gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Odweyne.

    Shacabka Soomaaliyeed, farmaajo iyo snm way u kala gar qaadeen saaxiib adaa hurdo kula tagtay.

    Wuxuu noqday nin shaqada uu owoodo kaliya u qabta dalkiisa iyo dadkiisa mana qoslo inta badan.

    Ethiopia inuu idinka reebo waa ka kow.

    Carabtuna hantida qaranka soomaaliyeed xaqul qalin ku qaadan sharcina ahayn in la boobo dalka waa labo

    In hantida caalamku bixiyo si cadaalad ah ula socdaan, ama federaalku ka war hayo waa sadex.

    Waa intaas waxa snm la barooranayso walaal oo u badan boob iyo dhac.

    Waana waajib qof kastoo karti leh qaban lahaa.

    Tan xadka 
    Waxay la xiriirtaa ajandaha aan horay ugasoo hadlay oo snm ku shaqayso oo ah in dadku isku dilo waxaan jirin si dhulku u banaanaado.


  2. Suldaan 
    Saaxiib xaqiiqdu way nawada anfacaysaa indho la'aan xaqa loogama boodo.

    Bistooladahan waxaa lagu dili lahaa soomaali, mana qabo 98% in shacabka waqooyigu jecel yihiin in dhiigga soomaalidu daato.

    Snm hadafkeedu aqoonsi doon ma'ahan waa inay soomaalida barto inaysan is aaminin dalkoodana qabiil u kala qaybsadaan, laysku dilo, lagana haajiro asagoo banaan lagu wareejiyo dadkii loogu talo galay.

    Mushkiladaadu waxaa weeyaan ma doonaysid inaad baarto cidii ka dambaysay aasaaska snm.

    Is waydii su'aalaha ugu fudud oo aad ka duuli karto.

    Snm ma calan doon bay ahayd? Mise xukun doon?

    Haday calan doon ahaan lahaayeen waxay la bixi lahaayeen dagaalkii sokeeye

    (Jabhadda xornima-doonka ee somaliland)

    Waxay qayb wayn ku yeelan lahayd in laydin aqoonsado sida South Sudan mar hore, wada hadal iyo iska daba wareeg laysuguma yimaadeen.

    Haday xukun doon ahaayeen markii siyaad barre baxay, bay soomaali oo dhan uga talin lahaayeen hargaysa oo ahayd caasimadii 2aad ee soomaaliya.

    Odweyne
    Beeshaadu gob weeye ninkii caayana waa doqon, waana dad qalbi fiican, waxaa laydiin aqoonsan la'yahay oo meel walba laydinkasoo xirayaa waa dadnimo laydinku ogyahay xumaan ha u qaadan.

    Nimanyahow wakhtiigiina geliya wax umadoo dhan anfaca snm waa cadawga soomaalida oo dhan

    Beeshaan aad qaranka ugu yeeraysaan  iyo snm waa kala laba.

    Markaad yeelato soomaaliya oo dhan ama aad xorowdaan qaran la baxa inta ka horaysa waxba ma tihidin.


     


  3. Suldaan
    Dawladaha waa wayn oo xabsiyadooda aadka loo ilaaliyo yaa maxabiistu ka baxsadaan siiba kuwa mafia'da ah, wax cusub ma'ahan ama lala yaabo.

     

    Galbeedi
    Saaxiib farmaajo hadii dawladiisu boqol isku jufo ah ay disho cid reerkiisa wax u haysata ama aano qabiil ugu imaan karta ma jirto.

    Jufooyinku waxay ka xaalaan wixii dhex mara degaankooda balse siyaasad dawlad kale dhexdeed iskama raadsadaan, farmaajana jufo uma shaqeeyo.

    Hadii la dhaho ninkii kaluun baa cunay gacantiisa kaliya yaa la helay maysan shireen nin dhintay asagu uguma horayn.

    Dhanka qabiilka hadii lasii raaco farmaajo iyo asagu waa isku jufo.

    Dawalada waxaa dhib uga imaan karaa 2 arimood

    In sidii qalbi dhagax shaqo aysan ogayn loogu labiso, oo ninkaas si dadban loo khaarijiyo.

    Iyo inay laaluush badan ku bixiyeen kenya iyo axmad madoobe siduu u baxsan lahaa, uguna dhigan lahaayeen machine ay kula dagaalamaan dawlada iyo reer gedo caam ahaan.

    Dhaliisha dawladda.
    Dawlad hadaad maqasho waa ciidan

    Ciidanku wuxuu leeyahay laba malaku-mowd ama labo jeer buu dhintaa.

    Kan koowaad waa sharciga oo dili kara

    Kan labaadna waa cadawga oo dili kara.

    Hadii hal mida shaqeeyo ama beelo looga baqo, ciidan ma noqonayo waligiis, layskumana halayn karo.

    Waxaa la rabaa inay sharciga ciidanka ka hor mariso kan cadawga 10 askari oo sharciga ka baqa, way ka fiican yihiin kumanaan askari oo aan sharciga ciidanka ka baqin.


  4. Markuu xirnaa maxay u hadli waayeen? 

    Hada lafahooda, bay u baqeen sidaan filayo,  waa inay iska dhigaan wiilkoodii ay jeclaayeen oo la waayay.

    Ninkanu mujrim axmed madoobe dadkiisa ku laayo yuu ahaa, wax yar yuu kasoo reebay reer doolow.

    Waa midkay lahaayeen ina (canbaashe) ee reer sool oo kale. 

    Labaduba jufadooda hoose bay xasuuqeen xoogaa dhadhama ah darteed.

    Kismaayo waxay noqotay meel dadka dambiilayaasha iyo gangster lagu xanaaneeyo kenyatigu ku ilaaliyo.


  5. Dr.Galbeedi

    Markhaati waxaan ka ahay inaad indheer garad tahay
    Farmaajo sadexda qabiil oo dhibka wada way kasoo horjeedaan isku si bayna u neceb yihiin.

    Soomaali ninkay nacdo iyo midka ay caydo ka qaado.

    Waxaa taageersan waa xoogmaal iyo wax garad.

    Reer waqooyigu caam ahaan dhqanka koonfurta iyo noloshooda waxay ka yaqaanaan mid maalin dhar u dhaqay ama oobile ah iyo makhaayad uu ku arkay.

    Waan idin baray galmudug intii tabartay ah.

    Hadda khayre haduu kusoo noqdo dhuusa-mareeb way heshiinayaan.

    Laakiin waxaa la rabaa intay saxanka ku fooraraan in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la doorto, haday fara-xashaan, baahidii meeshii bay ka bilaabanaysaa iyo ka badan.

    Tan aaminaada 
    Kan ay leeyihiin dawladaa wadata yaa laga yaabaa inuu ka dhib badnaado kuwii ka horeeyay.

    Dhaqanka

    Reer miyigoodu markuu is dilo way isu yimaadaan wayna heshiiyaan waxaa laga yaabaa inay xoolo kala qaataan oo is gacan qaadaan.

    Gabdhana waa laysa siiyaa si dadku xidid iyo rixim u noqdo.

    Isla habeenkii uu gabadha aroosay yaa laga yabaa inuu walaalkeed soo dilo.

    Gabadhiina dhurwaa baa cunay walaalkeedna waa dhintay waa labo khasaaro.

    Waxaa taas kasii daran isla subixii yaa laga yaabaa inuu sodogii oo tiiraanyaysan, subag iyo caano beec ah u keeno.

    Nimankan dawlad waxaa loogu dhisi karaa oo kaliya ayadoo mid un layska magacaabo inta kalana layska fasaxo kii isbaara dhiganaya iyo kii xadraynaya.

    Lagama yaabo xataa inay asbuuc wada socdaan.


  6. Ethiopia sirdoonkooda yaa la nool meel fog hub ma gaarsiin karaan.

    Waa punland iyo koonfurta waxay hadhuubkooda gediyeen, ayagoo wajiyo badan.

    Dekadda qalalan, bur iyo sonkor   noogasoo dejin maayaan.

    Dal-waynaha puntland xuduudkiisu waa sadexda marso ee boosaaso iyo doomaha ku xiran, inta kale snm yaa ka masuula.

    Cadawga puntland waa dawlada dhexe oo ladhisay puntland oo qaangaara.

    Qodobka 52aad yaa wax walba ku dhanyihiin furqadiisa labaad

    Waxbarashada way ka manhaj horaysay aydoon guriba ka dhisnayn koonfurta yaa laga qalinjibin jiray iskoolada dalka punland.

    Sharciga batroolka iyo kaluumaysiga waa isla qodabka firqadiisa(B)

    Doorashada qof iyo cod waa in marka hore puntland lagu tijaabiyo hadii kale sharci noqon mayso.

    Snm 40 sano bay sahyuuniyad u shaqaynayeen, cadawgeeduna waa soomaali, guri dayacan haday hesho waa sidaad doonto ugu galgalo aboowe.


     


  7. Snm waa ku saxan yihiin inay ahaayeen maskaxdii duminta qaranimada soomaaliya.

    Waxaad raadisaan labo su'aalood jawaabteeda

    1- Maxay ahayd sababta ku kaliftay inay dagaalamaan markeedii horaba?

    2- Muxuu ahaa hadafkoodu dagaalka ka dib?

    Hadii aad ka hesho jawaab waafi ah dagaalkoodu xaq buu ahaa.

    Hadii aad ka waydo jawaab sax ah waxay u shaqaynayeen yuhuudaas caruurta daahirka ah hargaysa ku dhunkanaya maanta.

    Waa wax aad u sahlan fahamkeedu walaalayaal.

    Usc buur baa lagasoo daadiyay wabina way isku buurteen, balse waxaa laga heli jiray dad shisheeyaha neceb inkastoo ay hadda is badaleen.

    Xuseen kulmiye alaha u naxariistee, bay xaflad u dhigeen una mashxaradeen.

    Wuxuuna ku yiri in aadnan dawlad waxba ka aqoon yaa ii muuqata.

    Waxay ku abaal marinayeen inuu ahaa ku xigeenkii siyaad barre ayagoo shacab qabiil dartiis ku laynaya.


  8. 2 hours ago, Apophis said:

    If it wasn’t for Mohamud Barrow, chief of the Kenya army back then he would have been captured by Aideed and shot.

    And rightfully soI might add.

    He run from Gedo and we know how Aideed took his revenge.

     

     

     

    Saxib 
    Mahamud Barrow, kuwan uunsanaya miyuu ka caqli badnaa?

    Adeer

    Daniel arab moi wuu kala yaqaanay libaax waraabe dhaawacay iyo doofaar uu dhaqdo.


  9. 5 hours ago, Oodweyne said:

    Hello Folks,

    Would somebody be good enough to tell this sniffling, low-born, aggravating, troll, call Gooni, that what we are actually discussing in this threat is stuff like history (a verifiable history, no less). Political philosophy (as in the origin of "Faqash Ideological concept"). And finally, we are homing-on into the "telltale sign" of the reality of any State or nation that in turn will indicate as to whether they are "susceptible" (and why) to that sort of "virulent political ideology", like so much a bad virus that could be in the air.

    All of that, therefore, is wordy (or mouthful) way of saying that since he hasn't got much of anything of substance to which to contribute in here. Then he really ought to make himself disappear from here, and go on to sell his "trolling tactics" at some where else, really. 

    My friend 

    You never made a good and helth debate ever.
    Why you going court without shoes?

    Hadii aadan doonayn ra'yiga dadka kale duriyada ha dhaafin.

    Aabihii umadana been haka sheegin haduu sidii azad idiin layn lahaa maanta sawirkiisa yaad dhunkan lahayd magiciisana waxaad ka hor marin lahayd (sayid) ka dibna (Ra'iis.)


  10. Taariikhda waxaa laga qoraa caddaan iyo madaw midkood ama waa laysku dhex daraa.

    Caddaanka iyo quruxdeedu waa intuu talada hayay oo aan bini aadamka u ekayn.

    Madawga iyo foolxumadeeduna waa intuu tagay oo aan bahalada noqonay.

    Snm waxay isku meel dhigaysa bashaar azad iyo siyaad barre

    Azad wali wakiilkiisii wuxuu ka dhex doodayaa qaramada midoobay ama UN'ka.

    Aydoo aduunkoo dhan daawanayo fuustooyin qarax wada oo dadka guryahooda ku duminaya.

    ilmo radiic ah ama naaska hooyadii kaliya ku nool oo hooyadii dhagax hoostii ku dhimatay asna lug ka go'ay bay daawadaan maalin walba.

    Smn maskax la'aantooda diyaarado hargaysa kor maray, labo gabdhood oo ku dhicisay, bay taariikh aqoonsi ka dhigteen.


  11. Galbeedi
    Ilmahan waa habaw asagaa u baahan in  reerkiisii loo geeyo,
    Adeerkiis axmed madoobe yuu soomaali oo dhan ka yaqaan dal iyo dadba.

    Arintu farmaajo iyo khayre ma'ahan aragtidayda

    Arintu waxa ku taxaluqdaa (Nadaam)
    Waana mushkilada koowaad oo reer gal-mudug haysata.

    Waxaan kuu shagayo kaftan iyo cay midna ma'aha waligaa khalad ha iga fahmin.

    Reer gal mudug waxa ay ku heshiin karaan oo kaliya waa  (isbaaro) iyo jufooyinka sidee loogu qaybiyaa.

    Been kuu sheegi maayee hal maalin gelinkeed bay ku kala tuuri lahaayeen, faataxadana isugu mari lahaayeen.

    Nadaamkuna wuxuu ka hor imaanayaa isbaarada suuqa-madaw burcad badeedka doollarka madaw dadka layska dilo iwm.

    Ama farmaajo ha tago ama khayre haka hor maro, haday gal mudug intay heshiiyaan horay isu raacaan waxaan kuu sheego dib dambe ha u akhrin.

    Deegaanada soomaalida dhamaantiis cuqubo badan yaa  laga goynayaa walaal, waana dambi ay horay u galeen.

    Qaar cuqdad yaa lagu saladay oo dad xanuusan bay daawo ka doonayaan.

    Qaar caqli xumo yaa lagu saladay, dab-qaad iyo foox bay ka daba wadaan gaalo gumaysata.

    Qaar inay fidno ka shaqeeyaan yaa lagu saladay iyo dhaqan dumar.

    Qaar imaan la'aan yaa lagu saladay iyo inay xaaraan cunaan.

    Qaar ayagoo wabiyadii kor fadhiya yaa haraad lagu saladay.

    Qowmka la ciqaabo alle ma nicin rajay leeyihiin, waxaa loo fududeeyaa xisaabta aakhiro mar haday aduunka ku ceeboobeen.

    Waligaa dhanka siyaasada ha uga hadlin maamulada soomaalida dhanka dhaqanka ka fiiri.
    Waano abuur baa ka horaysay.


     


  12. Qaar waxay leeyihiin dawladaa fara gelin ba'an nagu haysa

    Qaarna waxay leeyihiin dawladii yaa isu kaana daysay oo isaga kaana dhex baxday suuro galna ma'ahan la'aanteed.

    Qaar kalena waxay leeyihiin baarlamaankaan ku jirnaa hadana lama shaqayn karno waa inaan ka mid ahaano, hadana si gooni ah u tukano.

    Qaar baraxley bay kitaab ku mariyeen dad aan aqoon kitaabka quraanka iyo waxa ku qoran.

    Kuwo waxay leeyihiin sida puntland aan arimaheena u madax banaano

    Kuwana waxay leeyihiin puntland kuma dayan karno waa dad nooga horumarsan dhanka qabiilaysiga iyo sida qaran lookala kaxeeyo.

    Kuwa kalana waxay leeyihiin dhaqaalaha yaan nalaga hor istaagin si gunooyinkii iyo mushaarkii laysu soo raaciyo doorashada ka dib.

    M00ryaan ama xoog baa lagu xukumaa ama hadaad awoodi waydo turkiga yaa guryo laga dhistaa sidii kuwii kaa horeeyay.

    Ĺaakiin walaalow iyo soo culumo ma tihidin iyo aaway cahdigii aad gasheen shaqo kuma leh.

    Isbaaro iyo ribo dad ku koray xaq gacanta u taagi maayaan waa inaysan dawladu fuusto daloosha buuxin.


  13. Guul-wade haadalkiisu waa sax 100%. 

    Dhinaca snm ka istaagtay oo kiiska isaga waalayso waa dhinaca uu cudurku uga jiro, daawana malaha. 

    Cudurka magiciisana waxaa la dhahaa (Been)

    Waan idiin sheegi sababta uu u saxan yahay guul-wade hadalkiisu.

    Hadii guriga caruurta aad dhashay kuu degan tahay abeeso gasho, yaa ka masuula inuu abeesada kasoo saaro?

    Aabaha reerka, soo maaha?

    Jawaabtu waa Haa ama (Nacam.)

    Ka waran haduu foox shido oo ducaysto iskana seexdo, abeesadu ma iskeed bay isaga tagi, mise caruurta way cuni?

    Jawaabtu waa (Maya) iskeed u tagi mayso, waa inuu guriga kula dhex dagaalamaa wax alle wuxuu heli karo kana soo saaraa 

    Hadii kale intay caruurta cunto bay guriga dariska ah hadana u gudbi.

    Dagaalkaas rayidkii ku dhinta sababteeda abeesadaa leh, odaygii dadaalayay dambi in la saaro xaq ma'ahan.

    Aabe siyaad caruurtuu dhalay iyo kuwa hargaysa joogay isugu mid bay ahaayeen waa hadaad xaqiiqda rabtaan.

    Usc dad shacab ah bay laysay oo aan hubaysnayn.

    Madaxdoodii waa senators  
    Yalaxow, qaybdiid, Galaal waa ragga masiirka noo ilaaliya maanta.

    Wax daba taagan oo dacwaynaya ma aragteen?
    Jawaabtu waa (Maya)
    Ayagaaba dacwad qaba wali.

    Ogow shacabka ay laayeen hayb kaliya bay u dhinteen mana hubaysnayn.

    Miro barde duuduub baa loo liqaa macnaheeda ma taqaaniin boowayaal?

    Miraha barduhu waa nabadda waana macaan.

    Hadaad gudaha finjisho wax xasharaad u eg oo aad diidayso yaa kasoo dhex bixi, duuduub yaa loo cunaa ayagoo macaan waana nabadoo kale.

    Ka dib waad cayili caruur badana way kuu dhalan insha-alah.

    Snm dhaqankoodu dhaqan soomaaliyeed ma'ahan waana mida keentay in sanad walba cuqdad la cusboonaysiiyo.

    Waxaan kula talin lahaa inay boqorada u tagaan ayagoo isku duuban, soona kaxeeyaan dadkii u shaqayn jiray markay soomaliland xukumi jireen wixii ka nool, kuna dhaartaan inaysan qasarka boqoradda ka baxayn ilaa la aqoonsigooda farta laga saaro.
    Intaan ka badan waa waali.

    Wada-hadal.
    Xasuuq.
    Duyaarado.
    Afweyne.
    Faqash.

    Farmaajo.
    Duriyad.
    Beesha dhexe.
    Ciidda-gale.
    Dhamaad maleh.


     


  14. 6 hours ago, Che -Guevara said:

    These so-called talks are pointless!

    Absolutely useless talk.
    Westen time and money.

    They wasn't freedom fighters,they made fake history and dreamed British empire ones again.

    Ma dhalan mana dhalan doono madaxweyne raali ka noqon kara in dhul soomaaliyeed beel habawsan ku wareejiyo.

    Dr oodjiite
    Gobolada soomaaliya waa 18 gobol, kuligoodna khayraad baa ka buuxa ma jiro gobol aan gaar u leeyahay.

    Kala baro gobolada dalkaaga
    Waqooyi galbeed waxuu kaga fiicantahay gobolada kale jawiga qabaw iyo biyaha macaan hadii laga helo.

    Gedo labajeer yuu ka wayn yahay waqooyi galbeed, labo wabina way maraan, labo xuduud ganacsina waa leeyahay, dad badana ma degana dad buu u baahanyahay ka shaqaysta.

    Bari waa gobolka ugu wayn soomaaliya, wuxuu dhacaa meel u dhaw gacanka khaliijka carabta waana istaatiiji ku fiican ganasiga

    Gobolada dhexe waa dhul san ku wanaagsan xoolo dhaqashada iyo kaluumaysiga labadaba.

    Koonfurta oo dhan waad garanaysaa khayraadkooda  shabeelada hoose, hiiraan, shabeelada dhexe, baay iyo bakool.

    Jubada hoose iyo jubada dhexe waa beero xoolo iyo kaluun isku af-jaran

    Barwaaqadaas dhulka soomaaliyeed yaala waxaad cuni doontaa markii ingiriisku ku aqoonsado.


     


  15. C/raxmaan guulwade waa dadka yar oo fara ku tiriska ah oo fahamsanaa ajandaha snm allaha noo xafido inta hartay.

    Nuxurka hadalkiisana waa cadaw dadkaaga kala qaybinaya oo dagaalamaya, masaakiin la laayay bay ahaayeen inaysan wax shaqaynaya ahayn.

    Caadifada iyo xaqiiqdu yaysan isaga kiin qasmin.

    Midnamadu waa wax loo wada baahanyahay ma'ahan sida snm u taqaan.

    Hadii qof runta sheego ama ra'yigiisa dhiibto, dhinicii nabarku ku yaalay yaan u seexanaynaa sheeko rageed ma'ahan waxa dhintay waa dad soomaaliyeed labada dhinacba alaha u naxariisto dhamaantood.


    Dr oodjiite.

    Longfooted waligood siyaad barre maysan difaacin  qabiil iyo qaran ahaan midnaba waa dad ilaahay xaalkooda ogyahay.

    Dadka difaaca waa dad wax garad ah oo beelahoo dhan ka mida, marka lagu daro beesha aad u walaatay aqoonsigeeda.

    Iska hubi C/raxmaan guulwade beeshiisa adigoo ku cabir qaadanaya caqligiisa.

    Qabiilada hadaadan kala aqoon anigoo waraaqahayga ka qaatay waad iga fiicantahaye, ee maad iska daysid?


    Ciidanka guulwadayaashu waxay ahaayeen (جيش الشعب)
    Ama ciidan bulshadoo dhan ka kooban rag iyo dumar, oo hoos taga X.H.K.S

    Barigii aad nabada ku aadi jirtay jaamacadii lafoole waxay ahaayeen dadkii ku ilaalin jiray inaad noqoto kii naftiisa dadkiisa iyo dalkiisaba anfaca.

    Balse waxaad noqotay taas cagsigeed daciif beel ku indho beelay.


  16. Saaxiib ditoore

    Hargaysa dadka qaarkiis waxay qubaystaan marka roobku da'o ama sanadkiiba mar.

    Biyo ay cabaana ma haystaan mashruuc yaroo hay'aduhu ku dayac tiri lahaayeen ceelashii aabe siyaad qodayna waa lagu qayilay ama waa la lunsaday.

    Nimankaa madaxda aduunka hortooda sharafta ku leh una shaqaynaya qarankooda soomaaliyeed  ha bar-bardhigin casaabad marqaansan, adigoo is indho tiraya.


  17. Farmaajo isma tuseen cabdi xaashi iyo sanbaloolshe hadii takhdiidku asagu lahaa.

    Wuxuu kaliya oo kashifmi lahaa ayadoo odayaashaa daacada ah ay la kulmaan qalbi dhagax.

    Wax la fahmi waayo ma'ahan hadalka sanbaloolshe waa hadalkii ciyaal bacaadka.