Juje

Nomads
  • Content Count

    2,791
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Juje

  1. Originally posted by Juje: hubka dhiga baa hadda meesha taagan qoryaha iyo gawaarida nagu wareejiya idinkana iska dareera Meeqo ayey ayagu saas ku yirahdeen....it is thier turn now... And this will follow soon.
  2. Xisbul islaam oo sheegay in dagaalo ka qarxa kismaayo ay sababi karaan in ay ku faafaan deegaanada kale ee dalka. Shabelle: MUQDISHO Ururka Xisbul islaam ayaa goordhow shaaca ka qaaday in hadii dagaal uu ka qarxo magaalada Kismaayo uu ku faafayo deegaanada ay ku wada suganyihiin iyaga iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Afhayeenka Golaha Shuurada Ururka Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Cadoow oo shir jaraa’id qadka taleefanka ugu qabtay bahda warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Ururka Xisbul Islaam uu cadeynayo hadii dagaal uu ka qarxo magaalada Kismaayo uu saamaynayo dhamaan goobaha ay ku wada suganyihiin ciidamadooda iyo kuwa xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. “Al Xibul Islaami dhulka uu joogo waa la yaqaan,Walaalaha Shabaabna dhulka ay joogaan waa la yaqaan wixii kismaayo ka dhaca haday xabad bostoolad ay noqoto waxaan u sheegaynaa meel kastoo aan joogno uu mujaahidiinteenu ay joogaan in uu dagaalka ka dhici karo marka taasi ayaan doonaynaa in aan dadka u cadeyno”ayuu yiri Afhayeenka Shuurada ee Xisbul Islaam. Sidoo kale Sheekh Ismaaciil Cadoow ayaa waxaa uu tilmaamay in mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo uu guuxeedu ahaa in xisbul Islaam uu ku biiro Xukuumadda Sheekh Shariif ama Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ama uu ka mid noqdo Shacabka,waxaana uu intaasi ku daray in hadalada magaalada Kismaayo ka soo baxayo ay u muuqdaan mid loogu baaqayo in ay hubka iska wareejiyeen Ururka Xisbul Islaam islamarkaana uu yahay arin aan u cuntamayn. “Maanta waxaa kismaayo ka socota cidii aan xisbaygayga ka mid aheeyn waa gaal,waxyaabaha hadda na soo gaaraya waxaa ka mid ah Imaa Shariif Waa imaa Shabaab wa imaa Shacab wax ka sokeeya oo meeshaan yaala malahan masaladaasina wax jira ma’ahan cidii naday weysaana iyadaa iskeed noo daynaysa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Ismaaciil Cadoow. Afhayeenka golaha Shuurada Ururka Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Cadoow oo hadaladiisu ay u muuqdeen in uu ka digayay in ay dhacaan qatarahaasi ayaa hadana waxaa uu tilmaamay in hadii ay u fursan waayaan naftooda ay ka xigaan in ay is daafacaan. “Hadii arintu ay noqoto Safafka in la isugu yimaado hubka dhiga baa hadda meesha taagan qoryaha iyo gawaarida nagu wareejiya idinkana iska dareera waxaasina waxaan u malaynayaa wax xal uu ku imaanayo ma’ahan walaalaha nabad ayaan ugu yeeraynaa”ayuu yiri Sheekh Ismaaciil cadoow. Hadalka ka soo baxay Ururka Xisbul Islaam ayaa u muuqda in uu imaanayo waxyar ka dib markii Afhayeenka Maamulka Islaamiga ee Kismaayo uu ku baaqay dagaal is difaacid ah oo ka dhan ah Sheekh Axmed Madoobe oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam ee ku sugan Magaalada Kismaayo.
  3. Originally posted by muriidi: what does that say about "dadkii soo doortay xildhibaankaas" ? Horta Xildhibanada malaso dorta ? I think they are nominated by tribal elders and they in turn elect the President.
  4. Originally posted by dhufayz: jacayl baro you are dead man walking waligaa intaas baad ku soo celcelisaa bilaa xikmad aya tahay sxb, Maxaad kula dagashey ninkan runta ayu ku sheeg, miyeyana mesha ka jiriin "ii buur aan ku bure"
  5. Originally posted by Cowke: I think hassan turki will set up a power-sharing agreement between him and ahmed madoobe that both parties can be pleased with and at the same time use the tfg as a caution for them not to fight. Warya what weed u been smoking?
  6. Originally posted by Cowke: I think hassan turki will set up a power-sharing agreement between him and ahmed madoobe that both parties can be pleased with and at the same time use the tfg as a caution for them not to fight. Warya what weed u been smoking?
  7. Originally posted by Cowke: I think hassan turki will set up a power-sharing agreement between him and ahmed madoobe that both parties can be pleased with and at the same time use the tfg as a caution for them not to fight. Warya what weed u been smoking?
  8. Sheekh Axmed Madoobe: Walaalaha Alshabaab Miiska wdahadalka ayaan kusugeynaa! Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa wareysi dheer ka qabatey Sheekh Axmed Maxamed oo kusugan magaalada Kismaayo. Yaa heysta Kismaayo, Xaggee ayay ciidamadu kala joogaan. Ma laga yaabaa inuu dagaal ka qarxo, Sheekh Axmed Madoobe waa kuma, awooddee ayuuse ku hadlayaa. Wada hadal ma ogolyihiin ciidamada Sheekh Axmed Madoobe. Su aalahan iyo kuwa kale ayay idaacadda BBBC-du weydiisey Sheekh Axmed....waxuuna yidhi Audio Dahir Calasow (Waagacusub) is a shallow character who works on fitna
  9. Originally posted by NinBrown: waw juje and GD have agreed on something. Whats going on. We are not far off from each other despite our constant squabbling, trust me.
  10. I hope he gets castrated the bloody #1*#***!
  11. Five pages of so dhaweyn - SOLers ayantan shaqo la'nti aya ka badatey ma is tirahden? M-Lady gacmo furan.. :cool:
  12. Originally posted by Castro: The interior minister had it right. The 3 culprits are sophisticated weapons from major nations, narcotics from neighboring Kenya and Ethiopia and the "my uncle" syndrome from within. A lethal cocktail, indeed. Adi maxaa adeer la'n ku dhigey?
  13. Originally posted by Castro: By your calculations, kinsman isn't exactly an uncle, is it? It is for him in this particular - am certain Yeey does not even know whether Duke exists. Duke: A great picture and good on reer Jengeli for this landmark moment. Landmark for reer Jengeli or for Somalia?
  14. Originally posted by General Duke: He used military means to execute a strategy of defeating the armed groups who were supported by international terror as well as Eritrea. Which military?
  15. Originally posted by bint hamid: good shot! may Allah steady her hand and guide her on the right path Weliba ado naxli iyo xaraan doon ah ayad Illah SWT baryesa....ar adunkaan muxu is bedeley.
  16. Originally posted by 'Dalmar': NG, Amir of Qatar was meeting with Obama like other world leaders, so the question where was Sheikh Shariif?????? Sheikh Sharif was in a better place on that actual day....
  17. Originally posted by General Duke: Juje, respect the state of Puntland adeer its the only thing that protects your cousin from the idiotic vultures. I suppose the 'idiotic vultures' are your cousins.
  18. Originally posted by General Duke: What did the Americans tell good old Sharif Hotel? The told him that he must respect the State of Puntland, isn't? War hehde wax isku fal you dont have a case in here. get ready to welcome the President
  19. Originally posted by Aw Muuse Ismaciil: ^Boowe ma durba? No that is Duke quoting dalkanews.com - I didn't even know he read it. I only remember him calling it crap.
  20. Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada la wareegay gacan-ku-heynta Beledweyne Isniin, September 28, 2009(HOL): Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo Gen. Muqtaar Xuseen Afrax ayaa saaka Waaberigii hore la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne kaddib dagaal muddo kooban socday oo ay la galeen Ciidamo ka tirsan kuwa ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya. Gen. Muqtaar Xuseen Afrax oo ay HOL kula kulantay gudaha Saldhigga Baliiska Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Ciidamada Dowladdu la wareegeen dhamaan Ammaanka Magaalada Beledweyne, isagoo intaas ku daray in wixii waqtigan ka dambeeya aan la ogolaan doonin kooxaha sida uu hadalka u dhigay Mucaaradka in ay ka taliyaan Magaalada Beledweyne. Gen. Muqtaar oo aan weydiinnay cidda ay dhab ahaan kala wareegeen Magaalada waxaa uu sheegay in Magaalada ay kala wareegeen kooxaha Dowladda ka soo horjeeda gaar ahaan waxaa uu carrabka ku dhuftay Ururka Xisbul Islaam ee dhawaan ku dhawaaqay ayuu yiri in ay gacanta ku hayaan Magaalada. Sidoo kale Xildhibaan Max'ed Dhaqane Cilmi Aar oo ka mid ahaa Saaraakiishii Dowladda ee saakay gudaha u galay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in marnaba aan la oglaan doonin kooxaha ka soo horjeeda Dowladda in ay gacanta ku hayaan Magaalada, waxaana uu intaas raaciyay in dadka Goballka ku dhaqan sida uu hadalka u yiri laga dulqaaday dulmi lagu hayay. Dagaalka saakay ka dhacay ee Ciidamada Dowladdu kula wareegeen gacan ku heynta Magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili maalmo uun ka hor Guddoomiyaha Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ku dhawaaqay in uu ku biiray Ururka Xisbul Islaam isaga oo dhinaca kalana fariin u diray Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee saakay la wareegay gacan ku heynta Magaalada. Lama oga halka uu ku danbeeyay Guddoomiyaha oo saakay la arkayay isaga iyo Ciidamadiisa oo Magaalada dibadda uga sii baxaya, waxaana xusid mudan in ilaa hadda aan la ogeyn khasaare rasmi ah oo ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay Magaalada Beledweyne. Saraakiisha Dowladda ee saakay Magaalada ku sugan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Max'ed Dhaqane Cilmi Aar, Gen, Muqtaar Xuseen Afrax, Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) Tobane Gururey, iyo Salaad Xareed oo dhamaantood maalmihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Magaalada Beledweyne. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com
  21. Originally posted by Libaax-Sankataabte: Juje, great pictures, but I still think ninka Jingeli baa u qayilay oo ku yiri anigaa Obama soo raadinayee adigu raggaan sii salaan. Have you noticed..? Loon Anyway Jingeli deserved the occassion and I think it was mutually agreed it was Jingeli who had the capacity to articulately put arguments forwards to President Obama. JB sxb I doubt whether you guys can even get a chance in the parking lot...
  22. Kulan dhexmaray madax ka tirsan DKMG iyo Jaaliyadda Somaaliyeed ee UK Axad, September 27, 2009(HOL): Ururka New Somali Forum ayaa soo abaabulay Kulan balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Madax sare oo ka tirsan DKMG uuna hormuud u ahaa Wasiirka Lacagta Cabdirahman Cumar Cisman (Inj. Yariisow), ayna ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamud Ahmed Nur ( Tarzan), Xildhiban Xasan Calas iyo Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banadir Cabdifatax Ibraahim Shaweeye. Wasiirka Lacagta oo la hadlayey jaaliyadda Somaaliyeed ee deggan wadankan Ingiriiska ayaa ku booriyey in ay ka qeyb qaataan nabadeynta wadanka somaaliya guud ahaan, gaar ahaana gobolada ay dagaaladu halakeeyeen muddooyinka ugu danbeeyey. Wasiirka ayaa faah faahin ka bixiyey dadaalka uu Madaxweyne Shariif Shikh Ahmed ugu jiro sugidda amniga magaalada Muqdisho, iyo in wada hadal lagu dhameeyo wax waliba oo ay tabanayaan qolyaha Mucaaradka. Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda ku meel gaarka ah ay ahmiyad weyn siisay sidii loo badbaadin lahaa shacabka somaaliyeed oo ay aafeeyeen dagaalada sokeeye iyo abaaro ba’an oo haatan wadanka ka taagan. Wasiirka ayaa ballan qaaday in xilka loo dhiibay uu si daacadnimo ah u gudanaayo waajibaadka horyaalana ay ugu horreeyaan: Dakhli ururin: uu sal u yahay maamul aqoon sare u leh howlaha canshuur uruinta La dagaalanka musuqmaasuqa: In aan dhiso nidaam la dagaala musuqmaasuqa Hufnaan (Transparency) : Waxaan ku dadaalayaa in ay si cad u muuqato dakhliga aynu ururino iyo nidaamka uu ku baxaayo si shacabka somaaliyeed ay noola xisaabtami karaan. Wasiirka waxa uu kula dardaarmay jaaliyadda Somaaliyeed ee ku dhaqan UK in ay kaalin wax ku ool ah ka qaatan wacyi gelinta dhaliyarada Somaaliyeed, kuna baraarujiyaan ku dhaqanka diinta islaamka isla markaana ka hor tagaan saameynta xag jirnimada fog oo aan sal ku laheyn tubta toosan ee diinta islaamka. Waxaa kale oo kale hadal ka jeediyey Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banadir Cabdifataax Shaweeye oo hadal qiimo badan ka soo jeediyey, isagoo warbixin kooban ka siiyey howlaha ka socda magaalada muqdisho, dagaalada joogtada ah ee ka socda muqdisho iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii ka barakacay magaalada muqdisho oo ay dhibaatada ku heysato daafaha muqdisho. C/fataax Shaweeye waxa uu ku dheeraaday argagaxa ay shacabka muqdisho kala kulmaan kooxaha xagjirka ah ee xitaa u diiday in ay xiligii ramadaanka si nabadgelyo ah ku afuraan. Xildhiban Mohamud Ahmed Nuur (Tarzan) ayaa isna ka hadlay caqabadaha heysta DKMG gaar ahaan dhanka dhaqaalaha ah, beesha caalamkana ay ka gaabisay in ay fuliyaan ballanqaadyadii ay horay u qaadeen in ay dhanka dhaqaalaha ka taageeraan Dowladda Somaaliyeed si ay ugu fududato fulinta howlaheeda sida amniga, daryelka shacabka iyo howlaha dhismaha dowliga ah. Xildhibaan Tarzan waxa uu tilmaamay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK kaalin wax ku ool ah ka qaataan gargaarka biniaadminimo ee dadka ka barakacay dagaalada sokeeye, qof walibana uu xil iska saaro sidii uu wax uga qaban lahaa degaanada uu ka soo jeedo, haddii ay noqon laheyd ceelqodid, horumarinta caafimaadka, waxbarashada iwm. Dhanka Jaaliyadda ayaa waxaa u hadlay Guddoomiyaha New Somali Forum Xasan Xundubey Jimcaale oo ahaa shir guddoonka, isagoo u mahadceliyey madaxda sharafta leh ee ka soo qybgashay kulanka iyo odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahannada somaliyeed ee iyagana waqtigooda u huray in ay muujiyaan dareenkooda wadaninimo. Waxa kale oo ka hadlay rag aad u culus uu ugu horeeyo Halgamaa Xirsi Xaaji Jamac oo aad looga ixtiraamo Magaalada London oo isna ku booriyey in wadanka wax loo taro lagana fogaado colaadda sokeeye ee dheraatay. Waxaa kale oo ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Somali Peace Council G/Sare Dalab oo sheegay in ay yihiin urur u taagan inuu taageero dowladnimada iyo nabad lagu soo dabaalo waddankeena Somaaliya. Mudane Dalab wuxuu ku baaqay in jaaliyadda Somaaliyeed ee UK midoobaan oo ay meel uga soo wada jeestaan wax u qabadka shacabka soomaaliyeed. Waxa kale oo halkaas ka hadlay Oday Aadan Guureeye Kaarshe oo ah madaxa odayaasha Somali Peace Council, wuxuu ku guubaabiyey jaliyadda Somaliyeed ee UK wada shaqeyn iyo badbaadin magaca soomaaliyeed, wuxuuna kula dardaarmay jaliyadda in ay meel iska dhigaan qabiilka iyo xumaanta, loona soo wada jeesto badbaadinta shacabka somaaliyeed. Hiiraan Online News Desk Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Soomaaliya
  23. Originally posted by Cowke: But Puntland existence is muqadas sxb, don't hate the state, hate the criminals who break the laws of the state. Indeed.
  24. President with UK foreign Minister David Milliband President Sharif with UK UN Ambassador More Pictures