-
Content Count
17,714 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Soomaaliya airspace closure oo dhaqangalay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Diyaarad ka duushay Muqdisho oo ka dagtay Hargeysa iyo xayiraadii Somaliland oo shaqeyn weyday Madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal, ayaa waxa ka soo degtay diyaarad ka soo kacday magaalada Muqdisho, xili ay Xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ay shaacisay inay joojisay duulimaadyadaasi. Somaliland ayaa dhowaan soo saartay go’aamo ay ku joojineyso duulimaadyada waddamo ay ku jirto Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, maadama ay ku doodo inay tahay dal madax banaan. Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, madaarka Hargeysa ayaa waxa ka soo dagtay maalintii Khamiistii Diyaarad ka timid Muqdisho, iyada oo aan la kulmin wax cadaadis ah oo uga imaanaya maamulka Madaarka Cigaal. Maamulka Diyaarada African oo la hadlay Caasimada Online ayaa u xaqiijiyey in diyaaradu ay duulimaadkeedi caadiga ahaa ku timid Hargeysa, iyada oo siday Rakaab keliya oo aysan wax xamuul ah kasoo qaadin Muqdisho. African Express ayaa aheyd diyaarada kaliya ee maalintii Khamiistii ka soo kacday magaalada Muqdisho, isla markaana kasoo degtay Madaarka Hargeysa iyada oo siday Rakaab badan. Talaabadan ayaa wiiqeysa Go’aamadii ay Somaliland ku sheegtay inay ku joojisay duulimaadyada Muqdisho, maadama dhowaan ay dowladda federaalku shaacisay in Kiis la xiriira Coronaha laga helay gudaha caasimada. Mana jirto wax war ah oo ay Xukuumada Somaliland kasoo saartay Diyaaradan ka timid Muqdisho ee ka soo degtay Madaarka Hargeysa, isla markaana jabisay amaradeedii xayiraad ee Muqdisho. Waxaana xusid mudan in Dowladda federaalku aysan joojin duulimaadyada gobolada dalka, halka ay gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa, midaasi oo sababtay in Diyaarado kasoo dagi lahaa Madaarka Hargeysa ay baaqsadaan, xili ay Somaliland shaacisay in Madaarkeedu u furan yahay wadamada qaar. -
Soomaaliya airspace closure oo dhaqangalay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I don't agree in dib loo furo hawada Soomaaliya for two short days. However, if it helps fellow Soomaalis to return home, I have no problem. Laakiin waa in baaritaan lagu sameyaa dadkaas. DF Soomaaliya oo hal sabab darteed dib ugu fasaxdsay duulimaadyada caalamiga Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka ayaa maanta si kumeel gaar ah dib ugu fasaxday duulimaadyada caalamiga ah ee keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda ku soo laabanaya. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradaasi, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku taariikheysan maanta ayaa waxaa lagu sheegay in muddo labo maalin ah dib loo furay duulimaadyadaas, sababo la xariira cabasho ka timid muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xaniban garoomo kala duwan ee ku yaalla caalamka. Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in muwaadiniinta ka imaanaya dalalka uu ka jiro cudurka Coronavirus ay qaadan doonaan amarada wasaaradda caafimaadka dalka. Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in labo cisho kadib la joojin doono duulimaadyada caalamiga ah, illa 15-kii cisho ee uu horay u amartay dowladda dhexe. Ugu dambeyn waxaa warqadda lagu sheegay in guud ahaan dalka aan la soo galin karin wax aan ka aheyn daawo ama raashin. -
Soomaaliya airspace closure oo dhaqangalay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Another angry jaad-induced secessionist mantagaan iyo qashinkaan la soo shirtagay: Towarka Xamar Oo Bilaabay Budhcadda Hawada – Air-pirates Wararka radarka duulimaayada hawada ee mandaqadda Geeska Afrika ayaa sheegay in saaka 4 tii subaxnimo ay diyaard Flydubai leedahay ka soo kacaday Dubai Airport iyadoo ku socottaay Hargeisa Airport. Haseyeeshee, diyaaradaasi iyadoon wali Hargeisa soo gaadhin ayay hawada ka noqottay, waxany dib uga degtay Dubai Airport. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Tawarka Airportka Mogadishu diyaaradaas iydoo hawada maraysa laga hadlay oo loo sheegay in Hawda Somalia iyo Somaliland ay xidhantahay cudurka Covid 19 awagii. Waa Budhcad Hawada ka dillacday oo Radio tuugo ah sidata. Intaa ka dib, baylootkii diyaaradda waday qaraar wuxuu ku gaadhay inuu diyaaradda dib Dubai ugu celiyo isagoo danaynaya nabad-galiyada rakaabka diyaaradda saaran. Sida muuqattay Wakaaladda Duulista ee Somaliland wax wargalin ah may siinin FlyDubai si ay u beeninso sheegashada ay dawdadda Mogadishu sheegattay inay hawada Somaliland iyadu xidhay, kana taliso. Waxaa kale oo iyana khubaradu sheegayaan Hargeisa Airport aanu lahayn qalabka diyaradaha meesha fog maraya lagula hadlo. Radio waa la iibiyaa oo suqyada ayuu yaalla Sida laga war qabo, qolada Xamar waxay mudduba ku hawlanaaayeen inay adduunka ka dhaadhiciyaan inay iyagu hawada Somaliland xukumaan – waa sheeko humaag iyo been ah oonay waxaba ka jirin. 30 Sannadood masuul Mogadishu ku abtirsadaa Hargeisa iyo Airportkeeda cag ma soomuu dhigin, waxa ka jirana waxba kama oga. Sidaa awgeed, haddii ay Reer Xamarku ku adkaysataan anay iygu hawada Somaliland xukumaan oo ay diyaaradaha ka joojin karaan, maxaa Somaliland la gudboon: · Waa inay Somaliland hayadaha ICAO iyo IATA u gudbiso dacwad la yidhaa "Conflict of Airspacee". Taas oo lagu caddaynayo in hawada Somalia iyo Somaliland la isku haysto oon wax diyarad ahi soo gali karin. Waa in aduunka loo bayaamiyo aanay Somaliland damanad qaadi karin Nabadgalyda Diyaaradaha soo gala hawada Somalia iyo Somaliland. · Waa In ay Somaliland diyaradaha ka hawl gala mandaqadda digniiin kama dambays ah siiso, ayadoo iga digaysa inaan hawada Somaliland iyo Somalia la soo gali karin iydoon ogolaansho laga haysan Xukuumadaa Jamhuuriyadda Somaliland. Jecliyaa jabkooda -
Soomaaliya airspace closure oo dhaqangalay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Like this secessionist writing this garbage miyaa, who is angry at Muuse Muqayil for thinking he can allow diyaaradaha from Imaaraadka iyo Xabashiland to land in Waqooyiga and spread cudurkaan xun: Siyaasad Garan Maynee Dumarkeena Aan Caadifadii Uga Sheekayno Aar siyaasad garan maynee dumarkeenii aan caadifadii uga sheekayno iyo Sheekooyinkeenii Caadada inoo ahaa ee aan 30 sano iska wadanay? Dawladkasta oo dadkeeda aan u danayn ilaahay dadkeeda wuxuu usoo diraa shimbir mararka qaar ka badbaadiya hagardaamooyin ay u horseedeen ama u horseedi rabeen kuwii talada ay bideen! Bilaahi calaykum hadii shacabka somaliland ay u danaynayaan ma waxay odhan lahaayeen Coved19ka Itoobiya iyo Dubai hasoo duulo oo hasii duulo?? Ma shaydaan ayaau waxyooday in fayraska labadaa dal dhex jibaaxayaa aanu dadkeena waxba yeelayn? Hadii Awal ay shacabka ku beer laxawsan jireen Somaliya waa Cadawgeena maanta dadka maxay ku odhan?? Ninka Coved19 dadka kusoo fasaxay ee yidhi joojin mayno Diyaaradaha Dubai iyo Itoobiya iyo ka ka joojay keebaa cadawa maanta?? Aniga aragtidayda Somaliland waxa u cadaw ah ninka dadkeeda u kala sadburiya kala dhawaysta wixii ay u sinaayeena qaar sigaara u siiya xil iyo xoolo ka ay noqotaba!! Aniga aragtidayda waxa u cadawa ninka maalin walba qayb kala kexeeya intii dawladan yar wada samaysatay!! Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah ninka dawladaa 30 jirka ah ka dhigay sobool aan hal adeeg bixin karin oo aan bulshadeeda waxba kaga filnayn!! Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah Ninka Cashuur kasta libin laabay waxbana aan kaga soo celin bulshada rayidka ah!! Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah nin miisaaniyad kasta oo koradhay aan macalinkiisa iyo ciidankiisa waxba uga kordhin!! Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah Ninka hordhiga iyo firdaaminta taaganta ka door biday inuu maalin walba ka sheekeeyo dhacdooyinka maalmo tagay!! Somaliya la iskaga celin maayo been iyo muusanow joogto ah oo shacabka lagu wayrixiyo Awoodeedana laguma qarin karo in Xaqiiqooyinka muuqda laga been sheego oo la yidhaa dawlada taagta daran iyo KM ma dhaafto Somaliya waa awood sii kordhaysa subaxii Rabi keenaba markaad eegto siyaasada gudaha iyo ta dibadaba!! Xasuus reebyo badan oo aan duubnaa Xaqiiqooyinka maanta waxba ka tari mayso ee taa hala ogaado!! Xigasho -
Soomaaliya airspace closure oo dhaqangalay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Meantime, the wretched secessionist doing wixii lagu ogaa - desperation, wailing and calaacaling online: Ii wad sheekada, haddana ii wad. -
Soomaaliya airspace closure oo dhaqangalay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Today, 19 Maarso. -
Diyaarad ka timid Imaaraadka oo laga celiyey Hargeysa iyo go’aankii DF oo dhaqan galay Diyaarad rakaab ah oo ka timid dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in saaka loo diiday inay ka degto garoonka diyaaradaha Cigaal International, magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in diyaarada oo ay laheyd shirkadda Flydubia ay dib ugu laabatay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo aan dajin rakaabkii ay siday. Sida ay ogaatay Caasimada Online hay’adda duulista rayidka hawada ee dowladda Soomaaliya ayaa duuliyeyaasha ku wargelisay in diyaaradeedu aysan ka dagi karin magaalada Hargeysa, iyadoo la fulinayo amarkii ra’iisul wasaaraha ee ka hortaga coronavirus. Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo maanta uu dhaqan galay go’aankii ay dowladda federaalka ku hakisay dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in illaa iyo hadda aysan wax diyaarad ah ka soo dagin garoonka Aadan Cadde, kadib go’aankii dowladda federaalka. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa Isniintii shaacisay in xanibaada ay socon doono muddo 15 cisho ah, sababo la xariira cudurka Coronavirus. Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda uga hortageyso cudurkaan, iyadoo dhammaan albaabada isugu laabtay goobaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho. Xigasho
-
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
DF oo si aan shaacsaneyn go’aan uga gaartay qaadkii laga soo dhoofinayey Kenya Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si aan shaacsaneyn oo dad-ban go’aan uga qaadatay qaadkii dalka soo gali jirey ee ka imaanayey dalka Kenya, isla markaana u joojisay. Wasiirka gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa shalay sheegay go’aan ka soo baxay kulan deg-deg ah oo uu Ra’iisal wasaare Kheyre iskugu yeeray, kaasi oo lagaga hortagayo fayruska Corona. Wasiirka ayaa sheegay in gebi ahaanba la joojiyey Duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya iman jiray, marka la gaaro 18-bisha Maarso – Lix saac habeenimo. Sidoo kale waxa uu xusay in duulimaadyada la joojiyey ay yihiin Xamuul iyo Rakaab labadoodaba, midaasi oo ka dhigeysa in Dowladdu ay go’aan dad-badan ka gaartay Qaadkii ay Kenya u soo dhoofin jirtay Soomaaliya. Wasiir Oomaar ayaa waxa kale ee uu ka dhawaajiyey in Dowladdu ay fasixi doonto oo kaliya duulimaadyada xagga bini-aadanimada iyo kuwa gar-gaarka oo keliya. Go’aanka lagu joojiyey Duulimaadyadaasi caalamiga ah ayaa ku soo beegmay xili isla shalay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho laga helay Kiis la xiriira fayruska sida xawliga ah ugu faafaya dunida ee Corona. Guddiga arrimaha bulshada Golaha shacabka ayaa Dowladda ka dalbaday in la joojiyo Qaadka Soomaaliya looga soo dhoofiyo dalka Kenya, oo uu ka dilaacay caabuqa Corona, midaasi oo u muuqata in si shaacsaneyn looga go’aan qaatay. Xigasho -
Since cudurkaan xun laga helay hal qof Xamar karantiil ku jiray, it is a cautious, necessary step of action to close regional schools in Banaadir for now. Amarkii R/wasaare Khayre ee xirida goobaha waxbarashada oo dhaqan galay Waxaa maanta inta badan magaalada Muqdisho ka dhaqan galay amarkii xalay ka soo baxay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa in la xiro goobaha waxbarashada, sababo ku aadan cudurka Coronavirus. Xarumaha iskuulladda iyo kuwa Jaamacadaha ayaa maanta badi hirgaliyey amarkaasi, iyaga oo fasaxay ardayda, lana wadaagay fariinta ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee aheyd in la xiro muddo illaa 15 cisho ah, si looga hortago faafinta cudurka Coronavirus. Tallaabadaasi oo muhiim u ah xakameynta cudurkaan oo fara ba’an ku haya caalamka ayaa waxaa sidoo kale si aad ah u boggaadiyey dadka Soomaaliyeed. Dowladda federaalka ayaa horay u soo saartay amar lagu joojinayo duulimaadyada caalamiga ah ee ee garoonka Aadan Cadde, kaas oo caawa kadib dhaqan-gali doono. Sidoo kale taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta hakiyey muddo 15 cisho ah howlaha waaxda faraha ee hay’adda CID oo bixisa warqadda dambi la’aanta. Dhammaan tallaabooyinkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda dhexe ee Soomaaliya uga hortageyso COVID19, iyadoo sidoo kale ku dhawaaqday inay u dooneysay la tacaalida cudurkan lacag gaareysa 5 milyan oo Doller-ka Mareykanka ah. Xigasho
-
I don't know about 90 xildhibaan, however I am sure they are at least dozens of them who are traitors and treacherously, openly support Kiikuuyada. Maxaa ka jira in 90 ka mid ah xildhibaannada BF ay taageersan yihiin Kenya? Korneyl Cabdinuur Jaamac Jookar oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya. Jookar ayaa wareysigaan ku sheegay inay jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo si aad u taageersan dowladda Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Siyaasiga Korneyl Cabdinuur Jaamac Jookar ayaa ku eedeeyey xildhibaanadaasi inay xiriir dhow la leeyihiin madaxda dowladda dalka Kenya, islamarkaana ay taageersan yihiin siyaasad ahaan, inkastoo uusan carab dhabin magacyadooda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Kenya TV-yadeeda ay mar-weliba ka sheegto in kaliya ay wax ku heystaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, balse baarlamaanka dowladda federaalka ay ku dhex leeyihiin 90 xildhibaan oo uu shaaciyey inay dooneyso in ay u adeegsato, kuna dhabar jabiso madaxda Qaranka Soomaaliyeed. “Dowladda Kenya waxaad ka maqleyseen inay Tv-yadeeda ay ka leedahay anaga laba nin baa wax nagu heysata, waana ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, 90 xildhibaan baan dowladdda Soomaaliya ku leenahay, iyaganaa Mooshin u isticmaaleynaa inaanu ku ridno labada nin” ayuu yiri Korneyl C/nuur Jaamac Jookar oo ah siyaasi Soomaaliyeed. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu maqan yahay doorkii baarlamaanka Soomaaliyeed, islamarkaana shaqo qurux badan aysan ka socon dhankooda, xilli uu dalku ku jiro marxalad adag oo u baahan in loo wada istaago wax ka qabashadeeda. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii xoogeysaneysay xiisada Soomaaliya iyo Kenya oo horay isugu hayey kiiska Badda ee weli horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ. Xigasho
-
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Tirada dadka ay DF Somalia u karantiishay CUDURKA Coronavirus oo korortay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kasoo degay afar muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen dalka Talyaaniga oo ka mid ah dalalka uu sida weyn ugu faafay cudurka Coronavirus. Muwaadiniintaan ayaa waxaa ay kamid ahaayeen askar leyli sarkaalnimo loogu diray dalka Talyaaniga, waxaana ay saarnaayeen diyaaradda Ethiopian Airlines duulimaadkeeda maanta ee Addis Ababa iyo Muqdisho. Xubno ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomalaiya oo maalmahaan howlo shaqo ka wadey Garoonka ayaa la wareegay, waxaana lagu warramay in afartan qof la karantiiley. Muwaadiniintan ayaa lagu hayn doonaa xarun ay diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka muddo 14 maalmood, waxaana ay mari doonaan baaritaan caafimaad, markaasi oo kadib lasii dayn doono marka laga waayo Coronavirus. Horey waxaa loo hayey afar qof oo kale. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay ku dhowaaqday inay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah oo laga helo Soomaaliya, ayada oo laga helay qof ka yimid dalka dibeddiisa. Qofkaasi ayaa muddo lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ka hor inta aan la xaqiijin in laga helay cudurka. Si kastaba, dadkii diyaaradda la saarnaa qofkaas ayaan laga war-hayn xaaladooda, waxaana jirta cabsi ah in laga yaabo in qaarkood uu qaadsiiyey ka hor inta aan baaritaankiisa oo dibedda loo qaaday lasoo celin. Si kale, dadka diyaaradda la saarnaa dadkii maanta la karantiilay ayaa iyagana gudaha u galay magaalada Muqdisho. Si looga hortago arrimahan oo kale, islamarkaana loo yareeyo halista cudurka ayaa dowladda Soomaaliya waxay mamnuucday dhammaan duulimaadyada ka imanaya dalka dibeddiisa. Xigasho -
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sharcigii dowladda dhexe oo hirgalay: Turkish Airlines suspends flights to Somalia Turkish Airlines on Monday suspended its flights from Istanbul to Somalia after the Horn of African country confirmed its first case of coronavirus and took a similar suspension. The flag carrier has suspended all flights to the capital Mogadishu for two weeks, said a statement by Turkey’s Embassy in Mogadishu. “As part of the fight against the COVID-19 outbreak, the Somalia government reported that all international flights, including humanitarian flights, have been stopped for 15 days, starting Wednesday, March 18,” said the statement. It added that Turkish Airlines “will suspend Mogadishu flights over the next 15 days, and the last scheduled flight to Istanbul will be held on the morning of March 17.” Turkish airlines started regular service to Mogadishu in 2012. Turkey is Somalia’s strongest ally and has spent over $1 billion on aid and infrastructure in Somalia since 2011. It also support Somalia’s National Army and has its largest embassy in the world in Mogadishu. Xigasho -
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
The Tigrey agent above you is making more sense than a Soomaali like you. Waraa Mooge, saan isku dhaan. -
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Finally. Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday dhammaan duulimaadyada caalmiga ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada Caalmiga ah ee Soomaaliya iman jira Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo marka la gaaro dhammaadka maalinta 18 bisha Maarso lix saac habeenimo la joojiyey dhammaan duulimaadyadii kasoo dagi jiray iyo kuwii ka duuli jiray dalka Soomaaliya. Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inuu amarkaan soo baxay kadib markii uu kulan deg deg ah isugu yeeray Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in amarkaan lagu joojinayo duulimaayada Caalamiga ah uu ka dhaqan geli doono dhammaan dhulka Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray inay Dowladda Soomaaliya fasixi doonto kaliya duulimaayada xagga bini’aadanimada iyo kuwa gargaarka. Go’aankaan ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka CoronaVirus laga helay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka mid ah dadkii ka yimid dibedda ee lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ayada oo natiijada baaritaan lagu sameeyey ay soo baxday, islamarkaana xaqiijisay inuu qabo fayruska. Wasiirka ma aysan shaacin dalka uu ka yimid qofkaas, hase yeeshee dadka lagu karantiilayey Muqdisho oo saddex qof ahaa ayaa horey loo sheegay inay ka yimaadeen dalka Shiinaha Wasiirka ayaa shaaca ka qaadday in qofkan uu hadda wanaagsan yahay, islamarkaana uusan wax halis ah ku hayn muwaadiniinta kale, oo lagu hayo meel aysan dad kale u dhoweyn. Xigasho -
Alloow ummadaada ka badbaadi
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kiiska ugu horreeyay ee Cudurka CoronaVirus oo laga helay Muqdisho. M.FACEBOOK.COM Kiiska ugu horreeyay ee Cudurka CoronaVirus oo laga helay Muqdisho. -
Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday dhammaan duulimaadyada caalmiga ah Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyey ee koronavirus ah laga helay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka mid ah dadkii ka yimid dibedda ee lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ayada oo natiijada baaritaan lagu sameeyey ay soo baxday, islamarkaana xaqiijisay inuu qabo fayruska. “Ka dib karantiil iyo baaritaan aan ku samaynnay muwadaniintii afarta ahayd ee ka yimid dalka Shiinaha usbuucii hore waxa aan xaqiijinayaa in mid ka mid ah muwaadiniintaas laga helay cudurka caabuqa faafan. Wasaaraddu waxay ka shaqaynaysaa xakamaynta cudurka,” ayey tiri wasiir Fowsiya Wasiirka ma aysan shaacin dalka uu ka yimid qofkaas, hase yeeshee dadka lagu karantiilayey Muqdisho oo saddex qof ahaa ayaa horey loo sheegay inay ka yimaadeen dalka Shiinaha Wasiirka ayaa shaaca ka qaadday in qofkan uu hadda wanaagsan yahay, islamarkaana uusan wax halis ah ku hayn muwaadiniinta kale, oo lagu hayo meel aysan dad kale u dhoweyn. Waxay sheegtay in dowladda ay waddo taxaddar xooggan oo ay ku xaqiijineyso in dadka qaba fayruskan aysan soo dhex-gelin bulshada.
-
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
DF oo Ka Shiraysa Xayiraad Ay Ku Soo Rogto Kenya Iyo Itoobiya Oo Laga Helay Coronavirus Mareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macallin oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay ka shirayso sidii xayiraad dhinaca duulimaadyada ah loogu soo rogi lahaa dowladaha deriska nala ah ee Kenya iyo Itoobiya oo iyagu laga helay kiisaskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus. “Si joogta ah ayaan isha ugu heynaa, waxaan saacado ka hor la wadaageynay civil aviationka Kenya iyo kan Itoobiya, waddanka haddii hal kiis ama labo kiis laga helo ma ahan micnaheedu ma ahan in anagu aan xayiraadda is kala soo boodno, laakiin waxaan fiirinaynaa xadiga uu ku socdo kororka cudurkaasi, haddii uu xaddi sare ku socdo Notaamka aan diyuuradaha kula hadalno ayaa kordhinaynaa waddankaasina listiga ayaan ku darnaa, marka berri ayaan shir ka leenahay arrintaasi” ayuu yiri mareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macallin. Dhanka kale maareeyaha ayaa sheegay in Nootaamka ay diyaaradaha kula hadlaan ay la wadaagi doonaan in aysan soo qaadi Karin dadka taransitka ah islamarkaana wax ka yar 14 maalmood ka soo maqnaa dalalka ay xayiraadda saareen ee uu sida ba’an u saameeyay cudurka Coronavirus. “24-kii saac ee la soo dhaafay Nootaamkii wax baan ka badalnay in daadkaas naftirkooda meel aan taransit point ahayn duyuuraddu ka soo qaadi Karin hadduu passapoorkiisa exist-ka ku dhegsan uu muujinaayo in 14 berri muddo ka yar uu moogyahay waddamada ay xayiraaddu saran tahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay maareeyaha. Hadalka maareeyaha ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli kiisaskii ugu horeeyay laga helay dalalka Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya. Xigasho -
If it was up to me, it should have been stopped its importation last year or last decade. However, now the banning is needed more than ever for security and safety reasons of the country and citizens. I hope the following news is credible. DF oo go’aan ka gaartay sida laga yeelayo qaadka ka yimaada Kenya Kulamo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayna goob joog ahaayeen madaxda Qaranka ayaa lagu go’aamiyay in lagu dhawaaqo joojinta qaadka iyo guud ahaan duulimaadyada ka yimaada Kenya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in inta laga hubinayo in qaadka uu keeni karo xanuunka Coronavirus, maadama gacmaha lagu soo jaro baakadano ku jirin, la joojinayo dhammaan keenista qaadka. Waxaa sidoo kale la qorshaynayaa in la hakiyo agabyada kale ee ka yimaada Kenya iyo guud ahaan duulimaadka dalkaas iyo Soomaaliya. Xildhibaan Cali Jowhar oo ah Guddomiayah Guddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in maalinta berri ah ay qaban doonaan shir ayna dowladda Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqayaan joojinta qaadka. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kulan dhacay la isku afgartay joojinta arrintaan islamarkaana go’aanka lagu dhawaaqi doono wixii ka dambeeya maalinta berri ah. Shaqsiyaad badan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in la joojiyo qaadka oo halis ku ah Somalia, sidoo kalane sababi kara cduurka adduunka saameeyay ee Coronavirus maadaama aan la hubin inuu gudbin karo iyo in kale. Kenya ayaa shalay shaacisay in laba qof oo hor leh dalkaas laga helay Coronavirus, laba maalin kadib markii ay shaacisay kiiskii ugu horreeyey. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan mamnuucday dadka ka imanaya afar dal oo ka mid ah kuwa uu sida ba’an ugu faafayo cudurka Coronavirus inay soo galaan dalka. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya, oo ku taariikheysan 10-ka March ayaa lagu mamnuucay inay dalka Soomaaliya soo galaan dadka ka imanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran. Xigasho
-
Coronavirus: Troops sent to New York 'containment zone'
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
And Jarmalka isn't? Soomaaliya farmashiyo walba tabeelaheeda iyo calaamadii ku sawirnaan jirtay ma xasuusatid miyaa, shirkadda daawooyinka weyn Bayer oo xaruntooda ah Jarmalka. Dotard is childishly trying to score against Midowga Yurub since he currently does not have a good relationship with the leaders of Jarmalka iyo Faransiiska. -
Ninkaan xilligiisa ayaaba gabo gabo ah marka ha iska waramo inta meesha loogu imaanaayo. Tolkiisa qof kan dhaamo, Kiikuuyana horusocon inay keensadaan ayaa u dhaantay.
-
Mar Kale Midnimo's latest post:
-
Gooni, gacan ayaa kuu taagay how you lower yourself into the lowest ebb of boosaneero where this rat creature scavenges on. Maxaa iskugu wasaqeysaa with this qurun, widaayoow?
-
Horta ma istaagi karaa ninkaan? Too much ugali, methinks. And where the heck is his 'neck'?
-
Wareysiga lala yeeshay the founder. Mar Kale Midnimo on Facebook Watch M.FACEBOOK.COM Halkan ka dhageyso, wareysi ku saabsan ururka 'Mar kale Midnimo', oo maanta ay BBC Soomaali la yeelatay Maxamed...
