaana markii hore ka hor intaan Agaasimaha maxkamada la keenin hore xabsiga loogu guray qaar ka mida Weriyaashii idaacada horseed badankoodii.
  15. Very Interesting ........
  16. I'm just sitting here waiting for the Afur .... it will probably in 50 min or so ..... Will have spinach for Afur .............. Yummyyy
  17. It is never late sxb ,, as long as the need is there.
  18. Not at any cost niyow but we can host such conference in the Somaliland soil .... it has my 100% support as long as it does not interfere with the Somaliland Affairs.
  19. Niyow ha naga dambaajin ramadaantaa gashay ,,,,
  20. Ma dhabaa in Saylac lagu qabanayo shir Soomaaliyeed bilowga sanadka danbe? Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Somaliland ay gogol u dhigi doonto Soomaalida inteeda kale,arintaas oo wakhtiyadii ugu danbeeyey ay isla dhex marayeen Soomaalidu,ayaa waxa siyaasiyiin iyo waxgarad kaleba ay no sheegeen in ay jirto dhaqdhaqaaq ka socda dhinaca Somaliland,oo wakhtiga uu dhamaanayo wakhtigii loo doortay dawlada Sheekh Shariif la isugu imaan doono meel ka mid ah Somaliland. Shirkaas ayaa la sheegayaa in durba qabanqaabadiisii ay si hoose uga socoto Somaliland,oo madaxda sare ee ka socota Yurub,UN-ta iyo wadamada kale ee daneeya arimaha Soomaaliya,ay kulamo la yeelanayaan madaxda cusub ee Somaliland,iyadoo uu jirey wadahadalo iyo shirar uu Axmed Siilaanyo la yeeshay qaar ka mid ah madaxda sare ee Caalamka,oo uu ka mid yahay Maraykanku,wakhti uu booqasho halkaas ku tegey. Shirkaas ayaa sida la sheegay waxa Hargeysa u tegey madaxa UNDP ee Soomaaliya,iyo wakiil ka socda Yurub,kuwaas oo aan la faahfaahin ujeedada ay ula kulmeen madaxda sare ee Somaliland. Shirkaas ayaa waxa la tilmaamayaa inuu ka dhici karo magaalada qadiimka ah ee Saylac oo u dhow xadka Jabuuti,iyada oo arimaha shirkaasna ay iska kaashan doonaan Jabuuti iyo Somaliland,nabadgelyadana ay wada sugi doonaan,wufuuduna ay Jabuuti iyo Somalilandba ka soo degi doonaan. Shirkaas oo sida la qiyaasayo ay maalgelin doonto hay'ada UNDP ayaa ilaa 2000 oo teendho oo loogu tala galay shirka qaramada Midoobay la geeyey dhinaca Somaliland,iyada oo madaxweynaha cusub ee Somaliland lagu wado inuu noqdo ninka shirkaas hagi doona. Siyaasiga weyn ee Cali Khaiif Galaydh oo dhowaan saxaafada siiyey waraysi ayaa sheegay in ay haboon tahay in Somaliland gogol u dhigto Soomaalida inteeda kale,oo caasimada laga dhigo hargeysa.Waxaa isna hadalkaas dhowaan saxaafada u sheegay Cabdi Siciid Samatar oo sheegay inuu jiro qorshe shir lagu qabanyo Somaliland,iyadoo laga bilaabayo in la isu soo dhoweeyo Somaliland iyo Puntland,oo faroole iyo Siilaanyo la filayo inay xukuumada cusub ee Soomaaliya ay hogaamin doonaan,si ay si wadajir ah uga hortagaan xoogaga islaamiyiinta ah ee ka soo socda dhinaca koonfurta,iyada oo loo arkay in xoogaga keliya ee haday iska kaashadaan caabin kara xoogaga Alshabaab iyo islaamiyiinta kale ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee,waxaa jira guux weyn oo ka jira magaalooyinka Somaliland oo arimhaas khuseeya,iyadoo ay hadal hayntu isa soo tarayso. Madaxweynaha Muqdisho ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa waxaa wakhtigii la doortay uga hadhay 4 bilood oo keliya,iyada oo la filayo in aan dib loo dooran,oo la iclaamiyo shir weyne Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb geli doonaan dhamaan dadka Soomaaliyeed. Waxaan kala cadayn in shirkaas ay Somaliland u qaban doonto oo keliya Soomaalida koonfurta oo ay Puntland ka mid tahay,iyo in Somaliland laftigeedu qayb ka noqon doonto,arintaasoo Somaliland ku keeni karta khilaaf siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee Axmed Siilaanyo oo ah ruug cadaa siyaasi ah,oo 5 sano kadib marka uu wakhtigu ka dhamaado aan isu soo taagayn wakhti kale madaxtinimo ayaa dhici karta inuu hunguri ka galo Soomaaliya oo uu madaxweyne u noqdo,oo uu sidaas taariikhda ku galo isaga oo madaxweyne Soomaaliyeed ah. isku soo wada duuboo,waxaa hadii ay arintani sida la filayo ay u dhacdo ay isbedel weyn ku keeni karto arimaha murugsan ee Soomaaliya,oo ay hada xoogaga islaamiyiintu qarka u saaran yihiin inay la wareegaan dhamaan dalka oo dhan. Magaalada Saylac ayaa ah magaalo qadiim ah,oo ahayd caasimadii ugu horeysyey ee dadka Soomaaliyeed gumaystihii ka hor.