Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,651
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Dad howshooda ka dhigtay marqaamid iyo dowladda dhexe see ugu jawaabnaa, ileen meesha wax kale laguma haayee. Soomaalilaan oo soo saartay digniin iyo dacwad ka dhan ah dad ku sugan Muqdisho Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay digniin adag kasoo saartay ciyaartooy kasoo jeeda deegaanadeeda oo ka qeyb-galay tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin ayaa sheegay in ciyaartoyda ka qeyb-gashay tartankii ka dhacay Muqdisho ay yihiin dambiilayaal qaran. Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay dhalinyaradaas inay yihiin qaran dumis, maadama ay qaateen magac ka gedisan midka dalkooda, sida uu hadalka u dhigay. “Cidkasta oo reer Somaliland ah oo aan ku ciyaarin Magaca reer Soomaliland waa dambiile qaran dumis ah ilaa iyo inta uu cafis uga weeydiisanayo Madaxweynaha Somaliland” ayuu yiri agaasime C/rashiid Ceydiid. Waxa uu xusay in liiska magacyada dhalinyaradii ka qeyb-gashay tartankii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho ay u gudbiyeen Hay’adaha Amniga iyo Xeer ilaalinta Somaliland, si maxkamad loola tiigsado marka ay soo laabtaan. Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo beesh caalamka u aqoonsan tahay dowlad goboleed ka tirsan Jamuuriyada. Xukuumadda ayaa waxay inta badana xarig kula kacda shaqsiyadka caanka ah ee kasoo jeeda deegaanadeed ee u safra magaalada Muqdisho, iyada oo Somaliland ka mamnuucday siyaasiyiinta kasoo jeeda ee xillka ka haya dowladda federaalka.
  2. Midowga Musharaxiinta oo oo beesha Caalamka u gudbiyay talobixin ku saabsan qabashada doorashada Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa u direy qoraal digniin iyo talobixin ah beesha caalamka taasoo ku saabsan sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo ka dhacda dalka Soomaaliya. Qoraalkan ayaa lagu xusay in loo baahan yahay guddi doorasho oo dhammaan dhinacyada ay quseyso ay ku qanacsan yihiin iyadoo lagu sheegay qoraalka in goluhu uu diyaariyay xubnaha guddiga farsamo ee laga saarayo guddiga. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu baaqay in ay kulmaan guddoomiyaha golaha sare iyo oday dhaqameedyada ka soo jeeda Somaliland ayna soo xulaan guddiga farsamada ee doorashada xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland,laguna qabto doorashada labada gole ee xildhibaanada Somaliland Xalane iyadoo ammaankana ay sugayaan ciidamada AMISOM. Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu xusay in maadaama waqtiga qabashada doorashada uu gabaabsi yahay in lagu qabto doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose hal goob halkii hore ay u ahayd in lagu qabto labo magaalo oo dowlad goboleed walba loo asteeyay. Xigasho
  3. Xirtaan aanan isaaminsaneyn iyo beesha caalamka maxaa kala heysto.
  4. Tuugii qalalaase ku noolka ahaa Mahad Salaad ayaa warkaan been abuurka ah bilaabay. DF Soomaaliya oo war kasoo saartay ciidamada lagu soo bandhigay duleedka Muqdisho Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ciidamo abaabulan oo la sheegay inay ka hor tegayaan in doorasho aan loo dhameyn lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo soo saaray war qoraal ah ayaa ka hadlay arrimaha ciidamadaas oo si aad ah muuqaalladooda lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka Al-Cadaala ayaa ugu horreyn sheegay in ciidamadaasi aysan aheyn kuwo ka soo horjeeda doorashooyinka dalka, isaga oona been abuur ku tilmaamay arrintaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in muuqaalka la soo bandhigay aan hadda la duubin, islamarkaana ciidamada ka soo muuqday aysan aheyn kuwo falaago ah. “Muuqaalka maalmahaan la wareejinayay ee lagu sheegay Ciidamo kasoo horjeeda Doorashada waa been abuur aan Sal iyo raad lahayn. Muuqaalka la isticmaalay ma aha mid hadda laduubay Ciidamada ka muuqdana ma aha falaago” ayuu yiri Al-Cadaala. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay warbaahinta iyo dadka kale ee wax faafiya in ay ka fiirsadaan farriimaha ay la wadaagayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda been abuurka ah. “Waxaan ugu naseexaynayaa Warbaahinta iyo Dadka wax faafiya in laga dhawrsado been abuurka nuucaan oo kale ah,” ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenku. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in muuqaalka la baahiyey uu gaf weyn ku yahay ciidamada iyo shacabka, islamarkaana loo baahan yahay in aan la hurin colaad aan jirin. “Waa ku gaf Qaranka, waa ku gaf Ciidamada, waana ku gaf Shacabka Soomaaliyeed. Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad,” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo saacadihii u dambeeyey muqaalka ciidamo abaabulan lagu baahiyey Internet-ka, kuwaas oo saraakiisha hoggaamineysa ay ku goodiyeen inay tallaabo qaadi doonaa haddii la qabto doorashooyin hal dhinac ah. Xigasho
  5. Maalik wuxuu ka soo jeedaa Maalik al Mulk (the owner of all sovereignty). So Cabdimaalik means servant of the owner of all sovereignty. In the other words, servant of the everlasting King. Mulki is also magac gabdhaha Soomaaliyeed loo bixiyo as well.
  6. Hadduu dili lahaa laba qof bas muxuu ahaan lahaa marka? Imaamka?
  7. Soomaaliya waxee la degi, salka la dhigi la'dahay dadkaan dambiyada waa weyn soo geystay ayaa wali bulshada ku dhex nool, qaarkoodna wadaado iska dhigaayo. Xaalka ma sahlano.
  8. Dhanka kale taariikhda calankeena iyo sida lagu sameeyey waxaa idinla wadaagaa wareysi aabahey laga qaaday sanadkii 2000. Aabahey goobjoog ayuubu ahaa markii la sameynaaye iyo sida lagu sameeyey maadaama.xubin sare ka ahaa ururkii gobonimodoonka ee SYL. Wargeys Kalmo la dhihi jiray, kana soo bixi jiray magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa lagu daabacay wareysiga. Wareysiga wuu dheeraa laakiin qeybta calanka taariikhdiida ku saabsan ayaa idinla wadaagaa ee ila aqrista. _______________ "𝑲𝒂𝒔𝒎𝒐: Bishii Apriil sanadkii 1957dii waxaa Muqdisho lagu dilay Kamaaluddin Salaax oo Masar u joogay Soomaaliya. Haddaba dilkaasi maxaad kala socotaa? 𝑺𝒉𝒆𝒆𝒌𝒉 𝑴𝒖𝒌𝒉𝒕𝒂𝒂𝒓: Kamaaluddiin waxaa dilay nin la yiraahdo Wiilow oo reer Luuq ah, aabihiisna waxaa la dhihi jiray Sheekh C/raxmaan Dheere. Ninkaasi wuxuu ahaa dadkii loo qaaday Masar. Xaaji Maxamed Xuseen kii Leegada madaxda ka ahaa iyo isaga dadkii kowda hore ee tacliinta loogu qaaday Masar ayay ahaayeen. Akhlaaq-xumaa loo soo eryay oo Soomaaliyaa lagu soo noqay. Waxaa laga sheegay ninkaas ka hor inuu yiri ‘Alleylehe nin Masar ah markii aan dilo unbaan aarsanaayaa sidii ay ii galeen.' Marka Kamaaludiin la dilayo, anigu Xamar baan ka baxay oo waxaan ku sii socday Xuddur oo la ii beddelay, waxaana habeen barinay Maanyafuulka, habeenkii dambe meel Seenilow la yiraahdo ayaa baabuurkii nooga hallaabay. Subaxdii shufeerkii (wadihii) iyo niman hunguri noo soo doonay oo beledka (Baydhabo) ku soo noqday ayaa na yiraahdeen, 'Waa la dilay Kamaaluddiin!' Runtii Kamaaluddiin dilkiisa Talyaani ayaa ku lug lahaa. Niman Soomaali ah oo Talyaaniga taagersanaana waa ku jireen. Kamaaluddiin gurigiisa ayuu isugu yeeray Golihii (Councilia Teritoriale) oo Talyaanigii suubiyay oo Aadan Cabdulle Cusmaan madax ka ahaa iyo nimankii axsaabta madaxda ka ahaa dhamaantood wixii pro-Italian ahaa iyo wixii ka soo horjeeday ee dawladnimo dalbaayay ayuu isugu yeeray gurigiisa, wuxuuna ku yiri: "𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒅𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝒔𝒉𝒂𝒄𝒃𝒊 𝒊𝒔𝒕𝒊𝒄𝒎𝒂𝒂𝒓 𝒅𝒊𝒍𝒂𝒚 𝒐𝒐 𝒏𝒊𝒚𝒂𝒅𝒅𝒂 𝒌𝒂 𝒅𝒉𝒊𝒏𝒕𝒂𝒚. 𝑻𝒐𝒃𝒂𝒏 𝒔𝒂𝒏𝒐 𝒌𝒂 𝒃𝒂𝒄𝒅𝒊 𝒙𝒐𝒓 𝒃𝒂𝒂𝒅 𝒏𝒐𝒒𝒐𝒏𝒆𝒚𝒔𝒂𝒂𝒏 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒍𝒂 𝒍𝒆𝒆𝒚𝒂𝒉𝒂𝒚, 𝒅𝒉𝒆𝒈𝒏𝒂 𝒖𝒎𝒂 𝒅𝒉𝒊𝒈𝒂𝒚𝒔𝒂𝒂𝒏! 𝑾𝒂𝒙𝒂𝒂𝒅 𝒚𝒆𝒆𝒔𝒉𝒂𝒂𝒏 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏𝒌𝒊𝒊𝒏𝒊𝒊 𝒉𝒂 𝒍𝒂 𝒔𝒖𝒖𝒃𝒊𝒚𝒐, 𝒐𝒐 𝒕𝒂𝒏 𝑻𝒂𝒍𝒚𝒂𝒂𝒏𝒊 𝒉𝒂 𝒍𝒂 𝒃𝒂𝒂𝒍 𝒔𝒖𝒓𝒐. 𝑯𝒂𝒅𝒅𝒊𝒊 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏𝒌𝒊𝒊 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂 𝒍𝒂 𝒚𝒊𝒓𝒂𝒂𝒉𝒅𝒐 𝒐𝒐 𝒂𝒚 𝒂𝒓𝒌𝒂𝒂𝒏 𝒊𝒏𝒂𝒚 𝒓𝒖𝒎𝒆𝒚𝒔𝒕𝒂𝒂𝒏 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒍𝒂 𝒂𝒓𝒌𝒂𝒂𝒚𝒆, 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏 𝒔𝒖𝒖𝒃𝒊𝒔𝒕𝒂." Ra’yigaas isagaa keenay (Counciliyadii) ayaa ra’yigii la keenay, waana laga dooday, waana lagu heshiin waayay. Xisbi kasta calan ayuu lahaa. Calankiisii in laga dhigo ayay damceen. Leegada ayaa ugu rooneyde oo shan xiddigey lahayde oo shan Soomaali lagu ishaaraayo. Waa diideen. Nin aan maqlay waa sariir-fuul oo Kanada jooga, 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑪𝒂𝒘𝒂𝒂𝒍𝒆 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝒍𝒂 𝒚𝒊𝒓𝒂𝒂𝒉𝒅𝒐 𝒐𝒐 𝑮𝒐𝒍𝒂𝒉𝒂 𝒌𝒖 𝒋𝒊𝒓𝒂𝒚 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒈𝒖𝒓𝒊𝒈𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒊𝒏𝒕𝒖𝒖 𝒕a𝒈𝒂𝒚 𝒔𝒐𝒐 𝒉𝒊𝒏𝒅𝒊𝒔𝒂𝒚 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏𝒌𝒂𝒂𝒏 𝒎𝒊𝒅𝒂𝒃𝒌𝒂𝒂𝒏 𝒍𝒆𝒉, 𝒙𝒊𝒅𝒅𝒊𝒈𝒕𝒂 𝒔𝒉𝒂𝒏𝒕𝒂 𝒈𝒆𝒆𝒔 𝒍𝒆𝒉. 𝑺𝒂𝒂𝒌𝒂𝒚 𝒐𝒐 𝒌𝒂𝒍𝒆 𝒂𝒚𝒖𝒖 𝒔𝒐𝒐 𝒇𝒂𝒓𝒊𝒊𝒔𝒕𝒂𝒚, 𝒉𝒂𝒅𝒂𝒍 𝒃𝒖𝒖 𝒔𝒐𝒐 𝒋𝒆𝒆𝒅𝒊𝒚𝒂𝒚, 𝒘𝒖𝒙𝒖𝒖 𝒚𝒊𝒓𝒊, ‘𝑾𝒂𝒂 𝒕𝒊𝒊 𝒂𝒂𝒏 𝒌𝒖 𝒉𝒆𝒔𝒉𝒊𝒊𝒏 𝒘𝒂𝒚𝒏𝒂𝒚 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏𝒌𝒊𝒊. 𝑲𝒂 𝒘𝒂𝒓𝒓𝒂𝒎𝒂 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏 𝒉𝒂𝒅𝒅𝒂 𝒌𝒂 𝒉𝒐𝒓 𝒂𝒂𝒏 𝒍𝒂 𝒂𝒓𝒌𝒊𝒏, 𝒙𝒊𝒔𝒃𝒊 𝒔𝒖𝒖𝒃𝒔𝒂𝒅𝒂𝒚𝒏𝒂 𝒂𝒂𝒏 𝒍𝒂 𝒂𝒓𝒌𝒊𝒏, 𝒉𝒂𝒅𝒅𝒂𝒂𝒏 𝒃𝒂𝒏𝒅𝒊𝒊𝒓𝒂𝒅 (𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏) 𝒌𝒂 𝒅𝒉𝒊𝒈𝒂𝒏𝒏𝒐 𝒎𝒂𝒙𝒂𝒂𝒅 𝒌𝒂 𝒒𝒂𝒃𝒕𝒂𝒂𝒏?’ ‘Waa fiican tahay,' ayaa la yiri. 𝑱𝒆𝒆𝒃𝒌𝒊𝒊𝒔𝒖𝒖 𝒌𝒂 𝒔𝒐𝒐 𝒃𝒊𝒙𝒊𝒚𝒂𝒚, 𝒔𝒊𝒅𝒂𝒂𝒔 𝒂𝒚𝒖𝒖 𝒖 𝒕𝒂𝒂𝒈𝒂𝒚, 𝒔𝒂𝒄𝒂𝒃𝒂𝒂 𝒍𝒂𝒈𝒖 𝒕𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒚. 𝑰𝒏𝒕𝒂𝒂𝒔 𝒊𝒚𝒐 𝒘𝒂𝒙 𝒍𝒂 𝒎𝒊𝒅 𝒂𝒉 𝒊𝒚𝒐 𝒌𝒂 𝒃𝒂𝒅𝒂𝒏 𝒂𝒚𝒖𝒖 𝑲𝒂𝒎𝒂𝒂𝒍𝒖𝒅𝒅𝒊𝒊𝒏 𝒔𝒖𝒖𝒃𝒊𝒏𝒂𝒂𝒚𝒂𝒚. Waxa Talyaaniga kula colloobay taas ayey ahayd, nimankaan dilayna Talyaani ayaa soo diray."
  9. Ninkaan baryahaan baraha bulshada Soomaaliyeed qabsaday, asagoo islahaa ku soo caanbax afar xaas ayaa qabaa iyo calankeena ka been sheeg. Intuuba meel gaarin taariikhdiisa madoow la soo qufay, kuna jirto inuu dhiigyocab iyo tuug weynaaday yahay, magaciisana badashay. Wareysiga hoose fiirso, xataa si cad uma beeninaayo eedeynta wariyaasha uu ku dilay Muqdisho sodon sano ka kor.
  10. What is funny is that if you go into streets of Xamar and do some random poll of each individual you come across, I don't even think qabiilka odeyga uu sheegaayo would be 38 percent of the population of Xamar. They would be lucky if they are 35%.
  11. Jeneraal Galaal oo farriin xasaasi ah u diray beelaha *** Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka beelaha *** oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku taliyey in Soomaaliya hoggaanka loogu dhiibo beelweynta ***, isagoo shaaciyey sababta uu u yiri sidaas. Waxa uu sheegay in beelweynta *** ay ugu dad badantahay qoymiyadda Soomaaliyeed, isla markaana ay haatan ku haboonaa laheyd in hoggaaminta Soomaaliya looga dambeeyo ***, sida uu hadalka u dhigay. “Markii tira koob la sameeyey waxaa la ogaaday in dadka Soomaaliyeed 38% ay yihiin ***, waxaa ku xiga *** oo 25% ah, waxaa ku sii xiga *** oo 18% ka ah Soomaalida,” ayuu yiri Jeneraal Galaal. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Waxaad fiirisaan 38 iyo 18 tirada u dhaxeysa, marka dadka ugu badan waa ***, sharciguna waxa uu qabaa in tirada badan ay wax hoggaamiso, marka waa in *** hoggaamiyaa Soomaalida.” Waxa uu sheegay in Beesha *** la yiraahdo ay tiro iyo tayaba leedahay, balse waayihii dambe ay wax ka jireen dhanka talada, sida uu hadalkiisa u dhigay. “Inaan hormuud noqono Soomaaliweyn oo xuquuqdeenii raadsano, tii dadka kalena raadino, wax ka yari nama deeqaane, waxaan soo jeedinayaa inaan Soomaaliweyn ku raadino tiradeena iyo tayadeena intaba,” ayuu Jeneraal Galaal hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale waxa uu sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo adkeysi badan oo soo marti gelisay dhibaatooyin lixaad leh, isagoo soo jeediyey in Muqdisho loo aqoonsado inay tahay ‘magaaladii geesinimada’. Xigasho _______________ Inta ka fiirso wuxuu sheegay odeyga wareeray.
  12. First he did not go to Garoowe and now meeeting ra'iisul wasaaraha in xafiiskiisa. What is C/raxmaan C/shakuur cooking?
  13. Che, haye boorsooyinkaaga wey kuu xirxiranyihiin la yiri ee run miyaa? Bililiqo.
  14. The great Soomaali philosopher, Awkoombe, wuxuu yiri in the 1980s, "Ninkii soo joog laga waayo soo jiifaa laga helaa."
  15. Lacagtii yareyd ee Imaaraadka iyo Kiikuuyada qandaraas loogu soo qaatay wey dhamaatay filaa. Watch.