gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Dr.odweyne

    Erayga ina gumeed kama xanaaqo marnaba waxaan soo taagnaa markaan ilma gumeedka noqonay oo dawacadu madaxa naga leeftay, adigu ingiriiskaad joogtay berigaas sidaan filayo waxaana laguu sheegay in faqashtii laga xoroobay, oo beeshii jamhuuriyad xoriyad doon ah ku dhawaaqday.

    Talo aan kusiiyo aad qaali u ah.

    Aqoontaadu macno samayn mayso hadii aadan caqiidaada waxba ka aqoon xataa inta asaasiga ah baro sida gaaladana istaagga haku kaadshin maryahaaga najaasada ja ilaali waligaa.

    Mad-habaduhu waa afar xanbali,xanafi, maaliki, iyo shaafici.

    Waxay leeyihiin mas-alo khilaafiya ah ama aysan isku si u arag.

    Afartuna waxay isku khilaafeen mid walbaa waa sax, oo dambi ku gelin mayso, waxaa kaliyoo lagaa rabaa inaad mid ka mida maslaxadaada shrciga ah waafajiso si arimahaagu u toosaan macnaha kala doorashada yaa laguu badiyay.

    Snm waxay hortaagan tahay ama meel ugu xaraysan geel guran oo ubadkii ka tagey

    Afarta mad-habadood midda axwadkaa qaata intuusan gabalku idinku dhicin.

     


  2. Farmaajo xaq buu u leeyahay inuu timihiisa soo ceshado, maalinkuu xukunka qabtay yaa lagu bilaabay dagaal dhan kasta ah mid qabiil mid diineed mid shisheeye mid sokeeye waxba loolama harin.

    Balse xasan sheekh hinaase yaa timihii ka bitiyay aragtidayda nin faraxsan yuu ahaan jiray intuusan kursiga ka degin oo iska shaqaysta.


  3. Farmaajo wuxuu sawirayo oo la fal-galayo ma'ahan odoyaashaan hawl-gabkaa oo hargaysa jaadka ku cunaya.

    Wuxuu akhrinayo waa rabitaanka dhalinyarada soomaaliya oo dhan meeshay doonaan haku noolaadeen. 

    Waxaad ka ogaan kartaan si sahlan social mediaha, iska walwalaaqa, wax fiyow iyo wax waalanba labaduba way kaaga soo bixi.

    Lahjad kasta oo soomaalidu ku hadasho waa lagu amaanay farmaajo.

    Waana midda laleemada ku riday horjoogayaasha reer land oo dhan.

    Hadiiba ay dhacdo inuu tago hargaysa waxaad ogaan lahaydeen xaqiiqda dhabtaa.

    Qof joogay maalintii siyaad barre la dhagax tuurayay hargaysa maydinku jiraa?

    Waan hubaa inay ubax badan farmaajo ku tuuri lahaayeen ayagoo ka raali gelinaya adeerkiis siyaad barre iyo beentii laga sheegay.

    Midna waa in la fahmaa walaalayaal anagoo isku duuban

    Dhalintan gobolada waqooyi, 30 sano bay maro sadex midab leh, una taagan sadexda jufo hoos taagnaayeen, wayna u jeedaan inaan waxba kasoo naaso cadayn, kuma filna, beel yar, iwm odayaashii marada tolayna khaatumo xumo lasii gaboobayaan.

    Farmaajo ama ha tago ama ha joogo dadku siduu isu doonayo yaa ka muhiimsan wayna muuqataa sida qoraxda.


  4. Wanaaga iyo wax qabadka waxaa siinaya madax-banaanida shaqadooda iyo madaxda sare oo is fahmsan.

    Haday lacag u samayn lahaayeen dalka waxay la mid noqon lahaayeen ololihii af qoridda, taariikhdana meel fiican bay ka istaagi lahayeen.

    Way dhib badan tahay in dawladda aduunka ugu qanisan iyo tan aduunka ugu faqiirsan ay isku lacag noqdaan.

     


  5. Saxiib Dr.oodweyne
    Xasan shekh wuu raali geliyay snm waxba kama maqal, shekh shariif sidoo kale.

    Raali gelinta farmaajo waa mid lagu qanci karo sababtoo ah siyaad barre yaa adeer u ahaa.

    Su'aashu waxay ka taagantahay marka.

    Waad ka guulaysteen taliskii siyaad barre sidaad sheegaysaan, dagaal dhiig badan ku daatayna dhulkii ingiriisku idiin meegaaray, yaad kusoo cesheteen 

    Waxaa intaas dheer inaad xataa koonfurtii kasii saarteen adinkoo adeegsanaya walaalihiin usc oo aan dad iyo duunyaba waxba ka reebin.

    Intaas markay dhacday soomaaliya, yaa laga rabaa raali gelin 30 sano ka dib?

    Aniga jawaabtadu, waa in la raali geliyaa daciifka mar walba si horay loogu socdo.


  6. Waxaa jirta "been" shareecadu banaysay.

    Waxaa kaloo jirta "xan" shareecadu banaysay.

    Beenta shareecadu banaysay waa tan islaax ama wanaag ka dhex samaynaysa mujtamac muslimiin ah ama labo qof oo cadaawad isu qaaday.

    Xantana waxaa laguu baneeyay markaad wanaag naftaada u doonayso

    Tusaale
    Hadii aad guursanayso oo aad gabar qurxoon aragto balse aadan aqoon dhaqamadeeda kale way kuu banaantahay inaad xan raadiso.

    Farmaajo been shareecadu banaysay yuu idiin sheegay walaalayaal.

    Nin guulaystay raali galin ma dalbado asagaa raali galin bixiya.

    Markaan leeyahay waan is dilnay ee aan heshiino ku ekaada, waxaan idinka saarayaa, daciifnimada raali gelinta, ee khalad hayga fahmina, dad wanaagsan yaad tihiin.


  7. Odweyne

    Waxaan ka hadlayaa waa (faqriga) oo ah kan dila wax kastoo sharaftu tahay.

    Soomaaliya oo dhana waa ka jiraa saaxiib.

    Gob hadaad maqasho waa dal dhisan oo dhaqaale haysta.

    Waxaan meesha qaban inaan dumarka soomaalida qaarna ku cayno afrikaan, qaarna ku dhahno labiso oo aqoonsi noo doon, labaduba waa "caar" in la ilaaliyo u baahan.


  8. 3 hours ago, Apophis said:

    I will bring Ethiopians and Kenyans with me and watch while they step on all the cockroaches.

    We will see who needs liberation.

    Don't  bring please i hope we don't kill each other.

    By the way don't imitate mandarian people, they are great people.

    Waa niman xniinyahoodu banaanka yaaleen markay dhasheen, halka kuwiina gacanta lagu raadiyay.


  9. 19 hours ago, Apophis said:

    Like all cockroatches, your enemy is the sun.

    Marka iska nac nac le ila 2021.

    Try to liberate yourself and your people instead watching cockroach crossing the road.

    Year 2021 will be good year insha-allah, koofiyadda sheekha ha dhigin dhulka.

    Reer mandheera way kala saari karaan khaladka iyo saxda, dhibna lama rabaan naftooda iyo walaalahood reer beled-xaawo.

    Wax hadal ah miyaad ka maqashay gaarisa, aan ka ahayn raggu ha uunsado?


  10. My enemy is not Ethiopian or Kenyan.

    My real enemy is my own brother wife's son.

    Galbeedi

    70% usii kala qaybi 68%

    Labada soo hartay waa saçab cusbo ah oo aad badda ku shubtay.

    Nimankan kenya la jooga iyo kuwa Ethiopia la jooga waa dad muwaadiniin ah oo u dhashay labadaa dal.

    Waxaa lagu dhaariyaa kitaabka dalalkooda yaala.

    Waa soomaalida kale waxa confuse'ku, ku dhacay oo wax walba qabiil ku cabiraya.

     


  11. Booqashadan waxay u egtahay in Mr.biixi uu dalbaday, dhakhtarkiisa gaarka ah yaana kula taliyay sidaan filayo.

    Haduusan meesha raggu isugu yimid ka dhex hadli karin calana ku lahayn, ma wanaagsana inuu isku sawiro roog cas oo islaan oroma ah gurigeeda u ag dhigtay.

    Afrikaanka wajigaaga alaha cadeeyo duco uma ahan.


  12. 4 hours ago, Old_Observer said:

     

    Remember that the Ethiopian troops protecting them supporting them as reserve are very mixed, but with good doze from Kililka. So far the news is that the Ethiopians are disappointed.

    Ethiopian troops are not mixed and never been mixed ever.
    I dont know if you talking tea makers as troops.


  13. 8 minutes ago, maakhiri1 said:

    It maybe to new to some now, but PL has always being playing a game, but they were always closet secessionist 

    NIMANKU SL waxba kama sokeeyaan.

    Waa sax maakhir wayba ka shisheeyaan aragtidayda.

    Waxay dhibsadaan erayga dawlad gobaleed, waxayna isugu yeeraan dawladda puntland.

    Gobolada bariga waxay ahaan jireen gaari waa biyahoodu dhanaan bay ahaayeen gadaal kaa dusaya

    Gob waxay noqdeen markay daked iyo jid heleen oo kuraasta banaanka soo dhigteen, isugana yeerayaan dawlad soo jireena.

    Snm hargaysa fayo-dhawr lagu xaajooda waxaa u dhisay siyaad barre.

    Been kuu sheegi maayee dooxa yaa laysugu tagi jiray, kii biyo soo qaata wuxuu ahaa qoysaska ladan, inta kale qori bay geedka kasii jabsan jireen

    Maanta waxay jiilka cusub isugu sheegayaan, dawladaha xaduudka isku haysta.


  14. Waxaan isugu yeerayaa kuna baaqayaa shir deg-deg ah 

    Waxaana u baaqayaa, wax garadka puntland, xildhibaanada ku matala dawladda-dhexe, aqoonyahan,cuqaasha, culumaa-udiin, isamada iyo ururada haweenkii soo jireenka ahaa dhamaantood.

    Waxaan doonaynaa inaan kaga tashano ayaaha puntland marka hore, ka dibna soomaalida kale..erayadaasu waa Dr. Dani oo saxaafadda soo hor istaagay jimcihii (MashaAllah)

    Ma xuma waa arrin wanaagsan lakiin ma u dulqaadan doonaa su'aal furan? mise sidiisii yuu madaxa ka dhididi doonaa?

    Dagaalka ku furan ma'ahan mid uga imaanaya dawladda dhexe waa mid uga imaanaya dadka uu shirka ugu baaqay qudhooda waa nin aan aqoon siduu maradiisa u guntan lahaa.

    Mushkilada puntland hadaan aragtidayda ka dhiibto waxaa weeye.

    Hal nin yaa qabiil ahaan ugusoo dagaalamay markeedii hore, kuna asaasay, ninkiina asagoon la dardaarmin yuu ka geeriyooday allaha u naxariisto.

    Madaxdii ka dambaysay hadal rageed ugu imaan maysid.

    War dal qabiil looma qaybin karo mana shaqaynayso.

    Albaabkan daxalaystay furaha ka badel, hadaadan wada badeli karin.

    Federaalka waan ka baxaynaa 
    haduusan u shaqayn karin sida beeshu doonayso, waa hal ku dhigga dadka daalisay.


  15. Farmaajo kismaayo qabiil uma rabo waa lagasoo daalay aan is dilno

    Wuxuu doonayaa aqoonyahan soomaaliyeed oo la fahmi kara danimadu meeshay ku jirto qabiilkoo doono ha u dhasho.

    Sayid ma'ed abdille xasan wuxuu jeclaan lahaa inuu arko nin beeshiisa kasoo jeeda oo soomaaliya hogaamiye u noqda.

    Nasiib daro meeshii kaliya oo xorta ahayd oo abid ay ka maqlaan mudane madaxweyne waxay noqotay kismaayo, ayadiina waxay la hoos galeen kenya iyo tolkood la gumaysto.


  16. Bangladesh waa dad iyo dal qiimo badan, wax kasta oo ay noogu deeqaan waa waajib saaran.

    Dadka waxaa lagu qiimeeyaa inay yihiin dad shaqaysta oo gacantooda kulasoo baxa quudkooda.

    Sadaqa gaalo bixisay oo lagu labisto lagu niikiyo weeyaan gunimada saxda ah ama xataa lagu qoslo.

    Khaliijka waxa shaqooyinka hoose sida nadaafadda iwm qabta badankoodu waa Bangladesh.

    Waxaa la rabay in qofkastoo masuula oo khaliijka u dhashay uu dareemo la'aantood inuusan waxba ahayn.

    Waxay siiyaan macaash ama mushaar aad u yar waxayna dilaan dadnimadiisa oo markay jidka ku arkaan shilimo yar bay gacanta ugu ridaan.

    Wuxuu bartay inuu jidka iska istaago si uu shilimo yar uga helo dadka.

    Waxaan maqlay dalka maraykanka dadka nadaafadda ka shaqeeya waxay qaataan mushaar ka badan kan masuulka markii saacado lagu dhufto.

    Dhaqankii diinteenu na fartay gaalaan ku wareejinay aqal madaw yaan ku dhex ducasaynaynaa oo isku yasaynaa.!!


     


  17. Ujeedka kenya iyo madoobe lacagta ugu bixiyeen si uu baxsado, waa inay fitno kaga abuuraan, dawaladda dhexe gobolka gedo.

    Balse waxaan u malaynayaa inay u fiicnayd, Mr. Janan, Inuu xabsi gurigiisa isaga jiro ama dhuxusha kismaayo wax ka iibiyo, inta dawladu marada geedka ka fuqsanayso.

    Haduu gedo ka jabhadeeyo waa meeshuu ku bixi lahaa aragtidayda.


  18. Snm kuwoodii wax bartay yaa kusoo hogaaminaya nimankan gacmaha jilicsan, waana kuwan idinla doodaya oo kale.

    Dadka gudaha jooga waa masaakiin ma yaqaanaan dhaqanka xun iyo dadka xun labadaba.

    Waxaa loogu sheegay, qofkii cad dhunkada, oo soo dhaweeya si naloo ictiraafo.

    Mushkiladu waa qurbo joogta la dhaqan badelay oo u dooda xaquuqda in jinsiga isku midka ah inuu is guursan karo.