Juje

Nomads
  • Content Count

    2,791
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Juje

  1. Originally posted by Xaaji_xundjuf: Viva silanyo , Madaxweynaha mustaqbalka Wa hadu Illah cimri ku garsiiyo - the guy is an octogenarian.
  2. Moonlight there is actually an audio of this Kabojaceel going around. Do you by anychance have it ? This is a smack in the face of those that claim that Shabab is clean from tribalism.
  3. Maryan Mursal has started a new trend.
  4. Jaale I dont know where you picked up the "part militia leader" but it is a distortion on your side. Here is the video
  5. Juje

    Dhac iyo Boob

    Originally posted by Dhubad.: Geemku wuxuu ku fiicnaa Qabiilka markii la isku dab saarijiray, hada diintii ayaa magaca looga ciyaarayaa which is wrong!!! Hada ma wagu ku baryay?
  6. Juje

    Dhac iyo Boob

    Dhac iyo Boob kadib Alshabaab oo Maleeshiyaad Beeleedkii ka qaybgalay dagaalkii Kismaayo hubkii ka dhigey KN:Maleeshiyaad beeleedkii ka garab dagaalamayay ururka Alshabaab ayaa la bilaabay in hubka laga maanta kadib markii ay maleeshayadaasi ku kaceen dhac iyo boob ay u gaysteen dad gaar ah oo dagganaa magaalada Kismaayo. Ururka Alshabaab ayaa maanta isugu yeedhey maleeshiyaad beeleedkii ka qaybgalay dagaalka ayna usheegeen inuu jiro shir dagdag ah oo arimo muhiim ah looga hadlayo. Markii ay yimaaddeen goobtii ayaa dhamaan loo qaybiyey lacag gaadheysa $50 lana amrey iney hubka iska dhigaan isla markaana amrey iney soo celiyaan waxii hub ah ee loo qaybiyey. Arintan ayaa timid kadib markii maleeshiyaad beeleedkani ay ku kaceen boob iyo dhac ay u geysanayaan cidwalba oo ay u gartaan beelaha qaar ama waxii culimo ah oo aan taageersaneyn xarakada Alshabaab. Xarakada Alshabaab ayaa iyadu si ula kac ah hub ugu qaybisey maleeshiyaad beeleed si ay uga caawiyaan weerarkii ay ku qaadeen walaalahii hore ee Xisbul Islaam taasoo keentey in Xisbul Islaam laga saaro magaalada Kismaayo. Xidhiidhka udhaxeeyay labada Xarako ayaa maraya meeshii ugu xumeyd abid iyadoo gacan fudeydka Alshabaab uusan ku simeyninba in wax wada hadal iyo waanwaan ah la isugu yimaaddo ayna ku socoto ninkii roon reerka ha uhadho. KismaayoNews.com
  7. They are already at it in Buulo Gaduud,
  8. War Deg-Deg ah: Dagaal ka qarxay Buulo Guduud, duleedka Kismaayo KN: Ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa duulaan ku qaaday fariimo ay ku sugnaayeen ciidamadii Xisbul Islaam ee Kismaayo laga saaray, meesha lagu magacaabo Buulo Guduud. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka la'isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada meesha weeraray ayaa Kismaayo ka dhaqaaqay gabal dhicii, wuxuuna imanayaa maalin kadib markii Shabaabku aydagaal kula wareegeen Kismaayo, kana saareen ciidamadii iyo mas'uuliyiintii Xisbul Islaam. Xogaha aan heeyno ayaa tibaaxa in shir albaabada u xiran oo illaa caawo ay u fadhiyeen mas'uulyintii Kismaayo laga saaray ee Xisbul Islaam ay kasoo baxeen go'aano la filayo in barito saxaafada loo aqriyo kuwaasoo ku aadan sidii laga yeeli lahaa arrinta Kismaayo. Wallow la filayay in wadahadal ay ku baaqaan hadana waxaa muuqata in aanan loo kaadinin oo looga dabatagayo meel kasta oo ay cagta saaraan. KismaayoNews waxay fahamsantahay in ciidamada Shabaab ee Kismaayo ku sugan ey intooda badan difaac ka hayaan Kismaayo ka sokow ciidamada ay u dirreen buulo guduud, sababtoo ah waxaa la filanayaa in magaalada laga soo weerari karo dhan kasta. Wixii soo kordha kala soco KismaayoNews KismaayoNews.com
  9. Juje

    Who Owns Shabab

    Originally posted by Libaax-Sankataabte: Sheikh Shariif qolada mudaharadeyso maad ku jirta adna..?
  10. Warar lagu kalsoon yahay oo laga ilo muhiim ah oo ku dhow Horjoogayaasha Shababka & kuwa Raskambooni ee shalay ku dagaalamay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Dagaalkii ay hogaaminaayeen qeybta Muhaajiriinta ee ajaaniibta ka barbar dagaalanta Maleeshiyaadka Shababka, waxaana la sheegay in tiro ka mid ah ay uga dhinteen dagaalkaasi iyadoo dhaawacyo badan uu soo gaaray. Xogtaan ayaa tilmaamtay in xubnaha Hogaanka Kooxaha Ajaaniibta ah oo sida la sheegay farsiin u ah degmada Jamaame ay ka dambeeyeen dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo, waxeyna ku wargeliyeen Horjoogayaasha Shababka iney talaabo deg deg ah ka qaadaan Axmed Madoobe & Maleeshiyaadka inta aanu qabsan magaalada si uu ugu gorgortamo magaalda Kismayo xagga Dowlada & caalamkaba, waxeyna wel wel ka qabeen in Axmed Madoobe uu xiriiro qarsoon la leeyahay Mareykanka & Ethiopia, uuna ka balan qaaday inuu Gobolka Jubada Hoose ku soo celin doono maamulka Dowlada KMG ah. Wararka ayaa shegeaya in qaab dhismeedka Ururka Muhaajiriinta uu u dhisan yahay sidaan. 1- Fazul Maxamed Abadallah Amiirka Guud ee Muhaajiriinta ahan madaxa qaraxyada, wuxuuna laga soo bilaabo horaantii 2000 soo gaaray dalka Soomaaliya isagoo ka yimid dalka Kenya, wuxuuna degenaa magaalooyinka Lamu & Mombasa, waxaana lagu eedeynayaa inuu ka dambeeyay qaraxyadii dhismayaasha Safaaradaha Mareykanka ee Neyroobi & Darasalam. 2-Madaxa qeybta tababarka maleeshiyaadka Muhaajiriinta & Shababka oo magaciisa lagu sheegay Gen, Dalad Khan kaasoo ka soo jeeda gobolada kulaala xuduuda Afganistan & Pakistan, wuxuuna ka tirsanaa qeybta Alqaa'ida ee Pakistan isagoo ka soo qeyb qaatay dagaaladii ka dhacaya sanooyinkii ugu dambeeyay dalalkaasi, wuxuuna ku muteystay in la dalacsiiyo oo loo magacaabo inuu madax ka noqdo qeybta tababrka Ururka Cusub ee Mujaadintiina Muhaajiriinta ee Soomaaliya. 3- Madaxa Sidoonka & xog uruurinta Mujaahidiinta Muhaajiriinta & kuwa Shababka waa Feysal Al-Fadli wuxuuna ka soo jeeda dalka Comoros, wuxuuna muddo ku sugan yahay magaalada Kismaayo isagoo u kala goosha Gobolada ay maamulaan Shababka, warar ayaa sheegaya in Ninkaan uu si gaar u soo xushay Fzaul Max'ed Abdallah. 4-Axmed Bin Hagi (Abuu xafsa) wuxu u dhashay dalka Aljeeriya, wuxuu u xil saaran yahay xagga maaliyada (Dhaqaalaha) & saadka ee labada urur Muhaajiriinta & Shababka, isaga ayaa la sheegay inuu madax ka yahay kooxa gacanta ku heysa baarista & xagga xiriirka Col.Faransiiska ee laga afduubtay Hoteelka saxafi ee magaalada Muqdisho, wuxuuna la tagaa marba degmo, waxaana loogu xushay heynta la-heysataha isagoo ku hadla afka Faransiiska aad ugu xeel dheer arimaha dalka Faransiiska. Source
  11. Maamulka Puntland oo mamnuucay in la dhegeysto Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da Jimco, October 02, 2009(HOL): Maamulka Puntland ayaa mamnuucay in deegaannada Puntland laga dhegeysto Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, taasi oo ay baahiyaan Idaacado ku yaalla Magaaloyin hoosyimaada Puntland. Wareegtooyin si toos ah uga soo baxay Wasaaradaha Amniga iyo Warfaafinta ee dawladda Puntland ayaa lagu qeexay in ay idaacadda Codka Mareykanka ka shaqeyso ammaan la'aanta deegaanada Puntland. "Dawladda Puntland waxa ay aragtay khatarta ay Codka Mareykanku galisay ammaanka iyo Siyaasadda Puntland, waxa ayna gashay dambiyo waa weyn, kuwaas oo aan layskaga hari doonin., waxaana amarnay in aaney Idaacadaha ku yaalla Puntland baahin karin Idaacaddaas wararkeeda" ayaa lugu yiri qoraalkaas ka soo baxay maamulka Puntland. Sida lugu qoray Wareegtadan ka soo baxday Maamulka Puntland, todobaadkan VOA-da ayaa baahisay war khatar weyn galinaya xasiloonida deegaannada Puntland, isla markaasna ay maamulka Puntland iyo Shacabkeedu aad ula yaabeen, kaasi oo ah Xafiis la sheegay in Urur Hubeysan ka furteen magaalada Garowe ee caasumada Puntland. Go'aanka dawladda Puntland ayaa ka hirgalay deegaanada Puntland, isla saakadii hore, markii ay Idaacadaha Puntland ka gaabsadeen in ay baahiyaan Laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA-da, isla markaasna ay raaceen awaamirtii uga timid Maamulka Puntlan. Qoraalkan sida wada jir ah waxaa ugu saxiixan Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Arrimaha Amniga Puntland, waxaana qeybta Warfaafinta ku saxiixan Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta C/shakuur Mire Aaden iyo dhinaca amniga oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Amniga Jen. C/laahi Siciid Samatar. Go'aamadan deg dega ah ayaa ku soo beegmaya xili shalay, go'aan adag oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta shaqadii Wariyenimo ee VOA-da looga joojiyey, Seddex wariye oo Idaacaddaas uga waramayay Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaasi oo kala ah C/qaadir Nuunow, Nuux Muuse Birjeeb iyo Maxamed Yaasiin *****. Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online maxamedroyter@hotmai l.com Garowe, Somalia
  12. Originally posted by NGONGE: It is because he is within reach. Do you really think if Riyaale was living in the USA someone somewhere would not file a court case against him? It only takes one person, saaxib. Those supporting this might be doing so for clan reasons but the person that filed the case might be doing it out of bitterness, a desire for vengence for some personal tragedy from years ago or a real and direct reason. Indeed sxb, how sweet and logic your argument is sxb. And if it is near then let me make you aware that the very same people filling the suit have welcomed in US and UK Riyaale and his delegation which included culprits same as Samatar. Is he guilty? Yes. But so are others that you are harbouring as national leaders. And if you cannot employ and make use of the Justice system in S/land to bring to justice those were part of making of a genocide it was quite a bafflement how you are able to do so someone oceans away. So my question again sx, is it because he is...?
  13. Originally posted by Qudhac: indeed justice may be low but it catches up with all those who commited attrocities. Why him and not Riyaale and more than six cabinet members of his government who were decission makers and subordinates for Siyaad Barre during the genocide against people of the North West. Is it because he is....?
  14. USA: Court to weigh lawsuit against former Somali PM Wednesday, September 30, 2009 WASHINGTON (AP) — The Supreme Court will consider throwing out a human rights lawsuit against a former prime minister of Somalia who is accused of overseeing killings and other atrocities. The court said Wednesday it would review an appeals court ruling allowing Somalis to sue Mohamed Ali Samantar of Fairfax, Va., who was defense minister and prime minister of Somalia in the 1980s and early 1990s under dictator Siad Barre. The lawsuit alleges that Samantar was responsible for killings, rapes and torture, including waterboarding, of his own people while in power, particularly against disfavored clans. The lawsuit was filed in 2004 at federal court in Alexandria under the Torture Victim Protection Act. U.S. District Judge Leonie Brinkema tossed out the case in 2007, ruling that Samantar was entitled to immunity under a separate U.S. law, the Foreign Sovereign Immunities Act. But the appellate court ruled that the law does not extend immunity to individuals, only to foreign states themselves and their agencies. The high court will consider whether Samantar is immune from the lawsuit. The case will be argued early next year. Source: AP, Sept 30, 2009
  15. The other irony Xiin is that the conflict will also start in Xaamr, Bay, Shabelleda Dhexe and all other areas these militants share.
  16. War Deg-Deg ah: Dagaal hadda ka bilowdey Kismaayo KN: Dagaal culus ayaa fiidnimadan ka qarxay bartamaha magaalada Kismaayo, xabadu waa ay bilaabatay, waxayna u dhacaysaa si darandoori ah, dagaalkuna waa mid culus sida ay noo xaqiijiyeen madaxda Xisbul Islaam oo hadda aan la xariirney. Waay xabadu ka dhaxaysaa xaafada Shiilkole iyo Siinaay oo ay kala joogaan labada dhinac. Ma jirto wax faahfaahin ah hase yeeshee dagaalku waa mid la filayay saacadihii ugu dambeeyeykadib markii ay joogsadeen dhamaan wixii wadahdalo ahaa ee socdey. Dagaalkani waxaa saakay iclaamiyey Sh. Xassan Yacquub afayeenka maamulkii magaalada ee dhanka Xarakatul Shababul Mujaahidiin. wixii kasoo kordha kala soco KismaayoNews.
  17. Originally posted by Cowke: So Don't take duke serious, he just wants to get pay-back for hamar elite dissing his uncle, he can't see past the big picture of having a future stable nation. Listen Mr.hebel I dont think you have lost or grieved as much as Duke has in the unfortunate catastrophe of Xamar - and he loves Xamar and its people more than you do. So shut your gob and leave the man alone or wait until he comes and he will whip you backside like damer jooga suqa xoolaha.
  18. Xarakada Al Shabaab ayaa Goordhaw Maamul Islaami ah u Magacaawday Gobalada Jubbooyinka waqti ay magaalada Kismaayo ka aloosanyihiin Xiisada Colaadeed oo udhexeeya Maamulka Islaamiga Kismaayo iyo Sheekh Axmed Madoobe. Wararka nagasoo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Mas'uuliyiin cusub loo Magacaabay Gobalada Jubada Dhexe iyo jubbada Hoose oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee Somalia. Magacyada Mas'uuliyiinta la doortay. 1-Waaliga Jubbooyinka:Sheekh Abuubakar zeylici 2-K/xigeenkiisa Koobaad: Xuseen Cabdi Geedi 3-Taliyaha Amaanka guud ee Jubbooyinka:Aadan Salaad Cabdi Raxmaaan 4-Taliye K/xigeenka Guud ee Jubbooyinka: Sheekh Ciise Maxmuud dheere. 5- Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo: Ugaas Maxamed Cumar Cabdule 6-Afhhayeenka Guud ee Gobalada Jubooyinka: Sheekh Xasan Yacquub Cali 7-Taliyaha Ciidanka Amaanka Magaalada Kismaayo:Sheekh C/raxmaan Cali axm
  19. YAABAYEE HORTA KISMAAYO YAA-LEH? Aniga iyo adiga iyo asaga iyo ayada iyo ayaga.
  20. Originally posted by NGONGE: (Yeah, yeah, I know nobody is right but just humour me and tell me who is in the wrong here). War kuwi mesha jogey ma aragtey, inti lo yimid ayey cararen. Dabadeed wey so laba kacleyeen , hada kuwi dulanka aha aya cararaya. And they are both right cause they are 'mujahiids'. I hope you are amused.
  21. Originally posted by NGONGE: Nothing at all. Just another human who (allegedly) committed a crime. Bloody Liberal :mad: :mad: