-
Content Count
17,649 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Shush, dhiiga ha isku kicin, widaay. Xasan Socdaal meelna ma gaaraayo and he already failed terribly. -
"Soomaali heshiis ah." Waqooyi, bari, bartamaha iyo koonfur colaado iyo dagaalo xun ayaa ka taagan. And Sheekh Shariif openly mobilizing opposition figures into an umbrella. This all within one year of this dowlad masuqa miiran. Xasan Socdaal, what miserable failure.
-
Feysal Dhurwaa: Waraabe oo si adag uga jawaabay hadalkii Deni – “Waa inoo Garoowe” Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga jawaabay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aysan marnaba kasoo bixi doonin Laascaanood, taasi oo ugu baaqay Deni, si ay u kala badbaadan. Waraabe oo ka jawaabaya hadalkii Deni ee ahaa “Somaliland ciidankeeda haka qaado Laascaanood,” ayaa sheegay in ciidankooda aan la qaadayn in ay sii socdaan mooyee, sid uu hadalka u dhigay. “Saciid Deni ciidamada ka qaada ayuu yidhi Laascaanood, ka qaadi maynee balanteenu waa Yoocada, hadad joogi waydana waa inoo Garoowe,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe. Deni ayuu sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in dhibaatada Laascaanood ka dhacday uu masuul ka yahay, islamarkaana madaxweynaha Puntland uu Laascaanood ka barakaciyay dadkeedii. “Laascaanood waa ka nolol fiicnayd Garoowe iyo Boosaaso, laakiin (Deni) ayaa dadkeedii barakiciyay,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Ugu dambeyntiina waxa uu dadka reer Laascaanood ugu baaqay inay nabada qaataan, isaga oo sheegay in aanay jirin faa’iido ay dadka Laascaanood ka heli karaan maamulka Puntland, oo si weyn isku hayaan xukuumadda Somaliland. Deni ayaa shalay ku goodiyay haddii ay Somaliland ka dhaga fureysato baaqaas ay si toos ah ula safan doonaan ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo ee ku sugan magaaladaasi. “Dowladda Puntland waxay si aan qarsoodi lahayn u garab-istaagi doontaa shacabka reer SSC haddii maamulka Muuse Biixi Cabdi uu ka dhega-fureysto baaqyadda Golaha Ammaanka iyo inta nabada jecel oo ah in uu ciidamadiisa kala baxo magaalada Laascaanood” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo dul qaadan karin dhibaato u sheegay in Somaliland ay ku heyso dadka reer Laadcaanood. Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana ciidamada labada ay haatan isku horfdhiyaan duleedka magaalada , gaar ahaan aagga dhaanka xerada Goojacadde. Xigasho
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Blatant masuqmaasuq using bogus job titles. What kind of shaqo is this? Waa yaab. Walee maxaa lacag lagu cuno la rabaa abaaraha lagu qaraabanaayo. Qof walba in kii 30/30 sidiisa oo kale noqdo rabaa. -
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
-
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Local odey dhaqameed hadlay: -
Former Somaliland Speaker Abdirizak Khaliif’s Full Speech
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Maanta: Koow, koow, koow. Siyaasad Soomaaliya! -
Mahdi Guuleed: Muuse Biixi wuxuu yidhi ma jirto meel Soomaali ku kala tagi karto Raysal Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa madaxweynaha Somaliland usoo jeediyay eedo ay kamid yihiin in uu aqbalay in Somaliland la midowdo Soomaaliya iyo in uu codsaday in lacagtii suuqa Waaheen akown gaar ah loogu shubo. Mahdi Guuleed oo hada ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in kadib markii uu ku guulaystay doorashadii 2017, uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in loo baahanyahay in midnimadii lasoo celiyo. "Waxa uu ku yidhi Soomaali way gumowday, waxaynu u baahanahay in aynu Soomaali daba qabano, ma jirto meel ay Soomaali ku kala tagi kartaa" ayuu yidhi Xildhibaan Mahdi Guuleed oo waraysi gaar ah siiyay MMTV. Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu yahay shakhsi maalinta ay xaaladu ku adagtahayna soo wici jiray Madaxweyne Farmaajo, oo uga sheekayn jiray Soomaali jacayl, marka ay arrimuhu iskugu toosanyihiina aan cidna aqoon. Waxa uu Biixi ku eedeeyay in kulan uu Addisababa kula yeeshay Farmaajo uu wax walba ku ogolaaday, sida in dib loo midoobo oo madaxweynaha Soomaaliya Somaliland la siiyo, isaga oo sheegay in Raysal Wasaare Abiye uu Madaxweyne Biixi u sheegay in anay jirin cid Somaliland aqoonsanaysa. Waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu sabab u ahaa dagaalka Laascaanood oo aanu siin fursad lagaga heshiiyo intii garaadada iyo siyaasiyiinta deegaankaasi ay wadahadalka ogolaayeen, isla markaana aanu rabin in uu doorasho qabto. Waxa kale oo uu ku eedeeyay Madaxweyne Biixi in uu codsaday in lacagtii dowlada Soomaaliya iyo ganacsatadu ku caawiyeen gubashadii suuqa Waaheen, loogu shubo akown shakhsi ah. Wali xukuumada Somaliland wax jawaab ah kama bixin eedaha uu xildhibaanku usoo jeediyay Madaxweyne Biixi. Xigasho
-
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
-
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
-
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
-
Diyaarad sidday maamulka cusub ee gobolka Gedo oo laga soo celiyay Garbahaarey Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaarado ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliyaa, kuna sii jeeday gobolkaas laga soo celiyay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah Gedo. Diyaaradaha oo labo ahaa ayaa mid kamid ah waxa ay waday mas’uuliyiinta maamulka cusub ee uu dhowaan madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe u magacaabay gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in labada diyaaradood ay is hortaag ku sameeyeen mas’uuliyiintii horay ugu sugnaa gobolka oo kaasnahaya dadka deegaanka ee weli diidan Jubbaland. Labada diyaaradood ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku soo laabteen gudaha magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka baxeen, maadaama dib loo soo celiyay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshaha mas’uuliyiintan lagu geynayay Gedo ay qayb ka aheyd dowladda federaalka, balse haatan lagu guul darreystay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya labada dhinac oo ku aadan is hortaagga lagu sameeyay mas’uuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Gedo. Dhowaan ayaa Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay Gedo, taas oo uga sii dartay xiisaddi horay uga taagneyd gobolkaasi. Guddoomiyaha gobolka ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Si kastaba, arrinta gobolka Gedo ayaa u muuqato mid kasii dareysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama ay haatan xiisadda sii xoogeysatay.
-
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Xildhibaano ka soo jeeda KG oo war culus ka soo saaray dagaalkii Baraawe Xildhibaanada iyo senatorrada ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay xiisadda ka taagan magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaas. Baraawe, waxaa ka taagan xiisad culus oo qaraxday gelinkii dambe ee shalay, kadib markii ay gudaha magaalada ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan militeriga Soomaaliya iyo daraawiishta Koonfur Galbeed. Xildhibaanada laga soo doorto deegaanada K/Galbeed ayaa eedeyn culus u jeediyey ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala magaaladaas, iyagoo sheegay in 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay shacabka reer Baraawe dhibane u yihiin ciidankaas militeriga ah. “Weerarkii shalay ay madaxtooyada K/Galbeed ku qaadeen ciidanka SNA, waxaa masuuliyadiisa qaadaya taliyaha ciidankaas Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, wuxuu qalqal geliyey xasilloonida degmada Baraawe, wuxuuna caqabad ku yahay jiritaanka maamulka K/Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay xildhibaanada. Eedeynta ay xildhibaanadu u jeediyeen sarkaalkaas ayaa lagu yiri, “Cabdiraxmaan isagoo huwan shaarka dowladda wuxuu 10-kii sano ee lasoo dhaafay dhibaato ku hayey shacabka degmada Baraawe, wuxuuna sarkaalkaan ka soo hor jeedaa jiritaanka dowladnimada K/Galbeed.” Sidoo kale xildhibaanadaan waxay bayaankooda ku sheegeen in guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose lagu dhibaateeyo shacabka, maadaama saraakiisha hoggaamisa ciidanka SNA ee gobolkaas joogay ay isku heyb yihiin, sida ay sheegeen xildhibaanada K/Galbeed ku metela BFS. “Waxaan cambaareyneynaa ciidanka ATMIS ee ka howlgala degmada Baraawe, waxay garoonka diyaaradaha ee degmadaas ku wareejiyeen maleeshiyaad qabiil oo sheegta SNA,” ayuu yiri Xildhibaankii akhriyey bayaanka Xildhibaanada. Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ciidanka ATMIS ay askari dhaawac ah ku wareejiyeen ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe, kaas oo goobta lagu toogtay, sida lagu cadeeyey bayaankaan. “Dowladda federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe lasoo qaado, kadibna laga qaado tallaabo waafaqsan dunuubta ay geysteen,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka xildhibaanada. Xigasho -
Is Xasan Socdaal really this serious by bringing unwanted horjoogayaal and ciidamo to Garbahaareey by force? Inuu Gedo Axmed Madoobe xoog maamulkiisa ugu wareejiyo, all this because of mutual Farmaajo naceyb isla qabaan? Farmaajo was not even Reer Gedo. Xasan Socdaal also thinks hadduu Madoobe qanciyo, Deni isbiirsi kaagama aadaayo. Yaab. Soomaali heshiis ah maxee dhashay? Sool colaad ah; Garoowe isbaaro la damcay la dhigto; Baraawe dagaal ciidamo; Reer Gedo oo is-hubeynaayo. Beledweyne iskeeda isku maamuleyso, diidan maamulka Hirshabeelle.
-
Aaden Cadde iyo aababa inay la shaqeeyaan dowladii Kacaanka ayuu rabay Jaalle Siyaad markuu soo daaye, like Cigaal and others did. Both refused. Kacaanka nationalized dhulalka uu aabo lahaa - beer Afgooye banaankeeda ku taalay, dhul suuqa Baydhabo ku yaalay iyo boosas ku yaalay meeshii Hoteel Taleex laga dhigay ee degmada Hodan. 12/06/2012 ayuu Nayroobi ku geeriyooday aabo, 15/06/2012 Xamar lagu aasay. Eebbe ha u wada raxmado dhamaantooda
-
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Why bother Marka aan dekad dhisan lahayn markee si sahlan ku qaadan karaan Berbera u dhow oo dhisan? No, Reer Isbaariste ayaa mar walba ku xanto Reer Koonfur Galbeed Xabashadee macruuf u yihiin, as though iyaga shisheeyaha Imaaraadka wato aanan isarag. Ahlusunnada iyaga ahaayeen Xabashi dhistay. Tan iyo sagaashameyadii beentaas wadeen oo RRA markee soo jabisay 1999 lahaa Xabashi na soo jabisay. Reer Isbaariste will never admit defeat. Xataa maanta haddii Baraawe laga saaro, AMISOM Xabashi ah nala dagaalantay dhihi doonaan, though Amisomka joogo meesha waa Ugaandhees. -
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
-
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
-
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
About degmooyinka iyo sida loo kala deganyahay. Waa gobolka ugu degmo badan Soomaaliya, waana: Afgooye (Reer Afmaay ayaa dhanka waqooyiga wabiga xigo dego) Awdheegle (Waa Reer Afmaay) Wanlaweyn/Daafeed (Waa Reer Afmaay iyo reerka geelka jecel oo banaankeeda dego) Qoryooleey (Reer Afmaay) Marka (Reer Maxaatiriga biyaha magacooda yahay iyo Reer Marko) Baraawe (Reer Afmaay iyo Reer Baraawe) Kunturwaareey (Reer Afmaay, reerka dego Baraawe intana dego) Janaale (Afmaay iyo Afmaxaa) Sablaale (Afmaay iyo Afmaxaa) -
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
There is no root cause. Ciidamo beeleed tan iyo waagii Indhacadde iyo Dhuxuloow - the Reer Guriceel warlord that ruled Baraawe from late 1990s to 2006 - ayaa maanta shaati ciidamado dowladeed wato, Baraawena ka quusan. They were triggered by Laftagareen ciidamo aad u badan keenay Baraawe oo garoonka iyo madaxtooyada iyo xarunta dowladda hoose ilaalinaaye. The ciidamo-beeleed-cum-dowladeed daan daansi ayee wadeen until la isku dhacay, ka bilaabatay la yiri Afmaay iyo Afmaxaa lagu hadlaayo. Sarkaal hoggaaminaaye ayaa habjabaad bilaabay, ciidamadii isagtaagan. Markaas damcay bistooladiisa soo baxsado. Intuu soo baxsan la toogtay, meeshana ku dhintay. Xabadii meesha ka bilaabatayna sarkaal kale isla iyagii ah ku dhintay. Dib u gurteen, xaruntooda tageen, isa soo hubeeyeen, markaas sartii madaxtooyada oo ciidamada Koonfur Galbeed dhufeys u ahaa ayee xabado kala joogsi ahayn ku wadeen. Ciidamadaan beeleedka waa hal reer jufe hoose kaliya waaye, jufada Mahad Kawaanle, intaas oo sano agagaarka Baraawe joogo, isbaaro u taalo, wax ay qabtaana ma leh, magaalada ma ilaalinaayan oo AMISOM ayaa ilaalin jirtay. Meesha baad iyo gardarro u joogaan, kamana amar qaataan Jen. Odowaa. They think they are now empowered because dowladda Xasan Socdaal iyagaa dilaal ka ah oo wato. -
Intense fighting underway in Barawe town
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Degmooyin badan Koonfur Galbeed ka mid ah ciidamada deegaanka la geeyey oo dagaal qorsheysan ayaa la rabaa la qaado bisha toddobaad from sadex jiho - Baraawe, Xuddur iyo Diinsoor/Qansaxdheere. Officials in higher positions in federal government ayaa rabin inay taas dhacdo, marka waa in la mashquuliyaa ama cilad kale lagu furaa ciidamada deegaanka ku sugan Baraawe. I don't think it will work. It is also the last hope of the vanquished Reer Isbaariste wearing national army dresses, but a true militia in essence. They thought it was business as usual by trying to bully the local officials. However, Laftagareen brought thousands of his own ciidamo Daraawiish la dhaho to Baraawe in the recent months. RRA cusub ayee baran doonaan. -
The next Sland parliament speaker
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Game changer's topic in Politics
Every other sentence written by this secessionist must contain qabiil iyo magacyadadooda. I can just picture him sitting his usual marfish in Yurub, daanka jaad ugu buuxo, ku haayo reer hebel iyo reer hebel in heated muran with his fellow marqaaniste. Then come here and more daacasho about qabyaalad. It must be exhausting. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Safarada Xasan Socdaal ee dalxiiska ah: Imaaraadka - 10/06/2022 Turkiga - 03/07/2022 Eritareeya - 10/07/2022 Kiinya - 15/07/2022 Jabuuti - 16/07/2022 Masar - 24/07/2022 Ugaandha - 08/08/2022 Tansaaniya - 15/08/2022 Kiinya (2nd time) - 12/09/2022 Mareykanka - 15/09/2022 Ingiriiska - 18/09/2022 (rushed back from Mareykanka for the islaantii aaskeeda) Mareykanka (2nd time) - 20/09/2022 (back to Mareykanka for Qaramada Midoobay sessions) Itoobiya - 28/09/2022 Ugaandha (2nd time) - 08/10/2022 Jabuuti (2nd time) - 22/10/2022 Suudaan - 01/11/2022 Aljeeriya - 02/11/2022 Masar (2nd time) - 06/11/2022 Eritareeya (2nd time) - 10/11/2022 Jabuuti (3rd time) - 08/12/2022 Sacuudiga - 09/12/2022 Mareykanka (3rd time) - 12/12/2022 Talyaaniga - 08/02/2023 Imaaraadka (2nd time) - 22/02/2023 Qadar - 04/03/2023 Eritareeya (3rd time) - 13/03/2023 Jabuuti (4th time) - 15/03/2023 Ugaandha (3rd time) - 18/03/2023 Itoobiya (2nd time) - 14/04/2023 Ugaandha (4th time) - 27/04/2023 Qadar (3rd time) - 17/05/2023 Sacuudiga (2nd time) - 18/05/2023 Imaaraadka (3rd known time) - 21/05/2023 Turkiga (2nd time) - 02/06/2023 Jabuuti (5th time) - 11/06/2023 ______________ Updated. Leading geedi socod country bolded. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Jabuuti iyo mar kale. Waa markii shanaad la booqdo Jabuuti.