Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. I think what happened in Kenya is not compared to what is happening in Somalia at all. It is out of hand and far far away from what one can record in such tools.
  2. Hal qof ayaa ku dhintay Toban kalena waa ay ku dhaawacmeen markii maanta dagaal culus oo la isku adeegsaday qoryaha waaweyn iyo kuwa yar yar uu ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada booliiska iyo kooxo maliishiyo beeleed ah. Iska hor imaadka ayaa dhacay markii saaka waaberigii ay ciidamada booliiska hareeyeen guri ku yaala magaalada Boosaaso, la tuhunsanaa inay ku jiraan koox ka danbeysay afduub dhawaan ka dhacay magaaladaasi. Dagaalka oo socda muddo saacado ah ayaa lagu waramayaa inuu saameeyay magaalada Boosaaso, gaar ahaan waddooyinka iyo goobaha ganacsiga oo albaabada loo laabay. Qofka dhintay ayaa ka tirsanaa dhinaca maliishiyada, iyadoo ay afar kale ay ka dhaawacmeen, halka dhinaca booliiskana laga dhaawacay lix qofood. BBC
  3. Ciidamo ka socda Booliska Puntland ayaa saakey isku gadaamey gurri magaalada Bosaso kaga yaala xaafada Biyo-kulule halkaas oo lagu sheegey in ay ku sugan yihiin kooxo lagu sheegey in ay ka tiran yihiin burcadii dhowaan afduubyada kala duwan ka gaysatey magaalada Bosaso. Wararka ka imaanaya goobtaas oo weli hordhac ayaa xusaya in ciidanka Boolisku uu halkas kala kulmey iska caabin xoogan kadib markii kooxihii lagu tuhmayey afdubyada Bosaso ka dhacey tageero ka heleen shacabkii ku nolaa xafada Biyo-kulule. Xaafada Biyo-Kulule oo ku taal barriga magaalada Bosaso ayaa waxaa dadweynaha daga ku gooyeen dhagxaan wadooyinka soo gala dhamaantood. Wararka ayaa shegaya in ciidanka Boliska dib uga soo gurteen xaafadas iyo saldhigka Booliska Biyo-kulule iyada oo rasaastu hada qabowdey. Ciiadamada Booliska ayaa la filayaa in rogaal celis dib ugu noqodaan xaafdaas iyada oo warar Garowe Online heleyso xusayaan in ciidamo xoojin ah laga keeney dekada, saldhigayada kale ee magaalada iyo garoonka diyaaradaha Bosaso. Xogogaal GO la hadashay ayaa sheegey in ay jirto cabsi ah in dagaalku noqdo mid beleed madama kooxaha fal dambeeyada ka geysta Somalia tageero ka helaan qabaa'ilkooda. Khasaaraha ayaa ilaa hadda lagu sheegayaa in sadex qof ka dhimatey kooxihii rasasta kala horyimid Booliska Puntland halka ciidamada amaanka ka dhaawacmeen shan qof kuwaas oo hada lagu daaweynayo Isbitalada. Wax war ah weli kama soo bixin ciidanka Booliska Puntland iyo madaxda sare ee maamulka iyada oo hada socdaan rasaas goos goos ah. Maamul goboleedka Puntland ayaa saxaafada xorta ah iyo dadweynaha Puntland horey ugu eedeeyeen sida aysan talaabo uga qaadin kooxaha afduubka ka geysanaya berriga iyo badda gobolkaas. garoweonline
  4. I think Zenobia is prepared for one of those posts ,,,, lol I would ask Ghanima too but too bad ,, she doesn't speak Arabic
  5. Boosaaso(AllPuntland)- Ciidamada dowlad Puntland ayaa saaka weerar xoogan waxa ay ku qaadeen sida ay wararku sheegayaan Guri kuyaala Bartamaha Magaalada Boosaaso ,isagoo gurigaasi looga shakisanaa in ay ku jiraan xubno ka mid ah Kooxihii dhawaan Afduubtay Shaqaale Samafal ahaa. Ciidamada amaanka ayaa la kulmay Iskacaabin xoog leh ayadoo wali ay Magaalada ka socoto rasaas laga maqlayo guud ahaan Magaalada Boosaaso ,inkastoo ay soo baxayaan Khasaarooyin ay geysteen dagaaladaasi ,kana danbeysay markii ay rasaasta aad ukululaatey. Warar Madax banaan oo laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay ciidamada amaanka halkaasi hada ka bilaabeen uadeegsiga qoryaha gaadiidka dagaalka saaran ,ayadoo ay dhawaacmeen qaar ka mid ah ciidamada amaanka ee xukuumada Puntland. Wararku waxa ay sheegayaan in ay ciidamada amaanka hada ,goobta aad isugutageen walina ay dhaceyso rasaasta ka dhacaysa qoryaha waa weyn,balse dadka deegaanka ayaa ka gaabsanaya in ay tafaasiil dheeraad ah ka bixiyaan waxyaabaha sababay dagaalada ka dhacaya maanta Boosaaso.
  6. UPDATE Sidaanhore idiinku soo gudbinay dagaal aad u xoog badan ayaa saaka ka bilowday magaalada xeebta ah ee boosaaso dagaal kaas oo aanu goor dhowayd helnay tirade dhimashada iyo dhaawaca uu gaystay ............... Dagaalka Saaka oo bilowday ka dib markii ciiidamada Booliiska Puntland ay weerareen guri ay ku jireen koox saraakiisha booliisku ku sheegeen inay ka danbaysay afduubyada isdaba jooga ah ee ka dhacay Puntland ayaa sababay dhimashada 2 askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska iyo 1 qof oo ka tirsan maleeshiyada ka soo horjeeday, sidoo kale waxaa dagaalkaasi naftiisa ku waayey hal qof oo rayid ah.. Dagaalka Saaka ka dhacay boosaaso ayaa waxaa ku dhaawacmay inta ilaa hada la og yahay 5 qof oo rayid ah kuwaas oo dhamaantood la dhigay cusbataalka magaalada Boosaaso , dhaawacyada qaarkood ayaa lagu soo waramayaa inay culusyihiin,.. Dhinacakale waxaa hada ka socda magaalada boosaaso Mudaharaad rabshado wata oo lagaga soo horjeeda xukuumada Madaxwayne Cadde muuse ,rabshadahaas oo sababay in dab la qabadsiiyo gaadhi Tikniko ah oo ay leeyihiin ciidamada booliiska dowlad goboledka Puntland kaas oo taayir ka banjaray kadibna ay gubeen dadwayne cadhaysan .. Dagaalka ayaa hada joogsaday wallow rasaas goos goosa ay ka dhacaysa daafaha magaalada , guud ahaan xaalada magaalada Boosaaso ayaa kacsan waxaana is taagay dhaqdhaqaaqa ganacsiga saaka qaarkii markii uu dagaalku bilowday waxaase dib loo furay salaada duhur ka dib . Afnugaal
  7. Rasaas aad u xoog badan ayaa hadeer ka socota gudaha magaalada Boosaaso ee Maamul goboleedka Puntland taas oo si weyn looga dareemaya guud ahaan magaalada …. Rasaasta ayaa bilaabatay ka dib markii ciidamada Booliisku isku wareejiyeen guri ku yaala dhinaca bari ee magaalada boosaaso halkaas oo la sheegay inuu ku jiro mid ka mid ah afduubayaashii shaqaalaha hay’ada MSF spian , waxaana booliiska dagaal kala horyimid maleeshiyo beeleed ay isku hayb yihiin ninka booliisku doonayaan.. Afhayeen u hadlay ciidamada Booliiska Puntland ayaa sheegay inay garaaci doonaan gurigaasi hadii aysan isa soo dhiibin maleeshiyada ku jirta guriga . ciidamada Booliiska Puntland ayaa ku gacan saydhay saaka waxgarad isku deyey inay habnabad gelyo xaalada ku dhameeyaan ka hor intii aanay xabadu bilaaban . Dhaawacyo aanan wali tiradooda la ogaan ayaa la keenay cusbataalka magaalada Boosaaso mana jiraan ilaa hada wax dhimasho ah oo la soo sheegay wallow xabadu socoto oo ay adagtahay in la ogaado dhimashadu inta ay tahay .. Magaalada boosaaso ayaa beryahan noqotay magaalada ugu amaanka xun dowlad goboleedka Puntland taas oo dadka boosaaso ay u sababeeyeen maamul xumida xukuumada Gen: Cadde Muuse oo hada umuuqata mid gees martay dhamaanba waxyaalihii ay shiicibka Puntland u doorteen oo ay ugu horaysay waxka qabashada Amaan xumda gobolada Puntland iyo sugida xuduudaha Beelaha Puntland .. afnugaal.com
  8. Yeah ,, that is the aim of those actions ,,, once you do them in a boring party then in no time you'll see everything has turned into a FUN.
  9. Now stop all that bulllshhittt and send me some money via Dahabshiil ...... u can even use Qaran
  10. Jan 08 2008 (Somaliland Net) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Maanta waxa House of Lords ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Africa, Asia, UIN-ta iyo Arrimaha Debedda iyo Ururka Barwaaqo Sooranka Mr. Lord Malloch Brown, Minister for Africa, Asia and the UN, Foreign and Commonwealth Office, Wasiirka oo ay weheliyeen xubno sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Ingiriiska waxay Madaxweynaha iyo weftigiisa, ka wada hadleen Xaalada Somaliland ee imika, isagoo Wasiirku u sheegay Madaxweynaha in uu Somaliland ka warqabo waxa u qabsoomay iyo halka laga soo qaaday, taasina ay tahay mid lagu faano oo mucjiso ah, taasi oo cid walibana ay ugu hayso ixtiraam. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Wasiirka iyo Masuuliyiinta uga mahaceliyey soo dhaweynta fiican ee loo fidiyey taasi oo ay ka sinnaayeen min Safaaradda Addis Ababa illaa iyo Home Office-ku. Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay ka wada hadleen, wixii ka qabsoomay kullamadii uu Madaxweynuhu sannadkii hore la yeeshey, Lord-kii ka horreey ee Lord Treisman, taasi oo Wasiirku u sheegay Madaxweynaha in wax qabsoomeen, wax kaloo badanina ay qabsoomi doonaan, Mustaqbalka dhaw. Kullankaasi oo Madaxweynaha ay kala qayb galeen, dhammaan Weftiga la socday iyo Safiirka Cusub ee Somaliland u fadhiya, Ingiriiska, Mr. Aadan Muse Jibriil, Safiirka ( Ambassador at Large) Mudane, Maxamed Aar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xafiiska Somaliland ee UK. Waxa kaloo shalay Madaxweynuhu ku qaabilay Hudheelka uu deggan yahay, Xubno fara badan oo ka socda Axsaabta kala duwan, ee Dalka, kuwaasi oo ka mid ahaayeen, Xubno ka socda Xisbiyada Qaranka JSL. Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland Source: somalilandnet.com
  11. You better visit their website and see how they call those Somalis as MURTADIIN (means coverted ppl) ,,,,,,,,,, I don't think they'll do that ,,,,,,,,,,,,,,, it is at least too late.
  12. Laascanood (Qaran)-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay dibuhabayn ku socotay Guriga Gobolka Dawlada Hoose iyo Maxkamada Gobolka,dibuhabayntaa oo ay bixisay Dawlada Somaliland kadib markii ay la wareegtay gacan ku hanyta Gobolka Sool kalana wareegtay maamulka Puntland. Dibuhabaynta lagu samaynayay goobaha Dawlada ayaa keentay kadib markii maamulka Somaliland uu bixiyay dhawr mashruuc oo wax lagaga badalayo qaabka xafiisyada Dawlada ee kuyaal magaalada Laascaanood kuwaas oo ahaa kuwo aad u dayacan. Axmed Cabdi Timir oo ahaa gadhwadeenka hawsha mashruuca dibuhabaynta Guriga Gobolka Sool kana mid ah ganacsata Gobolka oo aan la kulanay ayaa waxaan wax ka waydiinay sida ay hawshu ku bilaabatay iyo cidda mashruucan sida tooska u fangaranaysay?. Hadaba Axmed oo su’aashaa ka jawaabayaa ayaa waxa uu yiri waxa aan kamid ahaa shaqsiyaad ganacsato ah kuwaas oo lagu kala magacaabay dhawr mashruuc oo wax looga kala qabanayo xafiisada Dawlada ee ku yaal magaalada Laascaanood kuwaas oo dayactir iyo dibu habayntoona aan helin tan iyo Dawladii dhexe ee dalka waxaana mashruucan bixiyay Dawlada Somaliland ee maaha mid hay’ado bixiyeen. Hadaba goobaha dawlada oo horey u ahaa meel marka aad aragto aadan maankaaga uusan kusoo dhacayn waa xarun dawlaeed oo teetal sare leh oo ahayd meel si wayn uburburswanayd waxna uusan ka qaban maamulka Puntland intii uu gacanta ku hayay Gobolka ayaa hadda waxa ay umuuqataa meel lagu tilmaami karo xafiis Dawladeed oo wax wayna laga qabtay walina uu hadda socdoto hawsheedii. Qarannews Laascanood Somaliland
  13. Boosaaso(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay Xukuumada Puntland uogolaatay Ganacsatada Magaalda Boosaaso in ay sameystaan Ciidamo ugaar ah. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo ay dalabkaan ujeediyeen ganacsatada Magaalada Boosaaso,ayaa la xaqiijiyey in uu ka aqbalay ,isagoo amray in ay sameystaan ciidamo gaaraya 300 oo ugaar ah iyo 10 Baabuur oo kuwa dagaalka ah. Ogolaanshaha Madaxweynaha Puntland ee warkan ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah Ilo ku dhow dhow ,ayagoo ganacsatadu habeenkii xalay ahaa shir ku yeesheen Hotel-ka Huruuse ee magaalada Boosaaso. Madaxweynaha Puntland ayaa talaabadan qaaday markii ay la kulmeen Ganacsatadu ,isla markaana ay sheegeen in ay ayaga loo daayo sugitaanka amaankooda ,inkastoo aysan jirin cid ka mid ah talisyada ciidamada Booliska oo ka hadlay. Warka ayaa sheegaya in ay Ganacsatadu arintan ku dhaqaaqday ,ka dib markii ay soo baxeen dhawaan Afduubyo lugula kacay qaar ka mid ah Shaqaalaha Samafalka ee jooga deegaanada Puntland iyo halka Wariyad lugu weeraray magaalada Gaalkacyo iyo mid lugu qafaashay Magaalada Boosaaso. Talaabadan lasheegay in uu qaaday Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cadde Muuse) ayaa ku soo beegmaysa ayadoo bilihii ugu danbeeyey uu sii xumaanayay amaanka dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ,isla markaana ay dhaliilo Xukuumada Cadde uga imaanayeen Dadweynaha Reer Puntland. Xigasho: Radio Gaalkacyo Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  14. Madaxwaynaha maamulka Puntland ee Somalia ayaa waxa uu ka ogolaaday dalab kaga yimi ganacsatada reer Boosaaso inay samaystaan ciidamo ugaar ah kuwaas oo suga doona amaankooda iyo hantidooda kana madax banaan maamulka Puntland. Dalabkan ay ciidamada ku dalbanayaan ganacsatada reer Boosaaso ayaa yimi kadib markii ay u baqeen naftooda iyo hantidooda ayna soo wajahday amaan xumo ka taagan Gobolka Bari iyo Guud ahaan maamulka Puntland taas oo wax wayn ka badashay dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo socdaal ee Gobolka. Gen: Cadde Muuse oo ah madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu ka ogolaaday ganacsatada dalab ay si wada jir ah ugu soo gudbiyeen waxaana uu sheegay inay samaystaan ciidamo gaadhaya 300 oo askari iyo toban tikniko ah. Ganacsatada Gobolka Barri bayaan kasoo baxay ayaa waxa ay ku sheegeen in madaxwaynaha maamulka Puntland uu ugolaaday inay samaystaan ciidamo ugaar ah kuwaas oo si toos ah uga amar qaadanaya ganacsatada iyadoo dhanka kalena ilaa hadda aysan kahadlin arinkaasi saraakiisha Police-ka Puntland ee amaanka Gobolka qaabilsan. Hadaba arintan uu madaxwaynaha maamulka Puntland uu usameeyay ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa waxa ay muujinaysaa itaal darida maamulka Puntland ee marba marka ka danbaysa sii kordhaysa taas oo hadda gaadhay in maamulku uusan waxba ka qaban karin amaanka gudaha Gobolada uu ka arimiyo iyadoo Gobolka Barina uu yahay xarunta Ganacsiga Puntland uuna maamulku si wayn diirada usaaro dhaqaalada kasoo baxa Gobolkaasi wallow uu diirada saari la’ yahay amaanka. Afnugaal News Desk
  15. Cuqdadda iska saar sxb ,,,,,,,,, No one is happy of what is happening in Muqdisho as they are Muslims first and Somalis second.
  16. Maamulka Soomaaliland aaya qarka u saaran in bilooyinka Soo socda la aqoonsado kadib markii Rasul wasaaraha dalka England uu maanta si qali furan ugu soo dhaweyay Baarlamaanka English ka taasoo muujinaysa wada shaqayn ka wada dhaxaysa labada Maamul ee kala ah Soomaaliland iyo Dowladda English ka iyo in uu aqoonsi u soo dag dago maadaama oo sii wanaagsan loo soo dhaweeyay lana yeeshay shir albaabada u xian yahay Labada Masuul ee kala Hogaamiya Dowladda England iyo Madaxwaynaha Somaaliland Ayaa ka wada hadlay sida loo aqooon san lahaa Dowladda Soomaaliland maadaama ay ka shaqeesay nabadda ay soo celisayne nidaamkii dowliga ahaa Wafdiga Madaxwaynaha Daair Riyaale kaahin ayaa booqan doona maalmaha soo socda Cariga Dalka Maeekanka taasoo U muuqata in aqoonsi lala goob goobayo Maamulka Soomaaliland Saxaafadda Reer Galbeedka ayaa maal mahaan hadal haynta ugu badan ayaa ah Hormarka ay gaareen Maamulka Soomaaliland iyo waliba sida ay xiligaan ugu qalmaan in loo Aqoonsado dowladda Madax banaan Kulanka Baalamaanka ingliishka ay la yeesheen Wagdigii oo hogaaminayay Madaxwaynaha Soomaaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa ku dhamaday Guul Taasoo ah Guul u soo hoyatay Shacabka reer Somaaliland. Taasi ayaa ah Niyad Jab aad u xoogan oo soo waajahday Madawayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo xiligaan xanuun la tacaalaya isbitaal ku yaala Dalka Egland Halka Wafdiga Soomaaliland oo Hogaaminaya Madaxwayne Riyaale lagu soo dhaweeyay Qasriga Koowaad oo leeyahay Baarlamaanka Dalka England Source Dayniile
  17. adigu maxaad ka qabanaysaa ..........