gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Waa sax waan kugu raacsanahay waxaad qortay oo dhan dagaaladii sokeeye waxay sababeen in jufo walbaa xaafad degto ama u badato gees ilaa cirifka soomaali degto.

    Laakiin snm labo jeer bay been sheegtay

    Mar soomaalida bay been u sheegaan oo waxay sheegaan inay xoriyadoodii lasoo noqdeen 90kii

    Marna aduunka bay been u sheegaan oo waxay dhahaan qaran aqoonsi u baahan baan nahay.

    Waxoo dhan markii lasoo koobana waa jufooyinkaa laysu keeni la'yahay.

     

     


  2. Reer maakhir waa inay kala saaraan nidaamka dulmay iyo shacabka puntland oo aysan waligood ku fakarin inay gaar ka noqdaan walaalahood.

    Waxaa aad iiga yaabiyay mooshinkii xukun tuurka, xildhibaankii ugu horeeyay oo gacanta taagay wuxuu noqday kii horay madaxweynaha u dhaliilay markaas ka dib baa wax kale iisoo baxeen.


  3. Nimankan xaq bay u leeyihiin in la xanaaneeyo oo si gaara loo ilaaliyo  sababtoo ah waa madax hore oo maskaxda curyaan ka ah.

    Masaajidka waa inay ka helaan meel gaara oo ay kasoo galaan. 

    Markay dhoofayaan sidoo kale waa in xukuumadu ka war qabto sii dhawayso oo soo dhawayso si hufan oo maamuus leh.

    Madaxdii aduunka kale soo martay oo dhan laamiga geeskiisa bay sandwich ku cunaan ayagoo taagan waliba, dadka caadiga ah bay la mid yihiin diyaarad baa iga tagtayna waligood ka maqli maysid.


    Aragtidayda waa ideology ama fikir ku abuuran siyaasiyiinta muqdisho inay awood ka dhigtaan burburkii 90kii ama dawladda ku handadaan.

    Macawislaydii, bajaajley baa badeshay gacana way ku shaqaystaan tan kale taayir bay ku gubaan.

    Soomaalidu khalad bay ka fahamtay maah-maahda (gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaa) oo ay ula jeedaan sax iyo khaladba indhahaa laysku qabsadaa.

    Waxay keeni kartaa in kibirku iyo isla waynidu sii badato waxaa dawlada federaalka la gudboon in qof kastoo sharciga iyo amni qowmiga fara geliya ay maxkamadayso.

    Markaas ka dib waxaa soo baxaya midabka saxdaa oo wax noo tari kara.

    Nabarka kor lagama salaaxo waa la daweeyaa inta qolofta laga qaado, cid caano dhay ah oo gaar loo qaboojiyay ka daadanayso ma jirto.

    Ama qarran sharci iyo kala dambayn leh baa la noqon, ama qarahaa suuqa lagu wada iibin.

    • Like 1

  4. Mucjisadu waa magaalo nabad ka jirtay 30 sano oo dadkeedii beelo u kala degan yihiin sida hargaysa

    Iyo magaalo dadkeedu is dhex degan yihiin oo aan nabad haysan 30 sano sida muqdisho

    Sababtu waa sahal in la fahmo

    Hargaysa beel qudhaa degenayd waligeedba wayna sii kala jifowday

    Muqdishana waa caasimad la wada deganaa waligeedba

    Hadii aad dooranayso inaad dhul degto ama dhisato raadi magaalo qabiil kastaa laga helo been kuu sheegi maayee taladaas waad u aayi.

     


  5. Suldaan Ugaas.

    Saxiib tusaalaha xayawaanka iyo bini aadamka waxaan garan karin qofka aan aqoon side alle u karaameeyay rag iyo dumarba 

    Banuu-aadamku waa noolaha kaliya oo wajiyadoodu is arkaan lab iyo dhadig markay injaab samaynayaan ama isu galmoonayaan.... sidaa ma u taqaan?

    Noolaha kale oo dhan wajiyadoodu isma arkaan kaneeco'na haku ahaatee.

    Marka xayawaanka dhaqo wixii dhaqmi kara balse dhaqan haka qaadan iyo tusaale ama duco iyo xamdi-naq ka hor mari.

    Tan mowduuca siyaad barre allaha u naxariistee

    Taariikh fog ma ahayn Twitter ciyaal qoray taariikh lagama dhigo karo, hadii aad nin yar tahay adeero iyo dadkii waa waynaa wali burco iyo hargaysa way ka buuxaan adigu baaritaan samee

    Balse gaal buu ahaa daaquud lasoo diray talyaani iyo ingiriis baa noo sheegay macno samayn mayso. 

    La'aantiis Australia miyaad tagi lahayd...sow Australia ma jeclid?


  6. Galbeedi
    Sidii hore xaalku ma'ahan walaal.

    Puntland kaligeed yaa kasoo hartay federaal isla wayn oo xero-taraar sameeya. 

    Far kaliya fool ma dhaqdo, ayaduna geedkii la saari lahaa bay soo goosatay, ayadoon cid u dirsatay aysan jirin ama fara gelisay.

    Nimankan waxay ku amar ku taaglaynayaan waa shacabkoodii oo kala saari kara xaqa iyo baadilka.

    Ciidankii baarlamaankana waxay ku tilmaameen ciidan beeleed si ay dhiigooda u banaystaan.

    Gudoomiyihiina wuxuu gacan saar la leeyahay cadawga puntland oo ay ula jeedaan villa somalia, si uusan sadex daqiiqo u su'aal adag ah u siin mudane baarlamaan.

    Tan inqilaabka horay way u tijaabiyeen, markay sameeyeen golahii isbahaysiga federaalka oo ay madax u noqdeen wuuna shaqayn waayay.

    Puntlabd waxay iminka tijaabinaysaa inqilaab  gudaheeda ah waxuuna dagaalka ba'an ka dhex socdaa ayaga iyo hooskooda.


     


  7. Ugu horayntii allaha u naxariisto dadkii ku dhintay samirna ha ugu badelo dadkii ay ka baxeen.

    Shacabka puntland inta wanaagooda jecel allaha badiyo waayo waa tiir qurux badan.

    Nin hadda ka hor talo siinayay wiilkiisa yaa ku yiri qofkaad doonayso inaad la noolaato ama wax la wadaagto ka xanaaji marka hore.

    Haduu dib kuugu soo noqdo asagoo wanaagsan oo deggan waa qofka saxdaa.

    Puntland 
    Waxaa la gudboon inay labo mid samayso aragtidayda

    1- inay iska hubiyaan hogaamiyahooda dhanka hide-sidaha iyo kartida si nidaamkooda qabaliga ahaa uusan u qasmin.

    2- inay ka baxaan nidaamkaas oo ay doortaan nin isku wadi kara mucaarad iyo muxaafid labadaba soona caro noqon kara si fudud, oo garanaya xiwaarku inuu leeyahay qaar adag iyo mid sahlan.

    C/laahi yuusuf alaha u naxariistee dadkuu dilay waa laga samri karaa waayo dad badan oo soomaali ah yuu horay usoo laayay shaqadiisaana ahayd, wuxuuna ahaa nin jid banaysanaya.

    Balse waxaan la qaadan karin nin aan waligiis digaag birayn inuu ra'yi kala duwanaasho dartiis dad ku laayo.


     


  8. Buburka laguu sheegayo oo aad in badan idaacadah ka maqashaan iyo culumada ma'ahan daaro buburay 

    Waa wixii dawladu qaban lahayd oo maqnaa sodon sano.

    Dawlad waa baqdin laga faa'iido markii magaceeda lasoo gaabiyo

    Jidkii laamiga ahaa jaygii shiidnaa ee shiinah waa lagala baxay waxaa daabula iska roge magaalada dhex mara..

    Wabigii waxaa laga buuxiyay qashin qof walbaa waa u madax banaantahay wixii uu doono

    Magaalooyinka soomaalida ma laha biyaha la isticmaalo ama majaariga hoose oo ay maraan, guri kasta waxaa  3m ugu kaydsan xaajadii reerkiisa.

    Markii roob iyo daadad yimaadaan waa is dhex qaadaan waana halista ugu wayn daadka ka dib.

    Aqoonyahan soomaalidu waxay ka leedahay "hal" professor qudha oo maraykanka ku nool

    Hadii dhulku garriiro asagay waydiiyaan ama wabigu butaaco, hadii xoolaha la gadan waayo asaga la waydiiyaa, dastuurka iyo xudduudka badaha sidoo kale dhaqaalaha iyo dhaqanka wax kasta.

    Lagama yaabo inuu dhaho anigu waxaas takhasuskayga ma'ahan taariikhdaan bartay mana aqaan. Kuligood waa ka jawaabayaa.

    Aaway aqoonyahankii deegaanka bartay maxaa loo waayay mid  hamburger'ka nus miiska uga kaca oo dadkiisa la tacaadufa?


  9. Suldaan Ugaas

    Ninyahow
    Iima muuqato sabab laysuga ag sawiro oday imaaraad ku awr kacsanayay iyo masiibada baladweyne

    Dawladda muqdisho ma dadaal yara ilaa iyo intii tabaru dhigto wayna muuqataa.

    Waxaase muhiimadda ugu wayn tahay inaan isu gargaarno oo maydka la aaso ayadoon la eegayn dhanka siyaasadda.

    Tan kale soomaalidu ku dhaqan ma'ahan aadanaha kale

    Ayadoo godkii la kor taaganyahay maydka lagu aasi lahaa yaa waxaa laga yaabaa inay isku qabsadaan dhankii loo jeedin lahaa.

    Ayagoo tahriib ku jira bay ilmo ku dhalayaan doontii korkeeda ma sugayaan ilaa bari-amaanka tagayaan

    Xididka laysku rimiyo kaligiis yaa u nool intii kale waa ka dhinteen
    Kii baqdinta, mugdiga, damiirka iwm.

    Ninyahow aqoontaadoo kale hadaan leeyahay dadka wax badan yaan u faa'iidayn lahaa

    Waxaad samaysaa talo ahaan dadka Australia kula jooga ka aruuri xoogaa gargaar ahaana ayadaa ku anfacaysa aakhiro iyo aduun

    Markii la dhinto la oran maayo reer oodweyne gooni ha u baxaan ama muse biixi diyaarad la raac, qof walba naftiisaa la xisaabinayaa ka faa'iidayso fursadaan oo wax hor-marso.

    Tan qaadka 
    Koonfurta hadii laga joojiyo waxaa dhici karta in dad badan dhinto oo xabad bilaabato
    Halka reer waqooyigu hadalkoodu badanayo.


  10. Waa su'aal ka fajicisay, oo aan taariikhda puntland horay usoo marin

    Way ku khasban yihiin inay buugtoo dhan dhulka soo dhigaan, si ay xasaanadda uga qaadaan mudanahaas boqorka hor istaagay.

    Meesha waxa ka jira maamul beeleed loo ekaysiiyay wax la wada leeyahay hadaysan su'aal u dul qaadan karin see tuko raq ku tagi karaan.?!

     

    • Thanks 1

  11. Galbeedi

    Faroole waa la waydiiyay su'aashaan oo kale

    Wuxuuna ugu jawaabay xildhibaankii waan ku aqaan meeshaad kasoo jeedo oo ula jeeday mushaar baan ku siinaa adigoon canshuur bixin.

    Nimankan waxa ka xanaajinaya waa meel ayaga u meegaaran.


  12. Canjeex "nin" aduun ka war qaba uma eka aakhirana loogama waramin.

    Snm shacab bay laysay qudheedu hadii ayagana la laayay ma'ahan inuu si fulaynimo leh ugu waramo ama kitaab u maro xataa haduusan dambi qofna ka gelin.


    Suldaan 
    Hadaad maqasho "mujaahid" mujaahid kale yuu dilay waa xaqiiqda dagaalka sokeeye.

    Intii dhimatay allaha u naxariisto,aqoonsi doonkaa boogta u diidan inay buskooto ee dadku waa ehel dhamaantiis dhimashana waa yaqaaniin.

    Dhagaxtuur waa taariikh fiican ma jirto sabab aad jasiira ugu madoobayso adigoo og inuusan dagaalkii sokeeye waxba noo reebin.


     


  13. Jasiira  wixii ka dhacay allahu aclam.

    Way dhici kartaa sida uu sheegay odaygu, wayna dhici kartaa in kutalagal loo dilay

    Balse waxaysan dadku ka war hayn in wax kastaa sabab leedahay ay ku dhacdo.

    Jabhadaha mucaaradka ku ahaa dawladii hore qalin maysan adeegsan jirin, waxay ahaayeen jabhado hubaysan.

    Khaladka ilaa iyo hadda lagu eedeeyo dawladii hore ayagaa sabab u ahaa kana masuul ahaa aragtidayda.

    Tusaale...
    Waxay ahayd inay la dagaalamaan qof kasta oo dawlada labiskeeda wata ciduu doono ha noqdo.

    Ma'aysan samayn taas waxayna door bideen inay dilaan ganacsade geel-jire iyo sarkaal, ayagoo ku beegsanaya beel.

    Kuwii labisnaa dharka dawladana waxay sidoo kale dhib u gaysteen dad shacab ah sidoo kale, ayagoo ku beegsanaya beel.

    Hadaba mushkiladu taas ma'ahan. 

    Mushkiladu waa maxaa loo beegsaday snm oo kasoo jeeda beel qurux badan oo aan waligood dhib gaysan, luuqada ingiriiskana ku hadasha.

    Dadku waa is dilay hadana yaanyadaa lawada iibsanayaa. 

    Holly cost aan harayn yaa jasiira ka dhacay si uu fududeeyo aqoonsiga jamhuuriyadda waa hadafkooda sidaan filayo.

    Dhagaxtuur
    Waxaan u haystay inuu yahay ramsi ama calaamad ka tarjumaysa intii dhagaxa tuurtay oo dhan, sida daljirka dahsoon oo kale, laga yaabee inaan khaldanahay.


  14. On 10/14/2019 at 6:44 AM, Suldaanka said:

    All quiet on Reer Koonfur Front. Xad gudubka Dawladda Kenya cid ka hadlaysa, bal adba. Mid walba dantiisa ayuu ka raacday. 

    Kenya waxba kuma haysato soomaalida waligeedna ma dhicin

    Waa soomaalida qudheeda waxa dhulkooda kala goynaya oo qaarba meel doonayo.

    kuwo shaydaan ingiriis jeclaysiiyay kuwo uu kenya jeclaysiiyay, kuwo uu Ethiopia jeclaysiiyay iyo kuwo inay iibiyaan  jecelaan lahaa haday u suurto gasho.

    Su'aashu waxay tahay marka yaa soomaalida saxdaa ah oo dhaliisha la saaraa?


  15. Furitaanka taalooyinka maxaa loogu aadin waayay 21 October?

    Waxaan halkan hambalyo ugu dirayaa umadda soomaaliyeed dhamaantood munaasabadda 21'oct oo ahayd

    Maalin dadku qurux badnaan jiray 

    Cabsi aysan qabin. 

    Xaduudkoodu ilaashanaa

    Taladooda rag xil-kas ah ay u hayeen.

    Sharaf iyo magacna ay ku lahaayeen dunida inteeda kale.

    Waxaana u rajaynayaa inay sanadkan sanadkiisa ku gaaraan horumar barwaaqo iyo nabad.


  16. Snm way dagaal dumar dirireen intii tabartood ah, haday siyaad barre ka guulaystaana ayagaa hormuud somali oo dhan u noqon lahaa, ciyaalka cuqdad lama hor fadhiyeen 30 sano.

    Waxay arkeen koonfurtii oo dawlad la'aana iyo ayagoo meel cidla ah taagan guusha gooni isu taaggu markaasay ku dhalatay.

    Siyaad barre markuu soo hor istaago kaadidaa soo dhaafi jirtay iska daa inay ku khasbaan, ama gaalo hoos fariisiyaane, waydii mujaahidiinta soo xajiday sanadkaan.