Showqi

Nomads
  • Content Count

    2,610
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Showqi


  1. Tallaabo;920555 wrote:
    ^ Is this the the thing..... hmmmm bahalka dee.....kii dee... muxuu ahaa dee?

    Muraayadii indhaha baad u baahantahay adigu. Waar waa laba nin oo dhagaha isa saaray,,,,,,bahalkii baa meel walba kaaga muuqda:D:D


  2. Horta Soomaalida maxaa dagaalka jecleysiiyey! Hadii aanay dagaalka wadankooda ka socda ka sheekeyneynin, waxay ka sheekeynayaan ka wadan kale ka socda


  3. Coofle, sxb bal sug aan isku dayo inta aan garanayo

    Halkaas maroo, muuqaa la waa? Waa raadkaagii oo roob kaaga dambeeyey

    Wax cirka taar ku leh, dhulka taar ku leh, tagoogi orgi leh, tunka shaash ku leh? Waa dabeeysha

    Xeradayadu waa wada uloo, ul la qaato ma leh? Waa geesaha riyaha

     

    Googaa:

     

    Injir mara siddeeda qabta,oo mara sagaala huwan, oo wiyil daadihinaysa,oo maroodi dhegta haysa oo riyo daad ka eryaysa


  4. Alpha Blondy;917615 wrote:
    ^ that was just my opening speech. its a week long shirweyne and i'll add to these comments over the coming week. the theme of the shirweynaha is:
    SOL: The Way Forward and Protecting Freedom of Speech

     

    Freedom of Speech ku lahaa! ma waxaad dooneysaa in aad dadka ku durduriso? waar yaan meesha lagaa eryin:D


  5. Jacaylbaro;915795 wrote:
    :D:D
    ,,,, Irbadda dharka

    Waa sax................ Qolooyinkii Googaaleysiga ku soo koray ayaad aheyd ileyn:D

     

     

    Ninbaa wuxuu shaqeyn jiray habeenkii (Night shift), Xaas iyo afar caruur ahna wuu lahaa. Nasiibdaro wuxuu wakhti fiican u waayey xaaskiisii. Waayo habeenkii wuxuu ku maqanyahay shaqo maalintana afarta caruurta ah ayaa aqalka ka boodboodaya oo xaaskiisii mashquul ka dhigay. Wuxuu muddo adkeystaba malintii dambe ayuu caruurtii u fakeray. Subax Jimce ah abaara 10kii subaxnimo ayuu afartiisii ciyaalka ahaa u yeedhay, markaasuu ku yidhi: ilmaheey 20kan shillin qaata baxa Sambuus noo soo gada. Markii ay albaabkii ka bixi gaadheen ayuu ku yidhi kaalaya kaalaya! Sambuus noocee aa ii soo gadeysiin? waxay ku yidhaahdeen: Sambuus bataati iyo hilib ah nooh, Sambuus saddexgeesle ah nooh. Wuxuu ku yidhi Sambuus saddexgeesle ah ha soo gadina ee mid afargeesle ah soo gada. Ciyaalkii socodkii ay ka bilaabeen xaafada Shingaani waxay ku gaadheen xaafada Waabari, makhaayad kasta oo ay tagaan waxaa yalay Sambuus saddexgeesle ah....:D


  6. Taleexi;912867 wrote:
    Showqi - Mahadsanid, faraaba iga haysaa, qurbihii waa lagu asaasaqay. Did u go to KPP, Kowda Maajo, Shiikh Madar?!

    Maya sxb, I went to hoose/dhexe Dhagaxtuur iyo Banaadir Secondary School. Sol reer KKP ayaa ka buuxa, is ilaali baan ku idhi. Shan baabaco iyo nus ayaa lagaa hayaa;)