-
Content Count
29,790 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
273
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Che -Guevara
-
^There are no fishes in Garowe- just goat herders :-) lool
-
A prefect storm for the Gunners
-
Join us Facebook Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Garowe, Dibna Uga Dhoofey Isla Maanta [sAWIRO] Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, xarunta Puntland. Diyaarad waxyar ka hor soo fariisatey intaanu imaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la socdey wefdi ka tirsan Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminaayo Dr.Augustina Mahiga. Waxaa horey ugu sugnaa magaalada Garowe wefdigii Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas kuwaas oo u gogol xaarayey wefdiga Shiikh Shariif. Wefdiga Madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, kuxigeenkiisa iyo dhamaan xukuumadda Puntland iyo Golaha wakiilada, sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey Raysalwasaaraha Soomaaliya oo magaalada uga soo horeeyey, Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo Ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan Augistina Mahiga. Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qatey cutub ka tirsan ciidanka Puntland, kadibna waxaa loo galbiyey magaaalada Garowe, Madaxweyhana ayaa markii uu soo gaarey kadinka laga soo galo Garowe ama afaafka hore waxa uu ka degtey gaarigii uu saarnaa waxaana uu lug ku dhexmaray wadada dheer ee laamiga ilaa laga gaarayo barxadda caanka ah ee Garowe. Shacabka Garowe ayaan u kala harin soo dhaweynta Madaxweynaha waxaana dad badan ay ruxayeen calanka Soomaaliya, dadka qaar ayaa doonaayey in ay si toos ah u arkaan Madaxweynaha oo Garowe dhexlugeynaaya. Madaxweyhne Shiikh Shariif ayaa booqdey xeryaha ay ku jiraan dadka ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya, waxaana uu halkaas kaga dhegaystey qaar kamid ah masuuliyiinta Puntland iyo dadka ku jira Kaamamkaas xaaladda ay ku sugan yihiin. Madaxweyha ayaa sidoo kale booqdey Isbitaalka guud ee magaalada, waxaana warbixin halkaas ku siiyey Wasiirka Caafimaadka, waxaana uu madaxweynuhu booqdey dadkii bukaanka ah qaar kamid ah. Shiikh Shariif Ayaa sidoo kale booqdey Wasaaradda Waxabarshada iyo barbaarinta Puntland iyo Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha qoyska, waxaana uu u kuurgalay xaaladda waxbarasho iyo weliba daryeelka haweenka iyo caruurta isaga oo warbixno kooban kaga dhegaystey halkaas masuuliyiinta wasaaradahaas. Ugu Danbeyntii Madaxweynaha iyo wefdigiisi ayaa lagu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada Puntland, waxaana ay halkaas ku wada qabteen shir jaraa’id oo ay kula hadleen saxaafadda, Madaxweyhaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo booqdo Puntland oo ah qaybkamid ah Soomaaliya, waxyaabaha uu u yimid ay ka mid tahay in Puntland laga raali geliyo ku qabashada shirka wadatashiga iyo dhamaystirka arrimaha qabyda ah ee lagu qabanaayo hadda Muqdisho, waxaana uu sheegay in uu ka codsadey Madaxweynaha Puntland in uu aqbalo cudurdaarkaas kana soo qaybgalo shirka, dhamaana uu ka raaligelinaayo bulshada Puntland, oo markii hore isu diyaariyey soo dhaweynta shirkaas, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya tibaaxey in sababta Muqdisho shirka loogu wareejiyey ay tahay in xaaladdii Muqdisho isbedeshey. Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska ilaawo wixii hore, isla markaana laga wada shaqeeyo amniga iyo midnimada Soomaaliya, meelna looga soo wadajeesto kuwa cadoiwga ku ah jiritaanka qarankii Soomaaliyeed. Shiikh Shariif ayaa sheegay in hadda iyo wixii ka danbeeya deeqaha Soomaaliya la gaarsiin doono dalka oo dhan oo aysan ku koobnaan doonin meel gaar ah. Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa isla maanta dib uga dhoofey Magaalada Garowe, waxaana garoonka u taagneyd diyaaraddii uu ku yimid. Waxaa weli ku sugan magaalada Garowe wefdigii uu hoggaaminaayey Raysalwasaaraha Soomaaliya. Maxamed Siciid Yusuf Horseed Media Garowe, Puntland Source
-
They had to throw the Imam a bone...lool Showqi- Ignoring the causes of this conflict and hoping for quick fixes will only lead us back to where we are now.
-
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho saacado qaatay oo uu ku tegay Garowe kaddib dib ugu noqday Muqdisho Axad, August 28, 2011(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaminayay oo maanta booqasho saacado qaadatay ku tegay magaalada Garowe ee xarunta u ah Dowlad goboleedka Puntland ayaa wuxuu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu gaaray Garowe waxaa si weyn u soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole , Ra’iisal Wasaaraha C/weli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Puntland, wuxuuna kaddib booqday xarumaha dadka soo barakacay oo ku yaalla Garowe iyo weliba xarumaha wasaaradaha Puntland. Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa kaddib waxay kulamo wada qaateen Madaxweyne Faroole iyo Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Augustine Philip Mahiga, kaasi oo isna saaka gaaray Garowe. Kulankan mas’uuliyiintan ayaa wuxuu ku saabsanaa xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland iyo arrimo kale oo ku saabsan shirka wadatashiga ah ee la qorsheynayo in loo qabto gudaha Soomaaliya, iyadoo ay horay u jireen warar labada dhinaca ka soo kala baxay oo kala taageerayay in shirkaas Muqdisho lagu qabto in Garowe lagu qabto. Labada madaxweyne oo kulankaas kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in waxyaabihii yar yaraa ee ka dhex jiray Dowlad Goboleedka Puntland iyo Dowladda dhexe ay meesha ka baxeen, haatan wixii ka dambeeyana ay wada shaqeyn doonaan. Madaxweyne Faroole oo hadalka ku soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in deegaannada Puntland ay yihiin meel laga jecel yahay qof kasta oo Soomaali ah, uuna taasi ka garan karo sidii loo soo dhaweeyay ee heerka sarreysay. Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole wuxuu intaas ku daray in heshiis ay wada gaareen labada dhinac ay sii lafo-guri doonaan Xukuumadda Ra'iisal Wasaare C/weli Gaas iyo xukuumadda Puntland, ayna ugu dambeynta ka soo saari doonaan qoraal. Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo madaxda iyo shacabka Puntland sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna caddeeyay in aanu jirin wax naceyb ah oo si gaar ah loogu qabo dowlad goboleedka Puntland, hayeeshee dadka marka uu kala maqan yahay uua kala sawiranayo muuqaallo aan sax ahayn, sidaas darteedna wuxuu sheegay in haatan kaddib uu labada dhinaca dhexmari doono iskaashi iyo wada shaqeyn. Intaas kaddib wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in shirkii wada tashiga ahaa ee markii hore la isku maan-dhaafay halka lagu qabanayo ay ku heshiiyeen in lagu qabto wejiga hore Magaalada Muqdisho, wejiga xigana Magaalada Garowe. Si kastaba arrintu ha ahaatee, madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu ka soo duulayay garoonka diyaaradaha Garowe waxaa soo sagootiyay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, ku xigeenkiisa C/samad Cali Shire, xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Puntland iyo dadweyne aad u faro badan oo markii horena soo dhaweeyay. Saalad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com
-
Deg-Deg: Madaxweyne Shariif Oo Socod Dheer Ku Dhexmaraya Xarunata Puntland ee Garowe Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta gaarey magaalada Garowe, ayaa waxaa loogu soo dhaweeyey halkaas si weyn. Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaarey albaabka Magaalada Garowe ka soo degay gaarigii uu saarnaa, waxaana uu ku lugeeyey wadada laamiga ah ee magaalada dhexmarta, waxaana socodkaas ku weheliyey Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas iyo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole. Madaxe´weynaha Soomaaliya ayaa socodkiisa ka soo bilaabey halka loo yaqaan Enjida waxaana uu ku tagey ilaa barxadda Garowe, kadib waxa uu booqasho ku maray qaar badan oo ka tirsan Wasaaradaha Puntland, waxaana uu hadda booqanayaa Isbitaalka guud ee Garowe, kadib ayaa la filayaa in Madaxweynuhu tago Aqalka Madaxtooyada halkaasna kula hadlaan saxaafadda. Sawiro iyo warka oo faahfaahsan gadaal ayaan ka soo daabacaynaaa Horseed
-
^AS came into being few years ago, who do we blame the preceding years?
-
Showqi isn't simplistic thing to say?
-
surprise surprise loool
-
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo gaaray Garowe Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb Agoustine Mahiga ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, xilli halkaas ay wada gaareen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. Madaxweyne Shariif oo markii u horeysay gaaray Garowe ayaa waxaa uu durba kormeer ku tagay xerooyinka barakacayaasha, isagoo ilaa Hal KM socod ku maray wadooyinka Magaalada Garowe, oo ay hareer-taagnaayeen dadweyne fara badan oo u sacba tumayay. Socdaalka Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo ah mid isku ujeedo ah ayaa la filayaa in kulan saddex geesood ah ay wada qaateen Madaxweynaha, Ra'iisul wasaaraha, Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey. Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha oo horu dhac u yahay socdaal iyana la filayo in Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa ay ku yimaadaan Magaalada Muqdisho bisha soo socoto, iyadoo safarka heerka sare ee Madaxweynaha uu u muuqdo mid qancin ah. Arrimaha sida gaar uga hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah shirka wada tashiga Aayaha Soomaaliya oo 4-ta bishan ka furmi doono Magaalada Muqdisho, waxaana jiray in Puntland ay ku doodeysay in shirkaas lagu qabto Garowe, hase ahaatee ay ku guuldareysatay. Kulamada labada dhinac ayaa noqonaya mid lagu turxaan bixiyo xiriirkii hore ee labada dhinac u dhaxeeyay, kaasoo horay tashwiish ku yimid, markii Puntland ay xiriirka u jartay Dowladda Soomaaliya. La soco wixii ku soo kordha Jowhar.com
-
GaroweOnline: Somali PM visits Puntland, meets with Sool community elders
Che -Guevara replied to NASSIR's topic in Politics
^Secessionists have always been barking at the wrong tree-perhaps tribal thinking and posturing is to blame. -
^Yes, plus AS evacuation and perhaps mending things with PL and other tribal regions-obviously two Sharifs will be hindrance.
-
^TFG has unique opportunity to correct some of their mistakes now.
-
Deg Deg: Madaxweyne Shariif oo markii u horeysay gaaray Garowe Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay maanta barqadii Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, kadib markii diyaarad gaar ahi ka qaaday Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Shariif ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Puntland iyo mas'uuliyiin kale. Kooxda Muusikada Baambeyda ayaa astaanta qaranka u garaacay, iyadoo Madaxweynaha uu salaan ka qaatay Ciidamada Puntland. Ammaanka Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana qaban qaabada soo dhoweynta Madaxweynaha ay aheyd mid ilaa shalay socotay, isla markaana socdaalkiisa Garowe ahaa mid horay loo sii shaaciyay. Laakiin Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa wax war ah ka sheegin socdaalka Madaxweynaha iyo diyaar garowgii dhinaca soo dhoweyne ee ka socotay Magaalada Garowe. Waa markii u horeysay Madaxweyne Shariif uu gaaro deegaanada Puntland, isagoo Madaxweyne ah, waxaana booqashadiisa noqon doonta mid soo afjarta khilaafka Puntland iyo Dowladda KMG. Jowhar.com
-
^I wouldn't be surprised it's Mahiga's idea. After all, Kampala and Mahiga made Somalia trusteeship.
-
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Xarunta Puntland ee Garoowe Axad, Ogoosto 28, 2011 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaasoo uu ku sugan yahay raiisul wasaare C/weli Gaas. Wafdiga madaxweynaha oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa lagu wadaa inay kulammo la yeesheen madaxda Puntland oo uu ka mid yahay C/raxmaan Faroole. Waana safarkii ugu horreeyay ee uu Seekh Shariif ku tago Puntland tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya. Maamulka Puntland iyo DKMG ah ayaa waxaa u dhexeeyay xilliyadii ugu dambeeyay khilaafyo, waxaana khilaafkoodu uu soo billowday sannadkii hore, kaddib markii uu maamulka Puntand ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ka baxday heshiis ay ku kala saxiixdeen magaalada Gaalkacyo. Sheekh Shariif iyo Faroole ayaa lagu wadaa inay si qoto-dheer uga wada hadlaan shirka wadatashiga ah ee lagu wado inuu ka dhaco gudaha dalka, iyadoo DKMG ah ay doonayso in shirkaas uu ka dhaco Muqdisho, halka Puntland ay doonayso inuu ka dhaco Garoowe. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa tagay Garoowe Jimcihii lasoo dhaafay, wuxuuna socdaalkiisa ku sheegay mid uu ugu gogol-xaarayo safarka madaxweynuhu uu ku tagay Puntland. Danjire Mahiga ayaa dhawaan Muqdisho ka sheegay in shirka wadatashiga ay uu aad u rajeynayo inuu ka dhaco caasimadda Soomaaliya, balse uu ka warsugayo shir ay ka yeelanayana halka uu ka dhacayo madaxweyne Sheekh Shariif iyo C/raxmaan Faroole. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Madaxweyne Shariif oo ku sii jeeda Magaalada Garowe Diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta lagu wado inuu booqdo Garowe ayaa soconaya, iyadoo ammaanka si weyn loo xaqiijiyay. Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Madaxtooyada ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Madaxweyne Shariif uu saacadaha soo socda uu u baqooli doono Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal. Booqashada Madaxweynaha ayaa waxaa maalintii jimcaha shaaciyay Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas oo labo cisho ku sugan Garowe, kaasoo uu ku sheegay in socdaalkiisa Garowe uu gogol xaar u yahay booqasho Madaxweynaha ku aadi doono. Diyaar garow xoog leh ayaa ka socota Magaalada Garowe oo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Shariif oo markii u horeysay booqan doona Puntland. Lama oga inta ay qaadan doonto booqashada Madaxweynaha, hase ahaatee waxay imaaneysaa xilli Puntland ay horay u dhaliishay siyaasada Madaxweyne Shariif ee ku aadan Maamulkooda. Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa soo dhoweeyay booqashada uu ku tagay Garowe Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas. Puntland ayaa horay xiriirka ugu jartay Dowladda Federaalka, iyadoo ka mamnuucay inay deegaanadeeda yimaadaan shaqsiyaadka Dowladda ka tirsan, hase ahaatee waxaa iminka muuqanaya ifafaalo isu soo dhowaan ah iyo xiriir cusub oo labada dhinac u bilowday. http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2562
-
Bad Injury: Drogba is knocked unconscious.
Che -Guevara replied to Libaax-Sankataabte's topic in General
Wow he was out before he even hit the ground. -
GaroweOnline: Somali PM visits Puntland, meets with Sool community elders
Che -Guevara replied to NASSIR's topic in Politics
Jacaylbaro;743128 wrote: That should be an insult to Faroole and his admin. It means Sool not in the hands of Bugland admin anymore. You do realize they all are part of Somalia? -
N.O.R.F;743029 wrote: *shakes head* Cheh, does it matter? It kind of does.A friend went back to our old neighborhood. He recognized no one and the culture has completely changed. An old Xamari won't recognize much. Aaliyah...I'm not talking about Qabiil.
-
-
^I hope so too-The Saudi finally mobilized citizens to contribute to the famine. They have responded with vigor.
-
-
Maalqabeenka u dhashay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya kana mid ah Amiirada dalkaas Waalid Bin Dhalaal Bin C/casiis Al-Sacuud oo uu adeer u yahay Boqorka Sacuudiga ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho. Amiirkan oo ay la socdeen xubno ka mid ah qotskiisa ayaa waxaa uu kormeer ku tagay xeryaha barakacayaasha iyo Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir oo caruur aad u liita ku sugan yihiin. Kadib markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho ayaa waxay kulan kula qaateen Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada ayaa looga hadlay booqashada Amiirkaas iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweynaha. (Muqdisho, Soomaliya,27,Agoosto ,2011) Waalid Bin Dhalaal Bin C/casiis Al sacuud iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaliya. Waalid Bin Dhalal ayaa ah ganacsade door wayn ku leh caalamka ahna ninka ugu qanisan boqortooyada Sacuudi Carabiya. Madaxweynaha Jamguriyada Soomalia Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa xafiiskiisa Villa Soomaliya ku qaabilay Waalid Bin Dhalaal ayagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin gargaarka bini’aadnimo, fursada ganacsi ee ka jirta dalka iyo taariikhda ganacsi ee labada wadan. http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2551
