-
Content Count
17,660 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Soomaaliya oo laga helay 29 kiis oo cusub oo COVID-19 ah Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay warbixintii maalinlaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda COVID-19 iyo dalka . Maanta oo keliya ayaa waxey wasaaraddu sheegtay in laga helay 29 ruux oo la bukoonaya Coronavirus, kadib baaritaanno lagu sameeyay. Dadka laga helay ayaa waxey kala yihiin 21 rag iyo 8 dumar ah sida ku cad diiwaanka wasaaradda , halka isu-geyn wadarta guud ay tahay dadka xanuunkan qaaday 164 ruux, sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in mid kamid ah bukaannadii xanuunkaan qaaday uu ka bogsooday. Lama soo werin guud ahaan maanta cid xanuunkaasi ugu geeriyootay dalka, balse horay waxaa ugu geeriyooday 7 ruux. Soomaaliya waxey kamid tahay dalalka ku yaalla bariga Afrika ee uu saameeyay Bushiga Corobavirus. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
RW Kheyre “Waa in aan meel iska dhignaa kala aragti-duwanaanta si aan uga hortagno Covid19” Raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shir gudoomiyay kulanka joogtada ah ee gudiga kahortaga cudurka faafitaanka badan ee Covid19, ayaa madaxda maamul-goboleedyada ugu baaqay inaay ka hortagaan cudurka. RW Kheyre ayaa madaxda u sheegay inaay meel iska dhigaan kala aragti duwanaanta dhanka siyaasada islamarkaana aay muhiim tahay in meel loogasoo wada jeesto ka hortaga iyo daweeynta cudurka Covid19 si looga badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed. RW Kheyre ayaa dardaarankan u jeediyay wasiirada maamul goboleeedyada oo qadka internetka uga qeyb-galay kulanka joogtada ah ee gudiga ka-hortaga cudurka Covid19. “Xili adag ayaa lagu jiraa, maanta qof kasta oo wasiir ah waxaa looga baahanyahay inuu bixiyo dadaalkasta oo lagu badbaadinaya shacabka Soomaaliyeed, waan ogahay inaay dhibaato jirto, waan ogahay inaay caqabado jiraan laakiin maanta waa inaan bixinaa dadaal dheer, sidoo kale waxkasta oo kala aragti duwanaan ah oo noo dhaxeeysa waa inaaysan naga hor-istaagin dadaalkeena, xafiiskeeyga saacad walba waa idiin diyaar” ayuu yiri RW Kheyre. Kheyre ayaa ku booriyay maamulada in meel loogasoo wada jeesto xanuunkan faafitaanka badan ee Caronavirus, wuxuuna amaanay dadaalka wasaarada caafimaadka dalka. Maamulada qaar ee kajira dalka iyo xukuumada RW Kheyre ayaa waxaa u dhaxeeya qilaaf adag oo dhanka siyaasada ah, waxaana qilaafkaas uu saameeyay geedisocodka horumarka Soomaaliya. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Puntland oo shaacisay kiiskii ugu horeeyey oo Covid-19 ah Guddiga wacyi gelinta iyo ka hor tagga xanuunka Coronavirus ee deegaanada maamulka Puntland ayaa caawa xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay oo ah cudurka in laga diiwaan geliyay deegaanada Puntland. Guddiga ayaa sheegay in qofka laga helay cudurkaas uu ka mid ahaa laba qof oo dhawaan laga qaaday dheecaan si loo baaro, waxuuna sheegay guddoomiyaha guddiga oo warbaahinta kula hadlay Garowe in qofka laga helay xanuunkaas uu san gelin wax safar ah. Sidoo kale guddoomiayaha guddiga ayaa sheegay in xaaladda bukaanka laga helay cudurkaas ay haatan aad u wanaagsantahay, waxaana xanuunkaas laga helin qofkii kale eel ala baaray. Waa kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah oo laga diiwaan geliyay deegaanada maamulka Puntland, waxuuna masuulka u hadlay guddiga wacyi gelinta iyo ka hor tagga xanuunka Coronavirus ee Puntland uu walaac ka muujiyey in qofka maanta laga helay cudurkan uusan ka bixin Puntland, sidaas darteedna ay cabdi badan ka qabaan in bulshada uu si tartiib ah ugu faafo COVID-19. Illaa shan qof oo kale ayaa sidoo kale maanta loo karaantiilay shaki la xariira Coronavirus, sida uu ka dhawaajiyay gudoomiyaha guddi Puntland u qabilsan arrimaha cudurkan. Markii laga soo tago oo laga diiwaan geliyay kiisaska ugu badan ee cudurkaas waxaa kiisas kale horay looga diiwaan geliyay Somaliland iyo Jubbaland, waxaana maanta oo u dameysay deegaanada Somaliland laga soo weriyay hal kiis oo wadarta kiisaska Corona virus ee ka jira Somaliland ka dhigeysa lix kiis. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Ducada ha kala joogsan, widaay. Cudurkaan baas Soomaaliya inuu gees maro. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Si dhaqso ayaa loo hirgaliyey. -
Waraa Holland sharaabkaaga iskaga cab iyo mijintaada jaad iskaga ruug waxba lama socotidee. Meantime... Weriye Coldoon oo weli u xiran ‘inuu laf dhuun-gashay’ ku noqday 'Soomaalilaan' Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo sidoo kale ahaa Samafale caawiya dadka tabaaleysan ayaa muddo ku siman hal sanno u xiran xukuumada Soomaalilaan ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi, iyada oo loo soo jeediyay eedeymo kala duwan oo salka ku haya magac dil qaran iyo aflagaado Madaxweyne. Wariye Coldoon ayaa la aaminsan-yahay in sifo sharci daro ah loo maray xarigiisa, iyada oo 17-kii April ee sanadkii hore ee 2019-ka ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada Soomaalilaan, iyaga oo aan wax waaran ah u sidan xarigiisa, sida ay hore u sheegen Qareeno u doodayey Coldoon. Coldoon ayaa Maxkamadi ku xukuntay Saddex sano iyo badh, kadib markii ay sheegtay inay ku heshay eedeymaha aan kor kusoo xusnay iyo weliba faafinta warar been abuur ah oo ka dhan ah Soomaalilaan, iyada oo Qareenadiisu ay aaminsan-yihiin in xukunkaasi uu udhacay qaab siyaasadeysan, oo lagu xukumay aragtidiisa shaqsiyadeed oo laf dhuun-gashay ku noqotay Soomaalilaan. Xukuumada Muuse Biixi oo eedeymo kala duwan loogu jeediyay xariga Coldoon ayaa gebi ahaanba iska fogeysay, iyada oo ay ugu dambeysay eedeyntii Hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ujeedisay xukuumadooda, iyada oo weliba si dhakhso ah uga dalbatay in loo sii daayo Wariye Coldoon oo sifo sharci daro ah ku xiran. Amnesty International ayaa xariga Cabdimaalik ku tilmaamtay mid sabab la’aan ah, maadaama loo fuliyay amar la’aan, waxaana lagu xadgudbay Qodobka 25 (2) ee dastuurka Soomaalilaan, kaas oo dhigaya in booliska ay qasab ku tahay in ay ka helaan warqad amar qaadasho ka hor inta aan la xirin Xukuumada Soomaalilaan, gaar ahaa hogaamiyaheeda Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowr jeer oo kala duwan laga dalbaday inuu cafis u fidiyo Wariye Cabdimaalik Coldoon, inkasta oo u muuqdo mid dhagaha ka fureysanaya dalabaadka ku aadan sii-deynta Coldoon, hadana waxa socda dadaalo xukuumadiisa culeys lagu saarayo si ay usii deyso Wariyaha Xigasho
-
Behind Kenya’s Failed Ambitions in Somalia On 17th of April 2020, two Kenyan newspapers published what they called as “confidential” report alleging the existence of strong links between Somalia’s National Intelligence and Security Services (NISA) and Al-Shabab. The allegations in the report say Al-Shabab received staggering amount of USD 1.5 million through a cheque from the deputy director of NISA but was soon discovered to be unfounded. As reported by the Caasimada Online news outlet, the alleged cheque was a fabricated image that was shared by a Facebook page under the name Mudaaharaadka 7 of February (February 7 Demonstration), which has been used to criticize the Somali government leaders, on 11th of April 2020, six days before the Kenyan newspapers claimed to have received a confidential report from an insider in the militia. This baseless report is a series of propaganda that are aimed at defaming Somalia and its intelligence services. The full report is on www.caasimada.net. Kenya’s ambitions to occupy Jubaland are in tatters now that the forces of Somali National Army are being deployed to secure the border between the two countries. Kenya is also of the impression that Somalia is winning the maritime dispute case currently being handled at the ICJ. In December 2009, the US Deputy Assistant Secretary of State for African Affairs, Mr. Karl Wycoff met with the Kenyan Minister of Foreign Affairs, Mr. Wetangula in Djibouti on the margins of the IGAD ministerial meeting, warning the Kenyan government against the “Jubaland” initiative of using that region as a buffer state citing it would only add to Somalia’s instability. Wikileaks had exposed the contents of the meeting in Djibouti through the cable https://wikileaks.org/plusd/cables/09DJIBOUTI1391_a.html. Disregarding the advices of the International Community, Kenya deployed its troops inside Somalia’s territory in October 2011, to allegedly fight Alshabab, a move that was strongly opposed by the then President of Somalia, Mr. Sheikh Sharif who described the military invasion as illegal. Kenya also partnered with Ahmed Madobe, who himself fought the Somali government as an ally of Alshabab for years, before he was installed in Kismayo to lead the Kenya’s buffer state of Jubaland in 2012 shortly after the invasion of the Kenyan troops in Somalia. Kenya had close collaborations with Alshabab on the charcoal trade as reported by the UN Monitoring Group, and many still believe the relationship between the two does exist as yet though sporadic. The locals in Kismayu and in the other regions of Jubaland are against the invasion of the Kenyan troops who commit, from time to time, various violations against civilians in the region. Kenya’s militarization of diplomacy with Somalia never slowed down the attacks of Alshabab, but left the Kenyan troops helpless to counter their escalated attacks inside and outside Kenya. In the latest Alshabab’s assault at the US military base of Manda Bay in Kenya, the Kenyan troops, as reported by witnesses, escaped the base in to the bush. It is to note that Kenya pushed for Alshabab to be listed as a terror group under Resolution 1267, but the Security Council had disapproved the request, after the humanitarian agencies operating in Somalia showed concerns over the delivery of the humanitarian aid in Somalia. The Somali government also sees this as increased sanctions and restrictions so could only oppose such proposal. In the past, Kenya was regarded by Somalis as a friend when it hosted several peace reconciliation conferences that were fruitful, but now seem to be losing that respect following its occupation of Somalia’s territory of Jubaland. Seeing their plans turn to ashes, Kenya’s foreign policy is failing successfully and the apparent loss of the maritime case to Somalia June this year, could only wear out its international reputation, having claimed seawaters that don’t belong to them. Kenya also started to host the opposition groups of Somalia for the purpose of using them to destabilize Somalia. Kenya never took Somalia seriously after the civil war until recently when the current administration of the Federal government started to bring the disoriented government affairs including the foreign policy back in to normal. Kenya is ought to respect Somalia and its sovereignty, or else, Somalia would revive the project of bringing back the occupied NFD, the current North Eastern part of Kenya. Xigasho
-
This thread will be be updated regularly until Bu'aale laga saaro kuwa afka duuban, Rabi hadduu idmo. This time the news below is not about Bu'aale or Jubbada Dhexe per se, nonetheless waa qeyb ka mid ah ciribtirka lagu haayo kuwii afka duubnaa. Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan kula wareegay deegaano ku yaal J/ Hoose Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 16-aad Ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab ayaa lagu soo warramayaa in howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani oo qayaastii 50 KM u jira magaallo xeebeedka Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab oo horay ugu sugnaaa deegaanadaasi ay isaga baxeen, ka hor inta ay gaarin ciidamada dowladda. Saraakiisha horkaceysa howlgalladaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka gudaha u galeen Cabdi Dhoore iyo Beerxaani ay soo dhoweeyn dadka shacabka ah. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay fariisimo cusub ay ka sameysteen halkaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana gobolka Jubbada Hoose laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac. Jubbooyinka oo ay aad ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa muddooyinkii dambe howlgallo ka waday ciidamada huwanta ee jooga gobolladaasi. Xigasho
-
Ujeedka dowladda Kenya ka leedahay tallaabada cusub ee ku wajahan Soomaaliya Maqaal maalintii Jimcaha Abril 17, 2020 lagu soo qoray wargeysyada “Standard iyo The Star”, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay gacan daahsoon kula shaqeyso kooxda Al Shabaab. Wargeysyada oo soo xiganayay wax ay ugu yeereen warbixin qarsoodi ah “confidential report”, ayaa shaaciyay in hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed NISA iyo argaggixisada Al Shabaab ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo fashilin lahaa ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya oo joogga aagga 2aad (Jubaland). Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federalka Soomaaliyeed oo durbadiiba ka jawaabcelisay warka aan raadka lehayn ayaa qoraallada wargeysyada “Standard iyo The Star” ku tilmaantay, “weerar afeed oo si qorsha leh lagu bartilmaameedsanayo dowladda [Soomaaliyeed] iyo hay’addeheeda”. Warbaahinta madaxabannaan qaarkeed ee maxalliga ah [Sida Caasimada Online) iyo baraha bulshada ayaa iyaguna ka daba tegay oo soo bandhigay in been abuurka laga soo xigtay barta Facebook “Mudaaharaadka 7 of February”. Balse, waxaa isweydiin mudan, waa maxay ujeeddada dowladda Kenya ay uga gol leedahay ololaha cusub, xilli aan xiisaddii xuduudda weli meel laysla dhigin? Haddiise dowladda Kenya, ay gacanta ku heyso xog “biyo kama dhibcaan ah,” maxay u hordhigi la’dahay dowladda Soomaaliyeed? Barabbagaanka, waa dagaal maskax huwan Dowladda Kenya waxay qaadan la’dahay in Soomaaliya oo in mudda ahba u ahayd tusaale dowladaha fashilmay, ay kaga guuleysatay siyaasaddii cunaqabateenta “sanctions” duullimaadka hawada, ku adkeysatay inaan dib loo soo celin dacwada badda, hortaagan in awooddeeda la wiiqo si Jubbaland u noqoto maamul hayin u ah Kenya “buffer zone.” Adeegsiga ololaha wargeysyada, ayaa ugu muuqda in dowladda Kenya ay u gogolxaaraneyso duullaan hor leh oo ay ku soo qaaddo deeganada Gedo, Jubada Dhexe iyo kan Hoose, iyadoo ku marmarsiyooneysa in dhammaan Soomaalidu (shacab iyo xukuumadba) ay la safan yihiin argaggixisada, maadaama dadweynaha deegaankaas ay hiil u muujiyeen qorshaha dowladda dhexe ay ciidamada dalka kula wareegayaa ilaalinta xuduudda Soomaaliya iyo Kenya. Qoraalka lagu dhaamayo sumacadda dowlada Soomaliyeed, waxaad mooddaa inuu yahay mid Dowlada Kenya ay dooneyso inay dib ugu soo ceshato shacabiyadeed “Public Relations – PR”, si qorsheysanna loogaga dhaadhicinayo shacabkeeda fikirka ah, in Xukuumadda hadda ka jirta Muqdisho ay dagaal ba’an oo wajiya badan leh, “ku hayaan waddankooda, maalkooda iyo ummadooda”. Maxay Tahay Ulajeeddada Kenya Dhowr sababood baa ku kellifaya Dowladda Kenya inay qaado tillaabooyin quus ah: (1) Inay u muuqato inaysan sii joogi doonin Soomaaliya, iyadoo hugsan magaca AMISOM, kol haddii Soomaalida ay aad ugu hanweyn yihiin inay yeeshaan Ciidamo Qaran, sida ka muuqata guulaha bilowga ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku hantay fariisamahii Al Shabaab ee Shabeellada hoose; (2) In ay saadaalinayso inay ku guul darraysan doonto garta dacwada soohdinta badda ee Juun 2020; (3) In Kenya ay ku agoontowday isbahaysi gobolleedka IGAD dhexdiisa; (4) Inay ka cabsi qabto natiijadda doorashada qof iyo cod oo la filayo 2021 oo isbeddel u sababi kara xulafadeeda; iyo (5) In Soomaaliya laga furay dabarkii maaliyadda, lagana yaabo in laga qaado cunaqabateenta hubka. Kenya waxaa ka go’an, inay danaheeda siyaasadeed, bad iyo barri, iyo meel kasta oo kheyraad kaga jiraba caqli iyo xoogba ku muquuniso kuna ilaashato, xitaa haddii dunida u aragto in Soomaaliya marar badani ay kaga gar-guuleeysatay. Oraahdii Soomaaliyeed ayaa leh, Tuug intaadan Tuug oran ayuu tuug ku yiraahdaa, waxba ma ahaateen. Xigasho
-
If a real, feasible elections were held in Soomaali Galbeed, there is no doubt ONLF will win a landslide. However, I doubt if there ever will a credible election in Soomaali Galbeed.
-
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Cadnaan, mucaaradnimada jooji waa ogtahay daqliga dowladda dhexe soo galo inay boqolaal milyan ku soo kordheen sanadihii u dambeeye. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Farmajo unveils Social Safety Net Program The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, has today launched at the presidential palace a nationwide social safety net programme, which is better known as “Baxnaano”, to help protect the poor and vulnerable families. The Baxnaano program is funded with pre-arrears clearance grant from the International Development Association (IDA) of the World Bank as an integral part of the National Social Protection Policy, which is being carried out under the leadership of the Ministry of Labour and Social Affairs (MoLSA). The Baxnano programe is intended to provide cash transfers to targeted poor and vulnerable households and establish the key building blocks of a national shock-responsive safety net system. The manager of Baxnaano Programe Ms Fardowso Ahmed Abdullahi has underlined that the programme as part of national social protection policy envisages a longer-term development approach that builds the government’s capacity to take the lead in delivering social protection interventions for Somali people in the next 20 years and also stressed that it will gradually move the country away from the current humanitarian regime. H.E. Abdirahman Duale Beyle, Minister of Finance of the Federal Government of Somalia said the program is of great importance for the country, as it reaches vulnerable communities, and affirmed that its implementation is part of the ongoing debt relief efforts. The Minister reiterated the importance of debt relief efforts as it opens the government the opportunity to secure such critically needed developmental funds from the International Financial Institutions (IFIs) Minister of Labour and Social Affairs of the Federal Government of Somalia, H.E. Sadik Hirsi Warfa, described the inauguration of the program as a significant accomplishment for Somali people as they will be receiving direct assistance from the government for the first time, targeting the most vulnerable communities. Minister Warfa stressed the commitment of MOLSA in institutionalising a structure that guarantees assistance for the very poor and protect the vulnerable from livelihood risks with the express goal of creating effective & sustainable social safety nets and ladders out of poverty. “The Baxnaano program is anticipated to target 200,000 poor and vulnerable households (approximately 1.3 million individuals) across the Federal Member States of Somalia and provide them with nutrition-linked cash transfer. The families will be able to use the money for their immediate needs, such as food and basic services. This programme will be executed in areas of fragility due to widespread poverty, acute drought and long-drawn-out conflicts and insecurity” said Minister Warfa. The President of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, praised the Government’s efforts by reasserting its commitment of revitalizing basic public services while improving job creation opportunities, livelihoods and the country’s economy. The President pointed out that the launch of the Baxnaano program coincided with a period that COVID-19 is negatively affecting the lives, jobs and businesses of Somali people. “We have the 9th National Development Plan that sets out in detail our plan to tackle poverty, food shortages, with a focus on improving the lives of vulnerable people, such as droughts, tornadoes, diseases and natural disasters which confront us periodically” said the President. President Farmajo has instructed the Government, particularly the Ministry of Labour and Social Affairs to carry out the Baxnaano pragram in a transparent and fair manner, while taking care of the poor families until they reach a level of self-sufficiency, with the intention of reaching out millions of Somali citizens who are in dire need of government services. MoLSA is the primary institutional home for the Baxnaano program which will be conducted in 21 districts. The program is being administered through MoLSA’S Social Affairs Department which is responsible for the day-to-day management of the programe in close collabration with United Nation’s World Food Programme and United Nations Children’s Fund. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Waa arrin loo baahnaa. Cumar Filish "Waxaan diyaarinay koox u tababaran aaska dadka u geeriyooda xanuunka Covid19" Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Filish oo ka hadlaayay kulanka joogtada ah gudiga ka hortaga Covid19 ayaa sheegay inaay sameeyeen wacyigalin badan oo ku aadan Caronavirus. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay inaay dadka ka wacyigaliyeen halista Covid19 islamarkaana aay sameeyaan goobaha faraxalka iyo wacyigalin caafimaad, sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka aay uga digeen in aay isku yimaadaan. “Covid19 ma lahan daaweeyn laakiin waxaan xooga saarnay inaan wacyigalino shacabka, waxaan sameeynay boorar aan ku dhajinay isgoosyada, waxaana meelaha qaar geeynay agabka faraxalka, waxaan ku dadaalnay inan dadka kala fogeeyno iyo inaan shirar laqaban” ayuu yiri gudoomiye Filish. Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaay diyaariyeen koox u tababaran aaska qofka u geeriyooda xanuunka Covid19 iyo koox dadka ka wacyigalisa inan loo imaan qofka qaba xanuunka. “Waxaan diyaarinay koox u tababaran inaay aasaan qofka u geeriyooda cudurka Covid19, kooxdan waxaa kujira dad culimo ah oo dadka ka wacyigalineeysa inaaysan soo tuuran goobta meeydka lagu asturaayo, waxaan dadka usoo jeedinayaa inaay qaataan talooyinka kooxaha caafimaadka si looga hortago cudurkan” Gudoomiye Cumar Filish. Kulanka joogtada ah ee gudiga kahortaga cudurka Covid19 ayaa lagu dhageeystay dhaqaatiir iyo madax katirsan dowlada federaalka, waxaana wasaarada caafimaadku aay soo bandhigtay halista cudurka iyo sida xowliga ah ee uu u faafayo. Wasaarada ayaa sheegtay in tiradii ugu dambeeysay aay ahaayd 19 ruux oo uu soo ritay xanuunka, waxaana tirada guud aay mareeysaa 135 qof oo laxanuunsan cudurka Covid19. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Kiisas cusub oo COVID-19 ah oo laga helay Soomaaliya, xiili weli dadka aysan si rasmi ah ugu baraarugsaneyn bushiga Coronavirus Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fawsiya Abiikar Nuur ayaa waxey sheegtay in maanta oo keliya laga helay Soomaaliya kiisas cusub oo ah xanuunka COVID-19 ah oo gaaraya illaa iyo 19 xaaladood. Qoraal ay sii daaysay wasiir Fowsiya ayaa waxey ku tiri "Maanta oo qura waxaan baarnay 25 ruux oo looga shakiyay xanuunka, waxaana laga helay 19 kamid ah dadkii la baaray" . Wadarta guud ahaan xanuunka COVID-19 uu soo ritay Soomaaliya ayaa waxey guud ahaan gaareysaa 135 ruux, sidoo kale dhimashada ayaa gaartay 7 qof, sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya. Dadka maanta laga helay xanuunka ee gaaraya 19-ka ruux ayaa waxaa lagu sheegay 15 lab ah iyo 4 dhedig ah. Xanuunka ayaa waxaa maanta u geeriyooday 2 ruux . Soomaaliya , xanuunka COVID-19 aad ayuu u baahayaa, iyadoo dhinaca kalena digniinaha la bixinayo aysan si rasmi ah bulshada ugu hoggaansamin, sida kala fogaashiyaha, salaanta iyo in bulshada ay ku nagaadaan guryahooda. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
DF Soomaaliya oo hirgelisay xarunta dhexe ee xiriirka COVID-19 Dowladda Soomaaliya ayaa hirgelisay xarunta dhexe ee xiriirka oo laga hagayo, talooyina laga siinayo dadka uu soo ridanayo xanuunka Covid-19 iyo kuwa iskaga shakisan ee u baahan inay is-baaraan. Xaruntan oo si casri ah loo diyaariyay waxay ka jawaabeysaa dhammaan wicitaannada teleefanka gaaban ee u gaarka ah Covid19 ee 449, waxayna bukaannada ku xirtaa qeybaha kala duwan ee la tacaala cudurkan. Dadka xarunta soo waca oo 24 saac kasta oo gaaraya 4,000 (Afar kun) oo qof oo kala jooga goballada dalka, ayaa kala ah Bukaanno ka sheeganaya calaamadaha cudurka balse ay xaaladdoodu fududdahay, Bukaanno xaaladdoodu adagtahay iyo Dad laga geeriyooday. Bukaannada xaaladdoodu fududdahay waxay talooyin cafimaad ka helaan dhaqaatiirta xarunta ku sugan, Bukaannada xaaladdoodu adagtahay waxay xaruntu u dirtaa gaadiidka gurmadka degdegga ah oo isbitaal Martiini toos u geeya, Dadka laga geeriyoodayna waxay xaruntu ku xariirisaa xafiisyada dowladaha hoose ee loo diyaariyay ka shaqeynta aaska meydadka looga shakisan yahay inay xanuunkan COVID-19 u geeriyoodeen. Xarunta Dhexe ee Xiriirka ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadata ka wacyi-gelinta bulshada Khatarta uu leeyahay cudurkaan COVID-19. Hirgelinta xaruntan ayaa meesha ka saareysa jahawareerka iyo walwalka ay la kulmayeen dadka isku arka astaamaha lagu garto Covid-19, waxayna kaalin weyn ka qaadaneysaa uruurinta xogta dadka uu cudurku ku dhacay iyo kuwa ay xiriirka la yeesheen. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Inta tabarteeda ah dowladda dhexe wey dadaaleysaa. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Waa iigala soo hormartay -
Oh, another conjure from hapless Kiikuuyos. It seems Soomaali Intelligence is their bogeyman. Read on. Somali intelligence funding Shabaab to attack Kenya — report Report says top Shabaab and NISA leaders are in contact to derail the ongoing peace processes and target Kenyan forces in Somalia. Othe NISA officials and their agents are also believed to be involved in al Shabaab schemes to attack Kenyan officers in the Northeastern region. Strong links exist between Somalia’s National Intelligence and Security Agency and al Shabaab, a confidential report from an insider in the militia shows. Top leaders of al Shabaab and NISA are in contact to derail the ongoing peace processes and target Kenyan forces in Somalia, the report leaked to the Star suggests. It alleges that some NISA officials trained by Kenyan security agencies are conspiring with al Shabaab to attack KDF soldiers serving under Amisom. The NISA officials and their agents are also believed to be involved in Shabaab schemes to attack Kenyan officers in the Northeastern region. The officers allegedly conduct surveillance and relay the information to al Shabaab and some of their miscreant cells. "Some of these senior officers are providing highly confidential security information on Kenyan security agencies and personnel to al Shabaab to facilitate the militant group’s targeting of Kenyan security personnel," the report says. According to multiple sources in Somalia, a senior official of NISA is the main contact person and is in constant communication with the militant group. The official is also involved in facilitating Shabaab through financial and material support, including armaments and critical information on Amisom movement, particularly the Kenyan contingent. Recently, al Shabaab received $1.5 million through a cheque signed by a senior NISA official by the name Abdullahi Kulane. Using the NISA networks, Kulane also identifies easy targets for al Shabaab along the Kenyan border. NISA officials are believed to have instigated the deployment of the Somali National Army troops in Mandare in a bid to suck Kenya into internal Somalia affairs, according to sources. "NISA also deployed some of their telecommunication jamming systems to compromise Safaricom’s networks in Mandera and other adjacent areas in a bid to facilitate Al Shabaab operations in the area," the confidential report says. Earlier in the year, Kenya also experienced a spike in the number of sporadic attacks in some areas bordering Somalia, including Mandera, Wajir and Garissa and parts of the coastal region, as a result of NISA officials working together with al Shabaab. The former identifies easy targets for the militant group in some of the areas to create a facade of potency through the sporadic attacks mainly targeting civilians and some of the critical infrastructure. The Star (Tabloid)
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Kiisaska CORONAVIRUS ee Soomaaliya oo dhaafay 100 iyo tirada maanta cusub Tirada dadka qaba cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa dhaaftay 100, kadib markii dad hore leh cudurka maanta laga helay, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 36 qof oo hor leh laga helay cudurka maanta, taasi oo ah tiradii ugu badneyd ee ladiiwaan-geliyo muddo 24 saac gudaheed ah. 36-ka qof ayaa ka mid ahaa 47 qof oo cudurka laga baaray, waxaana arrin cabsi muujinaysa ah, in 47 qof oo la baaray kaliya laga waayey 11 ka mid ah, oo 36 laga helay.Dadkan ayaa 27 ka mid ah waxay yihiin rag, halkan 9 ay yihiin haween, sida warbixinta lagu sheegay. Tiradan ayaa ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiijiyey ee cudurka Coronavirus 116 qof.Bukaanada cudurka maanta laga helay ayaa 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%), halka 5 ka mid ahna ay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). Kaliya hal qof ayaa wuxuu ka weyn yahay 60 sano.Sida ay ku talisay wasaaradda caafimaadka,si aad naftaada, midda qoyskaaga iyo tan bulshada-ba u badbaadiso, ku dadaala fara-dhaqasho joogto ah idinkoo isticmaalayo biyo iyo saabuun muddo ugu yaraan 20 il-biriqsi ah. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Helsinki expresses concern as coronavirus infections surge among Somalis CORONAVIRUS INFECTIONS have begun to increase sharply among Somali-speakers in Helsinki. The City of Helsinki on Tuesday revealed that almost 200 infections have been detected among members of the minority-language group – a number that accounts for 1.8 per cent of the entire Somali-speaking population. Both the City of Helsinki and Hospital District of Helsinki and Uusimaa (HUS) are alarmed by the recent development and will step up their measures to reduce the number of infections. “The recent spread of infections among minority-language groups is very disconcerting,” said Jan Vapaavuori (NCP), the Mayor of Helsinki. “The situation necessitates co-operation between different stakeholders, the further development of multilingual services and effective communication. We are currently in talks about new measures to improve the situation with, for example, the Finnish Somali League.” “This will also necessitate co-operation across the capital region, as the situation is unlikely to be limited to Helsinki,” added Vapaavuori. Helsinki and HUS have already distributed information about the virus in a number of languages to provide instructions on, for example, social distancing, self-quarantine and what to do if you suspect you have contracted the virus. The information has also been provided in schools, in kindergartens and through youth outreach work. The city has also added nurses, physicians and other health care professionals representing language minorities to it teams responsible for tracing infections in a bid to enhance its understanding of the reasons behind the recent up-tick. Juha Tuominen, the CEO at HUS, said the hospital district has recognised the need to target its communication efforts at immigrant communities. “We have increased communication in various languages and formats, such as video. It is critically important that the information and instructions are available through mediums that best reach everyone in Finland,” he underlined. - The Helsinki Times -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Somali community voices displeasure with being singled out by Helsinki THE SOMALI COMMUNITY of Finland has voiced its concern about reports that the incidence of coronavirus infections is high among its members, writes YLE. The City of Helsinki on Tuesday communicated that coronavirus infections among members of the minority-language group have increased sharply to almost 200, a number that accounts for 1.8 per cent of Somali-language speakers in Helsinki. The corresponding percentage among the whole population of the city is 0.2. Mohamed Ali Jama, the chairperson of the Finnish Somali League, told YLE on Wednesday that the community is concerned about being singled out in the context of the coronavirus epidemic. “The Somali community is the third most discriminated group in Europe,” he reminded in an interview with the public broadcaster. “There are concerns that the city’s statement could complicate our lives further.” Jama said the community would have preferred it if the reason for the relatively high number of infections had been investigated within the community before making a public announcement on the issue. Helsinki has accounted for over a half of the 2,133 coronavirus infections confirmed in Uusimaa, according to the Finnish Institute for Health and Welfare. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Ra'iisul.wasaaraha wuu dadaalayaa.