
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Amin Arts: Pirate Faroole + Junior (SSDF Mafia Style)
Jacaylbaro replied to Xudeedi's topic in Politics
Reminds me of the "Mini Me" ,,, -
Nin Sacuudi ah oo deggan magaalada Dammam ee dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa haweenaydii afada u ahayd la dhacay jeedal ama shaabuug kadib markii ay isticmaashay mobile-ka loo yaqaan BlackBerry. Haweenayda ayaa markaas kadib ka tagtay ninkii oo saldhig boolis tagtay iyada oo ka ashkatoonaysa in ninkeedu garaacay ama jeedal la dhacay, sidaas darteedna ay codsanayso in laga furo. Haweenaydan ayaa sheegtay in ninkeedu marar badan waxyeelo gaadhsiiyay isaga oo la dhacay walxo af fiiqan leh. Waxayna intaas ku dartay inay ka go'an tahay in laga furo ninkeeda. Haweenayda ayaa la keenay cusbitaal si loo daweeyo. Dhanka kale booliska ayaa la xidhiidhay saygeeda waxana uu u sheegay in xaaskiisu ka dhego adaygtay marar badan oo ay ku mashquushay isticmaalka mobile-ka BlackBerry. Booliska ayaa hadda kiiska gacanta ku haya, waxana uu wadaa baadhitaan qoto dheer. Dalka Sucuudiga ayaa bishan bilaabay inuu mamnuuco adeegga fariin qoraaleedka mobile-ke BlackBerry, isaga oo ku dhaleeceeyey in xukuumaddu aanay la socon karin waxa laysu dirayo oo si dhib yar kombiyuutarada kale ee adduunka loogu gudbin karo. Sidoo kale dalka isutagga Imaaraadka Carabta ayaa bisha Oktoobar ee soo socota xidhaysa adeeggan. BlackBerry shirkadda samaysa waxa leh nin reer Kanada ah, waxana maalmahan u dambeeyey isa soo tarayay hanjabaado dalal badan oo adduunka ah ka imanayay sida Faransiiska, Sucuudiga, Imaaraadka iyo kuwo kaleba, taas oo ku saabsan in gebi ahaanba dalalkaas laga mamnuucayo isticmaalka BlackBerry waa haddii aanay shirakadda samaysaa ogolaanin in dawladuhu iyo shirkada isgaadhsiintu ay dhexgeli karaan macluumaadka lays dhaafsanayo. Waxa dalalkaasi welwel ka qabaaan in fariimaha iyo macluumaadka laysugu diro mobilekan iyo Internetku ee aan lala soconi ay yihiin kuwo khatar wayn ku ah amniga iyo dhaqamada dalalkaas. Ku dhowaad 500,000 qof ayaa isticmaala BlackBerry dalka Sucuudiga halka 400,000 ay ka isticmaalaan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Qoysas badan ayaa ku kala tegay adeegsiga teknoolijiyadda casriga ah sida internetka, mobileda , TV-yada iwm, waxana maalinba maalinta ka danbaysa soo ifbaxaya dhibaatada qalabkaasi u leeyahay wadajirka iyo jiritaanka qoysaska.
-
Sawirka Maanta: Goormaa kuugu Danbaysay inaad Adhi Raacdo?
Jacaylbaro replied to Land_Soldier's topic in General
Soo kexee ,, anigaa ka hor odhane ,,,, -
Sawirka Maanta: Goormaa kuugu Danbaysay inaad Adhi Raacdo?
Jacaylbaro replied to Land_Soldier's topic in General
Adhi iyo Geel labadaba waan raacay but not for a long ..... As per the above picture ....... it is disgusting ,,, really disgusting. He should've changed the dress if he was going inuu adhi raaco .... Look at his big belly ... the way he is looking at the adhiga ,,,, siduu futada u taagayo and all that sh!t ........... -
Morning CL ........... what brings u here so early ??
-
Acuudu Billaahi Mina Shaydaani Rajiim ...........
-
Kids are always blessing .............. Morning peeps ...... I'm so sleepy that i pretended to be having a meeting, locked my door & got 10 minutes nap .... Now i'm fully functioning ..........
-
Waar ninkan wax fahan dheh ,,,,, jaanjaan fooqal jaanjaanka ah ,,,
-
I'm smelling something here ,,,, Tuujiye ,, wax fahan niyow ,,,
-
Poliska Togdheer Oo Guryaha Ka Badhey Dad lala Xidhidhiyey Shek ATAM Booliska oo guri-guri u baadhay xaafadaha Burco, ujeeddada hawlgalkooda & weedha masuuliyiinta “Waxa jira rag xidhiidh la leh kooxaha rabshadaha ka wada wadamada aynu xuduudka la leenahay oo…” Hoggaanka Booliska Togdheer - Ciidamada amaanka ee gobolka Togdheer, ayaa hawlgal baadhis ah ka fuliyay guryo ku yaala inta badan xaafaddaha magaalada Burco ee xarunta gobolkaas. Sida uu Wargeyska Ogaal u xaqiijiyay hoggaanka Booliska gobolka Togdheer Mr. Cabdiraxmaan Axmed Liibaan (Cabdiraxmaan Fooxle), hawlgalkaas waxa ka qaybqaatay boqolaal ka tirsan ciidanka amaanka, kuwaasoo ku hawlanaayeen saddexdii habeen ee u dambeeyay. “Waxa jira rag xidhiidh la leh kooxaha rabshadaha ka wada wadamada aynu xuduudka la leenahay sida Soomaaliya iyo maamul-gobolleedka Puntland oo soo galay magaalada (Burco), kuwaasoo horena inaga dhaawacyo inoo gaadhsiiyay. Markaa hawlgalo balaadhan ayay ciidamada amnigu ka fuliyeen xaafadaha magaalada,” ayuu yidhi Taliyaha oo u waramay weriyaha Wargeyska Ogaal ee magaalada Burco Mr, Mahad Faarax. “Waxaanu baadhnay guryo tiradoodu gaadhayaan sideed guri, baadhistiina way socotaa, markaa cid aanu qabanay oo aan hadda kuu sheegi karaa ma jirto, maadaama ay baadhistii socoto,” ayuu raaciyay Cabdiraxmaan-Fooxle. Taliyuhu waxa uu sheegay in goobahaa ay baadheen ay ku tuhmeen raadad ay daba joogaan, isla markaana uu hawlgalkani la xidhiidho mid lagu sugayo amaanka magaaladaas. Hoggaanka Booliska ee Togdheer waxa uu dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco u soo jeediyay inay Booliska kala shaqeeyaan arrimaha lagu xoojinayo nabadgalyada. Sidoo kale, waxa uu dadweynaha u soo jeediyay in fiiro gaar ah u yeeshaan dadka ay guryaha ka kiraynayaan, isla markaana wixii ay ka shakiyaan la soo socodsiiyaan ciidanka Booliska. Maaha markii u horaysay ee ciidamada Booliska Burco ay hawlgalo la xidhiidha adkaynta amaanka ka fuliyaan magaaladaas, iyadoo ay dhawr jeer oo hore hawlgalo ay fuliyeen ku soo qabteen rag falal amaan-darro lagu tuhmay. Ciidanka Booliska Burco waxay 10/06/2010 hawlgal baadhis ah ka fuliyeen guri ku yaala magaaladaas oo sida la sheegay ay degenaayeen niman lala xidhiidhiyay kooxda Al-Shabaab ee dagaalka ka wada Soomaaliya, iyadoo hawlgalkaas oo iska horimaad hubaysan sababay uu ku dhintay sarkaal ciidanka ka tirsanaa, isla markaana ay ku dhaawacmeen laba Taliye oo kala haystay qaybta Booliska Bariga Burco iyo saldhiga dhexe ee Booliska magaaladaas. Source: ogaal
-
This thread is about Galgala not about Siilaanyo ....
-
Illaahada Madaxtooyada Puntland oo Sagaal Maxbuus ku Toogtay Duleedka Galgala Boosaaso (Jidbaale.com)Ciidanka khaaska ah ee ilaalada madaxtooyada Puntland ee uu taliyaha ka yahay ninka Faroole adeerka u yahay ee lagu magacaabo Ina faraweyne ayaa maanta dil toogasho ah ku dilay sagaal maxbuus oo hore looga qabtay ciidamada deegaanka Galgal ee hogaamiyo Sh Atam Arintan ayaa waxay ku keentay gadood iyo kala bax maleeshiyaadkii Faroole oo isugu jiray qabaa`ilo kala duwan. Taas oo markii danbe keentay in lagu kala dareereo goobihii difaaca ay kaga jireen. Qas iyo jaah wareer ku baahay maleeshiyaadkii faroole ka dib, ayaa waxaa goobtii yimi Cabdisamed Cali Shire oo isku dayay inuu dejiyo xaalada kacsan isagoo maleeshiyaadkii gadooday u sheegay in waajibaadka saarani ahaa inay wax ka laayaan maxaabiista. “Argagaxiso arxan inagama dhexeeyo.” Ayuu yidhi isagoo hadalkiisii sii wata. Waxaa jira warar iska daba imanaya oo sheegaya in maleeshiyaadkii ka cadhooday maxaabiista soomanayd ee duhurka rasaasta lagu jarjaray ay wadada laamiga u soo qaadeen dhinaca galbeed iyadoo aan ilaa iyo hada la ogayn halka ay ku abaaranyihiin, halka kuwii dilka gesytay iyaga laftoodu u soo xidhxidhanyihiin dhanka Garoowe. Maaha markii ugu horeysay ee maleeshiyaadka Faroole dil u geystaan maxbuus gacantooda ku jira, waxaa dhacday intii uu socday dagaalka Galgala in nin lagu magacaabo Jaamac Ducaale la sheegay in Dhakhtarka gudidhiisa lagu dhaawac tiray. Arintan ayaa ah mid argagax gelisay dhamaan umada Somaliyeed oo aanay dhaqan iyo caado u ahayn in la dilo qof maxbuus ah.
-
Has Atam fled to Mogadishu? + fleeing supporters reach Burco
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
You Wish ........... -
....................