gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. 32 minutes ago, galbeedi said:

    Oday gooni Afkaasi mid nin weyn  ma ahan. Do not generalize people.

    Siday wax kaa noqdeen.

    Sanbaloolshe is looking for a job.

    Waan gartay awoowe, balse meesha xaalku igu qabto ma marin, gefna kuma hadlin, cid iyo qabiilna uma gaysan.

    Caaqilka beelahan isa siiyay muqdisho waa ii garaabayaa markuu alle u dhawaado

    Villa somalia wixii ka horeeyay dawladii c/lahi yusuf iyo Ethiopianku, ku yimaadeen waxaa ku xaroon jiray damèeraha iyo lo' aan cid leh la aqoon.

    Maantana madax caalami ah iyo safiiro yaa lagusoo dhawaynayaa.

    Sanbaloolshe caqliguu hadlayo waa caqli wadareed kaligiis ma'ahan in badan yaan soo maqalnay wayna ogyihiin inaysan "ido" guurayn karin "riyo" la'aantood.

    Canshuurtayna

    Dhulkayna

    Beeshayna

    Waxay u haystaan dawladii muqdisho ka dhalata inay beeshooda hoos tagto oo ayaga la hoos fariisanayo wàa fikir kuwada jira intooda badan, 30 boqolkiiba wax macnaa samayn mayso.

    Tusaale

    Markii loo dhiibayay taliyàha sare ee Nisa, muxuu u oran waayay anigu dawlad aysan HBlock xukumin shaqo u qaban maayo.

    Mideeda kale nimankaan markaad runta u sheegto kama xanaaqaan sida snm ma cuqdad badna.

     


  2. Canshuurta khalad bay ka fahmeen wayna adag tahay in waxaysan fahmayn la fahansiiyo

    Canshuurta muqdisho waxaa bixiya inta badeecada ka soo degta ay gaarto

    Tusaale hadii aan wax ka iibsado bakaaraha anigoo badeecada u wada koonfurta fog soo canshuurtii ima saarna?

    Mideeda kale Hadiiba loo daayo villa somalia soo 30 sano ka dib, saalada dameerkà dib looga xaaqi maayo?


  3. Hiiraale beeshiisu way ka adagtahay wayna casileen sida igu maqaala ah mar hore.

    Meesha dhibku ka jiro waa reer dhagaxbuur oo aan marna oran karin, meel naga jooga fowdo ku nooshooda, si aan dad madani ah oo wax fahmaya u doorano.


  4. Talo-mooge

    Puntlan, Snm oo somali diiday oo dhulkoodii xoog ku haysta waxay ka dalbadeen nabad iyo wada hadal.

    Jubaland oo kenya haysatana waxay u direen tahniyad iyo baraanbur wada socda.

    Manoo sheegi karta walaal waxa puntland u ogoshahay dawladda dhexe inay qabato adigoo mahadsan?


  5. Snm oo maqan dastuur lama dhisi karo.!

    Meeqaamka muqdisho waa in garoowe lagu xaliyaa.!!

    Heshiiska somalia iyo snm ka dhexeeya waa inay puntland qayb ka ahaato

    Golaha iskaashiga federaalku waa inuu meel ugasoo wada jeestaa dawladda dhexe iyo faragelinteeda !!!

    Waa siyaasadda puntland ku dhisayso soomaaliya.


  6. Xidig wuxuu ka mid yahay xildhibaanada xasaradaha ama dhibka abuura. 

    Waxaan xasuustaa dawladii xasan shekh markuu kor u hadlo caawa, habeen dambe hoos buu u hadli jiray ilaa uu markii dambe meel subag yaalo maqsankeedii u dhiibay.

    Ma qabo nin maalmo hogaamin kara jubaland inuu yahay  horay baan u sheegay waa nin wajiyo badan.

    Tan guriga

    Inkastoo xogta hal dhinac kaliya aan maqalnay hadana waxaa igu cusub see labo carab isigu xoog sheegteen muqdisho?


  7. Dalmar

    Mudug qaybtii maamulka fiicnayd waxaa haysta puntland. 

    Baraxley iyo geedka aad lacagta isbaarada ku qaybsanaysaan, mudug ma matali karto xaqiiqdii

    Meesha waad dayacdeen hadaan shirkii hobyo hees cusub lagusoo alifin.

    Puntland

    Waa federaalka hooyadii, hadana waa burburiyaha federaalka.

    Waa dawlad gaara, oo aan ku manhaj iyo tacliin iyo talo ahayn, hadana waa kù dulmantahay wasaarada wax barashada dawladda dhexe.

    Ilaa maalinkii cabdi rashiid cali sharmaake dhintay allaha u naxariistee ilaa iyo maanta soomaalida waa ka gaar.

    Nin aqoonyahan ay ku sheegeen oo kasoo jeeda puntland yaa hadda ka hor u waramay rag uu u malynayay inay beeshiisa kasoo wada jeedaan hubsiimo la'aan.

    Wuxuu yiri soomaali inaan la sinaano waan ogolnahay

    Inaan ka saraynana waan ogolnahay

    Balse waligeed dhici mayso inaan ka hoosayno

    Hadalkaas waa war wanaagsan oo ku hoos geli kara.

    Sinaan waa cadaalad

    Sarayna waa sad bursi

    Maxaa meesha ka maqan? Hoosayn.

    Ragii markay sheekaysteen oo mowduucii badeleen yaan waxaan waydiiyay

    Hadaad diiday inaad hoosayso soomaalida kalena diido sidoo kale yaa dameerka kaxaynaya?

    Waa fikirka noocaas ah meesha laga dhaqaaqi la'yahay ilaa maanta i aragtidayda.


  8. Iskaa wax u qabso waxay u baahantahay xoog iyo caqli midaysan, shaqo u sahlan ma'ahan soomaalida maanta joogta.

    Garacad waxay doonayaan inay dekad dhisaan, waxayna beesha caalamka ka codsadeen in bacaadka wadada loo maro garacad oo kusoo rogmaday wax lagala qabto.

    Macquul ma'ahan dad bacaad iska celin waayay inay dhisaan deked bad hoos loo qodo iyo qayb lasoo'aaso dhisaan.

    Bacaad celintii shalaanbood ee marka berigii kacaankii barakaysnaa waxaa wax looga qabtay geedka tiinka ama tiitiin.

    Geedkaan waa geed si sahlan isu qabsada hadii xataa aad xoogaa kala fogayso dhakhsana u baxa.

    Geedkii wali waa ka buuxaa dalka, balse mushkilada jirta beel walba waxay rabtaa inay deked hesho

    Canjaleeda iyo biyahana UN' ku keeno.

     

     


  9. Galbeedi

    Awoowe siyaasadda soomaaliya waa nabar dilaaci waayay dastuurkeeduna dhismi maayo ayagoo kala maqan sida ku qoran garbadka kore

    Nimankaan iminka talada wada waxay isku dayayaan in mindi yar ku dilaaciyaan cabaadka aad maqlayso waa intaas

    X.sh iyo shekh shariif waxay ahaayeen madax kor ka subkaysay nabarka dawaadeedana aqoon u lahayn

    Tusaale maamul baan dhisay i garab orda waa wax qabàd aad foolxun

    Ma aaminsani inay la tartami karaan nimanka hadda talada haya oo wajahayà caqabad ishtihaadi ah.

    Murankaan wuxuu keeni karaa xal u wanaagsan mustaqbalka madaxda soo socota.

    Madoobe waa faas aan wax wayn goyn karin oo ku daaban kenya si nabada yuu usoo af-jarmi doonaa inshaa alaah, kismaayo marnaba kenya noqon mayso.

    Waxaa kuusoo haray siyaasiyiinta waqooyiga ka yimid

    Waxay u qaybsamaan labo.

    Qayb qaabilsan iska horkeenka iyo motion abuurka, una shaqeeya snm iyo danaheeda guracan

    Qayb daacada oo ay wajigooda ka muuqato sida khadar iyo bayle.

    Marnaba daacad ma hungiwdo, farmaajo ama ha tago àma ha joogee mustaqbalooda siyaasadeed waa wax qabad dalka ku wajahan oo muuqda.

    Tan ugu dambaysa

    Reer burco haka waraysan siyaasadda koonfurta ma dambe si aadan usii wareerin.

     


  10. Hadii lagu qaban lahaa tartanka, wuu amaani lahaa, waxayna dhihi lahaayeen kaalinta kowaad yaa nalagu qoray markii loo soojeesto inta ictiraafkà doonaysa.

    Hadese waxay u egyihiin xaajigii talaajada maydka qabowga ka doontay.


  11. 8 hours ago, Suldaanka said:

    Wada hadalka Somaliland iyo Somalia, Garowe waxa wakiil ka ah Mogadishu. Miiska wada hadalkana Garowe ma soo fadhiisan doonto. 

    Kolka nin og waxa soo socda, inu hadlo waa ku khasbanyay. :D 

     Kolay awood ciidan iyo mid siyaasadeed Garowe kuma ogayn, kolka mar walba waxay u dabranyihiin siyaasadda Hargeisa qaadato. Hada Hargeisa waxay ugu baaqday Garoowe in nabad lagu soo dabaalo, Garoowe waa ogolaatay nabadda. 

    Laakin taa macnaheedu maha siyaasadda Hargeisa is bedeli mayso - when the time is right. 

    Suladaan

    Qof kula doodi kara ma jiro adigaa wadanka suldaan u ah, dadka intiisa badan wayba taageersanyihiin snm marka lagu daro hogaamiyaha puntland

    Waxaan kaliya oo aan ra'yigayga ka dhiibtay sida ay iigu muuqato hadalka uu nabadda ku dalbaday.

    Boolo xoofto aan dagaal lahayn yaa ka wanaagsanaýd inuu dhaho waalayaal aqalka iigasoo baxa oo aan heshiino.

    Waxaan fiirsaday dabbaal‐daggii 21aad ee puntland siiba markay komaandoosta iyo daraawiishtu marayeen waxaan soo xasuustay berigii kacaankii wanaagsanaa.

    Waxaasoo ciidana oo guuxooda laga fadhin waayay asagoo haysta maxaa ku kalifay inuu nabad ku baryo gurigiisa dhexdiisa?

    Ma caruurtay hilib dalqo ka goynayaan qaboobaha soo socda?

    Carab baa labada dhegta wax ugu sheegay oo ku yiri ha is dilina dakedahaan idiin dhisayaaye caqli ayaga ka yimid ma'ahan.

    Asna wuxuu faa'iidayaa wadanka qaybtiisuu haystaa si uu uga mid ahaado shareholder'ka,soomaaliya.

     


  12. Waxaad naftaada la jeceshahay
    Walaalkaana la jeclow

    Balse aragtidayda caleenta iyo dhirta quruxda badan waxaa ka fiican carro sanka ama ciidda wanaagsan oo aad ku gam'i karto  kuna nabad geli karto dhib la'aan iyo cudur la'aan.

    Waan ku waafaqsanahay daahireeto in garacad laga dhiso waayo waa carro san lagu gam'i karo.

    Hobyo waxaa dhici karta in burcad badeed la wareegto dhib badana soo kordhiso

    Wadada dheer meesha ay ka degaan reer hobyo 70 yaasiin yaa lagu maraa iyo 21 bisinka ilaahay 

    Ka waran hadii lagu dhaho wadada dhinac uga leexo oo hobyo u safar?

     
     


  13. 2 hours ago, Peace Action said:

    Gooni cay iyo aflagaado miyaa ku dambaysay. Reer puntland oo dhan baad cayday iyo weliba dumarka shaftra badan.

    Hubsiimo hal baa lasiistaa. Marka arintan u malaymaayo in wax ka jiraan. Waayo Puntland waa hooyaddii midnimadda Somalia oo way hortaagan tahay go'itaanka Somaliland. 

    Lool Si daacada yaad iiga qoslisay Mr. peace 

    Mashxaradda dumarkay jecel yihiin cay ma'ahan walaal.

    Nabadu waa shay fiican ciddii ka shaqaysana aakhiro iyo aduun ku liibaanto

    Balse waxaan ila qurux badbayn inaad gurigaad dhisatay daaradiisa soo hor istaagto oo aad nabad ka dalbato nin gudihiisa ku jira.

    Maah-maahyada soomaalida waxaan ugu jeclahay (Dani Waa Seeto)

    Seeto waa dabar ama xarig lagu xiro xoolaha socodka dheereeya si aysan u fogaan waxaana xukuma qofka ku xira qiyaastiisa

    Dantuna ayadaa ku dabarta sidaas oo kale.

    Waxaana ugu nebcahay (Nin gabadhaada u socda xaaskaaga kuma qanco)

    Waan garan waayay waxa maahmaahdaas kusoo dhex daray dhaqanka soomaalida.


  14. Source: Jamal M. Osman.

    Source Nin wayn ma'ahan,

    Si' kastaba Ethiopia iyo Kenya labaduba way joogeen Somalia ayagoo koofiýadoodii cagaar looga dhigay wax cusub ma'ahan

    Ethiopia ninkay iska ilaalinaysay ilaalin mayso, kenyana sidoo kale

    Taageeraayaasha madoobe marna Ethiopia waxay noo tusayaan cadaw farmàajo la socda, marna waxay ka doonayaan dimuquraadiyad iyo walaaltinimo.

    Sababta aragtidayda ku kaliftayna waa inay kenya kasii jeedeeyaan indhaha shacabka oo baryahaan dambe si toos ah u laab kicisay

    Arinta axmad madoobe

    Waa jaahil aan waxba ù kala saarnayn una dhaqma sidii ina iley iyo nadaamkii luyu police'ka oo kale.

    Wuxuu samaystay kutlad ama casaabad lacagta dhuxusha la qaybsata oo ka kooban qabiilada oo dhan

    Hadaad doonayso inaad ogaato wax yar oo dhaliila ka sheeg nadaamkiisa adoo jooga kismayo.

    Wuxuu sameeyay labo madaxweyne ku xigeen, soomaaliya waa la arkay nin labo xaas iyo ka badan leh, balse waligeed lama arag nin labo madaxweyne ku xigeen samaysamta, oo labada gees ka fadhiyaan oo si raali ahna u ilka cadaynaya.

    Haduu dib isu doorto mar kale iskuna haleeyo kenya waxay keenaysaa cawaaqib aad u xun aragtidayda.

     

     


  15. Suldaan
    Farmaajo haduu rash ama bula-layr dhaco wuu naxaa waligiis cid ma dilin mana dhibaatayn.

    Maalinkii la doortay yaa dumarkii iyo caruurtii ubax soo gureen oo banaanka usoo baxeen

    Adiguna waxaad doonaysaa inaad Mr.biixi oo soomaali barkeed soo dilay xajka kusoo maydho oo waliba jano gayso qabyaalad darteed.!


  16. 6 hours ago, Suldaanka said:

    Acmaasha oo dhan waa 'al-niyah'. Waxa kale oo dhan waa 'worldly' things. 

    Siday Somalidu tidha 'Ninkii Isha daba, aadmiga ayaa arka... ninkii uurka daba, ilaahay ayaa arka'. Kolka hadii acmaalsha oo dhan al-niyah, tahay, ilaahay ayuunba arkaaya, bini-aadam wax uu ka sheegi karo ama mizaan uu saari karaa ma jirto. Waa iska uun hadal iyo nin wakhtiga iska lumiyay. 

    Dad badan ayaa cuqdad nafsiyah iska qaba. Madaxweyne Muse Bixi ilaahiisi adoonka u ahaa, ayu danbi dhaaf iyo duco ba waydiistay. Waxaan leenahay ilaahay ducoda iyo ajarka uu shaqaystay ha ka aqbalo. Aaamin. 

     

    Suldaan

    Niyadu waa quluubta ilaahay baana bad badela awoowe
    Islaantii caasiga ahayd oo eyga waraabisay way ku jano tagtay niyadeedana allaa toosiyay

    اللهم يا مقلب القلوب ثبت قلبي على دينك 
    Ducadaas ku dar markaad sujuuda dhulka dhigto salaada.

    Shareecadu qofna kama maanacdo ama uma diido cibaado.

    Haduu gaal kuu yimaado intaad Australia joogto oo ku yiraahdo waan soo muslimay ee meel i gee intaadan culumada u gayn adigu ashahaàdada u qabo marka hore, lama oga inaad masaajidka gaari doontaan iyo in kale.

    Mowduucu waxaa weeye biixi waa mujaahid been abuura oo aan xaq kùsoo dagaalamin muslin badana soo laayay, wayna kala duwantahay dambiga aad alle ka gasho iyo kan aadanaha ka gasho.

    Si kastaba ilaahay waa qafuuru raxiim asagaa wax isku toosiya

    اللهم أحسن خاتمتنا