Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,660
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Kenya xayiraad kusoo rogtay dhaqdhaqaaqa xeryaha Qaxootiga Kenya ayaa mamnuucday dhaqdhaqaaqa gudaha iyo ka bixida laba xero qaxooti oo waa weyn taas oo qeyb ka ah talaabooyin xakameyn ah oo looga golleeyahay ka hortagga faafitaanka coronavirus ee bulshada nugul. Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi ayaa sheegay in xayiraadda la saaray xerada Dhadhaab ee bariga Kenya, oo ay ku nool yihiin 217,000 oo qof, iyo xerada Kakuma ee waqooyi-galbeed Kenya, oo ay ku nool yihiin 190, 000 oo qof. Kenya, oo diiwaangelisay 490 kiisaska coronavirus, ayaa illaa iyo hadda, weli soo sheegin wax cudur ah oo laga helay labada xero, oo ay ku jiraan qaxooti ka kala socda Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya - oo qaarkood halkaas ku noolaa ku dhawaad 20 sano. Khubaro caafimaad iyo kooxo bini-aadamnimo ayaa muddo dheer ka digaya in uu ku faafo Covid-19 xerooyinka qaxootiga ee dadku ku badan yahay.
  2. Haddee gabadhaan qabto cudurkaan xun maxaa intaas dad meesha wada istaajiyey? War ummadaan indha adkaa. ________________ Bukaankii uu horeeyay oo ka faa’idaystay mashiin neef siiye ah oo uu sameeyay wiil dhalinyaro Soomaaliyeed Dowladda Soomaaliya ayaa bukaankii ugu horeeyay uga faa’idaysay mashiin neef siiye ah (ventilator) oo uu gacantiisa ku sameeyay Maxamad Cadaawe oo ah wiil dhalinyaro Soomaaliyeed, oo Muqdisho ku nool. Waxay kusoo beegmatay waqti aad loogu baahi qabo qalabkaan, iyadoo adduunka oo idil u qabo baahi isku mid ah, maadaama Covid19 uu sababayo inuu weeraro hab-dhiska neef mareenka, taasoo keenaysa in bukaanadu u baahdaan hawo la farsameysay oo ka imaanaysa qalabkaan. Si looga faa’iaysto xirfada wiilkaan dhalinyarada waxay Dowladda Soomaaliya bilowday inay badiso mashiiinadaan, si loogu maareeyo baahida bukaanada uu maalin walba soo ridinayo cudurka Covid19. Maxamed Cadaawe ayaa kasoo muuqday warbaahinta isagoo hagaya koox farsamayaqaano oo loo igmaday inay si degdeg ah kusoo saaraan tiro badan oo qalabkaan ah, maadaama aysan dowladdu haysan qalab ku filan.
  3. Turkey delivers second batch of medical supplies to Somalia to fight COVID-19 Turkey sent a second shipment of medical supplies to Somalia on Monday to help the country combat the novel coronavirus outbreak. An A-400M military plane carrying supplies including stretchers, beds and quilt covers departed from Etimesgut Military Airport in the capital Ankara. On Saturday, Turkey sent a shipment of medical supplies to Somalia, including new Turkish-made ventilators. After Turkey’s all-out efforts to develop its own ventilators, which bore fruit last month, Somalia – which lacked the devices, which are critical for fighting the coronavirus – became the first country it sent the ventilators to. The medical aid packages bore the Turkish presidential seal along with the Turkish and Somali flags and a famous saying by 13th-century Sufi mystic Mevlana Jalaluddin Rumi: “There is hope after despair and many suns after darkness.”
  4. Dowladda Turkiga oo had iyo jeer la garab taagan taageerida dadweynaha Soomaaliyeed.
  5. Carwada Iidko ku taalay Jidka Sodonka, aaga Labadhagax ayaa soo xasuustay. Dharka ciidda ayaa aniga iyo walaalahey loogu soo gadi jiray dhamaadkii sideedameyadii. Cadnaan kuma soo gaarin carwadaas filaa.
  6. The first person who officially sung Soomaaliyeey toosoo, by the way. Qaasim HIlowle:
  7. Saalax, noo sheeg the man who composed Soomaaliyeey Toosoo asagana. Mise kaas tolka ma'aha.
  8. Mooshinkii Sheekh Cusmaan oo lagu joojiyay amar ka baxay Muqdisho Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in la joojiyay mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre, oo maalmihii la soo dhaafay ay taagneyd dood ku saabsan. Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu u tagay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle islamarkaana uu ka codsaday in la baajiyo mooshinka, waxaana la sheegay inuu ku raacay arrintaas. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay door weyn ku laheyd in la joojiyo mooshinka ka dhanka ah Sheekh Cusmaan Barre maadaama la joogo xiligii kala guurka ah ee HirShabelle. Kulamo oo aan wali dhamaanin ayaa la isku afgartay in la joojiyo mooshinka halka Sheekh Cusmaan Barre laga dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo warqad ku saabsan musuq maasuq ka jira HiSshabelle uu la wadaagay deeq bixiyaasha caalamka, arrintaas oo ay ka xumaadeen dowladda Soomaaliya iyo madaxda kale ee HirShabelle. Maamulka HirShabelle ayaa waxaa u harsan 4 bil oo kaliya mana ka muuqato dedaalo ku aadan in doorasho ay ka dhacdo maamulkaasi oo afartii sano ee la soo dhaafay ku dhameestay is qab qabsi iyo waxqad la’aan.
  9. Madaxweyne Farmaajo oo xiriir la sameeyey Erdogan iyo ujeedka uu u wacay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa xalay khadka telefonka kula xiriirey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne fFarmaajo uu wacay Erdogan, isla markaana uga mahad celiyey taageerada walaalnimo ee dalka Turkigu u soo direy Soomaaliya. “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dowladda Turkiga ayaa maalintii Sabatida Muqdisho ka dejisey diyaarad nooca Milteriga ah oo sidey agabka looga hortago cudurka COVID-19. Kadib gargaarkaas, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Mashiinada neefta bixiya (ventilator) ee lagu sameeyey gudaha Turkey waxaa ku neefsan doona walaalaheen Soomaaliya, oo ay ka jirto mashiino yari aad u darran. Dareenkeena waxa uu mar walba la jiraa kuwa la caburiyo ee iyo dalalka baahida qaba.” Kaalmadan agabka caafimaad ah ayaa isugu jirtay maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, qalabka lagu baaro COVID-19, qalabka neef-siinta (ventilators) iyo agab kale.
  10. Turkiga oo markale qalab CAAFIMAAD ka soo dajiyey magaalada Muqdisho Labo diyaaradood oo ka yimid wadanka Turkiga ayaa maanta ka soo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo keenay gargaar caafimaad oo lagu talalagay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka warbixisay deeqdaasi markale ka timid Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradda Turkish Airlines ay keentay qalab caafimaad. “Diyaaradii afaraad ee sida qalab caafimaad ee ka socota Dowladda Turkiga ayaa kasoo degetay gageda Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri muuqaal la soo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya. Turkiga oo ah saaxibka dhow ee Soomaaliya ayaa labo jeer oo hore Muqdisho ka soo dajiyey gurmad caafimaad oo ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka, si looga hortago Covid-19 oo fara ba’an ku haya Somalia. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xiriir la sameeyey dhiggiisa, Recep Tayyip Erdogan ayaa kaga mahadceliyey hiilka walaalnimo iyo agabka caafimaadka uu sida deg-degga ahi ugu soo diray Soomaaliya. “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxuuna Turkigu Soomaaliya ka caawiyaa tababarka ciidamada, siyaasadda iyo bani’aadanimada.
  11. Baraawe Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad oo uu kamid yahay agabka Sheybaarka ee lagu baaro COVID-19 gaarsiisay magaalada Baraawe, kadib markii Ra’iisul Wasaare Khayre uu faray guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 inay ka jawaabaan baahiyaha jira ayna hubiyaan xaaladdda dad ku sugan Baraawe oo lagu arkay astaamaha lagu garto Feyruska Karoona.
  12. Soomaaliya oo maanta laga helay 51 xaalad oo ah COVID-19, iyo xanuunka oo kusii fidaya gobollo ka fog caasimadda Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxey sii daaysay warbixintii maalilaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda dalka iyo xanuunka Covid-19, waxaana lagu sheegay in maanta oo qura ay soo kordheen 51 xaalad, halka 10 bukaan ay ka bogsoodeen xanuunkaan, sida lagu sheegay Warbixinta dowladda Soomaaliya ay sii shaacisay. Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid kamid ah dadkii la xanuunsanaa cudurkaan uu maanta u geeriyooday, taas oo kor u sii qaadeysa bukaannaa ugu dhimanaya Soomaaliya COVID-19. Wasiirka caafimaadka Jamhuuriyadda Soomaaliya marwo Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo lagasoo duubay muuqaal ayaa waxay sheegtay in dadka maanta xanuunka laga helay ay kala yihiin 32 rag iyo 19 haween ah. Laakiin wasiirku ma aysan sheegin dadka guud ahaan maanta la baaray iyo haddii ay jiraan shakhsiyaad laga waayay, sida waddamada kale ay ku sheegaan warbixinnadooda. Gobolka Banaadir ayaa ah halka ugu badan ee uu xanuunka COVID-19 kusoo ritay bukaannada sida ku cad warbixinadda wasaaraddu ay sii daaysay, 37 kamid ah dadka maanta laga helay waxay ku noolyihiin Muqdisho, halka 12 ruux lasoo sheegay in ay ku suganyihiin Puntland, 2 xaaladna waxaa laga helay Galmudug. Wadarta guud xanuunka Coronavirus waxa uu soo ritay guud ahaan Soomaaliya bukaanno gaaray 722 ruux, waxaa ka bogsooday 44 qof halka ay u dhinteen 32 ruux, sida lagu sheegay warka dowladda kasoo baxay. Soomaaliya waxay hadda kamid tahay waddamada safka hore xagga dhimashada uga jira xanuunkan gobolka geeska Afrika.
  13. Injineer Soomaali ah oo soo saaray Mashiinka Neefta Injineer Soomaali ah ayaa soo saaray qalabka neefsashada , xilli ay kordhayaan dadka aan helin Mashiinka Neefta ee u dhimanaya fayruska COVID-19. Maxamad Cadaawe oo ah 21 jir ku nool caasimadda Muqdisho, ayaa ku sheegay waxa ku dhaliyay farsamada qalabka neefsashada inuu baraha bulshada ka daawaday Aabbe Soomaali ah oo sheegay wiil uu dhalay inuu u dhintay markii uu waayay Mashiinka neefta siiya bukaannada. " Dalkeenna ma leh awood lagu gaarsiin karo dhammaan bukaannada Mashiinka neefta ,taas ayaana igu dhalisay farsamo ahaan inan annigu isku dayo." ayuu yiri Cadaawe " Hadda waxaan u arkaa ugu yaraan in bukaannada uu caawin doono Mashiinka oo aan gurigeyga ku farsameeyay." ayuu ku daray. Dadaalkii uu u galay farsamada qalabkan ayuu ku sheegay inuu ku dhammeystiray muddo 20 cisho ah. " Qalabkan wuxuu ka sameysan yahay neef bixiyihii gacanka lagu siin jiray, balse ninkaan dhallinyarada ah wuxuu u farsameeyay hab sahlan oo ah inuu neefta gudbinayo iyadoon cidna gacan u adeegsan." ayuu yiri Dr Xuseen Cabdicasiis Fatxi oo ah agaasimaha isbitaalka Soomaali Suuuriyaan ee magaalada Muqdisho. Dr Xuseen , wuxuu xaqiijiyay in si rasmi ah uu isbitaalka u adeegsan doono qalabkan oo tayo ahaan caawinaya bukaannada u baahan mashiinnada neefta. Baahida ay dunidda u qabto qalabka neefsashada ayaa koradhay si aan horey loo qiyaaseyn, kaddib markii si safmar ah uu ugu dhuftay caalamka fayruska COVID-19 oo Soomaaliya ay u dhinteen 31 qof.
  14. Gaarisa Kenya oo xirtay suuqa ugu weyn xoolaha ee gobolka Gaarisa si loo xakameeyo faafitaanka Covid-19 Maamulka gobolka Gaarisa ayaa xiray suuqa xoolaha ee Dhagaxley ee Dhadhaab si loo xakameeyo faafitaanka coronavirus. Suuqa ayaa ku dhow soohdinta gobolka Wajeer halkaas oo la xaqiijiyay laba xaaladood oo ah Covid-19. Mas'uuliyiinta Gaarisa ayaa sheegay in xiritaanka ay ka dhalatay baahida loo qabo in la yareeyo dhaqdhaqaaqa dadka ee ka dhexeeya labada gobol. Labada degmo waxay xuduudo la wadaagaan Soomaaliya halkaasoo uu ku soo badanayay kiisaska cudurka coronavirus. Gudoomiye ku xigeenka Garissa Cabdi Dagane ayaa sheegay in xiritaanka suuqa uu qeyb ka ahaa olole balaaran oo lagu xoojinayo u diyaarsanaanta gobolka ee wax ka qabashada faafitaanka cudurka. “Walaaca ugu weyn ee aan qabno waa in coronavirus uu yahay cudur zoonotic ah oo lagu kala qaado dadka iyo xayawaanka. Ma jeclaan lahayn in ay heerkaas gaarto maxaa yeelay waa musiibo, ”ayuu yidhi, Gudoomiye ku xigeenka Garissa Cabdi Dagane. Bukaanada Wajeer Covid-19 ayaa ah labo nin oo da’doodu tahay 36 iyo 32 oo ka soo jeeda gobolka Gaarisa kuwaas oo ka yimid Diif oo ku yaal Koonfurta Wajeer iyada oo ay wehelinayaan saddex qof oo kale markii ay ka soo laabanayeen socdaalkii ganacsi ee xoolaha ee ay kaga yimaadeen Muqdisho-Soomaaliya.
  15. Puntland: Tirada dadka laga helay covid19 oo gaartay 30 qof xilli uu istaagay bandowgii saarnaa magaalooyinka Cudurka Coronavirus ayaa kusii kordhaya degaanada Puntland, iyadoo cudurku gaaray 30 qof. Waana tiradii ugu badnayd ee laga diiwaan galiyo Soomaaliya marka laga yimaado muqdisho oo cudurkun uu si aad ah ugu faafay. Labadii habeen ee ugu dambeysay ku dhawaad 20 qof ayaa laga helay cudurka, sida aan kasoo xiganay tirokoobka guddiga Puntland u qaabilsan la tacaalida covid19 Masuuliyiinta Puntland ayaa lagu dhaliilay inaanay weli xakamayn shirarka dadka badan iskugu yimaadaan ee hay'adda maamulka qabanayo. Waxaana sidoo kale iskiis u istaagay bandowgii habeenimo ee saarnaa magaaloyinka Puntland. Sidoo kale goobaha cibaadada ayaa furan oo sidoodii loogu tukanayaa, halka qaar kamid ah masaajida habeenkii lagu tukanayo salaadaha Taraawiixda.
  16. The average language used by the mass media in Soomaaliya is not based on a Northern nor Southern dialect. It is mostly a Central region standardized dialect. Anyway, what is up with Soomaali language and you?
  17. Haraad is a severe thirst, like in drought times, whereas ooman is your average thirst.
  18. Yea, right. No coronavirus case in Ethiopia over past 24 hours Ethiopia on Saturday said no COVID-19 case has been found in the last 24 hours. The daily update by the Health Ministry showed a record number of 2,016 tests were conducted over the past day. "No new infection has been found from the samples tested," it said. Meanwhile, the ministry said additional three patients have fully recovered. That brought the total number of recoveries to 69, surpassing active cases that now stand at 59. Of the total 20,770 virus tests conducted in the country so far, there are 133 confirmed cases and three deaths. According to Health Minister Liya Kebede, the country is well poised to step up its lab testing capacity. She also said her ministry was getting rundown ventilators repaired to be prepared for the worst. Ethiopia only has a few over 400 ventilators, but, according to Liya, the country is in the process of importing more ventilators. Xigasho