gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Farmajo qaran buu rabaa ee qabiil ma rabo walaalayaal sida ka muuqata siyaasadiisa.

    Madoobe qabiil buu rabaa iyo in dalku u kala qaybsanaado, federaal qabiil  ku shaqeeya oo wax iska dhiciya.

    Madoobe, Wuu ku saxanyahay markaad barbardhigto siyaasiyiinta kale oo muqdisho jooga oo fekerka qabiikaysiga ku raacsan si kumeel gaara.

    Farmaajo dagaal sokeeye abuuri maayo ilaa inta maskaxdiisu shaqaynayso.

    Wuxuu dhexda ka taagan yahay labo albaab

    Kan midigta waxaa ku qoran riix albaabka qaranka.

    Kan bidixdana waxaa ku qoran riix kan qabiilkaaga oo dastuurka ogol yahay 4.5.

    Labaduba waa saxanyihiin midka qaranku wuxuu u baahanyahay shaqo aad u badan adkaysi, sabur, dulqaad iwm.

    Kan qabiilkuna waa saxanyahay, hadii aad aragto waraabayaal sugaya intaad daalayso, yaysan meel cidlaa ku cunin beeshaada dhinac ka raac.

    System federaalka lama doonayo inuu ka lumo jubaland,  lakiin madaxweyne sharci ah malahan wakhtiga la joogo.
     


  2. Amigo wuxuu egyahay nin koomo kasoo kacay 30 sano ka dib.

    Jawaabta u bixinayo iyo dhaliishana waatii sideetamaadkii dheriga lagu karin jiray.

    War uma hayo in dhalin yaro badan badda kasoo caariday ayagoo mayd ah siyaad barre ka dib

    War uma hayo in ingiriis cadde kala aqoonsan waayay somaali iyo firkooda.

    Qof kastoo soomaali ah xaq buu lahaa inuu shaqo helo marka lagu daro kuwa madaxweynuhu dhalay

    Dhinacaas waxba lagama eego huuno.

    Siyaad barre dalkiisa iyo dadkiisa wuu ku filnaa taasna muran ma gasho.

    Reer puntland waxay dhahaan dekedda iyo wadada waxaa saxiixay cabdirashiid sharmaake intuu dhaawaca ahaa geeridiisa ka hor.

    Kuwo kale oo taariikhda si fiican u yaqaanana waxay ku doodaan inuu xafiiska sharmaake, talyaaniga u gudbiyay bil ka hor intuusan geeriyoon

    Hargaysa ma ii sheegi hal mashruuc oo dad wax u taray oo snm qabatay biyo wado caafimaad waxbarasho iwm?

    Waxaan tagay guriga maxkamadda waxba lagama badelin xataa kan waraaqaha garaacaya makiinadii siyaad ugu dhintay yuu weli wax ku garaacayaa.

    Xataa guriga ay ku taliyaan waakii morgan dhistay.

    Xataa hadii aad baarto BIIXi xafiiskiisa iyo inta ay wax usu yihiin 100 waaku dhawyihiin labo jufo yuuna madaxwene u yahay.

    Ina adeer puntland iyo snm cidina waxba idinkaba rabto idinkaa aqoonsi iyo laaluush laydinku imtixaamay.

    Waxaa kaliya oo laydinka rabaa inaad xisaabtantaan oo xaqa laydinku leeyahay iska gudaan. 

    Marxuumku duco kaliya yuu xaq idinkugu leeyahay maalinta 21 October.
    (من لا يشكر الناس لا يشكر الله)


  3. 11 hours ago, Dahireeto said:

    Farmaajo's deceased uncle took the previous loan and used it to enrich his clan.  Farmaajo is playing the same cards. loool

    Farmaajo haduu dayn qaato ma naqaano wuxuu ku samayn lahaa, allahu aclam.

    Siyaad barre dad duf ku baxay yuu wax ku taray abaalna lahayn.

    Dayn cafintu sida aqoonyahanka soomaalidu u fahamtay ma'ahan.

    Way iska caddahay inaan cidina waxba ka rabin, ama dulsaar lacageed, dad sodon sano macluul iyo bakhti kor fadhiyay.

    Ujeedku dayn cafintu waa dad ma noqdeen sodon sano ka dib, mise maya, si mid kale loo siiyo, waa intaas waxa waraaqaha badan lagu qorayo.

    Marnaba lagama yaabo inay kala gartaan maslaxadda guud iyo tan gaarka ah.

    Cilmi baaris aan sameeyay anigoo aqoonyahan ka fogaanaya waxaa iisoo baxay.

    Soomaalidu bini aadamka labo arimood bay uga egyihiin

    Muuqaalka iyo
    Hadalka

    Duur joogtana labo arimood bay uga egyihiin

    Caqliga iyo
    Hijrada

    Duur joogtu way haajirtaa markay haraad, gaajo iyo cabsi dareento.

    Markay barwaaqo heshana way orgootaa, wayna is dishaa.

    Hadaan been sheegay waad i sixi kartaan walaalahga soomaaliyeedow.


  4. Ali khalif
    Way u cuntami la'dahay inuu snm la shirkoobo faysal waraabana qado ugu yeero.

    Puntland wuxuu ku qaabilay calaacal daciifnimo iyo waxba nooma ogola.

    Dawladda dhexe ee soomaaliya meelna ugama muuqato uu ka geli karo.

    Maamul gaara oo dadkiisii lakala qaybsadayna ma dhisi karo.

    Safaradiisu waxay u badan yihiin dalxiis iyo hawo gedis aragtidayda.

    Xalka aragtidayda waa mid fudud.

    Puntland hala heshiiyo waligiisna yuusan ka sugin inay gooni u maamusaan.

    Waxaa la yiri hadda ka hor yaa reer masago ama (hadhuudh) karsanaya, intaysan biyihii kululaa ku darin xabad masago ah, jinni ku dhex darsaday.

    Markii ay bislaantay wuxuu reerkii u sheegay inay xabadiisii masagada ahayd, ay tarmisay dherigii oo buux dhaafay.

    Muran dheer ka dib wuxuu reerkii ku qanciyay inay sacab mugiis ka qaataan dheriga oo ahayd intii ay markii hore ku shubeen dheriga.

    Puntland ayadaa leh Dr.ali kaalay isku hooyo iyo aabe yaan nahay ee wax igu darso, ma jirto sabab uu hargayso marti ugu noqdo.

    (Nin dhirbaaxo quureed dugsaday dhaqayadeed maalye, dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrtaa abide)

    Waxaa la rabaa inuu calaacalka iska daayo puntland waa beesha ugu xabad neceb soomaalida oo dhan marka laysku daro waxaana u malaynayaa inay ugu wacantahay dhaqaalaha iyo jacaylka dumarka.

    Wax ku darso aydoon laydiin gar naqin bay iskood u gar qaadan doonaan, laakiin ka faa'iidayso intay isku beel baan nahay ee walaalow noo imow ku leeyihiin.

    Suurta gal ma'ahan inuu aqoontiisii faysal waraabe la ag fariisto waa tiir iyo tacab beel.


     


  5. Corruption waxaan nebcahay markaysan beeshaydu waxba ka cunayn ama ina adeerkay, waa dhaqanka soomaalida xalaal iyo alle ka cabsi ugama jeedaan.

    Waxaa kaloo la yaab leh in arasaaqad ilaahay gaal noogusoo dhiibay uu qaxooti walaalkeen ah naga xigsado iskuna sheego inuu taxpayer yahay oo aanu afrikaanku istaahilin.

    Aduunka corruption waa ka jiraa dhamaantiis xataa UN dhexdiisa waa mushkilad la wada ogsoon yahay oo aan wax ka qabad lahayn.

    Dawlad markii lagu abaal marinayo corruption la'aan macnaheedu waxaa weeyaan may yaraysay kaliya, ee ma'ahan way dhamaysay.

    Maxaa faa'iido ah oo noogu jira hadaba?
    Aragtidayda waxaa kow noqonaysa inaan dad caadi ah oo bangiga dalkiisa wax u dirsan kara aan noqono

    Waxaan ka xoroobaynaa nimankaan xawaaladaha oo guriga nagu xaraystay iyo bangiyadooda.

    Waxaad tagtaa exchange ay ka buuxaan jinsayadaha aduunka oo dhan waxaadna waydiisaa shaqaalaheeda inuu lacag kuugu xawilo somaaliya

    Ama waa isku qiimo kuwii guriga nagu xaraystay ama wuu kala yaabi markuu computer'ka dalkaaga ka waayo.

    Waydii dadka kale oo kasoo jeeda dalalka kale inta 100$ loogu xawilo, isna barbar dhig inta aad adigu siiso wankaas cayilay.

    Dr. Bayle muxuu kaga dawan yahay wasiirada kale?

    Dr.bayle wuxuu dadka caadiga ah oo aqoonta badnayn sidaydoo kale famhamsiin karaa sida dhaqaaluhu u shaqeeyo, wuxuuna kaaga dhigi  si aad u fahamto adoo tukaan alaab kala duwan ka iibsaday oo la xisaabtamay cashier ama lacag qaadihii.

    Inta nalagu leeyahay
    Dulsaarka oo sodon sano socday, waxaa baaqiga ah dalalka iyo hay'adaha nagu leh waxaan ku qaadanay cidda bililaqaystay iwm.
     


  6. Snm waxay u maal gelisay carwada buugta, ma'ahan kobcinta qoraalka iyo dhaqanka soomaaliyeed

    Ujeedku waa dhoolo tus inay gumaystaan qabiil kaloo soomaaliyeed si ay taariikhdii jaahiliyadda meel un uga galaan.

    Hadiiba ay gaarsiiyeen in reer laas caanood ay calankii awoowe usoo halgamay cadaw uga dhigaan, ma qabo inay jirto wax damboo haray.

    Jamhuuriyadda duriyadda ha la taageero anagoo isku duuban aqoonsina halala doono intaan hees ceebeed gacanta bidix la tuuri lahayn.

    • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

  7. Mahadsanid galbeedi

    Xadiis muslin iyo bukhaari laga wariyay daciif ma'ahan, walaal asaguna ma dafirsana baqdin ka dib.

    Xag-jirku, cidna ma daayo kuwo aan waligood masaajid ka bixin hadal iyo khaladna laga maqal bay dileen salaadii cisho ka dib.

    Muhiimku waxaa weeyaan mowduucu haduu diini noqdo looma qiyaaso siyaasad, caqli, iyo aragti, lagamana jawaabi karo hadaadan aqoonteeda lahayn.

    Waxaan rabaa inaan kula wadaago fatwo ay culumo uga jawaabaysay su'aal cajiiba.

    Waxaa la waydiiyay hadii nin iyo xaaskiisa, caruurtiisa, hooyadii iyo aabihiis, meel cidla ah ku gaajoodaan oo ay gaaraan naf bax ku dhawaad. 

    Ninkuna uu haysto luqmad yar oo af gelis ah ama naf ku celis un ah. 

    Yaa xaq u leh in la siiyo luqmadaas inuu cuno si uu nafta u badbaadiyo?

    Iminka caqligaaga wuxuu kuu sawiray meel ku qor.

    Jawaabta shareecada islaamkana meel kale ku qor.

    Caqligu wuxuu kuu sawirayaa caruur yaryar oo aad dhashay oo kusoo eegaya,
    Maya hooyo sagaal bilood ilasoo taahaysay 

    Maya odaygii aabe ah oo indhuhu daciifeen maya maya...maya..

    Jawaabta shareecada akhri marka

    Kow waa inuu qudhiisu cunaa ayagoo fiirinaya kuligood sababtoo ah qof walba naftiisa kaliya yaa alle waydiinayaa

    Waxaa kasii cajiibsan hadii uu labo luqmadood uu haysto yaa kaloo xaqa labaad iska leh?

    Xaaskiisa oo caqid iyo warqad un dhaxayso.!! 
    Sababtuna asagaa alle hortiis kafaalo qaaday masruufkeeda iyo marashadeeda, markhaatiyona u samaystay.

    Halkaas waxaad ka baran kartaa in caqliga, fikirka, uusan shaqo ku lahayn diinta iyo sunaha nabeegeenii suubanaa CSW. 

    Xaquuqda dumarku way ku wayn tahay muslinka, xataa hadii ay lacag leedahay, waa waajib ninka saaran, haday ku sadaqaystana ayaday jirtaa, balse waajib kuma aha inay masaariif bixiso..

    CC-Shakuur
    Naftiisa asagaa masuul ka ah xaquuqda dumarka reer matabaan iyo kuwa Berlin isku mid ma'ahan.

    Alle u noqo, qofna haka baqin waa dhamaatay sheekadu, laakiin halaygasoo gaaro intaad wado train fariisato wax meesha qabta ma'ahan.


  8. Ma jiro dhakhtar ogaan kara qof yiri maskaxdaan ka xanuunsanahay inuu been sheegayo.

    Markuu ugu yaraado kiniini badan buu u qori haduusanba cirbad ka aamusin.

    Sababtuna waxaa weeye asagaa sheegtay inuu xanuunsanyahay.

    Sheekhu wuxuu ka hadlayaa siyaasad ma'ahan waa dad kale maskaxdooda iyo arimahooda gaarka ah asagoon tiisii war u hayn.

    13 hours ago, maakhiri1 said:

    The full video  is good and has alot of facts,  the clip was manipulated 

    Inta kale qabiil baa ka buuxa iyi indho isku qabad.

    Soomaaliya ciyaalka waxaa lagu dhisaa cunfi iyo adkaysi

    Kuwa ay dhaleen dad lacag iyo mansib haysta yaa lagu dhex dari jiray kuwo laf iyo dhagaxa si ay uga bartaan nolosha adag.

    Hadii kale waxaa dhacaysa in barwaaqadu jilciso oo uu gabdhaha la koro  meeshu waa afrika walaal mar walba xasuusnow sida Switzerland caruurtooda u kiriso inaan ka duwanahay.

    Usha dhexda ka qabo shar iyo khayr hadii kale waa lagu jiidhi.


  9. Nimanyahow marka ugu horaysa looma jawaabo sidii inaad cod siinaysaan jestinturudo iyo xisbiga liberal'ka.

    Waxa laysku hayo waa caqiido islaami ah, markaad dhinac raacaysaan waxaa loo baahanyahay inaad aqoonteeda leedihiin ama ugu yaraan aad dhagaysataan labada dhinac.

    Tusaale 

    Adigoo wayso qaba oo  sharabaadyo ama iskaalshooyin xiran hadii waysadu kaa jabto waxaa laguu baneeyay inaad wayso qaadato adigoo korka ka masaxaya sharabaadkii

    Maxaa hoos looga masixi waayay ileen waa hoos meesha dhulka xigtee?

    Jawaabtu waxaa weeye diinta caqli loogama jawaabo cilmi yaa looga jawaabaa.

    Culimada oo dhan waxay isku raacday oo  suufiyadu ku jiraan inuu Ccshakur ku xad gudbay xadiis saxiixa.

    Asagaa laga rabaa inuu si toos ilaahay cafis u waydiisto ka dibna raali gelin waydiisto umadda muslimiinta ah oo aduunka ku nool.

    Sidaasaa loo fasirtay""
    Sidaanaan ula jeeday""
    Biti bitii looma baahna arintu waa caqiido waxaana u furan towbad.

    Ma jirto aduunka dawlad qof caadi ah ilaalin karta balse waxaa la dhintaa ayadoo la ogyahay inaad soo noqotay kii ku dulmayna dambiile yahay.

    Alle waxaan ugu rajaynayaa inuu soo hadeeyo dhibna uusan arkin.
     


  10. Sir xunjuf... you gave the man, very wrong information. 

    Barre never killed anyone because his clans or genders, don't waste your time nonsense.

    Si fiican u warayso adeer mujaahid biixi markuu retire noqdo oo beenta kursiga lagu xajisto uu ka dego.

    Snm madax kuma yarayn iyo saraakiil ganacsato hal-abuur iyo xigmad intaba

    Dad koonfurtu necebtahay iyo siyaad barre waligood ma noqon

    Mushkiladoodu waxaa weeyaan aragtidayda in talada loo dhiibo mooyee ayagu waxba uma dhiibi karaan, waana midda keentay inay kaligood isla meeraystaan.


     


  11. Waraysiga odaygaan waxyaabo badan yaa kaaga soo baxaya

    Mida koowaad  waad ku sirmaysaa, oo waxaa kusoo jiidanaya haybada culimada oo ka muuqata.

    Mida labaad qoyska uu leeyahay waa awoowayaashay oo ah dad taariikh dheer leh. 

    Inkastoo soomaalidu tiraahdo masku abur buu dhalaa, ama dadkii soo talin jiray dadkoodii carrabkaa ka waynaaday,mid la dhagaysan karo kuma jiro ilaahay amarkiis.

    Tan sadexaad oo ah kalmada aniga oo laga hormariyo istaaqfurulah si laysaga ilaaliyo faan iyo isla wayni wayna muuqataa inuu ka booday xadiiskaas shariifka ah.

    Dadku waa wada waalanyihiin markii aniga layga reebo!

    Aabahay qaybta dhul bixinta minushiibiyo yuu madax ka ahaa dadkoo dhana waan ka aabo fiicnaa guri wanaagsan oo dhimirka koriya yaan ka imid.!

    Doorasha kasta 30 kun baa iga baxda xigmad la'aan, ilaahay baana i siiyay, in ka badana waan haystaa😎

    Doorashada ma waxaa loo aadaa in magacaaga aad ka iibiso dadka tabaalaysan, mise inaad hogaan wax u tara u noqoto?

    Soo ma oga inaan ilaahay uusan jeclayn dadka maalka ku cayaara

    (ان الله لا يحب المسرفين)

    • Like 1

  12. Guri Alle 

    Masaajid waa guri ilaahay lagu caabudo.

    Waxaa lagu galaa gudihiisa, aamusnaan waana lagu qashuucaa, laguma buuqo, lagumana sheekaysto.

    Waxaa lagu iloobaa aduunyo iyo waxa dhex yaal, waxaana lagu xasuustaa aakhiro iyo xisaabta dambe.

    (اللهم احسن خاتمتنا) 

    Hadaba walaalaheen soomaaliyeed haday ku heshiin waayeen guri alle loo dhisay dhexdiis, dal ma ku heshiin karaan aragtidiina?

    Maxaa isku dhex daray ragga iyo dumarka meel cibaado loogu talo galay?

    Dumarka tii qolkeeda jiifka ku tukata waa ka ajar badan tahay tan masaajidka aada.

    Sheekh soomali ah, oo alle dartiis u ilmaynaya, way adagtahay inuu sidoo kale naga oohiyo, sababtoo ah wuxuu la ooyay nama fahamsiin karo.

    Qabiil walbaa masaajid u gaara ha dhisto baa yurub noogasoo socota sida muuqata.

    Gudaha somaaliyana jameecadu way ka hor salaama naqsadaan imaamka kala dambayn ma leh.

    Waxaan u baahanahay in diinta iyo ku dhaqankeeda dib naloo baro xaqiiqdii waa aafo qaran.

    Mid baan waydiiyay hadda ka hor khudbo jumcadu maxay ku saabsanayd gudaha soomaaliya? 

    Wuxuu iigu jawaabay ma aqaan carabi buu akhriyay waana na tujiyay.

    Culimadeenu waxay u haystaan in carabi lagu qudbeeyo inay waajib tahay, ama markay salaadda tukadaan ka dib oo dadku daalo bay qaarkood fasiraan hadiiba uu qudhiisu garanayo waxa  ku qornaa waraqaduu akhriyay.


  13. Taageerayaasha N/N, oo aan ka mid ahay waa inay kenya u arkaan walaalaheen abaal wayn nagu leh, soona dhaweeyaan heshiiskaas qiimaha badan.

    Haday noqoto qaxootiga ay hayeen 30 sano.

    Kismayo oo ay cadaw nooga xoreeyeen

    Ganacsi xoog badan oo nairobi nooga abuurmay

    Wixii maanta ka dambeeya dadku waa walaalo aan kala maarmin.

    Waxaa kuusoo horay saaxiibadoodii shalay sida madaxweynayaashii hore iyo axsaabtooda.

    Waa inay kenya ka difaacaan badda soomaaliya una arkaan cadaw dhagar u qarsoontahay, farmaajana la garan maayo waxa miiska hoostiisa looga dhiibay.

    Puntland waxay codsatay hadda ka hor in wafti kastoo dawladda dhexe dirayso qof ama labo loogu daro si ay ula socdaan waxa lakala maacaashayo.

    Snm waxay ka codsatay kenya inay aqoonsato xataa maalin kaliya ha noqatee, ayaduna taa badelkeeda ay ku taageerto badda iyo bariga koonfurta inay qaadato.

    Walaalayaal munaafaqad yaan isla hortaaganahay xaqiiqdii bad iyo berina ma rabno oo waynagaa ka tahriibnay maalin cad.

    Wasiirka arimaha dibadda ee soomaaliya waa nin degan oo caqli badan runtii.

    Saxaafadana waxaa looga baahan yahay markay qof noocaas ah waraysanayso inay u diraan wariye xirfadle ah.

    Wuxuu waydiiyay mudane nooga war bixi heshiiska labada madaxweyne?

    Jawaabtii wasiirka
    Waxaa lagu heshiiyay in cilaaqaadka dhaqaale duulimaad iskaashi dhan kasta uu caadi noqdo.

    Suu'aal wariye 
    Arintii badda ma lasoo qaaday mudane wasiir?

    Jawaab wasiirka
    Haa waxaana cadeeyay madaxweyne farmaajo in maxkamadda loo daayo.

    Su'aal wariye
    Maxaad ku qancinaysaan dadka mugdigu uga jiro markay akhriyeen Twitter'ka wasiirka arimaha dibadda ee kenya oo sheegtay in arinta badda is af garad la rajaynayo?

    Jawaabtii wasiirka
    Maxaad wasiirka kenya u rumaynaysaa oo madaxda soomaalida oo toos kuula hadlaysa u rumayn la'dahay?😁😁

    Wariyuhu waa saxan yahay oo waxaa dhagaysanay dad badan oo beelo kale kasoo jeeda oo aan ku kalsoonayn in madaxweyne beel kale ah u matalo qadiyadd sidaa u culus.


  14. Shacabka puntland shar oo dhan alaha ka badbaadiyo, alahama aamiin

    Dani dulqaadkiisa aad buu u yaryahay waana xanaaq dhawyahay waa ganacsade lacag kaliya u muuqato

    Waxaa intaas u dheer wuxuu iskala waynaaday inuu odoyaashii dhaqanka hor fariisto oo xalkii lagusoo caano maali jiray raaco.

    Wuxuu isku dayay inuu odayaal gaar ah samaysto sida jubaland

    VOA bay ka shageen inay shaqo ka banaan tahay xukunka garoowe oo odayaal cusub loo baahan yahay.

    Waxaa la yiri bahalada dilaaga ah oo hilib ku noolka ah, haday gaajoodaan khatar badan baa ka timaada, waxaase ka khatar badan bini aadamku markuu dhargo.

    Waxa laysku haystaa waa dhaqaale carabu ku dhex tuurtay, ayadoon loo aabo yeelayn ama loo turayn shacab rootigooda la lagdamaya.

     


  15. Suldaan Ugaas

    Marka ugu horaysa "rag" dabajeex wata oo qadiyad samaystay, ha yasin ama ha quursan sidaad moodayso ama fudada 

    Snm ma'ahan dawlad ay drones iyo robot u dagaalamaan, waa beel yar oo beelaha soomaalida ka mida. 

    Xabadii faniinta ama geed bay ku dhici ama qof, labaduna waa khasaare.

    Waligaa "rag" ha sahlan adigoo mahadsan.

    Mida kale Ninkaan aad madaxweynaha ka dhigateen iska fiiriya, xataa habrihii wuu kala fadalay, indho la'aantu god bay kugu ridaa aanad kasoo bixi karin.

    Reer boorama waligood qori iyo dabajeex ma qaadan qalin bay wadan  jireen, waa macruuf,
    Maxaa ku kalifay inay maar ursadaan?

    Qofna dhib idinlama jecla "May" iyo "Maxaad tiri" marka laysku daro

    Snm iyo dhasheedu waa soomaali.

    Waxna kama qabno inaad aqoonsi doontaan inta roobku is raacayo, inta ka horaysa dadka ha isku dilina ee u cadaalad sameeya.


  16. Qoriga uu deegta saartay odaygu waxaa la dhahaa pkm.

    Soomaaliduna waxay u taqaan daba-jeex ama badhi-dalool waa qori dad badan aakhiro u diray oo aad u qiimo badan markii lagu cabiro dhaqanka soomaalida.

    Ruushku wuxuu soo saaray sidaan maqlay 1969 wuu khafiifiyay sanadihii dambe si uusan hal qof ugu daalin qaadistiisa.

    Markay usc baratay wax tarkiisa waxay dhihi jireen, aryaa raggii ha dhindhee qorigii ma la qabsadhay.

    Reer Awdal dagaal way ka baaqsan karaan wali barako ma leh maysan gaarin.

    Waa dad iyo dal nabadeed, hoygii aqoonta soomaaliyeed, intay sabri karaan ha samreen aragtidayda.

    Dagaal sokeeye faa'iido lagama keeno reer dabo-musmaar oo dhan baa isku raacay.

    Mujrim hadii mujaahid loo bixiyana dhibkeeday leedahay waana dhibka ugu wayn oo soomaalida haysta.